Qorraxdu qolo ahaan waa
xiddig waana kubbad baaxad weyn oo holcaysa oo ka samaysan walax kasta ama
curiye kasta oo aan dhulka ku naqaan iyo kuwo aan la aqoon oo inta uumi ama
neef wada noqday si aada u balbalaaya. Qorraxdu waa dabshid baaxad weyn oo dhex
qotoma hab-qorraxeed-keenna. Saamaynta qorraxdu waxay dhaaftaa marinnada fogfog
ee Nabtuun iyo Buluutoo. Haddii aysan jirin tamarta lixaadka weyn ee qorraxdu ma jiri lahayn nolosha aan naqaanno
ee maanta. Qorraxda innagaa si gaara u kulaalna oo ay nolosheenna u kaabtaaye,
waxaa jira balyanno xiddiga oo sida qorraxdeenna oo kala ah oo ku firirsan
Hab-tusmeedka Diillin-Caanoodka (Milky Way galaxy.)
Waxyaalahaan soo aaddan waa siyaalo qorraxda ku saabsan oo mudan in wax laga ogaado:
1- Qorraxdu waa xiddig, xiddigina ma laha dul ama oogo adag, waase kubbad neefo ah oo holcaysa (92.1% haydrojiin (H2) iyo 7.8% oo Heeliyuuma (He). Waxaa qorraxda wax kankoonsan oo isu aruursan ka dhigay cuf-jiidkeeda.

- Qorraxdu
waxay fadhidaa bartamaha hab-qorraxeed-keenna, waana 99.8% cufafka inta kale oo ka
tirsan hab-qorraxeed-keenna.
- Qorraxda
dhex-roorkeedu (diameter) waa 1,392, 000 km. Dhulka dhex-roorkiisu waa 12,
756 km. Haddii aan doonno inaan gudaha qorraxda ka buuxinoo dhulal la-mug
ah dhulka aan ku nool nahay, wuxuu gudaha qorraxdu qaadi karaa ilaa 960,000 oo dhul. Qorraxdu
dhulka waxay ka culus tahay 300, 000 oo jeer.
- Sidaan
soo sheegnay qorraxdu ma laha meel adag ama oogo adag, haddaba qeybo kala
duwan oo qorraxda kamid ahi waxay ku wareegaan ino kala geddisan. Marka la
joogo qorrax-baraha (equator) waxay qeybtaas dhexda ahi hal wareegoo buuxa
samaysaa 25-kii maalmoodba mar, maalintuna halkaan waa maalinta dhulka.
Cirifyada qorraxdu waxay halka wareeg oo buuxa ku sameeyaan 36-dii
maalmoodba mar, mar labaadna maalintu waa tan dhulka.
- Jawi-qorraxeedku
waa meesha aan ku aragno waxyaalaha sida; dhibco-qorraxeedka iyo
danbaaburooyinka ololaaya ee ka booda dabshidka weyn ee qorraxda (solar
flares). Jawiga bannaanka ama heeladka qorraxdu ee loo yaqaan Koroona
(Corona) wuxuu dhaafsiisan yahay marinka uu ku wareego meeraha cilinka ee
Buluutoo.
- Waxaa
qorraxda ku meeraysta siddeed meere, ugu yaraan shan meere oo cilimmo ah,
tobannaan kun oo dhadhaabyo (asteroids) ah, iyo ilaa seddex tirilyan
dhagax-saynlle ah iyo waliba waxyaalo barafoobay oo badan.
- Qorraxdu
ma laha garangarrooyin.
- Waxaa jira goobo (sunspots) qorraxda kamid ah oo taqa ama abriya, goobahaasi marna waa weynaadaan, marna way yaraadaan. Markay weynaadaan waxaa kordha heerkulka dhulka oo meelaha barafka lihi way dhalaalaan, waxaana bata colaadaha iyo dagaallada. Markay yaraadaanna heerkulka dhulku waa yaraadaa, colaaduhuna waa la yaraadaan.
- Waxaa jira wax loogu yeero gal-qorraxeed “halo” oo ah muuqaal si wanaagsan loo arko marka dayaxu isku beego qorraxda, waxaana kolkaas la arkaa gal ama garangar dhalaalaysa oo ku meersan qorraxda, sida sawirkaan hoose ka muuqata.
1.
10- Danbaaburo-qorraxeedku
waa holac duulaaya oo ka soo booda qorraxda wuxuuna gaaraa baa la yiri fogaan
dhan inta ay dhulka iyo dayaxu isu jiraan. Sawirradaan hoose kan midig baa muujinaaya danbaaburrada qorraxda, kan bidix wuxuu muujinayaa saamaynta ay danbaaburradu ku samayso cirifka waqooyi ee dhulka, halkaas oo midabbo isku dhafan isku habeeyaan, kuwaas oo ay sababtay danbaaburada qorraxdu.
11- Taaj-Qorraxeedku (Corona) waa aag aad u ballaaran oo gaaraya malaayinn
kilomitir oo ku meersan qorraxda. Waxaa aaggaas si fiican loo arkaa marka uu
jiro qorrax-madoobaad (eeg sawirka hoose). Waxaa jirta in heerkulka Taaj-qorraxeedku ka badan yahay
kan qorraxda dusheeda, taasoo abuurtay irkig iyo amakaag.
Heerkulka gunta ama ubucda qorraxdu waa 15 milyan oo Santigarayd ama 27 milyan oo Feeranhayd. Heerkulka dusha ee qorraxdu waa 5,600 oo Santigarayd (10,000 oo Feeranhayd). Heerkulka gal-qorraxeedku (Halo) waa 6, 000 oo Santigarayd (11,000 Feeranhayd). Arrintaani waxay kamid noqotay waxyaalaha lala yaabo ee dhanka qorraxda, ilaa haddana lama hubo sababta galka qorraxdu uga kulul yahay oogadeeda. Aragti baa oranaysa qurubyada yaryar ee qorraxda ka bidaaya baa is duqaynaaya kadibna samaynaya qaraxyo xoog badan, taasaana keenaysa in heerkulka galku ka bato kan dusha qorraxda.
Si kastaba ha ahaatee, heerkullada dhinacyada qorraxdu is ma le’eka, ilaa hadda waxaa la og yahay meesha ugu heerkul yar, inay tahay 4200 C, halka meesha ugu kulul tahay 50 milyan C.
Qorraxdu waxay shidnayd ama qaxmaysay 5 bilyan oo sano, waxayna ilmiriqsigiiba gubtaa 5 milyan oo tan oo Haydroojiina, waxaana la rumaysan yahay inay sii shidmi doonto 4 bilyan oo sano, maalin baase la gaari doonaa ay qorraxdu dhiman doonto, markaas oo noolasha dhulku gebi ahaan baabi' doonto.
Dabshidkaas baaxadda leh ee qorraxdu wuxuu soo gudbiyaa awood lixaad ballaaran leh, waxaase dhulka ka soo gaara in yar oo dhan 800 bilyan oo megawatts ah. Haddii in yar qaddarka ilmiriqsigii shidmaa ee qorraxdu hoos u dhaco ama kor u kaco, nolosheenna dhulku waa baaba’aysaa oo qabow baa na dili ama kulayl baa na dili. Xisaabtaas sida aadka u dheellitiran maamulkeeda, kaliya waxaa awooda Weynaha wax walba abuuray. Qorraxdu waa xiddig, waase xiddigta noogu dhaw marka loo eego 100-ka bilyan oo xiddigood ee dhex sabbaynaya Diillin-Caanoodka hab-tusmeed-keenna (our Milk Way galaxy), sababta aan u aragno maalin walbana waa dhawaanshahaas. Culayska ama cufnaanta xiddigaha kale ee ilaa hadda loo dhabbagalay waxay u dhexeeyaan toban-dalooloow, hal-dalool culayska qorraxda ilaa 30 jibbaar culayska qorraxda. Barashada siyaalaha qorraxdu waxay noo fududeynayaan barashada xiddigaha kale.

No comments:
Post a Comment