Wednesday, July 31, 2013

Ababkii Nabi Maxammad Iyo Kaahii Weynaa Ee Islaamka-4aad

Ababkii Nabi Maxammad Iyo Kaahii Weynaa Ee Islaamka-4aad

Bilawgii Waxyiga:
Muddo sannado ah baa Maxmmad (NNK) ka murugooday oo ka walwalay xumihii tahan-dhaafka ahaa ee tolkiisu ku dhaqmi jiray. Marar badan oo uu ku wareegaayay Kacbada baa sida la wariyay, waxaa maankiisa ku soo dhacay su’aalo ay ka mid aheyd ; maxaan ahay? Waa maxay waxaan aan ku dhex noolahay? Waa maxay noloshu? Waa maxay Dhimashadu? Maxaan rumaystaa?

Si uu uga fogaado dhaqammada xun ee reer tolkiis iyo si uu ugu kaliyaysto maamintiisa baa wuxuu joogtaystay inuu fuulo buur la yiraahdo Jabal al-Nuur (Buurtii Iftiinka) oo ku taal duleedka Maka, kadibna uu galo bohol la yiraahdo Qaar al-Xiraa (Bohoshii Xiraa) oo buurtaas ku dhex taal. Halkaas buu marmar ku har baajin jiray ama habaynno ku dhixi jiray. Maalinba maalinta ka dambaysa wuxuu sii kordhinaayay kali-ahaanshihiisii, wuxuuna laabtiisa u furay Weynihii Abuuray, asagoo ka durraamanaayo inuu ku duwo dhabbaha toosan una iftiimiyo dawga hagaasan.  Marar baa jirtay uu ku raagi jiray u-go’doonka xagga Eebbe, waxayna mararkaas oo kale, gacaladiisii Khadiijo u keeni jirtay cunno. Wuxuu sidaas ahaadaba, habeynkuu afartan jirsaday baa waxaa godkuu ku sugnaa uga hillaacay Kaahii Weynaha uunkoo dhan abuuray. Sida la sheegay habeynkaas oo ku beegnaa bilawgii Bisha Ramadaanka, dayaxu wuxuu si toos u dul hoganaayay Buurtii Iftiinka. Shinbiruhu waxay ku sugnaayeen buulashoodii, mana jirin cod ama nuuxsi habeynkaas labaayay oo sharqamaayay. Habeynkaas waxaa jiray dhulka iyo cirarka oo ay bishu ka dhex birqeysay. Si kadis ah buu u dareemay la-joogitaanka ahaade sarreeya, wuxuuna ka qaaday argagax iyo qaadan-waa. Wuxuu u cararay gurigiisii isagoo gariiraya oo leh; Khadiijaay i dad, i dad Khadiijaay. Markii ay daday Khadiijo oo uu cabbaar joogay bay sikatadii ka ba’day, wuuna soo fariistay oo u warramay Khadiija: waxaa caawa iiga muuqday Bohoshii Xiraa hummaag yaab leh. Wuxuu hummaaggii igu yiri; waxaan ahay Jibriil, waxaana i soo diray Eebbe, kadibna wuxuu igu yiri; akhri, aniguna waxaan ku iri; wax ma akhriyo. Wuxuu si xooggan iiga qabtay xabadka wuxuuna igu yiri; akhri, aniguna isla jawaabtii baan siiyay. Wuxuu igu celiyay qabashadii isagoo mar labaad leh; akhri wuuna i sii daayay. Markii seddexaad buu inta laabta i saaray igu yiri: “Ku akhri magaca Eebbahaa, kii wax abuuray. kaasoo qofka ka abuuray xinjir. Akhri Eebbahaana waa deeqtoonee. Kaas oo qalinka wax ku baray. Qofka baray wuxuusan aqoon…”. Kadib anoo tarsaasiyaaya  cabsi awgeed, bay erayadii bishimahayga ka soo burqadeen. Markii hore oo ay Khadiija dhagaysatay sheekadii seygeeda way yare cabsatay, hase yeeshee, xooga kadib bay soo baraarugtay oo seygeedii ku xasilisay; “Ha cabsan gacaliye, balse ku calool samow, illeen Eebbe kugu dayaci maayo arrinkaane, kugumana ceebaynaayo adigoo ah nin wanaagsan oo runlow ah. Waad marti gelisaa socotada. Waad kaalmaysaa kuwa noloshoodu liidato oo saboolka ah. Waxaad u hiillisa samaha iyo toosnaanta, ee ha cabsan.”

Ninkii la oran jira Ina Nawfal, wuxuu ahaa Khadiijo ina adeerkeed. Wuxuu ahaa nin nacay cabudaadda sanamyada, wuxuuna ilaa xad Eebbaha ku caabudi jiray masiixiyadda. Waxay Khadiijo ka maqashay hadal-haynta nabigii la sugaayay, kaas oo uu Nabi Ciise (NK) hore u sheegay. Isla markiiba Khadiijo waxay Maxammad u la kacday gurigii Ina Nawfal oo dhacdadii Bohoshii Xiraa uga sheekaysay. Ina Nawfal oo ahaa nin waayeela oo indhola’, isla markii uu maqlay arrinka, wuxuu la soo booday: “Kani waa Malaggii Jibriil ee Eebbe hore ugu soo diray Muuse (NK). Waxaan ku rayn lahaa inaan dhallinyaro ahay. Waxaan jeclaan lahaa inaan sii noolaado ilaa marka dadkaagu kaa hor imaanaayo.” Maxammad baa weyddiiyay: “Miyay i cayrin doonaan?” Wuxuu ugu jawaabay "Qof kasta oo la yimid waxaad la timid oo kale si colaad leh baa loola dhaqmay; haddaanse ilaa maalintaas noolaan lahaa, si xooggan baan kuu garab istaagi lahaa.” Dhawr maalmood kadib, Waraqa Ina Nawfal wuu geeriyooday. Khadiijo oo markeedii horaba si weyn ula dhacsanayd dhaqammada wanaagsan ee seygeeda, waxaa si qoto dheer uga dhaadhacday nabinimada seygeeda suubban, iyadoo wali Nabi Maxammad (NNK) laabtiisu hubaal-li’ la gedgaddoomayso. Sidaas darteed, waxaa la oran karaa qofkii ugu horreeyay oo muslima, waxay ahayd afadii nabiga ee samaha badnayd waa Khadiijee.

Waxyigii kowaad kadib, Jibriil ma soo booqan Nabi Maxammad (NNK) intii muddo ah. Muddadaan waxaa loo yaqaan; fatrat al-Waxyi ama muddadii waxyiga la hakiyay. Xilligaas waxaa lagu sheegaa dhawr bilood ilaa seddex sano. Waxaa loo maleeyaa in waxyiga loo hakiyo si loogu turo nabiga oo waxyigii kowaad kala kulmay naxdin, cabsi iyo walwal baaxad leh. Waxaa laga yaabaa in wariyaashu isku khaldeen muddadii dadweynaha si rismi ah loogu soo ban dhigay dhambaalladii Eebbe oo lagu qiyaaso ilaa seddex sano iyo muddadii u dhexeysay dhambaalkii kowaad (waxyigii 1aad) iyo kii xigay, waxayna u badan tahay muddadii hakinta waxyigu inay aad uga yarayd seddex sano. 

Si kastaba ha ahaatee, nabigu muddadii hakinta oo walaac ku beertay wuxuu sii waday aaditaankii Bohoshii al-Xiraa. Sida uu wariyay Jaabbir Bin Cabdalla al-Ansaari, nabigu wuxuu yiri: “Anigoo socda, ayaan si kadis ah cirka dhawaaq uga maqlay. Kor baan eegay saa waxaan arkay isla malaggii iigu yimid Hoggii al-Xiraa oo kursi ku fadhiya cirka iyo dhulka dhexdooda. Waan cabsaday, waxaanna toos u aaday gurigeygii waxaanna iri; i dada. Kadib, waxaa la igu akhriyay aayadahaan: “Is-dedahow. Istaag oo dig. Eebbahaana weynee. Dharkaagana dhaq. Xumaantana ka tag. Hana abaal sheegan adoo iskula weyn.  Eebbahaa dartiisna u samir.”  
  
Sida uu Xaaris Bin Haashim ka wariyay Caasho oo ahayd Ina Abuubakar, ahaydna marwadii nabiga, dhambaalladu waxay nabiga u soo gaari jireen qaababkaan uu isaga laf ahaantiisu sheegay: “Marmar waxaa la igu soo gaarsiin jiray sida dawan (bell) dhawaaqaya, qaabkaa baana ugu adkaa qaababka dhammaantood, waxaanna qaabkaas ka gudbi jiray markaan qabto dhambaalka. Marmar Jibriil baa ii imaan jiray isagoo hummaag nin leh wuuna ila hadli jiray, aniguna waxaan ka qaban jiray wixii uu ii sheego'. [Bukhaari, I, No. 2.].

Sababta Qur’aanka si tartiib ah loogu soo dejinaayay baa la sheegay inay ahayd:
  • Si qalbiga nabiga loogu xoojiyo dhambaalladii talantaaliga ahaa iyo si loo hanuuniyo haddii baahideedu timaaddo.  .
  • Helitaanka dhambaalladu waa ku cuslaayeen nabiga sidaas darteed waa loo turaayay.
  • Si xeerarkii Eebbe loogu dhaqan geliyo si tartiiba .
  • Si loogu fududeeyo kuwa raacay islaanimada kudhaqanka iyo qabashada dhambaallada.

No comments:

Post a Comment