Wednesday, July 31, 2013

Ababkii Nabi Maxammad Iyo Kaahii Weynaa Ee Islaamka-4aad

Ababkii Nabi Maxammad Iyo Kaahii Weynaa Ee Islaamka-4aad

Bilawgii Waxyiga:
Muddo sannado ah baa Maxmmad (NNK) ka murugooday oo ka walwalay xumihii tahan-dhaafka ahaa ee tolkiisu ku dhaqmi jiray. Marar badan oo uu ku wareegaayay Kacbada baa sida la wariyay, waxaa maankiisa ku soo dhacay su’aalo ay ka mid aheyd ; maxaan ahay? Waa maxay waxaan aan ku dhex noolahay? Waa maxay noloshu? Waa maxay Dhimashadu? Maxaan rumaystaa?

Si uu uga fogaado dhaqammada xun ee reer tolkiis iyo si uu ugu kaliyaysto maamintiisa baa wuxuu joogtaystay inuu fuulo buur la yiraahdo Jabal al-Nuur (Buurtii Iftiinka) oo ku taal duleedka Maka, kadibna uu galo bohol la yiraahdo Qaar al-Xiraa (Bohoshii Xiraa) oo buurtaas ku dhex taal. Halkaas buu marmar ku har baajin jiray ama habaynno ku dhixi jiray. Maalinba maalinta ka dambaysa wuxuu sii kordhinaayay kali-ahaanshihiisii, wuxuuna laabtiisa u furay Weynihii Abuuray, asagoo ka durraamanaayo inuu ku duwo dhabbaha toosan una iftiimiyo dawga hagaasan.  Marar baa jirtay uu ku raagi jiray u-go’doonka xagga Eebbe, waxayna mararkaas oo kale, gacaladiisii Khadiijo u keeni jirtay cunno. Wuxuu sidaas ahaadaba, habeynkuu afartan jirsaday baa waxaa godkuu ku sugnaa uga hillaacay Kaahii Weynaha uunkoo dhan abuuray. Sida la sheegay habeynkaas oo ku beegnaa bilawgii Bisha Ramadaanka, dayaxu wuxuu si toos u dul hoganaayay Buurtii Iftiinka. Shinbiruhu waxay ku sugnaayeen buulashoodii, mana jirin cod ama nuuxsi habeynkaas labaayay oo sharqamaayay. Habeynkaas waxaa jiray dhulka iyo cirarka oo ay bishu ka dhex birqeysay. Si kadis ah buu u dareemay la-joogitaanka ahaade sarreeya, wuxuuna ka qaaday argagax iyo qaadan-waa. Wuxuu u cararay gurigiisii isagoo gariiraya oo leh; Khadiijaay i dad, i dad Khadiijaay. Markii ay daday Khadiijo oo uu cabbaar joogay bay sikatadii ka ba’day, wuuna soo fariistay oo u warramay Khadiija: waxaa caawa iiga muuqday Bohoshii Xiraa hummaag yaab leh. Wuxuu hummaaggii igu yiri; waxaan ahay Jibriil, waxaana i soo diray Eebbe, kadibna wuxuu igu yiri; akhri, aniguna waxaan ku iri; wax ma akhriyo. Wuxuu si xooggan iiga qabtay xabadka wuxuuna igu yiri; akhri, aniguna isla jawaabtii baan siiyay. Wuxuu igu celiyay qabashadii isagoo mar labaad leh; akhri wuuna i sii daayay. Markii seddexaad buu inta laabta i saaray igu yiri: “Ku akhri magaca Eebbahaa, kii wax abuuray. kaasoo qofka ka abuuray xinjir. Akhri Eebbahaana waa deeqtoonee. Kaas oo qalinka wax ku baray. Qofka baray wuxuusan aqoon…”. Kadib anoo tarsaasiyaaya  cabsi awgeed, bay erayadii bishimahayga ka soo burqadeen. Markii hore oo ay Khadiija dhagaysatay sheekadii seygeeda way yare cabsatay, hase yeeshee, xooga kadib bay soo baraarugtay oo seygeedii ku xasilisay; “Ha cabsan gacaliye, balse ku calool samow, illeen Eebbe kugu dayaci maayo arrinkaane, kugumana ceebaynaayo adigoo ah nin wanaagsan oo runlow ah. Waad marti gelisaa socotada. Waad kaalmaysaa kuwa noloshoodu liidato oo saboolka ah. Waxaad u hiillisa samaha iyo toosnaanta, ee ha cabsan.”

Ninkii la oran jira Ina Nawfal, wuxuu ahaa Khadiijo ina adeerkeed. Wuxuu ahaa nin nacay cabudaadda sanamyada, wuxuuna ilaa xad Eebbaha ku caabudi jiray masiixiyadda. Waxay Khadiijo ka maqashay hadal-haynta nabigii la sugaayay, kaas oo uu Nabi Ciise (NK) hore u sheegay. Isla markiiba Khadiijo waxay Maxammad u la kacday gurigii Ina Nawfal oo dhacdadii Bohoshii Xiraa uga sheekaysay. Ina Nawfal oo ahaa nin waayeela oo indhola’, isla markii uu maqlay arrinka, wuxuu la soo booday: “Kani waa Malaggii Jibriil ee Eebbe hore ugu soo diray Muuse (NK). Waxaan ku rayn lahaa inaan dhallinyaro ahay. Waxaan jeclaan lahaa inaan sii noolaado ilaa marka dadkaagu kaa hor imaanaayo.” Maxammad baa weyddiiyay: “Miyay i cayrin doonaan?” Wuxuu ugu jawaabay "Qof kasta oo la yimid waxaad la timid oo kale si colaad leh baa loola dhaqmay; haddaanse ilaa maalintaas noolaan lahaa, si xooggan baan kuu garab istaagi lahaa.” Dhawr maalmood kadib, Waraqa Ina Nawfal wuu geeriyooday. Khadiijo oo markeedii horaba si weyn ula dhacsanayd dhaqammada wanaagsan ee seygeeda, waxaa si qoto dheer uga dhaadhacday nabinimada seygeeda suubban, iyadoo wali Nabi Maxammad (NNK) laabtiisu hubaal-li’ la gedgaddoomayso. Sidaas darteed, waxaa la oran karaa qofkii ugu horreeyay oo muslima, waxay ahayd afadii nabiga ee samaha badnayd waa Khadiijee.

Waxyigii kowaad kadib, Jibriil ma soo booqan Nabi Maxammad (NNK) intii muddo ah. Muddadaan waxaa loo yaqaan; fatrat al-Waxyi ama muddadii waxyiga la hakiyay. Xilligaas waxaa lagu sheegaa dhawr bilood ilaa seddex sano. Waxaa loo maleeyaa in waxyiga loo hakiyo si loogu turo nabiga oo waxyigii kowaad kala kulmay naxdin, cabsi iyo walwal baaxad leh. Waxaa laga yaabaa in wariyaashu isku khaldeen muddadii dadweynaha si rismi ah loogu soo ban dhigay dhambaalladii Eebbe oo lagu qiyaaso ilaa seddex sano iyo muddadii u dhexeysay dhambaalkii kowaad (waxyigii 1aad) iyo kii xigay, waxayna u badan tahay muddadii hakinta waxyigu inay aad uga yarayd seddex sano. 

Si kastaba ha ahaatee, nabigu muddadii hakinta oo walaac ku beertay wuxuu sii waday aaditaankii Bohoshii al-Xiraa. Sida uu wariyay Jaabbir Bin Cabdalla al-Ansaari, nabigu wuxuu yiri: “Anigoo socda, ayaan si kadis ah cirka dhawaaq uga maqlay. Kor baan eegay saa waxaan arkay isla malaggii iigu yimid Hoggii al-Xiraa oo kursi ku fadhiya cirka iyo dhulka dhexdooda. Waan cabsaday, waxaanna toos u aaday gurigeygii waxaanna iri; i dada. Kadib, waxaa la igu akhriyay aayadahaan: “Is-dedahow. Istaag oo dig. Eebbahaana weynee. Dharkaagana dhaq. Xumaantana ka tag. Hana abaal sheegan adoo iskula weyn.  Eebbahaa dartiisna u samir.”  
  
Sida uu Xaaris Bin Haashim ka wariyay Caasho oo ahayd Ina Abuubakar, ahaydna marwadii nabiga, dhambaalladu waxay nabiga u soo gaari jireen qaababkaan uu isaga laf ahaantiisu sheegay: “Marmar waxaa la igu soo gaarsiin jiray sida dawan (bell) dhawaaqaya, qaabkaa baana ugu adkaa qaababka dhammaantood, waxaanna qaabkaas ka gudbi jiray markaan qabto dhambaalka. Marmar Jibriil baa ii imaan jiray isagoo hummaag nin leh wuuna ila hadli jiray, aniguna waxaan ka qaban jiray wixii uu ii sheego'. [Bukhaari, I, No. 2.].

Sababta Qur’aanka si tartiib ah loogu soo dejinaayay baa la sheegay inay ahayd:
  • Si qalbiga nabiga loogu xoojiyo dhambaalladii talantaaliga ahaa iyo si loo hanuuniyo haddii baahideedu timaaddo.  .
  • Helitaanka dhambaalladu waa ku cuslaayeen nabiga sidaas darteed waa loo turaayay.
  • Si xeerarkii Eebbe loogu dhaqan geliyo si tartiiba .
  • Si loogu fududeeyo kuwa raacay islaanimada kudhaqanka iyo qabashada dhambaallada.

Sunday, July 28, 2013

Ababkii Nabi Maxammad Iyo Kaahii Weynaa Ee Islaamka-3aad

Ababkii Nabi Maxammad Iyo Kaahii Weynaa Ee Islaamka-3aad

Qeybta 3-aad:

Kacbadu waa dhisme leh sal cabbirkiisu yahay 11.03 m x 12.86 m iyo joog dhan 13.1 m. Marada la huwiyay Seddex-Geeslaha (Kacbada) oo af Carabiga lagu yiraahdo Kiswa oo macnuhu yahay hu', waxaa markii ugu horreysay ku daday boqorkii Tubaa ee Reer Jurhim xilliyadii Reer Ximyarkii Yemaneed. Xilliyo kala duwan baa lagu daday maryo midabbo isku-dhafan leh sida; cagaar, caddaan, casaan, ugu dambayntiina madow lagu dheehay midabka dahabka. Dib-u-dhis baa lagu sameeyay xilliyo kala duwan; intii aysan caddaan nabinimada Maxamaad (NNK) mar bay ahayd waana tii uu jifooyinkii Qureesh dhex dhexaadiyay, tii ugu dambaysay waxay ahayd 1996-dii, markaas oo si aad u wacan loo dhisay. Midabka huga ee madow oo waayahaan Kacbada lagu yaqaan, waxaa la sheegaa in lagu daday xilliyadii taladii Cabbaasiyiinta. Waayihii hore Kacbadu labo albaab bay lahaan jirtay iyo hal daaqad, haddase hal albaab bay leedahay. Furaha Kacbada waxaa hayn jiray oo ku sharfanaa hadba qolo, hase yeeshee, furashadii islaamka ee Maka kadib, wuxuu nabigu furihii u gacan geliyay Cusmaan, Ina Talxihii Reer Shuhayb, mid ka mid ah sheekooyinkii nabiguna waxay ahayd: "Qaata, Ilma Talxow qaata, ilaa Maalinta la isa Soo Saari Doono, cidina idin kama qaadan doonto aan ka ahayn taliye garsoor xun oo cadaadislow ah". Waayo dhaw kahor, Kacbada toddobaad walba waxaa loo furi jiray dadweynaha, mararkaan dambase, maadaama xujaydii faro badatay, waxaa lagu soo koobay in sannadkii labo jeer loo furo dadka mudnaanta sare leh. 

Waxaa lagu dhejiyay darbiga Kacbada dhagax madow (hadda ilaa 12 cad oo la isku kabay) oo ku galaysan macdanka qalinka. Waxaa la rumaysan yahay in cirka Eebbe ka soo riday dhagaxaas waagii Nebi Aden (NK) iyo Xaawo jannada laga soo saaray, sida la qabana waxaa loogu tala galay in dhagaxaasi astaan u noqdo Alle-bariga ama tuugmada Eebbe.  Sida lagu rumaysan yahay Diinta Islaamka, waxaa dhisay Kacbada Nabi Ibraahim (NK), waxaana sii dhisay wiilkiisii Nabi Ismaaciil (NK). Waxay labaduba caabudi jireen Weynaha “Allaah, al-Ilaah ama Ilohiim”. Markii waayo badan laga joogay xilliyadii labadaas nabi, waxay ubadkoodii ku baahay Jasiiradda Carabta, dhaxlayna Kacbada marin habaabiyeen diintii toosnayd ee Nabi Ibraahim (NK).  

Nin la oran jiray Caamir Ina Luxay oo ka dhashay qolo Carbeed oo la oran jiray al-Khudaaci oo ahaa hoggaamiye sare oo dadkiisu aad u oggolaayeen baa u safray Dhulka Shaam, wuxuuna arkay sanamyo dadyowgii dhulkaasi caabudi jireen. Wuxuu xuuraamay, wixii ay ugu toornaayeen sanamyadu dadkaas, waxaana loo sheegay inay iyaga iyo Eebbaha xiriiriyaan. Ninkaas oo ka soo socdaalay dhulkay kacbadu ku tiil wuxuu la dhacay warbixintii laga siiyay sanamyada, wuxuuna doortay sanam weyn oo la oran jiray Huubal ama Hoobal oo ahaa mudanaha sanamyadii dadkaas.

Markuu ninkaasi Xijaas yimid wuxuu Huubal-gacanlow oo la yiri, wuxuu lahaa hummaag nin iyo gacmaha middood oo dahab ahayd, ag qotomiyay kacbadii, dadkiina wuxuu ku dhiirriyay inay qaataan fikirkii uu kala yimid dhulkii Shaam. Waxaa kaloo la sheegaa in gurracanaha Ibliis uu kula taliyay inuu sanamyadii dadkii Nabi Nuux (NK) oo ku aasnaa aagga Jiddah soo qufo oo iyagana la caabudo lana geeyo Kacbada, sidaas buuna Kacbada ku keenay sanamyadii ay ka-midka ahaayeen; Yaaquus iyo Nasraa. Sidaas baa waxaa ku hirgalay dhaqan lagu jideystay in qolo walba oo Carbeed amaba qoys walba oo Carbeed samaysto sanam u gooniya oo ay guryahooda geystaan, xilliga xajkana Kacbada keensadaan. Waxay gaareen sanamyadii Carbeed ee la ag dhigay Kacbada ilaa 360 sanam, waxaana ugu caansanaa; al-Laat, al-Cusaa iyo Manaat oo la yiri waxay u haysteen inay yihiin gabdho uu dhalay weynahoodii Huubal-Gacanlow. Sidoo kale waxaa jiray sanamyada; Mannaaf, Wad, Am, Daalib, Duu Xalaas, al-Qawm, Duu Sharre iyo kuwo kale.

Dhanka kale, dhulalka Carbeed waxay ahaayeen dhulal lama-degaana, qallalan, omosoora oo hawkar badan. In laga helo baad iyo biyo dhulalkaas aad bay u adkayd. Sidaas darteed, wixii dheefa oo laga helo dhulalkaas waxay ahayd mid si daran loogu loollamo, waxayna ahaayeen dagaalladu kuwo aan kala go’ lahayeen.

Ma jirin dhulalkaas, marka laga reebo Yeman maamul loo dhan yahay waxaana loo noolaa hab qoleed. Waxaa jiray tolal badan, tol walbana wuxuu lahaa duq sare. Xoogga ayaa ahaa sharciga aan qornay ee dhulka. Koox walbana iyadaa sharciga gacmaheeda ku sidatay. Tusaale ahaan, haddii qof la dilo, qolodiisu way u aari jirtay. Waxa kaliya ee lagu kala gabban jiray waxay ahayd cabsida. Sidaas darteed, dhinicii awood yar innaba tixgelin kuma lahayn bulshooyinkii Carbeed ee waayahaas. Waxaa kaloo aad uga dhex jiray bulshooyinkaas naxariis-la’aanta iyo tixgelin-la’aanta dan-yarta, dumarka iyo dhinac kasta oo aan lahayn awood wax iska caabbin karta. Qofka waxaa gaashaan difaaca u ahaa qolodiisa, sidaas awgeed wuxuu qof walba u hoggaansanaa hababka qolodiisa.

 Xilliyadaas Maka waxay ahayd magaalada ugu muhimsan dhulka Xijaas. Waxay Maka ahayd barta sannad walba loo soo wada xajiyo, waxaana imaan jiray dad badan oo ka kala imaan jiray dhinacyadii Jasiiradda Carbeed. Waxay kaloo ahayd xarun ganacsi doora, waxayna safarradu u gaalaa bixi jireen dhinac walba. Maadaama Maka ku dhisnayd oo ku baraartay ganacsiga iyo xujayda faraha badan ee imaan jiray Kacbada, tolkii u badnaa degaankeedu wuxuu noqday mid awood fiican leh, tolkaas oo ahaa Qureesh. Sidaas darteed, tolkii Qureesheed wuxuu ku dadaali jiray inuu dhawro danaha magaaladiisa, wax walba oo waxyeelo u keeni karay tiirarkii awoodeed ee magaaladana xoog buu uga hor tagi jirtay. Waxay Qureesh u aragtay sanamyadii badnaa ee qolooyinka ee Kacbada yiil iyo ganacsigii ku dhisnaa imaanshaha dadweynihii rumaysnaa sanamyadaas kuwo aad muhim ugu ah jiritaankooda. Waxay ka dhigeen agagaarka Kacbada mid ka caaggan dirirta ama dagaallada.


Nabi Maxammad (NNK) wuxuu ka dhashay oo ku koray bulshadaas cawaanka ahayd oo ka marnayd naxariista, tixgelinta, aqoonta iyo wax walba oo wanaag ku tilmaaman. In kastoo bulshadii Carbeed ee uu ka dhashay kuna dhex noolaa ahayd mid aad uga fogaatay dhaqammadii wanaagsanaa ee uu Eebbe faray dadka oo ay wax walba oo xun caadaysatay oo ay waliba xumihii gaarsiiyeen inay nolol ku aasaan ilmahooda dheddig, haddana waxaa jiray kooxo rumaysnaa diintii Tawreed, Injiil iyo kuwa wali wax uun ka haystay xariggii toosnaa ee awoowyaashii Ibraahiim iyo Ismaaciil. Kooxahaan dambe oo laga badnaa waxay ka dambqan jireen arxan-darrada kuwa itaalka lihi kula dhaqmi jireen dadka itaal yar ama laga tiro badan yahay. Nabi Maxammad (NNK), kooxahaas dambe buu ka mid ahaa, wuxuuna joogto uga walwali jiray siyaalahii liitay ee tolkiisu ku sugnaa.    

Wednesday, July 24, 2013

Kulan Dhex Maray Dr. Kissinger iyo Wafdigii Wasiir X. C. Qaasim

Sannadku markuu ahaa 1976-dii ayaa wafdi Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayay Wasiirkii Macdanta iyo Biyaha J/lle Xuseen Cabdulqaadir Qaasim (AUN) oo markaas ahaa Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibedda, yimid Dalka Maraykanka. Waxay kulan la yeesheen madaxdii Qeybtii Arrimaha Dibedda ee USA ee waagaas oo uu hoggaaminaayay Dr Henry Kissinger. Waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa qormo kooban oo ku saabsan doodihii labadaas dhinac dhex maray, waxaanna ka soo turjunnay qoraal qarsoodi ahaa:

Qormadii Wadahadalka

Kaqeyb-galayaasha:

Soomaaliya
Xuseen Cabdulqaadir Xuseen Qaasim, Wasiirka Macdanata iyo Biyaha
Safiir Cabdullaahi Caddow (DC)
Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Agaasimaha Guud, WAD
Maxammad Maxamuud, Qunsul

US
Xoghayaha
Ku-xigeenka Xoghayaha Xabiib
Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Seelye
Frank Wisner (Xusuus-qore)

Taariikh:  8-dii Oktoobar, 1976-dii
Waqti:  3:45 p.m
Meel: Aqalka Qeybta Xoghaynta ee Waldorf-Astoria, New York

Kissinger:   “Ku-simaha Arrimaha Dibedda” muxuu yahay micnahiisu?

QaasimWaxaan ahay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, laakiin waxaan  uga qeyb galay xukuumaddayda shirar caalami ah qaarkood.

Caddow:  Dhab ahaan isagaa ah Wasiirka Arrimaha Dibedda

Kissinger:  Intee ku sugnayd New York?
Qaasim:  In ka badan labo toddobaad. Dhawr maalmood gudahood waxaan ku noqon doonaa dalkaygii, laakiin waxaa laga yaabaa inaanan toos u noqon. Waxaa suurtogal ah inaan jidka ku sii hakado.

Dhibco Qarsoodi ah 

Qaasim:  Waxaan isku dayaa inaan daryeelo danaha dalkayga anigoon durbaan yeerin.

Kissinger: Idinkoo ah dal muggiisu dhexaad yahay, waxaad samaysaan warar aad u tiro badan.

Qaasim:  Dhammaan waxay ku xiran tahay dhanka dabayshu u socoto. Ma annagaa warka samaynna mise kuwo kalaa abuuroo nagu qasba inaan tillaabo qaadno?

Kissinger:  Waa inaad i aragtaa marka aan isku dayaayo inaan war sameeyo.

Caddow:  Iyadoo warbaahintu aad kuu la socoto, mar walba war baad samaysaa.

Kissinger:  Waa sidee xiriirka labadeenna dal?

Qaasim:  Waxaan jeclaan lahaa inaan arrinkaas ka faalloodo. Waxaan rumays nahay in hagaajinta meel u bannaan tahay.

Kissinger:  Waan kugu raacsa nahay.

Qaasim:  Haa, meel baa u bannaan hagaajinta. Qodob fiican baad muujisay waqtigii qadada. Afrika waad baranaysaa.

Kissinger:  Wax badan baan ka bartay eegitaanka siyaasadaha Afrikaanka. Idinku Soomaaliyey waxaad tihiin kuwo qallafsan. U ma jeedo xagga wax-sheegista, waxaadse dheeshaan siyaasado dhanka arrimaha gudaha ah oo qallafsan.

Qaasim:  Kal iyo laab baan ka hadalnaa.

Kissinger:  Ma rumaysni in dalalka Afrikaanku kooxo ahaan ay col yihiin, laakiin haddaad u fiirsato tillaabooyinka Taliska Soomaalida, waa kugu adkaanaysaa inaad ku sheegto dhex-dhexaad. Inta badan arrimaha dunida waad naga soo hor jeeddaan. Mar walba ma noqon karno kuwo khaldan. Xeerka celcelisyadu sidaas u ma shaqeeyo.

Dhibco Qarsoodi ah

Qaasim:  Dhankayaga, Soomaaliya iyo Dalalka Midoobay ee Maraykanku waa inay leeyihiin xiriiro ay ka maran yihiin dareenno colaadeed. Su’aalaha ama siyaasadaha gaar ahaaneed, arrin garsooreed baa soo gelaaya mana aha in dhammaan hadallaydayadu yihiin kuwo colaadeed. Haddii aannaan colaadin dareemin, falcelin ma samaynneen. Waxaan rumaysa nahay inaan dhex-dhexaad nahay.

Kissinger:  Annagu kadhan ma nihin dhex-dhexaadka. Dal kastoo Afrikaan ah waa dhex-dhexaad lagase yaabee inaysan Angoola ahayn. Mar haddii shan iyo toban kun oo ciidammo shisheeya ahi dalkeeda joogaan, waxaa si xooggan loogu doodi karaa inay dhinac tahay. Waxaad tiri dhanka Soomaalida colaad ma jirto, haddana si joogta ah baad nooga hor timaaddaan, marmarna si naga hor jeeddaan ku shaqaysaan.

Qaasim:  Kaasi maaha sawir aan maangal ahayn laakiin waa midaan dhammaystirnayn. Waxaan u raacnaa tillaabooyinka Dalalka Midoobay ee Maraykanka hadba siday noo saameeyaan annaga iyo …… gobolkayga. Xaggayaga jiritaanka qaranka Soomaaliyeed baa halis ku jira. tillaabooyinkiinnu mar walba ma muujinayn dhex-dhexaadnimo.

Kissinger:  Ma i siin kartaa tusaale?

Qaasim:  Soomaaliya waxay soo martay taariikh gumeysi oo ayaan-darro ah. Xitaa kahor intaysan Soomaaliya madax bannaanaan, waxaad heshiis la lahaydeen Itoobiya. Waxaan aragnay hub ku qulqulaaya Itoobiya kaasoo waxyeello u leh xiriirada Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaan rumays nahay in xiriiradayadu.

Dhibco Qarsoodi ah

Hagaagi lahaayeen, laakiin hubka aad dirtaan iyo dicaayadaha aad samaysaan waxtar u ma laha arrinka. Waxaan aragnay hadalkii wasiirkiinna gaashaandhigga.

Kissinger: Maxaan ugu qabnaa inaad haysataa qalab ciidan oo ka badan kan Itoobiya?

Qaasim:  Taasi waa khalad. Itoobiya waa naga itaal roon tahay. Waxaad nagu qasbaysaan in aan is dhisno. Ma aragno inaad door ciyaaraysaan jid lagu heli karo.

Kissinger:  Waxaad rabtaan qeyb Itoobiya ka mid ah.

Qaasim:  Maya, waxaan u doonaynnaa xornimo qeybta Itoobiya ee dadkayagu leeyahay.

Kissinger:  Qeybtaas Itoobiya ma Soomaali baa degta goormayse Itoobiya ku biirtay?

Qaasim:   Itoobiyaanku waxay la wareegeen qeybta dhulkooda ee koonfureed oo si buuxda Soomaalidu u degto sannadkii 1884tii. Ilaa 1960-kii Itoobiyaanku waxay ku joogeen kooxo yaryar oo ciidan iyo maamul ah. Hadda waxay xoojiyeen maamulkoodii isbeddel baana jira.

Kissinger:  Haddaba col baad ahaan doontaan ilaa aad heshaan dhulkiinna intiisa kale.

Qaasim:  Waa dhanka kale. Ma inkiraynno xuquuqaha dadkayaga iyo qarankayaga. Waxaan la liidannaa xaalad gumeysi abuuray.

Kissinger:  Waxaa jirta in Soomaali ku nooshahay waqooyiga Kenya. Sidoo kale ma sheeganaysaan dhul Kenya leedahay?

Dhibco Qarsoodi ah

Qaasim:  Kaasi waa arrin taariikhi ah. Xukuumadda Ingiriisku waxay afti ka qabanqaabisay gobolka sannadkii 1963-dii kaas oo ay ugu yeeri jirtay Gobolka Seeraha Waqooyi. Wuxuu ahaa mid mar walba loo maamulo si Kenya ka gooni ah. Wuxuu dadweynihii boqolkiiba siddeetan iyo lix cod ku bixiyay inuu ku biiro Soomaaliya, laakiin Igiriiskaa sida kale go’aansaday, waana suurtogal inuu saxnaa. Kenya ku ma eedaynno waayo habka waxaa soo rogay xoog gumeyste ah, Itoobiyaanse si dheeri ah u eedaynnaa maadaama falka Itoobiya ahaa mid ulakac gumeysi ah. Waxaan haynnaa waraaqo caddaynaaya qodobka. Markii ay qaramada Yurub bilaabeen qaybsashadii dhulalka Afrika, Menelik II wuxuu u qoray xoogaggii gumeystaha ahaa wuxuuna yiri “Annaguna waxaan rabnaa qeybtayada.” Waxaan ku sigannay in Itoobiya na dul marto sannadihii 1963-dii iyo 1964-tii. Haddii aysan xoogag shisheeya ahi soo faro gelinna labada dhinacba waxyeello weyn baa gaari lahayd.

Kissinger:  Waa yar tahay intaan ka qaban karno taariikhda laakiin sidaad og tahay, xiriirada annaga iyo Itoobiya si tahan dhaafa u ma xumaan. Ma qiyaasi kartaa waxa Itoobiya gudaheeda ka dhici doona?

Qaasim:  Waan isu dhaw nahay waxaanna leenahay is-afgarad roon. Waxaa jira cadaadisyo halkaas ka shaqeynaaya. Kulankaan arrin walba ku ma soo koobi karno. Waxaan jeclaan lahayn inaan ka hadalno imminka. Waxaan rabnaa inaad na dhegaysato annaguna ku dhegaysanno. Sababta keentay xiriirada aan loo bogin ee labadeenna dal ee US iyo Soomaaliya waxaa saldhig u ah dhibab qarameedkayaga dhabta. Waxaan u doonaynnaa dhibabkaas hab nabadeed in wax looga qabto. Xitaa kahor kacaankayagii 1969-kii waxaan ka goobnay dhanka Itoobiya is-afgarad. Madaxweynahayagu wuxuu la kulmay

Dhibco Qarsoodi ah

Hoggaamiyaal Itoobiyaan ah si loo gaaro is-afgarad labada dhinac ah iyo in mar uun la helo si caddaalada ku salaysan oo arrinka wax looga qabto. Marna ma dhicin in la helo jawaab qumman. Arrimahaasi aad bay muhim ugu yihiin Soomaaliya waayo ma inkiri karno xuquuqahayaga laakiin u ma dhaqmi doonno sidii dad dagaal maaggan. Ka ma faa’iidaysan doonno tabar-darrada Itoobiya. Annagu dagaal ma rabno, gaar ahaan dadaan is-xigno dhalasho ahaan sida Itoobiyaanka. Waxaan Kenya u gudbinnay dhambaallo niyad-sami ah oo ay ku dheehan tahay is-faham Afrikaannimo. Maalin baa la gaari doonaa wax-ka-qabashada dhibabkaas. Dhanka xiriirada labadeenna dhinac doorka xukuumaddiinna waa kan ugu muhimsan. Waa inaad goobtaan nabad, xasilooni, iyo kobcinta is-afgaradka. Waan og nahay inaad kaalmo siiseen dalal kale oo Afrikaan ah.  Waxaan qabnaa in kaalmadu aaddo dhanka horumarinta ee aysan aadin dhanka hubabka.

Kissinger:  Waxaan qabnaa dareen ah inaad ka hubeysi fiican tihiin Itoobiya… Waa suurtagal in sirdoonkayagu khaldan yahay, laakiin waxaannu aragnaa inaad ka helaysaan hub tiro badan Soofiyeedka.

Qaasim:  Waxaa nala ku soo duulay 1963-dii iyo 1964-tii. Waxaa sooyaal ah in Itoobiya ku raaxaysato ku-sarraynta qalab iyo mugba. Si khaldan baad u fahamteen xaalkayaga.

Kissinger:  Waxaan eegi doonaa dhuhlayntayada.

Qaasim:  Waxaan rumaysan nahay inuu jiro door aad idinku ciyaari kartaan. Waan ku baraarugsan nahay taariikhdiinna iyo mabaadi’diinna. Waan fahmi la’ nahay colaaddiinna ku beegan dal yar. Bal fiiri waxaad samayseen xilligii abaartayada.

Kissinger:  Talcott, maxaan samaynnay?

Seelye:  Kaalmaan bixinnay.

Qaasim:  haa, laakiin waxaad tiraahdeen saldhig Soofiyeed baa jira waxaana marti qaadnay wax-eegayaal yimaada oo iyagu iskood u arka.

Kissinger:  Taasi waa sax. Waxayna dhammaantood ku gabagabeeyeen si isku mid ah—xitaa kuwii markii hore diiddanaa. Waxay ku qanceen inaad Soofiyeedka saldhig siiseen.

Qaasim:  Adigu ma rumaysan tahay?

Kissinger:  Waxaan rumays nahay inaan ka badbaadi karno saldhigga Soofiyeedka ee dhulka Soomaalida, laakiin waxay ila tahay hadba waa sidaad u qeexdaan saldhig. Haddii aad u qeexdaan saldhig meel ciidan ku sugan yahay oo qalab ciidan adeegsado yaal, kaasi waa saldhig. Filibbiin, kadib markaan saxiixnay heshiiskayaga cusub, calanka Filibbiin wuxuu ka dul baban doonaa saldhigyadayada, haddana ma inkirno inaan saldhigyo leenahay.

Qaasim:  Waxaad u baahan tihiin inaad wax ka sii ogaataan dabciga dadkayaga. Ma oggolaan doonno saldhig shisheeye. Ma lihin saldhigyo ama kaabayaal. Waxaan aragnay sawirradii satalaydkiinna waana og nahay inaad leedihiin gantaallo baad haysataan. Waxaan eegnay sheegashadiinna waxaanna ogaannay waxaad ku sheegteen gantaalka inuu yahay minaarad masjid.

Kissinger:  Malaha waxaad tihiin xeelad-layaal waxaadna gantaalka ku qarisaan minaaradda masjidka.

Dhibco Qarsoodi ah 

Qaasim:  Waxaan masaajidkii u furnay eegayaashiinnii si ay u booqdaan. Annagu ma haysanno lacag aan ku gadanno gantaallo.

Kissinger:  Ma rumaynin inay yihiin gantaallo idinku aad leedihiin. Laakiin bal tan aan ka baxno. Ma qabno dareen colaadeed oo ku aaddan Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, waxaan aragnaa inaad kulan kasta oo caalami ah naga hor jeeddaan. Waxaad kadhan noqoteen fikirkayagii Koonfur Afrika. Soomaaliya waxay caarad u tahay kuwa na qashqasha annaguna waxaan u shaqaynaynnaa dhanka nabadda waxaana dhankaas iskaashi kala leenahay Madaxweynayaasha Jiidda Hore. Waxaan diyaar u nahay hagaajinta xiriiradeenna waxna kama qabno sheegashooyin dhuleedkiinna mar haddaydnaan ku raadinayn xoog.

Qaasim:  Sabab baa jirta ay tahay inaan xiriiradeenna hagaajinno, waxaana suurtogal ah inay taagan tahay fursaddii wax lagu qaban lahaa. Waxaan u baahan nahay in labadeenna dhinac isu caddaynno meelaha aan kala joogno. Waxaa naga maqan watatashiyo. Dhex-dhexaadnimada US, arrinka ku ma filna. Waxaan rabnaa inaad door firfircoon ka ciyaartaan wax-ka-qabadka dhibabkayaga.

Kissinger:  Waxaan fiirin doonaa su’aasha ku aaddan dheellitirka ciidan. Ma hayno sabab aan dhinacyo ku raacno markay tahay xiriirada aad la leedihiin Itoobiyaanka.

Qaasim:  Haddii aad diyaar u tihiin qaab dhex-dhexaadnimo maxaad uga qeyb geli waydeen u-kaalmaynta dhanka nabadda.

Kissinger:  Haddii aan dhibab kaloo dheeri ah oo Afrikaan ka qeybgalo waan waalan doonaa. Waan ka fakarayaa.

Qaasim:  Waxaan isbeddel ka sugaynnaa dabcigiinna.

Kissinger:  Maxaan samayn karnaa?

Dhibco Qarsoodi ah

Qaasim:  Si qayaxan, waxaad kartaan inaad qoriga xabadda ka saartaan. Waxaan qabnaa inaad dib u eegtaan istaraatiijaya-diinna ku aaddan Bariga Afrika.

Kissinger:  Ma joojinaysaan qalabka ciidan oo ka imaanaya Soofiyeedka haddii aan joojinno shixnadaha Itoobiya?

Qaasim:  Uga ma helno Soofiyeedka qalab ciidan siday idin la tahay. Waxaan isku dayaynnaa inaan ciidan u dhisno ilaalinta seerayaashayada aad u dhaadheer. 1964-tii waa nala soo weeraray wax difaacana ma annaan haysan. Haddii hal dhinac hub helo, annaguna aan ka qatan nahay markaas arrinku waa halis.

Kissinger:  Haddii aannaan hub u dirin Itoobiya oo idinku si joogta ah hub uga heshaan Soofiyeedka waxaa suurtogal ah in dagaal dhaco.

Qaasim:  Laakiin waxaad Itoobiya siiseen qalab ciidan oo qiimahiisu dhan yahay $200 oo malyan.

Kissinger:  Taasi ma aha suurtogal. Waxaan Afrika oo dhan siinnay $60 malyan.

Qaasim:  Itoobiya waxay leedahay toban qeybood oo ciidana. Annagu waxaan haysannaa labo qeybood oo ciidana kaliya. Markaad leedahay joojiya, maxaad u jeeddaa? Ma waxaad u jeeddaa shixnadaha hadda ah mise kuwa mustaqbalka?

Kissinger:  Talcott, imisaan siinnay Itoobiya?

Seelye:  $10 malyan ilaa $20 malyan sannadkaan.

Qaasim:  Waxaan ku dhegga nahay taydii. Waan og nahay inaad siinaysaan $200 oo malyan.

Kissinger:  Tani waa waalli.

Habiib:  Waxaa suurtogal ah haddii aad ku darto shixnadihii sannadihii hore in tiradu gaarayso inta uu wasiirku ku sheegay.

Kissinger:  Ma jirto sabab aan been kuugu sheegno; waxa aan kuu sheegaynnaa waa run.

Qaasim:  Waan qaddarin lahayn xogta.

Kissinger:  Dhammaanteed waxay ku jirtaa galalka dadweynaha. Xogta sidaan oo kale ah waa sahal in la helaa.

Qaasim:  Deeqahaas ballaaran waxay shidayaan xiisado.

Kissinger:  Waxay ila tahay inaad khaldan tahay.

Qaasim:  Aan rajaynno inaan khalda nahay.

Kissinger:  Fikrad ma iga siin kartaa, waxa ay tahay inaan si xooggan u samaynno?

Qaasim:  Haa, waxaan ka sugaynnaa dhanka Maraykanka niyad-sami ku aaddan dhanka Soomaaliya annaguna markaas waa ka soo jawaabi doonnaa. Markii kalashakigu baxo, waxaan u nuuxsan doonnaa sidii loo hormarin lahaa iskaashiyada aagagga kale.

Kissinger:  Sidee kalashakiga loo saari karaa?

Qaasim:  Joojinta qalabka ciidan.

Kissinger:  Ma waxaad u hawl gashaa sidii Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya?

Qaasim:  Waxaan caawiyaa madaxweynaha iyo wasaaradda arrimaha dibedda.

Kissinger:  Waxaan safiirkayaga u sheegi doonaa inuu wadahadal guud qabto si loo hagaajiyo xiriiradeenna. Bal aan aragno meesha tani na geyso. Yay tahay inaan la hadalno?

Caddow:  Waa inaad la hadashaan Dr. Cabdiraxmaan. Isagaa ka soo jeeda dhanka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Dhibco Qarsoodi ah

Seelye:  Safiirkayagu dhib buu ka la kulmay ballamo-samaynta.

Caddow:  Taasi sax maahan. Safiirkiinnu si buuxda buu ballamo u heli karaa. Sidiinna oo kale baa dadkayagu mashquul u yihiin. Marmar waa inuu sugaa seddex ama afar maalmood, sidaas oo kale bay dhammaan safiirradu sameeyaan.

Kissinger:  Waxaan safiirkayaga u sheegi doonaa inuu adiga ku la kulmo oo aad ra’yi guud is dhaafsataan. Waxaan rabaa inaan idiin mahad naqo. Annagu ma qabno dareen colaadeed idinkuna ma haysaan wax aan rabno laakiin waxaan qabnaa dareen, inaad si habaysan nooga soo horjeeddaan.


Dhibco Qarsoodi ah  
Laga soo turjumay: 

http://wardheernews.com/Articles_2010/May/Memorandum/Hussein_A_Kassim_and_Kissinger_Meeting_Oct_1977].pdf

  


Friday, July 19, 2013

Ababkii Nabi Maxammad Iyo Kaahii Weynaa Ee Islaamka

Ababkii Nabi Maxammad Iyo Kaahii Weynaa Ee Islaamka

Qeybta 2-aad:
Khadiijo waxay ahayd Ina Khuweylid, qolo ahaanna waxay ka soo jeedday jifadii Asad Cabdal-Cusaa ee Qureesh. Hooyadeed waxaa la oran jiray Faadumo, gabadhii Sacdah oo ka tirsanaa jifadii Amiir Ina Luwey ee Qureesh. Khadiijo aabbaheed wuxuu ahaa nin ganacsade ah wuxuuna geeriyooday abbaaraha sannadkii 585-kii M.D. Khadiijo waxay soo martay labo guur kahor Nabi Maxammad. Seygeedii Catiiq al-Makhsuumi waa ka dhintay. Markaas kadib Khadiijo waxay noqotay haweeneey ganacsato ah oo weyn, waxayna qaadatay naanaysyaha; Dahiira, Sayidatul Qureesh iyo Khadiijadii Weynayd oo macnuhu yahay tii xumaha ka xalnayd iyo mudantii Qureesheed. Waxay ku liibantay ganacsigii oo hodan bay noqotay, waxaana la sheegay marka ay safarradii ka koobnaa awrtii tirada badnayd ee macaashleyda ee isku xiriirsanayd aadayaan xilliga xagaaga Shaam iyo xilliga diraacda Yeman, awrta Khadiija inay u dhigantay inta kaloo dhan.

 Khadiijo ma raaci jirin safarradaas meelaha fogfog aadi jirtay ee waxay magacaaban jirtay ergay iyada wakiil ka ah oo ay kula heshiin jirtay qaddar faa’iidooyinka ka mid ah. Khadiijo waxay maqashay runlownimada iyo aamminimada Maxammad (NNK), waxayna jeclaysatay inuu hawlaheeda mas’uul ka noqdo. Sidaas darteed, waxay u fartay Khasiimah Ina Xaakim in ay siinayso labalaab wixii ay bixin jirtay hadduu codsigeeda tixgeliyo, waana la isku af gartay arrinkaas. Waxay Khadiija gacan-yare uga dhigtay inan iyada u shaqayn jiray oo la oran jiray Maysarah.

Markii safarradii soo noqdeen Maysarah wuxuu Khadiija u sheegay sidii wanaagga badnayd ee uu Maxammad (NNK) u maamulay hawshii loo xilsaaray, waxayna Khadiija safarkii ugu horreeyeyba heshay faa’iido labo jeer ka badan intay filaysay. Wuxuu kaloo Maysarah, Khadiija u sheegay in soosocodkii meel ay u dageen nasasho, uu Maxammad seexday geed hooskiis kadibna uu arkay nin wadaada oo la oran jiray Nistoora oo leh; geedkaan nimaan nebi ahayn ma seexan. Wuxuu kaloo Maysarah, Khadiija u sheegay in Maxammad (NNK) oo hurda uu arkay, iyadoo labo malag daruur ku dallaalimaynayaan. Markay sheekooyinkaas Khadiija maqashay waxay u tagtay nin wax-yaqaan ahaa oo ina adeerkeed ahaa oo la oran Waraqah Ina Nawfal, wuxuuna u sheegay haddii wararka Maysarah run yihiin, inay dhab tahay in Maxammad yahay nabigii la sugaayay. Waxay kaloo Khadiija u sheegtay Ina Nawfal inay habeyn ku riyootay, qorraxdoo soo hoobatay oo deyrka gurigooda si weyn u iftiimisay. Wuxuu Ina Nawfal ku afjigay inaysan warkaas faafin uuna kaaha nabinimadu gurigeeda, ku dul baahi doono.

Dhacdooyinkaas kadib, waxay ku tallantay inay Maxammad (NNK) guursato, iyadoo dhawr jeer diidday maalqabeennadii Qureesh. Markii hore Khadiijo waxay u sii martay arrinta guurka ay damacsanayd nin xigtadeeda ka mid ahaa oo la oran Nafisa. Markii uu Nafisa, Maxammad ku soo qaaday arrin guur, horraantii wuu ka maagtay, isagoo muujiyay inuusan awood dhaqaale oo uu xaas ku kaaliyo haysan. Markaas kadib wuxuu Nafisa ku soo qaaday inuu guursanaayo qof dumara oo iyadu dhaqaalaheeda wadata. Haddii arrinkii la falanqeeyay, waxay Maxammad iyo Khadiija isla oggolaadeen inay adeeradood war geliyaan, dhammaanna waa la isla oggolaaday. Waxaa doonitaankii Khadiija si rismi ah u soo jeediyay Nabiga adeerkiis, Xamsa ama Abuu Daalib amaba labadaba. Sidaas buu ku qotonsaday guurkii Maxammad oo 25 jir ahaa iyo Khadiija oo 40 jir ahayd, wuxuuna socday ilaa 25 sano waxaana ku dheehnaa wanaag badan iyo kalgacal dhab ah.

Maxammad iyo Khadiija waxay isu dhaleen lix carruur ah; Qaasim wuxuu dhintay intii uusan dhalan cunuggii xigay, waxaana nabiga lagu naaneysi jiray Abuu Qaasim (Qaasim Aabbihiis). Waxaa xigay Saynab, Ruqiya, Ummu Kaltuum iyo Faadumo. Waxaa ugu dambeeyay Cabudullahi oo lagu kool koolin jiray al-dayib (Kii Wanaagsanaa) iyo al-daahir (Kii Xalnaa), waayo wuxuu dhashay kadib markii nabinimadu caddaatay. 

Waxaa kaloo jirtay labo kale oo carruura oo ku koray aqalkii Khadiija iyo Maxammad, waxayna kala ahaayeen; Cali Ina Abuu Daalib oo ahaa Nabi Maxammad ina adeerkiis. Kadib markii Abuu Daalib sabool noqday ayaa korintii Cali waxaa la wareegay Maxammad (NNK). Kan labaad wuxuu ahaa, Sayd Ina Xaarisah, wuxuuna ahaa wiil ka dhashay Qolodii Udraa. Dagaallo qoleed dhacay kadib ayaa la soo af duubay waxaana loo iibsaday addoon ahaan, wuxuuna ku dambeeyay qoyskii Khadiija intii dhawr sano ah. Mar dambe ayaa Sayd aabbihiis u yimid waxaana la kala dooransiiyay inuu aabbihiis raaco iyo inuu la joogo Bah Khadiijo, wuxuuna doortay tan dambe. Sidaas buu u noqday wiilkii Maxammad koritaan ahaan. Markii islaamku soo if baxay oo la joojiyay aabbe-u-noqoshada cunug aan la dhalin, nabigu waa xoreeyay Sayd wuxuuna dib u qaatay magaciisii runta ahaa ee Sayd Ina Xaarisah, wuxuuna ka-mid noqday, hormoodyadii bulshoweyntii islaantay.