Tuesday, December 30, 2014

Milicsiga Taariikhdii Daraawiishta (taariikh)

sannadkii 1905tii baa Sayid Maxammad saxiixay heshiis u oggolaanaayay inay Daraawiish ka taliso dhulka Nugaal iyaduna markaas ballanqaadayso inay joojinayso faragelinta arrimaha dhulkii S/liyeed ee Ingiriiska iyo colaadaha. Lee Cassaneli wuxuu qoray in waayahannadu ku kala tagsan yihiin qiimeynta heshiiskaas. Qaar baa waxay qabaan inuu Sayidku u galay heshiiskaas si uu waqti u gato oo uu abaabullo ciidan-dhisitaan. Wuxuu sheegay in Sayidku xiriir qarsoodi ah la yeeshay Biyomaalka hub faro badanna siiyay. Aragtida sidaan ah waxay gar noqonaysaa markii la eego sidii uu Sayidku u la dhaqmay Saldanadii Cali Yuusuf -Keenadiid oo ahayd mid colaadeed. Febarwary, 1905tii wuxuu Ingiriisku helay war dhuhlayn ah oo uu u soo gudbiyay Signor Olivo kaas oo sheegay in Daraawiish qabsatay Garacad, Sayidka laf ahaantiisuna halkaas dagay. Daraawiishtu waxay Garacad u aragtay dagal xeebeed leh marso abuurriin ah oo u sahli kartay helitaanka hubka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga.  Signor Olivo wuxuu qoray in Cavaliere Pestalozza uu aaday Hobyo si uu Suldaan Cali Yuusuf u la tashado. Waxaa kaloo jiray dhambaallo sheegayay dhibabkii Reer Mahad (Majeerteen, Cumar Max'uud), Garacad kala kulmeen kadib markii xoolahoodii ay Daraawiishi dhacday. Sidaas darteed, kadib sannado badan oo isku day ah waxay Daraawiish awoodday inay joogitaan xooggan oo qoto dheer ku yeelato Mudug. Guulihii 1905tii kadib, waxay Daraawiish ka dhisatay Garacad iyo Jarriiban qalcado. Waxaa kamid ahaa qorshayaashii doorka ahaa ee Daraawiish inay saldhigyo ku yeelato xeebaha Mudug si ay u maamusho dhulalka gudaha ah oo meesiyada la dhaqdo hodan ku ahaa iyo ujeeddooyin ganacsi labadaba. Waxaa kaloo jiray in reerihii Mudug degganaa aad ugu muujiyeen madaxadayg iyo u-hoggaansi-la'aan Suldaan Cali Yuusuf. Laga soo bilaabo sannadkii 1902dii waxay Daraawiish weerarro ku haysay fariisannadii Cali Yuusuf ee Mudug si ay u ciqaabto qolooyinkii horjoogsaday jihaadka. Bishii Sept. 1902dii, waxay Darwiish weerartay qalcaddii Suldaan Cali Yuusuf ee Gaalkacyo wayna qabsatay. Warkii uu Ingiriisku helay baa sidaan ahaa: guulahaan Daraawiisheed dartood, waxaa kor u kacay sumacaddii Wadaadka ee tolalkii koonfurta iyo galbeedka Mudug degganaa. Col. Swayne wuxuu rumeysnaa in tani ku tahay dharbbaaxo Cali Yuusuf wuxuuna soo jeediyay in 600 oo askari oo Suudaan ah oo wata afar madfac la geeyo Hobyo si ay u kaaliyaan Suldaankii Hobyood. Qabsashadii Daraawiish ee miyiga Mudug ma raagin. Waxaa ka saaray ciidan uu wato Gen. Mannig's oo Hobyo ka dagay bilawgii ololihii 3aad ee Ingiriiska. Laakiin July, 1904tii kaalinkii Cali Yuusuf ee Gaalkacyo wuxuu noqday midaan xasilloonayn mar kale wuxuuna Swayne diray dhambaal uu ku sheegay in Suldaankii kaba gurtay Gaalkacyo isagoo ku macneeyay inuu Hobyo u baqay uuna difaaceeda isu aruuriyay. Suldaanku wuxuu ku celiyay codsigiisii qoryaha wuxuuse Swayne qabay inuu haysto qoryo ku filan.

1905tii, waxay Daraawiish noqotay mid aad u hiyi kacsan doonaysana inay ciqaabto qolooyinkii halganka gunnimodiidka ah hor-istaagay, sidaad darteed, Majeerteenkii Mudug waa la weeraray markii la dareemay inuu ka cagjiidayo taageeradii Daraawiishta. Dhanka waqooyiga koox gooni u goosatay oo Cali Geri (Dhulbahante) ah baa culays soo saartay Buuhoodle. Haddaba koox Daraawiish ah oo Ismaaciil Mire hoggaaminaayo baa laga diray Xarunta oo loo diray Abqow oo tiil koonfurta Eyl, halkaas oo uu Sayidka walaalkiis Yuusuf Shiikh Cabdulle ku dhaqaayay fardihii Daraawiishta. Markii kooxdii gaartay Abqow, Ismaaciil Mire wuxuu tiriyay gabay uu ku muujinaayay ujeeddooyinkiisii. Wuxuu sheegay in Daraawiish doonayso inay ku xoogaysato Mudug iyo in la ciqaabo Suldaan Cali Yuusuf sababtoo ah gacan-siintiisii Ingiriiska kadib markii uu u oggolaaday General Manning inuu ka soo dego Hobyo xilligii ololihii 3aad ee Ingiriiska ee ka-dhanka ahaa Daraawiishta. Asagoo  ku halqabasanaaya Yuusuf Sh. Cabdulle wuxuu yiri:

Taleex iyo Abqow Yuusufow, waa tub kala dheere

Toddobaan ka soo dhaxay, halkay tiil dariiqaduye

Wixii aad tartiib igu ogayd, tiicis baan ahaye

Tan inaan fadhiistaana, waa tacaddi diimeede
Wax Jahaadku taawinahayaa, tan iyo Ceelhuure
Tiirkii Hobyood waa la gubi, taan niyaysnahaye
Abtow Toogayar ii qabo adaan, kuu tawaawacaye

Sannadka gudahiisii waxay Daraawiish ku weerartay Majeertiinkii raacsanaa Cali Yuusuf Xinduugan, wuxuuse Majeerteen ka sii warhelay colka ku soo beegan wuxuuna geeliisii ul a qaxay dhanka koonfurta. Markii colkii Daraawiishtu soo gaaray aaggii, geel iyo rag toona lama kulmin. Colkaas hungoobay waxay dani badday inuu aryahii hilbo ahaan u dhaco, wuxuuna Ismaaciil Mire ka tiriyay arrinkaas gabay kooban:

Shillinkii Xinduugan haddaan, shalay Jihaad geeyay
Shigta weerar guutadu hadday, sheed walba u qaadday
Shaaruflaha Majeerteen hadday, shidatay reerkiisa
Horweyn laga ma soo shubo gunaan, shucub u foofayne
Anoo shiiday baan helay wankii, shirixa weynaaye
Shiilliinka ii keen Ilaah, waw shukriyayaaye
Nin shahiida baa loo ogaa, inuu shaf goostaaye
Nimcadaan Shareecada ku helay, yaan ka shaabbacaye

Waxay kaloo Daraawiish la falgashay Boqor Cusmaan Maxammuud iyo raaciyaddiisii. Ragaalkii 1915kii baa col ka soo baxay Bari iyo dhankii taliskii boqorku dhacay geel tiro badan oo loo baxshay Miinanle kaas oo dhiillo weyn ku abuuray Daraawiish. Waxaa lagu taliyay in Ismaaciil Mire hoggaansho col lug ah oo soo dhiciya geelii waxaana sidaas loogu taliyay dhulka Bari oo xoogagga boqorku ku sugnaayeen baa ahaa dhul qallafsan oo maristiisu ku adkayd fardihii Daraawiishta. Ismaaciil Mire ayaa diiday ra'yigaas wuxuuna ku tawaawacay; haddii aysan fardihii Daraawiish daaqsin u jirin Xaysimo inaan Miinanle la qaadeen. Wuxuu sharraxay sida dagaalku ugu baahan yahay degdeg iyo xawli. Labadaas oo fardaha kaligood suurtogelin kareen, wuxuuna gabay ku yiri:

Xayow aabbahay baa i baray, Xamar aan fuulaaye
Xiis baan ku meel mari jiriyo, Xaya darmaaneede
Fardduu Xaysimay naga jireen, Xula dhaceediiye
Sengeyaasha xoogga leh haddii, lagu xambaareeyo
Xadataa ma dhaafteen hashuu, xaday Majeerteene
Lugi inay Xadaafiir tahaan, soo xaqiiqsadaye
Welina Eebbahay igu ma xadin,  laba xagaafoode

Markaas kadib guluf uu hoggaaminaayo Ismaaciil oo fardooley ah baa qeyb ahaan soo dhiciyay geelii.

Mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee Daraawiishta waxay ahayd qabsashadii Hiiraan. 1912kii bay Daraawiishi ka war-heshay in Talyaanigu isku soo fidinaayo Koonfurta Soomaaliya qorshahiisuna yahay inuu Hiiraan qabsado. Dhulkaan oo hore uga madaxbannaanaa gumeystaha. Caaradkii Talyaanigu wuxuu soo gaaray Mahaddaay. Warkaani wuxuu qeylodhaan ku dhex tuuray Daraawiish, sidaas darteedna Sayidku wuxuu u saaray ciidan dhan 900 oo nin dhanka Doh iyo Ceelgaab oo uu hoggaaminaayey Xaaji Maxammuud Macallin "Cagadhiig". Amarkii ciidankaas la siiyay wuxuu ahaa inuu xoojiyo xooggii Daraawiisheed ee fadhiyay aaggaas oo uu madaxda ka ahaa Sayidka walaalkiis Khaliif Sh. Cabdulle iyo inuu sii galo Hiiraan qalcadana ka dhiso Beledweyne. Markuu ciidankii gaaray Hiiraan wuxuu fadhi ka samaystay Qollad oo u dhaweyd Beledweyne. Wuxuu bilaabay inuu dhambaallo iyo ergooyin u diro qolada Xawaadle ee agagaarka degganayd si ay ugu soo biirto halganka iyo gumeysidiidka waxayse ku soo jawaabtay inaysan taageerayn joogitaanka Daraawiisheed ee Hiiraan. Waxay ku adkaysatay mawqifkeedii, in kastoo Daraawiish aad isug dayday qancinteeda. Waxay tusaalaysay khatarta Talyaaniga iyo sida midnimo looga hortago loogu baahan yahay. Markay caddaatay inaan Xawaadle u soo loodsamayn Daraawiish, waxay noqotay in weerar lagu ballaariyo si loo layliyo. Xawaadlaha waxay la ahayd inuu Daraawiish iska caabbin karo wuxuuna lahaa hoggaamiye karti badan oo la oran Nimcade-Dacar wuxuuna hoggaaminaayay ciidan loo oran jiray Hormadiid. Sannadkii 1913kii baa Daraawiishi weerartay Xawaadle oo jabisay, xoolahoodiina gacanta ku dhigtay. Sidaas baana Hiiraan ku noqday aag Daraawiishi ka taliso. Isla markiiba Daraawiish waxay Beledweyne ka bilawday dhisitaan qalcadeed waxaana hormood ka ahaa dhisitaanka nin la oran jiray Cali-Jalax waxaana taliye guud loo magacaabay Cagadhiig.

Talyaanigu wuxuu ka walwalay horumarka Daraawiisheed ee Hiiran wuxuuna xoojiyay xooggiisii fadhiyay Mahaddaay isagoo ka cabsi qabay weerarro uga yimaada Daraawiish. Wuxuu kaloo fadhi ka samaystay Tayeeglow iyo Buqaqable oo uu ugu talagalay difaaca dhulalkuu koonfur ka joogay. Wuxuu kaloo kulan degdeg ah la qaatay Suldaan Cali Yuusuf waxayna ku heshiiyeen inay cudud midaysan uga hortagaan Daraawiish. Waxay soo dhaweysteen Boqor Olol Diinle, oo ka soo jeeday saldanadii Ajuuraan ee hore. Waxay seddexdaas dhinac u istaageen kahortaggii iyo la-dagaalankii Daraawiishta.

Maaris 3, 1915kii, waxay gaashaanbuurtii bilawday duullaammo laga soo abaabulay lix jiho. Talyaanigu wuxuu ka soo ruqaansaday; Buulobarde, Buqaqable iyo Tiyeeglow. Suldaan Cali Yuusuf wuxuu soo baxshay labo ciidan waxaana hoggaaminaayay Godogodo. Boqor Olol Diinle asna wuxuu ka soo gulfay Qallaafe. Colalkaasi waxay go'doon socday seddex bilood iyo bar geliyeen saldhigyadii Daraawiisheed ee Hiiraan. In kastoo aad loo duqeeyay qalcadihii haddana wax weyn ma gaarin. Markii madaafiicdii Talyaaniga midkood la burburiyay ciidammadii soo duulay waxaa ku dhacay argagax waxayna isku soo tuureen goobihii dagaalka. Ismaaciil Mire waqtigaas wuxuu ku sugnaa Beledweyne wuxuuna u yimid kormeer iyo xogdoon. Markii la maqlay weerarrada soo beegan dib buu u dhigay safarkiisii, difaacii buuna ka qeyb-galay. Wuxuu ka tiriyay dagaalkii Beledweyne iyo colalkii soo weerary geeraar uu u diray Khaliif Sh. Cabdulle oo ku sugnaa Qalqallooc. Wuxuu ku sheegay geerarkaas dhinacyadii dagaalka soo galay iyo siyaalihii dagaalka:

War ninkii iga dooniyow
Anoo Doollo u jeeda
Deleb heensaha saaray
Gooruu waagu dillaacay
Daraawiish ballamaynnaa
Adduun saad ka damcaysiyo
Damdambaysi ma yeeshee
Waa dawaara sideede
Durba weerar na taabay
Maajoor doora qudhmuuniyo
Doofaartii Raxanweyniyo
Majeerteen dunjigiis
Daacufley askareediyo
Ina Diinle dhashiisaa
Dulmi noogu heshiiyoo
Duulba maalin na beegay
Beryey Deex ololaysay
Dundunku u rognaayoo
Candhadii dubayowdoo
Daaqsin ayan u foofinoo
Rasaastii dam lahayd
Dagaal baan kula roorayoo
Baqihii ay dillaameen
Dabkii aannu ka reebnay
Derbi baan ku masaaloo
Daarahaannu rasaynnaayoo
Daayimow mahaddaa bay
Daraawiishi lahaydeey


Guushaas taariikhiga ka dib waxay Daraawiish isku fidisay koonfurta Soomaaliya, Talyaanigana waxay qasab uga dhigtay inuu ka noqdo qorshuhuu ku rabay inuu isku ballaariyo Dooxooyinka Shabeellada Sare. Waxay Daraawiish si fiican u sii degtay Hiiraan waxayna joogisteeda ku sii xoojisay dhisiddii labadii qalcadood ee kale ahaa Aammin iyo Labo-Mataanood. Waxay kaloo colal xooggan ku bixisay Tayeeglow iyo Baydhabo oo ay ku weerartay Talyaaniga iyo taageerayaashiisii. Waxay kaloo ugu dhacday cadawga koonfurta fog sida Aw-Dheegle iyo Ceel-Garas. Jabkii Beledweyne kadib Talyaanigu kuma dhiirran inuu weeraro Daraawiish mar dambe, tan dambaase mar walba waxay wadday weerarro.

Sunday, December 7, 2014

Labadii Doqon oo Habaabay (maqaal)

Waa baa waxaa la yiri, waxaa hayaantay dagmo reer guuraa ahayd, iyadoo u roob-raacday dagallo roobsaday. Jiidaashii dheerayd ee ay ku yeelnayd baa waxaa ku habaabay labo doqon oo degmada ka tirsanaa, waxayna ku ambadeen dhul omosoore ah. Waxay hadba dhinac foolka saaraanba, way dhanqalmeen kadibna waxay ku hoos dhaceen geed harkiis. Muddo hadday nasanaayeen, baa midkood yiri; hebalow balligii meel-hebla ku yiil soo fiiri in biyo galeen. Kii la diray baa kacay oo aaday dhankii loo sheegay, saacado badan buuna ku maqnaa sahankii loo diray. Goor dambe ayuu ku soo noqday doqonkii kale ee diray geedkii buuna ku soo hoos dhacay isagoo aad u sii dhanqalmay. Kii horoo diraa yiri; balligii ma tagtay? Suu ye; haa. Su’aal kaluu ku celiyay; biyo ma galeen? Suu ye; maya ee waa qallalnaa. In yar kadib, baa waxaa kacay kii markii hore doqonkii kale diray oo iska luuday, markaasaa kii haray yiri; hebalow xaggee u socotaa? Suu ye; balligii baan soo fiirinayaa in biyo galeeen. Markaasaa kii kale yiri; oo hebalow, balligii anaa soo arkoo waa qallalnaaye maxaad ka dooni? Suu ye; waa ku soo quusanayaa. Kii harsanaa baa isna inta kacay iska dabo-galay kii kale. Kii la dabo-galay baa inta ku soo jeestay yiri; oo adigu xaggee u socotaa? Suu ye; balligii baan kugu la soo quusanayaa! 

Cibrada sheekada ku jirtaa, waa in caqligu yahay kan qofka haga oo ku duwa waddada toosan, haddiise caqli suubban la waayo, qofku wuxuu noqdaa mid habaaba oo hadba dhinac aan waxba jirin ku ambada.

Waxaa sheekadaan oo kale ah; Wasiirka Kowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ee maanta. Sida naloo sheegay wuxuu WK ku salaysan yahay hab-qeybsigii qoleedka ahaa ee Soomaaliyeed, waxaana loo qoondeeyay tolweyne Soomaaliyeed, haddana waxaa muuqata in loo adeegsaday bahdilidda iyo biindhaynta dhinicii la yiri, waa lagu maamuusay.

Waxaa kadhigan doqonkii yiri; balligii baan kugu la soo quusanayaa, kan og wixii lagu falay raggii doorka ahaa ee dhiggiisa ahaa oo ka horreeyay oo haddana u heellan inuu meeshiisii buuxsho, iyadoon la maarayn ama laga maarmin xarunimada Muqdishow-da noqotay xas bahal-galeena.
Waxaan kale oo xusuusin lahaa xikmad-laawaha talada dalka murginaaya erayadaan laga soo xigtay murtidii doorka ahayd ee Khaliifkii Afraad ee Islaamka:

Ka digtoonow:
Inaad kan wanaagsan bahdisho, inaad caaqilka cilladayso, inaad xumaalaha wanaajiso, inaad doqonka la kaftanto, iyo inaad gogol-dhaafaaga (dhillayga) la dhaqanto.
Waxaan dhadhamiyay dhammaan wax kastoo fiican, wax caaafimaadka ka fiican waan waayay. Waxaan dhadhamiyay dhammaan wax kastoo qaraar, inaad u baahato dadka wax ka qaraar waan waayay. Waxaan qaaday bir iyo dhagax, wax deynta ka culus waan waayay.
Waxaad ogaataa in dunidu tahay labo maalmood; maalin adaa leh, maalinna waa lagaa leeyahay, haddaad leedahay ha isla weynaan, haddii lagaa leeyahayna ha caroon, samir labaduba waa kooban yihiine".
Imaam Cali Ibnu Abuu Daalib (Eebbe ha ka raalli noqdo)

Wednesday, December 3, 2014

Xiddigaha (cashar)


                                                                        
Xiddigtu waa jir caruna (plasma) oo dhalaal badan oo aad u weyn, waxaana isku haya oo isku meel isugu keena cuf-jiidkeeda (gravity). Xiddigta ugu dhow dhulka waa qorraxda, mase aha tan ugu weyn. Xiddigaha kale waxaa laga arkaa dhulka hameynkii, iyagoo u muuqda dhibco dhalaal badan oo taagan, sababtuna waa fogaanta tirada badan ee ay indhaha dhawraya ka fog yihiin. Xiddigaha ugu door roon waxaa loo kooxeeyay bahweyn-xiddigood ama buruuj (constellations) iyo bahyar-xiddigood (asterisms), waxaana xiddigaha ugu dhalaal badan la siiyay magacyo-cilmiyeed loogu magacdaray hadba sida uu muuqaalkoodu yahay. Xiddig-yahannada waayaha cusub waxay cirka u qeybsheen ilaa 88 bahweyn-xiddigooda oo wada leh xuduudo ama seerayaal.

Ugu yaraan qeyb kamida nolosheeda, xiddigtu sababta ay la iftiintaa waa qarax-unugeedka haydroojiinka oo u rogma qaraxaas kadib heliyuum, falkaas oo ka dhaca ubucda xiddigta, wuxuu sii daayaa tamar tiinbata gudaha xiddigta, kadibna ku baahda hawada bannaankeeda. Marka uu dhammaad ku dhow yahay haydroojiinkii ubucda xiddigtu, dhammaan walxaha ka culus heliyuumka ayaa samaysma waxaana sameeya hab-sancadeedka qarax-unugeedka gaarka (stellar nucleosynthesis). 

Xiddigaha ka yar qorraxda markii ay gaboobaan oo ah markii shidaalkii dabshidkaas weyn hurinaayay uu dhammaado way dhintaan ama bakhtiyaan. Xiddigta le’eg qorraxda marka shidaalku ka dhammaado jirkeedii baa is fidiya, kadib cuf-jiidkeedii baa si aada ugu soo cesha walxihii ka kala tagay ubucdii xiddigta. Markii walxahaas isu yimid ay si aada isugu kuusmaan, waxaa kordha cufnaantii waxyaalahaas. Cufnaantaas xooggan waxay samaysaa qarax lixaad weyn oo keena kaah saabta hab-tusmeedka cirkeenna oo dhan. Kaahaasi dhawr toddobaad ama bilood buu baahiisu socdaa, waxaana loogu yeeraa Cusub-sare (Supernova). Bilahaas ama toddobyadaas kadib wuu dhammaadaa kaahii weynaa waayo is-fidintii weyneyd baa dhammaata. Markaas kadib, waxyaalihii firdhay oo ka koobnaa walxaha dhulka iyo uunka kalaba ku abuuran meel walbay aadaan,  waxaase ubucdii xiddigta ku hara wax xiddigtii kamida oo aad isugu cufan si aadana u dhalaalaaya oo loogu yeero Dhaglays ama Biglays (pulsar), waxaana magacaas loo siiyay, sida wadnaha ayey dhaglaysaa iyadoo bikaacinaysa iftiin xoog leh oo bigleynaaya.

Sannadkii 185 MD baa dalka Shiinaha waxaa laga diiwaangeliyay xiddig dhalaal badnayd oo si kadis ah cirka uga muuqatay, waxaa loo qaatay inay tahay xiddig cusub oo dhalatay, waana sababta loo siiyay Nova oo Laatiinka ku ah; cusub. Sida la xusay xiddigtaas kaaha weynayd waxay dunida iftiiminaysay 8 bilood, kadibna waa qarsoontay. Tan iyo waagaas waxaa la diiwaangeliyay dhawr dhacdo oo ku saabsan xaaladdda "Supernova" xilligii ugu dmbeeyay wuxuu ahaa sannadkii 1604 MD.

Haddii xiddigtu ka weyn tahay qorraxda oo shidaalku ka dhammaado qarax-unugeedkiina joogsado, waxaa bartamaha xiddigtii ka samaysma cuf-jiid awood badan leh, wuxuuna soo jiitaa dhammaan walxihii xiddigta ee hareeraha, kadibna waxaa dhaca qarax tahan-dhaafa oo aan la malayn karin, markaas kadibna xiddigtii oo dhan waxay isu rogtaa goob madow badan oo loogu yeero Hogga Madow (black hole). Hoggaas madow wax kasta oo ka soo ag dhawaada wuu liqaa, xitaa wuxuu liqaa baa la yiri iftiinka ama xiddigaha kale, mana jiraan baa la yiri wax ka badbaadi kara ama ka soo noqon kara. Cilmiga saynisku hogga madow inuu jiro mooyee, wax intaas dhaafsiisan ka ma oga, waxaana halkaan ku istaaga xeer kasta oo culuunta la xiriira. Qaar baa yiri; waa illinka koon kale oo aan ahayn kan aan ku nool nahay, qaarna waxay yiraahdeen hogaggaas madow ee aan wax ka soo noqon, waa irridihii ama albaabadii aakhiro, Weynahaase ogaal badan.

Xiddiguhu si joogta ah bay u dhashaan, waxayna ka dhashaan waxyaalaha hawooyinka sare ku firirsan oo markii hore ka abuurmay alkumaddii u horreysay ee uunka ee loo yaqaan Bugtii Weynayd (Big Bang). Aagga ay xiddigtu ka samaysanto ama ka abuurato waxaa loogu yeeraa Daruuro (Nebula).Page semi-protected

Cusub-Sare (Supernova)
    Cusub-Sare (Supernova)
  1. Dhaglays (Pulsar)
    Hogga Madow (Black Hole)
    1. Daruuro (Nebula)
      Daruuro (Nebula)

Tuesday, November 25, 2014

Qarannimadu Waa Sharaf (hees)

Saadaashu waa qurux
Qaboono weeye degmadu
Dubbad labo qarsoomiyo
Dayaxoo u qunuudiyo
Waa sannad qaruumiya
Garbo qaarac maahayn
Qasahuna waa guduud

Qarannimadu waa sharaf
Quwad weeye lixaad loo
Dadkii qaadi waayana
Way qiime beelaan
Wuu jabaa qabkooduna

Danbasame cawuu qubaye
Qadanti weeye doogguyoo
Mahiigaan aan qaadayn
Karan sagalku qeexiyo
Waa sannad qaniimiya
Nuuro qaalib weeyoo
Qudduhuna waa samo

Qarannimadu waa sharaf
Quwad weeye lixaad loo
Dadkii qaadi waayana
Way qiime beelaan
Wuu jabaa qabkooduna

Qundhac berisamaadow
Qabuul weeye ducadu
Nabsi bixi qadoodiga
Qudurradaan ku raagniyo
Wuu dhammaan qabbaankii
Qaraar baa la gaariyoo
Qulubna wuu hari

Qarannimadu waa sharaf
Quwad weeye lixaad loo
Dadkii qaadi waayana
Way qiime beelaan
Wuu jabaa qabkooduna

Erayada:
1- Qaboono: xilli qabo gaar ahaan subaxa hore.
2- Dubbad: birta weyn oo laga hoos mariyo waxa la garaacaayo. Xilli-dayaxeed.
3- Qunuud: duco salaadda subax la raacsho, marmarna salaadaha kale.
4- Qaruumi: qarameeda ama leh awoodda wadajirka.
5- Garbo: xiddigaha ugu horreeya dalaaliga ee dhexeeya dirirka iyo biyoxawda.
6- Qaarac: garaacaa. 
7- Qase: labaa, wareer-keene.
8- Danbasame: xilli aalaa roob da'o.
9- Qadanti: itaal iyo xoog leh. Cawo, ayaan.
10- Mahiigaan: roob ama col faro badan.
11- Karan: roob da'a xagaaga gadaashiida.
12- Qaniimi: qani ama hodan ah.
13- Nuuro: iftiimiso, kaahiso.
14- Qudde: fandhaal weyn.
15- Qundhac: qorrax.
16- Qadoodi: cunno-ka-qatanaan.
17- Quduro: yaab ama amakaag.
18- Qabban: qof ciidana ama adeege ah, qawrsar.




Friday, November 14, 2014

Qorraxda (cashar)

 
Qorraxdu qolo ahaan waa xiddig waana kubbad baaxad weyn oo holcaysa oo ka samaysan walax kasta ama curiye kasta oo aan dhulka ku naqaan iyo kuwo aan la aqoon oo inta uumi ama neef wada noqday si aada u balbalaaya. Qorraxdu waa dabshid baaxad weyn oo dhex qotoma hab-qorraxeed-keenna. Saamaynta qorraxdu waxay dhaaftaa marinnada fogfog ee Nabtuun iyo Buluutoo. Haddii aysan jirin tamarta lixaadka weyn ee  qorraxdu ma jiri lahayn nolosha aan naqaanno ee maanta. Qorraxda innagaa si gaara u kulaalna oo ay nolosheenna u kaabtaaye, waxaa jira balyanno xiddiga oo sida qorraxdeenna oo kala ah oo ku firirsan Hab-tusmeedka Diillin-Caanoodka (Milky Way galaxy.)

Waxyaalahaan soo aaddan waa siyaalo qorraxda ku saabsan oo mudan in wax laga ogaado:

1- Qorraxdu waa xiddig, xiddigina ma laha dul ama oogo adag, waase kubbad neefo ah oo holcaysa (92.1% haydrojiin (H2) iyo 7.8% oo Heeliyuuma (He). Waxaa qorraxda wax kankoonsan oo isu aruursan ka dhigay cuf-jiidkeeda.
  1. Qorraxdu waxay fadhidaa bartamaha hab-qorraxeed-keenna,  waana 99.8% cufafka inta kale oo ka tirsan hab-qorraxeed-keenna.
  2. Qorraxda dhex-roorkeedu (diameter) waa 1,392, 000 km. Dhulka dhex-roorkiisu waa 12, 756 km. Haddii aan doonno inaan gudaha qorraxda ka buuxinoo dhulal la-mug ah dhulka aan ku nool nahay, wuxuu gudaha qorraxdu qaadi karaa ilaa 960,000 oo dhul.  Qorraxdu dhulka waxay ka culus tahay 300, 000 oo jeer.
  3. Sidaan soo sheegnay qorraxdu ma laha meel adag ama oogo adag, haddaba qeybo kala duwan oo qorraxda kamid ahi waxay ku wareegaan ino kala geddisan. Marka la joogo qorrax-baraha (equator) waxay qeybtaas dhexda ahi hal wareegoo buuxa samaysaa 25-kii maalmoodba mar, maalintuna halkaan waa maalinta dhulka. Cirifyada qorraxdu waxay halka wareeg oo buuxa ku sameeyaan 36-dii maalmoodba mar, mar labaadna maalintu waa tan dhulka.
  4. Jawi-qorraxeedku waa meesha aan ku aragno waxyaalaha sida; dhibco-qorraxeedka iyo danbaaburooyinka ololaaya ee ka booda dabshidka weyn ee qorraxda (solar flares). Jawiga bannaanka ama heeladka qorraxdu ee loo yaqaan Koroona (Corona) wuxuu dhaafsiisan yahay marinka uu ku wareego meeraha cilinka ee Buluutoo.
  5. Waxaa qorraxda ku meeraysta siddeed meere, ugu yaraan shan meere oo cilimmo ah, tobannaan kun oo dhadhaabyo (asteroids) ah, iyo ilaa seddex tirilyan dhagax-saynlle ah iyo waliba waxyaalo barafoobay oo badan.
  6. Qorraxdu ma laha garangarrooyin.
  7. Waxaa jira goobo (sunspots) qorraxda kamid ah oo taqa ama abriya, goobahaasi marna waa weynaadaan, marna way yaraadaan. Markay weynaadaan waxaa kordha heerkulka dhulka oo meelaha barafka lihi way dhalaalaan, waxaana bata colaadaha iyo dagaallada. Markay yaraadaanna heerkulka dhulku waa yaraadaa, colaaduhuna waa la yaraadaan.  
  8. Waxaa jira wax loogu yeero gal-qorraxeed “halo” oo ah muuqaal si wanaagsan loo arko marka dayaxu isku beego qorraxda, waxaana kolkaas la arkaa gal ama garangar  dhalaalaysa oo ku meersan qorraxda, sida sawirkaan hoose ka muuqata.
1.     
10- Danbaaburo-qorraxeedku waa holac duulaaya oo ka soo booda qorraxda wuxuuna gaaraa baa la yiri fogaan dhan inta ay dhulka iyo dayaxu isu jiraan. Sawirradaan hoose kan midig baa muujinaaya danbaaburrada qorraxda, kan bidix wuxuu muujinayaa saamaynta ay danbaaburradu ku samayso cirifka waqooyi ee dhulka, halkaas oo midabbo isku dhafan isku habeeyaan, kuwaas oo ay sababtay danbaaburada qorraxdu.

11- Taaj-Qorraxeedku (Corona) waa aag aad u ballaaran oo gaaraya malaayinn kilomitir oo ku meersan qorraxda. Waxaa aaggaas si fiican loo arkaa marka uu jiro qorrax-madoobaad (eeg sawirka hoose). Waxaa jirta in heerkulka Taaj-qorraxeedku ka badan yahay kan qorraxda dusheeda, taasoo abuurtay irkig iyo amakaag.

Heerkulka gunta ama ubucda qorraxdu waa 15 milyan oo Santigarayd ama 27 milyan oo Feeranhayd. Heerkulka dusha ee qorraxdu waa 5,600 oo Santigarayd (10,000 oo Feeranhayd). Heerkulka gal-qorraxeedku (Halo) waa 6, 000 oo Santigarayd (11,000 Feeranhayd). Arrintaani waxay kamid noqotay waxyaalaha lala yaabo ee dhanka qorraxda, ilaa haddana lama hubo sababta galka qorraxdu uga kulul yahay oogadeeda. Aragti baa oranaysa qurubyada yaryar ee qorraxda ka bidaaya baa is duqaynaaya kadibna samaynaya qaraxyo xoog badan, taasaana keenaysa in heerkulka galku ka bato kan dusha qorraxda. 

Si kastaba ha ahaatee, heerkullada dhinacyada qorraxdu is ma le’eka, ilaa hadda waxaa la og yahay meesha ugu heerkul yar, inay tahay 4200 C,  halka meesha ugu kulul tahay 50 milyan C. 

Qorraxdu waxay shidnayd ama qaxmaysay 5 bilyan oo sano, waxayna ilmiriqsigiiba gubtaa 5 milyan oo tan oo Haydroojiina, waxaana la rumaysan yahay inay sii shidmi doonto 4 bilyan oo sano, maalin baase la gaari doonaa ay qorraxdu dhiman doonto, markaas oo noolasha dhulku gebi ahaan baabi' doonto. 

Dabshidkaas baaxadda leh ee qorraxdu wuxuu soo gudbiyaa awood lixaad ballaaran leh, waxaase dhulka ka soo gaara in yar oo dhan 800 bilyan oo megawatts ah. Haddii in yar qaddarka ilmiriqsigii shidmaa ee qorraxdu hoos u dhaco ama kor u kaco, nolosheenna dhulku waa baaba’aysaa oo qabow baa na dili ama kulayl baa na dili. Xisaabtaas sida aadka u dheellitiran maamulkeeda, kaliya waxaa awooda Weynaha wax walba abuuray.  Qorraxdu waa xiddig, waase xiddigta noogu dhaw marka loo eego 100-ka bilyan oo xiddigood ee dhex sabbaynaya Diillin-Caanoodka hab-tusmeed-keenna (our Milk Way galaxy), sababta aan u aragno maalin walbana waa dhawaanshahaas. Culayska ama cufnaanta xiddigaha kale ee ilaa hadda loo dhabbagalay waxay u dhexeeyaan toban-dalooloow, hal-dalool culayska qorraxda ilaa 30 jibbaar culayska qorraxda. Barashada siyaalaha qorraxdu waxay noo fududeynayaan barashada xiddigaha kale.

Wednesday, November 12, 2014

Waxa La Idin Ku Sabayaa (hees)

Sagan badan ninkii galay
Nabad miyuu siraadshaa
Siriyaha dhagarta qaba
Samo miyuu ka taliyaa
Sawaab miyuu sarriigtaa
Seef-la-bood ma diric baa
Saranseer ninkii baday
Saanacii bulshada dilay
Sedo miyuu ku helayaa?

Waxa la idin ku sabayaa
Dunidu idin solansiin
Seemahood dhigtaan iyo
Inaan la saloolan been iyo
Sareedada dhulkiinniyo
Ma saayira dadkiinnaa?

Saajacii waddaniyihi
Qaran miyuu saluugaa
Sifo garaad ninkii lihi
Salow miyuu abuuraa
Samirruhu miyuu saqleeyaa
Seeraariye ma sikhi baa
Sarji qarankii ka dhacay
Saymaha ninkii dhigay
Sahal miyuu u galayaa?

Waxa la idin ku sabayaa
Dunidu idin solansiin
Seemahood dhigtaan iyo
Inaan la saloolan been iyo
Sareedada dhulkiinniyo
Ma saayira dadkiinnaa?

Erayada:
1- Sagan: utun, dakano, gashi.
2- Siraadshaa: iftiimiyaa, saadiyaa.
3- Siriyaha: kan wax sira ama qof kale ka dhiga sirrow.
4- Sawaab: doqon, sawir, dhaandhaan, qof sacsacan.
5- Sarriigtaa: sharafta oo laga ilaaliyo wax xun, xishood, sheex.
6- Saranseer: dhibaatada ka dhalata waxyaalo isku xigxigay.
7- Sedo: ammaan, sumcad.
8- Sabayaa: si dadban dantiinna la idiin ku sheegayaa.
9- Sareedo: barwaaqo, baraar.
10- Saayir: turaal ama dhaqaale la iska helo.
11- Saajac: geesi, aar.
12- Salow: qeylo iyo buuq.
13- Saqleeyaa: u ordaa si saqlayn ah (waa qaab kamid ah orodka)
14- Seeraarin: wax inta la tuuro laga kormariyo geed iwm.
15- Sikhi: wax-bixin badan, deeqsi
16-  Saymo: warmo, fallaaro ama xabbado badan oo si daran loo adeegsanaayo oo markaas u ekaaday saymaha roobka.
17- Solansiin: waafajin, ku-duwid, garansiin.
18- Saloolan: xoolaha sida ariga ayaa inta lugaha ku istaaga jeenyaha meel kore saara si ay laamo kor ku yaal u daaqaan. Halkaan samaynta wax aan habboonayn ama laacitaanka wax kaa fog.


Thursday, November 6, 2014

Dhulku Waa Wareegaa Haddana Waa Wareegaa (cashar)

Dhulku wuxuu kamid yahay meerayaasha hab-qorraxeedkeenna. Dhammaan meerayaashu waxay ku wareegaan qorraxda iyagoo leh marin ama dhabbe ay u qaadaan wareeggooda. Marka loo eego siday qorraxda u kala xigaan, waa sidaan: Meerkari (Mercury), Fiinas (Venus), Dhulka (Earth), Maaris (Mars), Jubitar (Jupiter), Saateerni (Saturn), Yuraanus (Uranus), Neebtuun (Neptune). Waxaa kaloo jira meerayaal la yiraahdo waa cilinno, waxayna kala yihiin: Baluutoo (Pluto), Hawmiya (Haumea), Makimaki (Makemake), Irris (Eris) iyo Siiris (Ceres).

Dhulku waa meere leh qaabka kubbadda. Barta uu dhulku isugu aruuro ee dhinaciisa waqooyiga waxaa la yiraahdaa “Cirifka Waqooyi”, tan koonfuureed ee uu isaga aruuranno waxaa la yiraahdaa “Cirifka Koonfureed”.  Haddaan male awaalno tiir dheer oo isku xiraaya labadaas barood ee mid ku taal dhanka waqooyi ee dhulka tan kalana ku taal dhanka koonfureed, waxaan ogaanaynnaa in dhulku ku wareego tiirkaas (axis of rotation), asagoo ka soo rogmanaaya dhanka galbeedka una rogmanaaya dhanka bariga. Wuxuu hal wareega oo dhammaystiran ku ebyaa 24 saacadood waxaana loogu yeeraa maalin. Xawliga dhulku ku socdo marka uu isagu isku wareegaayo waa 1674.4 km/saacaddii. Dharaartu waa inta aagga dhulka aad ku sugan tahay uu ku beegan yahay qorraxda, hameynkuna waa inta aaggaagu ka dadban yahay qorraxda ama wareegga ku soo jiro. Wareeggaas sababa caddada iyo gudcurka wuxuu ka dhigay dhulku mid lagu noolaan karo.
Meerayaasha oo dhan waa isku wareegaan, ha yeeshee sida dhulka maahan, tusaale ahaan, Meerkari oo ah meeraha dhulka ugu dhow, waxay ku qaadataa inuu hal mar isku wareego 59 maalmood, macnuhu waa markii dhulku hal mar isku wareegay oo sidaas maalini ugu ahaatay, waxaa Meerkari u sii harsan 58 maalmood oo kale. Fiinas oo ah meeraha labaad ee dhulka ugu dhow, waxay ku qaadataa inuu hal mar isku wareego 243 maalmood (maalintu waa maalin-dhuleedka).

Dhulku haddana waa wareegaa, wuxuuse markaan ku wareegaa qorraxda, sidoo kale bay meerayaasha kalana qorraxda ugu wareegaan. Dhulka waxay ku qaadataa inuu hal wareeg oo dhammaystiran qorraxda ku wareego 365 maalmood, 45 daqiiqo iyo 48 ilmiriqsi ama  365.256363004 maalmood. Markii dhulku ebyo hal wareeg oo uu qorraxda ku wareegaalaystay waxaan u naqaan sannad. Qorraxdu waxay dhulka u jirtaa 93 malyan oo mayl. Marka dhulku ku meeraysanaayo qorraxda wuxuu ku socdaa xawli dhan 30 kiilomitir/ilmiriqsigii ama 108,000 kiilomitir/saacaddii (67, 108 mph). xawligaasi wuxuu ku filan yahay in lagu jaro dhexroorka dhulka ee dhan 12,700 km ama 7,900 ml, toddoba daqiiqo gudahood. Dhinaca kale dhulka qeybtiisa koonfureed baa u janjeerta dhanka qorraxda, sidaas darteedna tamarta dhulku qorraxda ka helo waxay u badan tahay dhinaca koonfureed ee dhulka.

Su’aasha la is weyddiin karo waxay tahay; maxay meerayaashu qorraxda ugu wareegaan? Jawaabtu waxay tahay; shan bilyan oo sano kahor markii uunka la sameeyay wuxuu ahaa daruur baaxad leh oo ka samaysan boor iyo neef (gaas). Daruurtii way isku soo uruurtay, iyadoo samaynaysa saxan aad iyo aad u weyn oo si dheeraynaysa u wareegaysanaayay. Qorraxdu waxay ku abuurantay dhexda, neeftii iyo boorkii wareegaysanaayayna waxaa ka abuurmay; meerayaasha, dayax-yada, dhadhaab-yada (asteroids) iyo dhagax-saynle-yaasha (Comets). Sidaas darteed, sababta waxyaalo badan ugu meeraystaan qorraxda waa iyagoo ka abuurmay saxankii weynaa ee alkumidda.

Su’aasha kale ee mudan in halkaan la isku weyddiiyo waa; haddii dhulkaan aan ku nool nahay isku wareegaysto, isla markaana qorraxda ku wareegaalaysto, maxaan u dareemi weynay ? Jawaabtu waxay tahay; innaga iyo wax walboo kale oo aan aragno waxaan kamid nahay dhulka, dhammaanteenna waxaan ku soconnaa xawliga uu ku socdo, sidaas darteedna ma dareemi karno socodkiisa iyo xawligiisa. Tusaale ahaan, haddii aad saaran tahay baabuur xawli ku socda oo jid weyn haya oo dhinacaaga uu maraayo baabuur kale oo aad isku xawli tihiin oo aad arkayso kaliya labada baabuur, waxay kula noqonaysaa inaan labada baabuur midna dhaqaaqayn, waana sidaas arrinka dhulka iyo inta kale ee ku dul sugan. Sida kaliya ee lagu arki karo in dhulku isku wareego oo haddana qaabkiisu kubbad yahay waa iyadoo laga baxo hawada dhulka, taasoo maanta hirgashay marba haddii dayax-gacmeedyo iyo gantaallo la samaystay cirkana loo sahan tagay.

Xawliga uu dhulku asagu isugu wareegaayo iyo xawliga uu qorraxda ugu wareegaayo is ma dhimaan, mana kordhaan ee waa suganayaal aan is doorin. Waxa la-mid ah oo aan is doorin dhabbayaasha ama tubaha ay ku joogaan meerayaashu iyo fogaanta uu midba midka kale u jiro iyo midba inta uu qorraxda u jiro. Haddii hannaan-socodkaas wax iska beddelaan waxaa jaahwareer ku dhacaya koonka oo dhan, noloshu sidaan u naqaanna ma jiri lahayn. Waxay hababkaas qorshaysan ku tusinayaan inuu jiro maamul aad iyo aad u sarreeya iyo agaasime leh garaad aad u weyn.

Monday, November 3, 2014

Labadii Qofee Is Jecel (hees)

Taladaan qorsheynaayey
Qormadaan tusmeynaayey
Reerkaan u qalab qaaday
Aqalkaan qotominaayayey
Qalayoo ka-qaad noqotay
Waxaan laba qaddarin noqotay

Labadii qofee is jecel
Naftu haddaysan u qaybsamin
Qudha kaan u bixin jiray
Iga qaad nasiib noqotay

Naxdintaan la qiiroodayey
Qulubkaan ani i haystaa
Ilamadaan i wada qoysay
Qofba maalin soo qabatayey
Tayduse qarracan noqotay
Dibinta is qaniin noqotay

Labadii qofee is jecel
Naftu haddaysan u qaybsamin
Qudha kaan u bixin jiray
Iga qaad nasiib noqotay

Qabanqaabadaan hayayey
Qalabkii aan soo gaday
Quruxdaan ka filaayey
Qulub lama-filaan noqotay
Qoomamo aan harin noqotay

Labadii qofee is jecel
Naftu haddaysan u qaybsamin
Qudha kaan u bixin jiray
Iga qaad nasiib noqotay