Thursday, November 6, 2014

Dhulku Waa Wareegaa Haddana Waa Wareegaa (cashar)

Dhulku wuxuu kamid yahay meerayaasha hab-qorraxeedkeenna. Dhammaan meerayaashu waxay ku wareegaan qorraxda iyagoo leh marin ama dhabbe ay u qaadaan wareeggooda. Marka loo eego siday qorraxda u kala xigaan, waa sidaan: Meerkari (Mercury), Fiinas (Venus), Dhulka (Earth), Maaris (Mars), Jubitar (Jupiter), Saateerni (Saturn), Yuraanus (Uranus), Neebtuun (Neptune). Waxaa kaloo jira meerayaal la yiraahdo waa cilinno, waxayna kala yihiin: Baluutoo (Pluto), Hawmiya (Haumea), Makimaki (Makemake), Irris (Eris) iyo Siiris (Ceres).

Dhulku waa meere leh qaabka kubbadda. Barta uu dhulku isugu aruuro ee dhinaciisa waqooyiga waxaa la yiraahdaa “Cirifka Waqooyi”, tan koonfuureed ee uu isaga aruuranno waxaa la yiraahdaa “Cirifka Koonfureed”.  Haddaan male awaalno tiir dheer oo isku xiraaya labadaas barood ee mid ku taal dhanka waqooyi ee dhulka tan kalana ku taal dhanka koonfureed, waxaan ogaanaynnaa in dhulku ku wareego tiirkaas (axis of rotation), asagoo ka soo rogmanaaya dhanka galbeedka una rogmanaaya dhanka bariga. Wuxuu hal wareega oo dhammaystiran ku ebyaa 24 saacadood waxaana loogu yeeraa maalin. Xawliga dhulku ku socdo marka uu isagu isku wareegaayo waa 1674.4 km/saacaddii. Dharaartu waa inta aagga dhulka aad ku sugan tahay uu ku beegan yahay qorraxda, hameynkuna waa inta aaggaagu ka dadban yahay qorraxda ama wareegga ku soo jiro. Wareeggaas sababa caddada iyo gudcurka wuxuu ka dhigay dhulku mid lagu noolaan karo.
Meerayaasha oo dhan waa isku wareegaan, ha yeeshee sida dhulka maahan, tusaale ahaan, Meerkari oo ah meeraha dhulka ugu dhow, waxay ku qaadataa inuu hal mar isku wareego 59 maalmood, macnuhu waa markii dhulku hal mar isku wareegay oo sidaas maalini ugu ahaatay, waxaa Meerkari u sii harsan 58 maalmood oo kale. Fiinas oo ah meeraha labaad ee dhulka ugu dhow, waxay ku qaadataa inuu hal mar isku wareego 243 maalmood (maalintu waa maalin-dhuleedka).

Dhulku haddana waa wareegaa, wuxuuse markaan ku wareegaa qorraxda, sidoo kale bay meerayaasha kalana qorraxda ugu wareegaan. Dhulka waxay ku qaadataa inuu hal wareeg oo dhammaystiran qorraxda ku wareego 365 maalmood, 45 daqiiqo iyo 48 ilmiriqsi ama  365.256363004 maalmood. Markii dhulku ebyo hal wareeg oo uu qorraxda ku wareegaalaystay waxaan u naqaan sannad. Qorraxdu waxay dhulka u jirtaa 93 malyan oo mayl. Marka dhulku ku meeraysanaayo qorraxda wuxuu ku socdaa xawli dhan 30 kiilomitir/ilmiriqsigii ama 108,000 kiilomitir/saacaddii (67, 108 mph). xawligaasi wuxuu ku filan yahay in lagu jaro dhexroorka dhulka ee dhan 12,700 km ama 7,900 ml, toddoba daqiiqo gudahood. Dhinaca kale dhulka qeybtiisa koonfureed baa u janjeerta dhanka qorraxda, sidaas darteedna tamarta dhulku qorraxda ka helo waxay u badan tahay dhinaca koonfureed ee dhulka.

Su’aasha la is weyddiin karo waxay tahay; maxay meerayaashu qorraxda ugu wareegaan? Jawaabtu waxay tahay; shan bilyan oo sano kahor markii uunka la sameeyay wuxuu ahaa daruur baaxad leh oo ka samaysan boor iyo neef (gaas). Daruurtii way isku soo uruurtay, iyadoo samaynaysa saxan aad iyo aad u weyn oo si dheeraynaysa u wareegaysanaayay. Qorraxdu waxay ku abuurantay dhexda, neeftii iyo boorkii wareegaysanaayayna waxaa ka abuurmay; meerayaasha, dayax-yada, dhadhaab-yada (asteroids) iyo dhagax-saynle-yaasha (Comets). Sidaas darteed, sababta waxyaalo badan ugu meeraystaan qorraxda waa iyagoo ka abuurmay saxankii weynaa ee alkumidda.

Su’aasha kale ee mudan in halkaan la isku weyddiiyo waa; haddii dhulkaan aan ku nool nahay isku wareegaysto, isla markaana qorraxda ku wareegaalaysto, maxaan u dareemi weynay ? Jawaabtu waxay tahay; innaga iyo wax walboo kale oo aan aragno waxaan kamid nahay dhulka, dhammaanteenna waxaan ku soconnaa xawliga uu ku socdo, sidaas darteedna ma dareemi karno socodkiisa iyo xawligiisa. Tusaale ahaan, haddii aad saaran tahay baabuur xawli ku socda oo jid weyn haya oo dhinacaaga uu maraayo baabuur kale oo aad isku xawli tihiin oo aad arkayso kaliya labada baabuur, waxay kula noqonaysaa inaan labada baabuur midna dhaqaaqayn, waana sidaas arrinka dhulka iyo inta kale ee ku dul sugan. Sida kaliya ee lagu arki karo in dhulku isku wareego oo haddana qaabkiisu kubbad yahay waa iyadoo laga baxo hawada dhulka, taasoo maanta hirgashay marba haddii dayax-gacmeedyo iyo gantaallo la samaystay cirkana loo sahan tagay.

Xawliga uu dhulku asagu isugu wareegaayo iyo xawliga uu qorraxda ugu wareegaayo is ma dhimaan, mana kordhaan ee waa suganayaal aan is doorin. Waxa la-mid ah oo aan is doorin dhabbayaasha ama tubaha ay ku joogaan meerayaashu iyo fogaanta uu midba midka kale u jiro iyo midba inta uu qorraxda u jiro. Haddii hannaan-socodkaas wax iska beddelaan waxaa jaahwareer ku dhacaya koonka oo dhan, noloshu sidaan u naqaanna ma jiri lahayn. Waxay hababkaas qorshaysan ku tusinayaan inuu jiro maamul aad iyo aad u sarreeya iyo agaasime leh garaad aad u weyn.

No comments:

Post a Comment