Friday, September 21, 2018

Qasnaanta Dhimirka iyo Siyaasiga Soomaaliyeed(Somali Politician and Mental Disorders)

Image result for mental disorder drawings



 

Qasnaanta dhimirka oo haddana loogu yeero jirro dhimireed ama qasnaanta nafsaaniga, waa si la xiriirta anshiga oo qofka u keenta dhib ama cillad uu wax la qaban waayo. Marka la sii qeexo waa gaabisnimo la xiriirta sida qofku u dhaqmo, wax u fisho, u dareemo ama u fakaro. In kastoo qasnaanta dhimirku ay jaadad badan tahay waxaan halkaan ku faaqideynnaa: 


Qasnaanta Qof Ahaaneed (Personalitiy Disorder)


Qasnaanta qof ahaaneed waa jaad kamid qasnaanta dhimirka, wuxuuna qofka jirradaasi qabaa lagu yaqaan hab-dhaqan qallafsan, fikir qaldan iyo waxqabad qalloocan. Xanuunkaasi wuxuu qofka gaarsiiyaa heer uu la-dhaqanka dadka iyo hawlihiisaba u dhibab kale kulmo. Qofka xanuunkaas qaba oo isagu isu la muuqdo mid fayow, waxaa lagu yaqaannaa inuu gaabisnimadiisa ama cilladihiisa uu qof kale ama dad kale ku eedooyo.


Astaamaha (Symptoms)

Astaamaha xanuunkaas waxaa kamida kuwa hoos ku taxan:
* Kalsooni la’aan baahasan iyo ka-shakiga dadka kale iyo waxay rabaan
* Rumaysnaan in dadka kale wax yeelayaan ama sirayaan oo aan lahayn caddaymo.
* Kashakiga in daacad loo yahay ama kashakiga kukalsoonaanta dadka kale iyadoo aysan jirin wax muujinaaya sidaas
* U-janjeerka waxqarinta sababtoo ah cabsi uu ka qabo in xogtiisa isaga loo adeegsado
* U-qaadashada hadalada dadka kale in isaga lagu weeraraayo ama lagu caayayo
* Xanaaq iyo colaad xooggan oo uu ka muujiyo wax-kasheeg yar
* Labbis, hadal iyo hab-dhaqan silloon
* U-qaadashada in uu dadka kale ra’yigiisa ku saamayn karo oo isagu mudan yahay in laga tusaale qaato
* Danayn-la’aanta baahiyaha ama dareemada dadka kale
* Been-sheegid joogta, isagoo adeegsanaaya magacyo amaaha (aliases), xatooyo iyo dhgaridda dadka kale
* Ku-noqnoqashada ku-gefidda sharciga iyo dadka kale
* Handadaad badan, aalaana hab-dhaqankiisu waa mid colaadeed
* Tixgelin-la’aanta ammaanka dadka iyo xushmayntooda
* Hab-dhaqan aan degganayn
* Mas’uuliyad-darro joogta
* Qoomamo-la’aanta gefafkiisa iyo hab-dhaqankiisa


 Astaamaha Siyaasiinta Soomaalida

* Mar walba waa jaakadaysan yahay, waxayna la tahay in jaakaduhu hummaagggiisa kordhinayaan

* Waa xaflado badan yahay, isagoon waxyeello mooyee aan waxtar laga arag buu jecel yahay in dadkoo dhan u raqleeyo, dumarkuna alalaaska iyo ammaanta ku dheeraadaan.


* Intaas waa qudbadaynayaa, mana laha oraaho laga xigto ama halhaysyo waayaha dambe halhays noqda
* Intaas waa cakoodinayaa, waxaana k muuqata tiiraanyo aan la ogeyn waxa keenay
* Intaas waa cabanayaa, gooddinaya oo cartamayaa, sidaasna waxay la tahay inuu garawsho ku heli doono
* Aqoon-yahannimuu sheegtaa, hab-dhaqankiisana aqoon ka ma muuqato
* Wax-quuris ma leh, siyaasiinta kale wixii wanaagsan oo ay sameeyaan ama wixii san oo ay ku hadlaan ma arko
* Waa tuug mariyay oo madoobeeyay, haddana wuxuu u dhaqmaa sidii isagoo dhawrsan
* Siyaasadahiisu waxay ku dhisan yihiin daydaynimo, mar walbana wuxuu u xagliya halka uu is leeyahay wax baad ka helaysaa
* Wuxuu cuskadaa oo ku tookhaa awoodda qolodiisa, haddana mar hore iyo mar dambe toona qolana wax ma taro
* Waa qorqode siyaasadeed, waayo mar walba siyaasadaha ama maamulada kale wuu ku yulqamaa.
* Sidii isagoo waddani ah buu u murmaa, haddana waa dhagar-qabe aan ka gabbanayn waxyeellaynta dalka iyo dadka.

* Marna gefkiisa ka ma soo noqdo, waana toobad-laawe.

* Waa eedayn iyo dhaleecayn badan yahay, isagoon tusaale loo qaateena keeni karin, buu jecel yahay inuu cambaareeyo oo eedna dusha uga tuuro madaxdii hore ama tan hadda joogta. Tusaalaha ugu fiican ee arrintaan dambe waa: eedaynta Madax Weyne M S Barre oo waxtarkiisii aad uga badnaa wadarta waxtarradii intii ka loo Soomaaliya ka talisay. Wuxuu siyaasi-u-yaalku sheegaa in Barre dhibaatada iyo walaahowga horseeday, isagoo ka duwaya eedda kuwii cadawga Soomaaliyeed la soo saftay oo hubka soo qaatay kuna soo duulay dalkii hooyo, hoogga iyo ba’ana horseeday, illeen isaguba waa noocoodee. Rag haddii arrimuhu qumman yihiin ku sheegganaan lahaa ‘qaran-dumisyo’ ama khaa’iimiintii waaweynaa, buu ka dhigaa siyaasigaas liita mid mudan in laga ta’wiil qaato. Alle-doorigaasi waxay noloshiisu luggooyo ku tahay jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed dhammaantiis.