Wednesday, July 3, 2013

Habaw-Ummadeedka (maqaal)

Habaw-Ummadeedka

Waxaan wada og nahay in qofka ama dadkuba marin habaabaan oo dawga toosan gefaan. Waxaan ka loo wada og nahay in Eebbaha abuuray noole iyo ma-noole oo dhan uu si taxane ah ugu soo diraayay qoloda habawda nabiyo ama rasuullo. Sida ku xusan Quraanka Kariimka, marka Eebbe la hadlaayo dadka uu abuurtay waxaa murtidiisa xoogga badan ku dheehan tusaalooyin iyo caddaymo uu uga gol leeyahay u-caqlicelinta iyo toosinta dadka. La ma soo koobi karo aqoonta Weynaha e, aan tusaale ahaan sheegno in uu ku celceliyay: "in uusan dadka badankiisu wax-garad ahayn" iyo inuu hadalkiisa ku beegay "dadka wax-garadka ama caqliga leh". 

Meerisyada kore, waxaan ka la soo bixi karnaa; in Eebbe dadka wax-garadka ama wax-yaqaanka ah qeyb ahaan u xilsaaray hagaajinta iyo maaraynta uunka. Sababta looga dhigay wax-yaqaanka hormoodka dadka, waa inuu garan karo sirta nolosha oo uu tagtada ka war hayo, tan taaganna u toocin karo sida qumman iyo inuu timaaddada si toolmoon u saadaalin karo. Wuxuu markaas ay-yaqaanku heli karaa qorshaha u fiican dadka uu wax-garadka u yahay. Sidaas darteed, qoloda ama ummadda haysa dhabbaha wanaagsan waxaa hormood ka ah taladooda wax-garadka. Waxyaalaha lagu garan karo, in wax-garadku hormood ka yahay talada tolka, qoloda ama ummadda waxaa ka mid ah; qorshaha, qabanqaabada iyo wax-qabadku waxay ku qotomaan danta guud ee dadkaas. Mar haddii arrimuhu ku salaysnayn yihiin dan-qofeed ama kooxeed waa hubaal inay taladu gacanta ugu jidho wax-ma-garad, waxaana jirta oraah caan ah: "waxay arrintoodu murugtay ummad uu maangaabkeedu yahay madaxeeda".  

Hoggaanka qummani wuxuu dadkiisa ka dhex goobaa wax-garadkeeda, hoggaanka gurracanna wuxuu ka dhex goobaa taageerayaal tiisa kaliya mar walba u heellan. Waxaa kaloo ka mid ah astaamaha hoggaanka gurracan, inuusan u aabbe yeelin dhibabka uga imaan kara falalkiisa dadka uu hoggaansho, halka kan qumman uu falalkiisa ku miisaamo danta dadkiisa oo xitaa naftiisa u huro hadday sidaas dantu ku jirto. 

Haddaan yare milicsanno siyaalaha Soomaaliya, waxaan maalin walba maqalnaa koox ama tol hebel daacad u ah hebel iyo dhiggooda oo daacad u ah hebel kale baa dagaal qaraar dhex maray oo qasaare lixaad leh kala gaaray. Waxaan joogto u aragnaa, reer hebel oo ka hor yimid maamul dawladeedka ama goboleedka kadib markay waayeen hal wasiir oo ay filaayeen. Waxaa dhaqan noqotay in dad badan naftooda ama hantidooda u waayaan arrin ku saabsan xil ama dan hal qof oo qura. Way caddahay marka, in tolka Soomaaliyeed ama shacabkuba uu marin-habow baaxad leh ku dhex jiro, sidaasna uu ku seegay toosnaantii ay ahayd inuu u darbanaado.

Mar haddii danta maangaabka iyo madaxnimadiisa inta badan u baaba'ayso sow run maaha maahmaahdii: "Maw dameer la saaray iyo meel maangaab ka taliyayba murrugmaarug baa u dambaysaa"? Oo sow natiijadii dawyadii suubbanaa oo aan gefnay nama dhaxalsiin dayaca iyo habowga weyn ee aan ku dhex dayaysan nahay?        

No comments:

Post a Comment