Sunday, July 28, 2013

Ababkii Nabi Maxammad Iyo Kaahii Weynaa Ee Islaamka-3aad

Ababkii Nabi Maxammad Iyo Kaahii Weynaa Ee Islaamka-3aad

Qeybta 3-aad:

Kacbadu waa dhisme leh sal cabbirkiisu yahay 11.03 m x 12.86 m iyo joog dhan 13.1 m. Marada la huwiyay Seddex-Geeslaha (Kacbada) oo af Carabiga lagu yiraahdo Kiswa oo macnuhu yahay hu', waxaa markii ugu horreysay ku daday boqorkii Tubaa ee Reer Jurhim xilliyadii Reer Ximyarkii Yemaneed. Xilliyo kala duwan baa lagu daday maryo midabbo isku-dhafan leh sida; cagaar, caddaan, casaan, ugu dambayntiina madow lagu dheehay midabka dahabka. Dib-u-dhis baa lagu sameeyay xilliyo kala duwan; intii aysan caddaan nabinimada Maxamaad (NNK) mar bay ahayd waana tii uu jifooyinkii Qureesh dhex dhexaadiyay, tii ugu dambaysay waxay ahayd 1996-dii, markaas oo si aad u wacan loo dhisay. Midabka huga ee madow oo waayahaan Kacbada lagu yaqaan, waxaa la sheegaa in lagu daday xilliyadii taladii Cabbaasiyiinta. Waayihii hore Kacbadu labo albaab bay lahaan jirtay iyo hal daaqad, haddase hal albaab bay leedahay. Furaha Kacbada waxaa hayn jiray oo ku sharfanaa hadba qolo, hase yeeshee, furashadii islaamka ee Maka kadib, wuxuu nabigu furihii u gacan geliyay Cusmaan, Ina Talxihii Reer Shuhayb, mid ka mid ah sheekooyinkii nabiguna waxay ahayd: "Qaata, Ilma Talxow qaata, ilaa Maalinta la isa Soo Saari Doono, cidina idin kama qaadan doonto aan ka ahayn taliye garsoor xun oo cadaadislow ah". Waayo dhaw kahor, Kacbada toddobaad walba waxaa loo furi jiray dadweynaha, mararkaan dambase, maadaama xujaydii faro badatay, waxaa lagu soo koobay in sannadkii labo jeer loo furo dadka mudnaanta sare leh. 

Waxaa lagu dhejiyay darbiga Kacbada dhagax madow (hadda ilaa 12 cad oo la isku kabay) oo ku galaysan macdanka qalinka. Waxaa la rumaysan yahay in cirka Eebbe ka soo riday dhagaxaas waagii Nebi Aden (NK) iyo Xaawo jannada laga soo saaray, sida la qabana waxaa loogu tala galay in dhagaxaasi astaan u noqdo Alle-bariga ama tuugmada Eebbe.  Sida lagu rumaysan yahay Diinta Islaamka, waxaa dhisay Kacbada Nabi Ibraahim (NK), waxaana sii dhisay wiilkiisii Nabi Ismaaciil (NK). Waxay labaduba caabudi jireen Weynaha “Allaah, al-Ilaah ama Ilohiim”. Markii waayo badan laga joogay xilliyadii labadaas nabi, waxay ubadkoodii ku baahay Jasiiradda Carabta, dhaxlayna Kacbada marin habaabiyeen diintii toosnayd ee Nabi Ibraahim (NK).  

Nin la oran jiray Caamir Ina Luxay oo ka dhashay qolo Carbeed oo la oran jiray al-Khudaaci oo ahaa hoggaamiye sare oo dadkiisu aad u oggolaayeen baa u safray Dhulka Shaam, wuxuuna arkay sanamyo dadyowgii dhulkaasi caabudi jireen. Wuxuu xuuraamay, wixii ay ugu toornaayeen sanamyadu dadkaas, waxaana loo sheegay inay iyaga iyo Eebbaha xiriiriyaan. Ninkaas oo ka soo socdaalay dhulkay kacbadu ku tiil wuxuu la dhacay warbixintii laga siiyay sanamyada, wuxuuna doortay sanam weyn oo la oran jiray Huubal ama Hoobal oo ahaa mudanaha sanamyadii dadkaas.

Markuu ninkaasi Xijaas yimid wuxuu Huubal-gacanlow oo la yiri, wuxuu lahaa hummaag nin iyo gacmaha middood oo dahab ahayd, ag qotomiyay kacbadii, dadkiina wuxuu ku dhiirriyay inay qaataan fikirkii uu kala yimid dhulkii Shaam. Waxaa kaloo la sheegaa in gurracanaha Ibliis uu kula taliyay inuu sanamyadii dadkii Nabi Nuux (NK) oo ku aasnaa aagga Jiddah soo qufo oo iyagana la caabudo lana geeyo Kacbada, sidaas buuna Kacbada ku keenay sanamyadii ay ka-midka ahaayeen; Yaaquus iyo Nasraa. Sidaas baa waxaa ku hirgalay dhaqan lagu jideystay in qolo walba oo Carbeed amaba qoys walba oo Carbeed samaysto sanam u gooniya oo ay guryahooda geystaan, xilliga xajkana Kacbada keensadaan. Waxay gaareen sanamyadii Carbeed ee la ag dhigay Kacbada ilaa 360 sanam, waxaana ugu caansanaa; al-Laat, al-Cusaa iyo Manaat oo la yiri waxay u haysteen inay yihiin gabdho uu dhalay weynahoodii Huubal-Gacanlow. Sidoo kale waxaa jiray sanamyada; Mannaaf, Wad, Am, Daalib, Duu Xalaas, al-Qawm, Duu Sharre iyo kuwo kale.

Dhanka kale, dhulalka Carbeed waxay ahaayeen dhulal lama-degaana, qallalan, omosoora oo hawkar badan. In laga helo baad iyo biyo dhulalkaas aad bay u adkayd. Sidaas darteed, wixii dheefa oo laga helo dhulalkaas waxay ahayd mid si daran loogu loollamo, waxayna ahaayeen dagaalladu kuwo aan kala go’ lahayeen.

Ma jirin dhulalkaas, marka laga reebo Yeman maamul loo dhan yahay waxaana loo noolaa hab qoleed. Waxaa jiray tolal badan, tol walbana wuxuu lahaa duq sare. Xoogga ayaa ahaa sharciga aan qornay ee dhulka. Koox walbana iyadaa sharciga gacmaheeda ku sidatay. Tusaale ahaan, haddii qof la dilo, qolodiisu way u aari jirtay. Waxa kaliya ee lagu kala gabban jiray waxay ahayd cabsida. Sidaas darteed, dhinicii awood yar innaba tixgelin kuma lahayn bulshooyinkii Carbeed ee waayahaas. Waxaa kaloo aad uga dhex jiray bulshooyinkaas naxariis-la’aanta iyo tixgelin-la’aanta dan-yarta, dumarka iyo dhinac kasta oo aan lahayn awood wax iska caabbin karta. Qofka waxaa gaashaan difaaca u ahaa qolodiisa, sidaas awgeed wuxuu qof walba u hoggaansanaa hababka qolodiisa.

 Xilliyadaas Maka waxay ahayd magaalada ugu muhimsan dhulka Xijaas. Waxay Maka ahayd barta sannad walba loo soo wada xajiyo, waxaana imaan jiray dad badan oo ka kala imaan jiray dhinacyadii Jasiiradda Carbeed. Waxay kaloo ahayd xarun ganacsi doora, waxayna safarradu u gaalaa bixi jireen dhinac walba. Maadaama Maka ku dhisnayd oo ku baraartay ganacsiga iyo xujayda faraha badan ee imaan jiray Kacbada, tolkii u badnaa degaankeedu wuxuu noqday mid awood fiican leh, tolkaas oo ahaa Qureesh. Sidaas darteed, tolkii Qureesheed wuxuu ku dadaali jiray inuu dhawro danaha magaaladiisa, wax walba oo waxyeelo u keeni karay tiirarkii awoodeed ee magaaladana xoog buu uga hor tagi jirtay. Waxay Qureesh u aragtay sanamyadii badnaa ee qolooyinka ee Kacbada yiil iyo ganacsigii ku dhisnaa imaanshaha dadweynihii rumaysnaa sanamyadaas kuwo aad muhim ugu ah jiritaankooda. Waxay ka dhigeen agagaarka Kacbada mid ka caaggan dirirta ama dagaallada.


Nabi Maxammad (NNK) wuxuu ka dhashay oo ku koray bulshadaas cawaanka ahayd oo ka marnayd naxariista, tixgelinta, aqoonta iyo wax walba oo wanaag ku tilmaaman. In kastoo bulshadii Carbeed ee uu ka dhashay kuna dhex noolaa ahayd mid aad uga fogaatay dhaqammadii wanaagsanaa ee uu Eebbe faray dadka oo ay wax walba oo xun caadaysatay oo ay waliba xumihii gaarsiiyeen inay nolol ku aasaan ilmahooda dheddig, haddana waxaa jiray kooxo rumaysnaa diintii Tawreed, Injiil iyo kuwa wali wax uun ka haystay xariggii toosnaa ee awoowyaashii Ibraahiim iyo Ismaaciil. Kooxahaan dambe oo laga badnaa waxay ka dambqan jireen arxan-darrada kuwa itaalka lihi kula dhaqmi jireen dadka itaal yar ama laga tiro badan yahay. Nabi Maxammad (NNK), kooxahaas dambe buu ka mid ahaa, wuxuuna joogto uga walwali jiray siyaalahii liitay ee tolkiisu ku sugnaa.    

No comments:

Post a Comment