Monday, July 8, 2013

Ma Col Baan Lallabayaa (hees)

Ma col baan lallabayaa
Ma lib baan higsanayaa
Ma luggooyadiisiyo 
Jacayl baan la liitaa
Ma laftaan kabayaa
Ma luddaan jarayaa
Sida loollan dirireed
Ma lammaanahaygiyo
Lixaadkaan ku ciidmaa
Ma liil caashaq baan galay?

Layligu biyuhuu daadiyaa
Lahashadu jar bay kaa riddaa
Liibaantu waa; ma is af garannaa
Liglikaa jacaylkii hayaa?

Ma labaan ka cararayaa
Ma lix baan la diriraa
Ma liishaanka dheer 
Baan la liitaa
Ma lis baan dhamayaa
Ma lub baan tufayaa
Xiisahaan ladaabtaa
Ma leexada abaartiyo
Laxaw baan la jiifaa?

Miyaa la igu weyn yahay
Liidnimo aday kula hadhaa
Lillaahidu jid bay kugu riddaa
Liibaantu waa; ma is af garannaa
Laabtuu kalgacalkii harsadaa

No comments:

Post a Comment