Thursday, July 4, 2013

Adaa Noo Roon Allahayow (hees)

Raggii ma adigaa ka harayey
Runtii ma anigaa ka baqayey
Guriga rara baad tiraah
Haddana roga baa tiraah
Haddaan raaskuba dageyn
Xaggee kuu raacayaa
Ma riyaa soojeed ka dhigan
Ma dhib baan raaxo moodayaa?

Adaa ii roon Allahayow
Adaa noo roon Allahayow

Rabshada ma adigaa ka helayey
Raalliyo ma anigaan ahayneey
Maxaa caashaqa rigrigay
Ma reeb iyo rafci baa
Raadkii Kabocalaf miyaa
Ma kii laga raysay baa?
Geelow rarashaa la yiri
Ragow barashaa la yiri

Adaa ii roon Allahayow
Adaa noo roon Allahayow

No comments:

Post a Comment