Wednesday, December 7, 2011



BAROORTII HOOYADEEN!

4tii bishii Mey 2008da baan ka dhegeystay warsidaha BBC/da war quduro iyo qalbi xanuun leh, war dhiillo iyo dhakafaar leh, war uurkutaallo iyo iin dambe leh, war amakaag iyo argagax leh.

Waxaa la wariyey hooyo ka hagaagi weyday meel ka mida xeebaha Yeman ka dib, markii lagu waayey seddex carruura oo ay dhashay iyo wedeygeedii nolosha badda. Waxaa kaloo la wariyey in markii ay ka samri weyday sugaalkii kuway ku ildoogsan jirtay la siiyey kiniiniga hurdada si meesha looga wado. Sheekada hooyadaan mixnaddu ku dhacday waxay la xiriirta dadka S/liyeed ee sida joogtada uga qaxa dalkeennii mar ahaa agaagsaha ee loo rogay cadaabtii ifka. Malaha markay hooyada sheekadaani weyday habkii dhallaankeeda ay ku anqarin laheyd ama ay kala cabsatay holaca baaruudda iyo hanqarka madfaca, bay istiri badbaadi ilwaaddii naftaada.

Hooyo waa tii uurkeeda aan ku wada abuurannay. Waa tii sannad dhawaadkii nagu wadday ilma-sidaheeda, ka dibna na fuulisay guradeeda ilaa intaan ka gaamurno oo addimadeenna ku soconno. Waa tii na jaqsiisay naaseheeda oo naga quudisay dhacaankeeda. Waa tii na huwisay oo oogadeenna ka dhawrtay dhaxan iyo kuleylba. Waa tii nagu dallaamlimeysay naxariisteeda. Waa tii goorey tahayba aan ka daalin xannaanadeenna. Waa tii na hadaaq bartay oo horseedday inaan aftahanno noqonno. Waa tii afyaalka u aheyd waa noolba danaheenna. Hooyadaas lagu gabawaray xeebaha Yemanna idilkeen waa hooyadeen, waayo hooyo waa hooyo.

Doonni xorxosh ah oo heeraab iyo shaamaan liita leh baa bad-dhac qaalley ah ku dhoobay walaalaheen iyo hooyadeen oo wehelisa. Waxay ka baaryoontay qoolaabkii burcadda badda, waxaana lagu dawiyey badweynta qowjadda ah ee hirarka qamaamaye leh. Intay kawiriyeen bay goor hameynkii seddex dalool tagay oo gudcur ah, daruurihii roobna guulaameynayaan, cirkuna karaar hoorayo, mawjaduhuna is hardinayaan, xiiskuna xawli-dhaaf yahay, doontiina daaladhacayso oo dalanbaabi tahay, baa badmaaxdii habaarneyd ku karkabeeyeen hooyadeen iyo walaalaheen inay ku hoobtaan baddii hinraageysay. Kii yare dhasiigana waxaa lagu boobay baadadka qoryaha. Waxaa walaalaheen la tagay maskar waalan, aseebe iyo shaqaawis. Waxay hooyadeen abbaanow tiri eydii badda ee aynabtay gacalkeen oo aan jimica laheyn. Waxay walaalaheen haatan la daris yihiin tammaanta, lajiga iyo cangleesha. Waxay hooyadeen oo murduxan habsatay xeebtii ay ku taallay Xeradii Jaxiima ee jahannamadii Xamar dhaantay. Waxay laba gardeymooneysay baddii bulxameysay iyadoo gawnaxyada buureysa oo ilmadu gobo’ leedahay, geestay daydaba waxay isha guluc lihi ka goobeysay gurboodkeedii aakhiro u guuray. Maxay galabsatay hooyadeen oo guuldarrooyinkaas loo baday?

Cidna gashi kamey qabin ee dugaalkeedii baa dab la geliyey, dhulkeedii durdurka ahaana waa la dowriyay. Waxaa hore loo dumiyay dawladdii u aheyd dalaalnimada. Waxaa dalkeedii oo idil gaalaabaxay balaayo duulaysa oo waxay aragtaba dajineysa. Waxaa dalkeedii looga soo duulay dul iyo hoosba. Waxaa dukundaakun laga dhigay dad iyo dunqaaraba wixii noolaa. Waxaa daleel walba la waray hadba kii door ahaa, wuxuuna diricii noqday mid lagu diimo. Waxaa doc walba arladii diinnaaheyay sawaab dardaran oo qorigu u yahay awoodda uu ku daneysto. Deris iyo xigaalaba dadkii wuxuu u dillaamay dibadaha iyo dalal qalaad, waxayna daltabyo ku haysaa dacallada dunidoo idil. Diiftaas saabatay dalkii hooyo waxaa loogu dawgalay dawdarro aan diihaalka xoogga iyo hungurigu uusan damaheyn.
Waxaa loogu dawgalay ardallo doobbada qabiilku u tahay dallacaad iyo derajo. Waxaa loogu dawgalay Aw doqona oo dardaran oo  garaadkiisa dalleensan iyo damaciisa adduun ku daboolaya diinta oo daw u sameystay dilka iyo deli-ka-tuurka danyarta uu daashaday qaska iyo qalalaasuhu. Dufowgaas wada gaaray dalkii hooyo baa hooyadeenna sheekadaanna ku dirqiyey inay dallaabto oo badaha ka tallowdo. Wayse ku dabrowday oo ku durriyad wayday, wana taas deexda yuurudha oo ilmadu da’ayso!