Ababkii Nabi
Maxammad Iyo Kaahii Weynaa Ee Islaamka
Qeybta 1-aad:
Cabdullaahi oo ahaa
wiilkii Cabdul-Mudalib, isla markaana ahaa aabbihii Nabi Maxammad (NNK) wuxuu guursaday Aamina oo ahayd gabadhii Wahab. In yar kadib, guurkaas wuxuu
Cabdullaahi u aaday Yathrib ganacsi. Markuu socdaalkaas ka soo
noqdayna wuu xanuunsaday wuxuuna dhintay, iyadoo Aamino uur leedahay, waxaana
Cabdullaahi lagu aasay Dar-al-Nabiiqa oo ay degganaayeen qoladii Reer Najaar.
Wuxuu Cabdullaahi uga dhintay marwadiisii iyo inankiisii uurka ku
jiray afar halaad, xayn ari ah iyo gabar addoon ahayd.
Wuxuu qoyskii Aamina
yiil dooxada ka hoosaysa qararka Abu Qubays oo dhanka bari ka xiga Makah,
goobtaas bayna Aamina ku ummushay wiilkeedii madiga ahaa oo agoonka ahaa sannadkii 570-kii M.D (Masiixiga Dabadi). Inankii
dhashay, waxaa Muxammad (kii la mahadiyay) u bixiyay awoowgiis Cabdul-Mudalib
isagoo garab maray dhaqankii soo-jireenka ahaa oo wiilasha loogu magac dari
jiray absaxankii hore. Markii uu Cabdul-Mudalib u wan-qalaayay wiilkii uu
awoowga u ahaa, wuxuu casumay wadeyadiisii iyo rag qolodiisii Qureysh ka tirsanaa.
Waxaa la weyddiiyay sababta uu u dhinac maray habkii magac-bixinta ee sooyaalka
ahaa, wuxuuna ku jawaabay, “Waxaan sidaas u yeelay durraamashada in Eebbaha sarreeya iyo dadka dhulka joogaaba mahadiyaan ama weyneeyaan wiilkaan aan awoowga u ahay”.
Thomas Carlyle ee qoray buugga “Heroes and Hero-Worship”(London,
1850, p.1010, wuxuu yiri: “waxay ahayd dhalashadii looga guuray mugdiga oo loo guuray dhanka iftiinka; waxay Carab la iftiintay dhalashadaas. Dadkii raacatada saboolka ahaa
oo tan iyo waagii la is uumay aan saas looga war qabin, ayaa waxaa loo soo
diray nabi halyey ah oo kaliya xanbaarsan dhambaal ay ahayd inay rumeeyaan". Wuxuu
John William Draper isna ku qoray buuggiisii "History of the Intellectual Development of Europe" (London,
1875, 1st vol., p. 329): "afar sano kadib
geeridii Justinian ee 571dii baa Carab waxaa ka dhashay wiil noqday kan ragoo
idil uga saamayn badan aadanaha oo dhan". Sida ku xusan buuggii “Life of Mohamed”
ee Dermenghem; "Wuxuu Maxammad soo
if baxay mar ku beegan mar uu sooyaalka aadanuhu ku dhex jiray mugdigii ugu
weynaa jiritaankiisa. Waagaas ilbaxanimooyinkii dhammaantood, laga soo bilaabo
Merovingian Gaul ilaa Hindiga, way burbureen oo waxay ku sugaanyeen qas iyo
qalalaase”.
Maka oo la oran jiray Ummul Quraa (Tuulooyinka Hooyadood) waxay u jirtaa 40 mayl Badda Cas, waxayna
waayahaas ku tiil dooxo qallalan oo leh dhagxaan kulayl badnaa. Waxay lahayd
waddooyin ciriiriya oo wasakh badnaa. Hawada Maka ee waayahaas waxay ahayd mid ku
adag koritaanka carruurta, wayna ku jirran jireen. Arrintaas dambe awgeed, waxaa dhaqan u
ahaa qoysaskii degganaa magaalada inay dhallaankooda u xilsaaraan
qof dumara oo reer guuraagii ka mid ahayd si ay u nuujiso. Haddaba odoygii
Cabdil-Mudalib wuxuu u xilsaaray nuujintii wiilkii Maxammad (NNK) haweeney la
oran jiray Sacdiya oo ahayd gabadhii Abu Dhuweyb, una dhalatay qolodii Sacad, dagaan ahaanna u ogog lahaa Buurta Daa’if ee dhanka bari ka xigtay Maka. Inankii yaraa ee
Maxammad waxaa nuujinaysay ilaa 5 sano Xalimadii Reer Sacad. Markuu gaaray 5
sano ayay u celisay hooyadi Aamina, hal sano kadibna hooyadii way geeriyootay. Wiilkiii
yaraa isagoo lix jir ah buu agoon rajaya noqday, waxaana markaas kadib
koritaankiisii la wareegay awoogiis Cabdil-Mudalib, isla markuu siddeed
jirsadayna awoowgiisna wuu xijaabtay. Kahor intuusan Cabdil-Mudalib geeriyoon
wuxuu kala dardaarmay korintii inankii uu awoowga u ahaa wiilkiisii Abu Daalib
oo si weyn isugu xilsaaray korintiisii. Waxaa Abuu Daalib dhaqan u ahayd inuu
dhinaciisa seexsho oo isaga wax la cuno oo meeshuu aadaba la aado. Waxaa kaloo
dhaqan u ahayd Qoyskii Abu Daalib inaysan cuntayn ilaa agoonkii rajayga ahaa u
yimaado. Habkaas xannaanaynta sare leh baa lagu dhaqaayay Maxammad (NNK) ilaa
uu qaangaar noqday. Markuu labo iyo toban jirsaday wuxuu adeerkiis Abu Daalib u
raacay safar ganacsiyeed lagu aaday Shaam. Xilligaan uu joogay Shaam ayaa waxaa
la yiri waxaa la kulmay wadaad Masiixiya oo la oran Bahiira, kaas oo u sheegay
adeerkii Abu Daalib inuu wiilka wajigiisa ka arkay astaan muujinaysa inuu
xanbaarsan yahay aayo wanaagsan oo uu maalin uun heli doono dhambaal sarreeya,
sidaas darteedna ay tahay in aad loogu dadaalo xannaanayntiisa.
Isagoo wali kuray ah
baa hanadnimadii Maxammad (NNK) gaartay aqal walba oo Maka ku yiil. Wuxuu yeeshay
naanaysyaha al-Ammiin iyo al-Saddiiq oo ah Kii-La-Aammini Karay oo Run-lowga-Ahaa. Kaliya maahayn inuu runlow lagu kalsoonaan karo ahaa, ee wuxuu kaloo noqday mid leh tilmaan kasta oo la xiriirta
toosnaanta qumman. Waxay kaloo noqotay in qofkii la dhaqmaaba waligiis wado
ammaantiisa. Mar ka mid ah mararkaan baa jifooyinkii Quraysh dooneen inay dib-u-dhis
ku sameeyaan Kabcada, hase yeeshee, waxaa la isku qabtay jifadii Dhagaxa Madow
meelayn lahayd oo sharafta yeelan lahayd. Waxaa lagu sigtay in arrinku keeno
xiisado colaadeed. Waxay markii dambe ku heshiiyeen in garsoore dhex dhexaadiyo,
haddaba maalintii xigtay ayey arkeen al-Ammiin oo dhankooda u soo socda,
waxayna ku wada qayliyeen; waa kan al-Ammiin. Wuxuu markaas Maxammad dul saaray
Dhagaxii Madoobaa cad maro ah, kadibna wuxuu ka codsaday in jifo walba ergay ka
socdaa marada dacal qabto, sidaasna lagu meeleeyo dhagaxa, sharaftana la wadaago. Maarayntaas waa loo
wada riyaaqay, sidaas buuna is-af-garanwaagii ku dhammaaday.
No comments:
Post a Comment