Thursday, September 8, 2011

Murtidii Hoygii Bataax

Waxay aqoonyahannada qaar isku dayaan inay muran geliyaan asalka isirkii gun dhigay ilbaxnamadii aad u sarreysay ee Masartii hore. Aqoon-yari kama ahee waxay liqi la' yihiin in dadka Afrikaanka ah ee madow hal abuureen wacdarihii Hoygii Bataax oo ilaa maanta saldhig u ah dhammaan hannaanada dunida. Sababta ugu weyn ee aan anigu u daneeyo taariikhdii hore ee dhulkii isku magacaabi jiray Hoygii Bataax ee maanta ah Masar, waxay tahay in Soomaali ahaan ay tahay taariikh aan wax ku leennahay amaba ah taariikhdeennii hore. Sidaas darteed, waxaa habboon inaan u wada aragno taariikhdaas mid na quseysa. Maahan wax laga murmi karo lahaanshaha raadkaas taariikheed waayo waxaa wali ku dhex nool dhaqanka Soomaaliyeed astaamihii dhaqammadaas hore. Bal u fiirsada magacyadii dadkii waayahaas iyo siday wali xaggeenna ugu nool yihiin.

Masartii hore way taqaannay suugaanta; waxaa jira sheekooyin hore, maanso, xikmad, iyo maahmaahooyin, iyo waliba buuggii caqiidada oo lagu tiriyo qeybaha ugu fiican ee Murtidii Masartii Hore. 

Sheekayntii  Badmaaxa:
 Waa sheekadii badmaaxii markabkii burburay:
Marka la soo kobo sheekadaan waxay sheegaysaa markab burburay iyo hal badmaax oo kaligiis ah oo ka bad baaday. Wuxuu gaaray jasiirad hoobaan badan oo uu ilaaliyo mas ka dheer 30 taako. Garkiisu wuxuu ka dheeraa labo taako. Jirkiisa waxaa ku daboolnaa dahab waxayna sunniyihiisu ka sameysnaayeen laasuuli (lazulite). Badmaaxii iyo maskii wadeeyay noqdeen wuxuuna maskii saadaaliyay badbaadintii badmaaxa. Dhab ahaantii saadaashii waa rumowday oo badmaaxii waxaa u soo gurmaday markab wuxuuna asagoo nabdoon ku noqday dhulkiisii ka dib markuu la kulmay dhibab badan uuna socdaalkiisii badda argagaxyo badan ku haleeleen.

Sheekadii Sin-Oohi:
Sin-Oohi wuxuu ahaa mid ka mid ah xigtadii boqoradda, markay boqoraddii oo da’ weynaatay dhimatay, sababo uu asagu aad u ogaa dartood, wuu qarracmay wuxuuna ku sigtay in uu oon u dhinto maruu goynaayay lamadegaanka Siinaay. Waxaase helay cid reer guuraa ah waxaana u bogay odaygii cidda wuxuuna u guurshay gabadhiisii ugu weynayd. Sin-Oohi wuxuu gobalka kala kulmay loollamo badan, tusaale ahaan, wuxuu caabbiyay nin reer guuraa ahaa oo taagtiisa iskula weynaa argagaxna ku riday ciddii wuuna dilay. Sin-Oohi wuu duqoobay wuxuuna u hiloobay dalkiisii hooyo. Sidaas darteed, wuxuu dhambaal u diray fircoonkii dalkiisa asagoo codsanaaya oggolaanshaha soo-noqoshadiisa. Fircoonkii oggolaanshuu ugu soo warceliyay si mudnaan leh buuna u soo dhaweeyay wuxuuna siiyay guri iyo asagoo ka dhigtay lataliye waxaana cunnadiisa laga keeni jiray madashii boqortooyada.

Sheekadii labadii walaalaha ahaa:
Sheekadaani, waxay ka mid tahay sheekooyinkii ugu waaweynaa ee Masartii hore, waxay muujinaysaa dhumuca bilnaantii iyo durugsanaantii maamintii Masartii hore. Sheekadu waxay ka bilaabmaysaa labo walaalo ahaa Ambo (Aano-Bis) oo kan weyn  ahaa iyo Bataa oo kan yar ahaa. Afadii Ambo baa ka faa’iideysatay maqnaanshihii ninkeeda waxayna xodxodatay Bataa, markayse hungowday waxay been u sheegtay ninkeedii waxayna Bataa ku eedaysay inuu iyada damcay iyana dhawrsanaanteeda ilaalisay. Waxaa carooday Ambo wuxuuna ugu dhuuntay walaalkiis illinka gadaashiisa ee hoosaysan si uu u dilo markuu soo noqdo, laakiin sacii kowaad ee hooska u soo noqday baa u digay Bataa, wuuna cararay. Walaalkiis oo ku hubeysan waran baa daba galay. Wuxuuse eebbihii qorraxdu dhex dhigay maringoys yaxaasyo ka buuxaan.
Kadib markii Bataa nabdoonaan dareemay, wuxuu bilaabay inuu is dhufaano, sidaas baa walaalkiis ku qancay oo inta rumeystay dambi la’aanta walaalkiiis ku soo noqday gurigiisii markaasna inta dilay afadiisii maydkeedii u tuuray eyda.
Bataa wuxuu walaalkiis u sheegay inuu aadaayo dooxada Sidarka (Cedar valley, Lebnanon) uuna wadnahiisa dul dhigi doono ubaxa geedka Sidarka. Markuu Bataa tagay dooxadii Sidarka wuxuu dhisay qalcad wuxuuna guursaday naagtii ugu qurux badnayd adduunka taas oo isaga si gooniya ay eebbayaashu ugu abuureen ka-helitaanka awgiis. Waxaa dhacday in rucub timaheedii ka mid ah biyahii baddu qaadeen, fircoonkiina helay kadibna caraftoodii saaqday tin iyo cirib.
Wuxuu qabanqaabiyay olole si loogu keeno naagtii. Markay madashii reer boqor degtayna waxay ku dhiirrisay fircoonkii inuu gooyo ubuxii siday wadnihii Bataa waxaana dhintay Bataa. Ambo wuxuu ku ogaaday geeridii walaalkiis astaan sixireed ay hore ugu heshiiyeen. Ambo wuxuu aaday dooxadii Sidarka halkaas oo uu ka soo helay wadnihii walaalkiis oo noqday hoobaan wuxuuna Ambo awooday inuu soo celiyo noloshii walaalkiis. Ka dib markii uu dib u soo noolaaday Bataa wuxuu qaatay qaabka dibiga wuxuuna u soo xanbaaray walaalkiis Ambo Masar. Ambo wuxuu u dhawaaday fircoonkii ilaa uu noqday wadaygiis. Bataa mar buu istusay naagtiisii hore waxayna iyadii ku dhiirrisay ninkeedii inuu dibiga dilo wuuna sameeyay, laakiin labo dhibcood oo dhiiggiisii ah baa ku dhacay aqalkii weynaa ee boqortooyada waxaana meeshii ka soo baxay labo geed oo Libbik ah wuxuuna Bataa ku sii noolaa sidaas. Mar labaad buu is tusay naagtiisii hore. Markaasay labadii geedba goysay kana samaysatay agab guri. Waxay u timid si ay u aragto shaqadii agabkii la sameynaayay waxaana ku biday dhuunteeda firir wayna liqday iyadoon rabin, waxayna sidaas ku qaadday uur ay ku dhashay cunug ahaa Bataa laftigiisii. Markii cunuggii korayna, boqorkii wuxuu ka dhigay dhaxlihiisii markuu dhintayna Bataa wuxuu noqday Fircoonkii Masar. Dhanka naagtiisii hore waxay noqotay mid la dulleeyay waxaana dhici karta in la dilay. 

Gabayo iyo heeso:
 Muusikada iyo heesuhu waxay u ahaayeen Masartii hore lagama maarmaan halkaas oo beeralaydu ay qaadi jireen heeso-hawleed mararka ay shaqaynayaan. Sidoo kale waxay door u ahaayeen xafladaha diinta waxaana wehelin jiray allabariyada heeso iyo ciyaaro, tusaale ahaanna waxaa ka mid ah heesahaan:
  • Ubaxyada leh carafta macaan waxaa soo diray Bataax
  • Kuwaas oo u baxa kalgacalka iyo quruxda laga helo qof walba.
  • Bataax baa gacantiisa ku sameeyay si uu qalbigiisa u faraxgeliyo.
  • Si dhammaystiran baa biyo u buuxsheen dhasheegyadii.
  • Dhulkii oo dhanna waxaa rogmaday daadad.

 Heesaha qaar waxay u muuqdaan kuwo lagu ammaanayo boqorka sida heestaan loo tiriyay Siin-Soorid (Snosoret) boqorkii seddexaad ee boqortooyadii 12aad:
  • U wacanaa boqorku magaaladiisa.
  • Wuxuu u yahay gabbaad kan ka cabsaday nacabyadiisana wuu ka ilaaliyaa.
  • Wuxuu yahay hoosyada ugu ballaaran waqtiyada xagaaga.
  • U wacanaa boqorku magaaladiisa.
  • Wuxuu yahay geeska diirran oo qallalan waqtiyada diraacda.
  • Wuxuu yahay buurta hor joogsata duufaanta marka cirku caroodo.
Waxaa kaloo jiray heeso laxaweed si qurux badan loo soo bandhigay. Tusaale ahaan:
  • Jaceylkaygiiyow iigu imow beerta.
  • Kaan jeclaaday waa sida ubax bitinaaya caraftiisa.
  • U dhuuban sida geedka qunbbaha 
  • Xishooda oo la lulmaaya da' yaraan.
  • Oo daan walba ku sita ubax wada casaana.
  • Maalin oo idil markaan guriga joogo 
  • Ama badda dhexdeeda, waxba ma tabo.
  • Derisyadu waa yimaadaan waana tagaan.
  • Waligaa ma lagu jeclaan doonaa?

Murti iyo Maahmaah:
Dhulkii Bataax (ancient Egypt) waxaa lagu qoray xikmad, suugaan iyo maahmaahyo dhagax dushiis iyo xalleefyo ka sameysan geedka burdaha (papyrus). Aqoonyahannadu waxay af rogeen in badan oo ka mid ah murtidii suugaanta kuwaas oo ku filan fahanka dareenkii suugaaneed ee dadkii Dhulkii Bataax.
Tusaale ahaan:
  • Ha u hiillin kan xoogga leh oo ha uga hiillin kan taagta yar ee u hiilli kan taagta yar oo uga hiilli kan xoogga leh.
  • Aqoontu waa hubka uu qofku isku difaaco. Jahligu qofka hubkuu ka dhigaa wuxuuna ahaadaa midaan haysan wuxuu isku difaaco.
  • Shar ha ku damin shar, dabku dab ma damiyee.
  • Ha isla buufin kibir, hadduu nasiibku kuu qoslo, ha illoobin qoyskaaga, wacnaantu waa kaa tagtaa haddii aad wadeeyaasha nolosha aad la wadaagto illowdo e.
  • Wiilkayow, guurku waa socdaalkii nolosha waana sida bad ku-gooshka, socdaalkaani wuxuu u baahan yahay sahay si adoo nabdoon u gaarto xeebta. Wuxuu u baahan yahay sahayda kalsoonida, samirka iyo is-cafinta, sahayda iskaashiga, labo gacmood oo wada jira oo haysta seebab, wadajirna u seebinaaya si aan doontu u dheellin, marka sidaas la yeelana waxay duufaantu madaxeeda u qalloocisaa doonta. Qorraxdu waa soo baxdaa waxayna naacawdu u salaaxdaa shiraaca si doontu nabad ugu gooshto. Ka yeel gacmaha kuwo xooggan. Ha quusan. Ha siiddeyn seebabka kana ilaali in doontu yool la’aan u socoto. Wiilkayow, waxay tahay socdaal badeedkii nolosha. Eebbahay ha barakeeyo.
  • Naagta qurxoon mar walba ma wanaagsana, naagta wanaagsanse mar walba waa qurxoon tahay.
  •  Hooyadu waa hibo Eebbe. Sadaqooyinkeeda wuu laballaabaa. Waxay ku siisay naxariisteedii oo idil, haddaba u laba laab cunnadeeda waa iyadii kaa tabaraysay dhacaankii jirkeedee, una xanbbaar markay gabawdo sidii ay ku xanbbaari jirtay markaad yarayd. Ku xusuusnow salaadahaaga/ducooyinkaaga si aad markaas u raalli geliso Eebbaha weyn. Mar kasta oo aad xusuusato way ku xusuusataa waxaadna qancinaysaa Eebbe. Qanaacada Eebbe waxay ka timaaddaa qanaacadeeda. 
  • Naagta wanaagsan waa naagta shaqaynaysa oo shaqadeedu ku kooban tahay korinta carruurteeda, daryeelaysa gurigeeda, ilaalinaysana dhidibbada jiritaankiisa oo seexinaysa carruuteeda, oo maqlaysa markay ooyaan oo u helaysa daw ay ku aammusaan.
Qoraagii fiicnaa ee xisaabaha wuxuu yiri:
            
    Ha ku dhibin qof ku dhufashada qalinka waayo Eebbaa neceb taas.
  •  Ha sheegin maragnimo beena.
  • Ha ku canjilin (dhaajin) qof kale carrabkaaga.
  • Ha saarin canshuur qof aan waxba haysan.
  • Ha uga faa’iideysan qalinkaaga beenabuur.
  • Haddaad la kulanto qof saboola oo si aada deyman u qaba, u qaybi deynkiisa ilaa seddex meelood. U dhaaf labo meelood kuna yeelo mid. Waxaad arki doontaa inay tahay qaab nololeed e. Habeynkii baad jiifsan doontaa, waxaadna u seexan doontaa si fiican oo nasasho leh. Maalinta labaad wixii aad sameysay waa war wanaagsan oo carrabka dadka ku tiran.
  • Jaceyl iyo ammaan baa ka fiican hodannimada bakhaarrada.
  • Rooti aad ku cunayso qalbi farxad leh baa ka fiican hanti badan oo uu leeyahay qalbi murugo badan.
  • Haweeney aan dhaqan laheyn waa sida doon aan jiheeye laheyn oo u shiraacanaysa qasad la’aan markay dabayshu waddo ama xiisku sikiyo.
  • Waxa ugu fiican oo naagi laabteeda ku qaaddo waa qalbi saafi ah.
  • Kalgacalku deeq buu bixinayaa isagoon ka fakarin qofka ahaantiisa.
  • Ha cabbin khamriga si aad u illowdo, khamrigu wuxuu xusuusiyaa maanka wuxuu rabay inuu illaawo.
  • Ha u cabbin khamriga si aad u xusuusato, khamrigu wuxuu maanka ka dhigaa mid illaawa wuxuu rabay inuu xusuusto.
  • Khamrigu waa saaxiib aan daacad aheyn, isaga wax ha ku qarsan waayo sharafta buu kaa qaadi doonaa wuxuuna bandhigi doonaa sirahaaga mar kasta oo aad isaga la jirto.
  • Eebbahay si wanaagsan buu u daryeelay raaciyaddiisa. Wuxuu u abuuray dhulka iyo cirarka siduu doonay. Oonka wuxuu ku tiray biyo  wuxuuna hawada u abuuray si ay ugu neefsadaan una noolaadaan. Waxay yihiin sawir ka yimid xubnihiisa markuu u sare kacaayay cirarka. Wuxuu abuuray dhirta, lo’da, shinbiraha, iyo kalluunka si uu iyaga u dheefiyo. Sidoo kale wuu ciqaabaa. Wuxuu jaray nacabyadiisii sababtoo ah dhagartooda iyo hoggaansi-la’aantooda. Wuxuu iftiimiyaa meeshay rabaan. 
Buuggii Caqiidada:
Kuwaan soo aaddan waa tusaalooyin ka mid ah aragtiyo-diimeedyadii dadkii Dhulkii Bataax:

Ardaygu wuxuu weyddiiyay wadaadkii:
Haddii eebbaha ah mid qura kaligiis abuuray dhammaan dadka maxay u kala midabbo iyo dabciyo duwan yihiin?

Wadaadkii wuxuu ku jawaabay:
Eebbuhu wuxuu qofka ka abuuray dhoobo uu faray in laga soo aruursho geesaha dhulka, madawga, guduudka, jaallaha iyo dhoobada cad. Wuxuu faray in lagu labo afarta jaad ee biyaha uunka; biyaha saafiga ah oo ah xareedda roobka, biyaha dhanaan ee badaha, biyaha wabiyada ee dhulka dulmara, biyaha ceelasha iyo biyaha ilaha dhulka ka soo baxa, ka dibna dadkuu ka qaabeeyay.
Midabbada kala duwan ee dhoobadii ayaa midabbada dadka kala duwday biyihii kala duwanaana dabciyadooday kala duweeen.

Mid kalaa weyddiiyay:
Muxuu eebbe dhulka ugu abuuray qaab ukumeed?

Wadaadkii wuxuu ku jawaabay:
Eebbe wuxuu nolosha ka abuuray ma-noole. Wuxuu shinbiraha dhallaanka ah ka soo saaray ukun wuxuuna u sameeyay dhulka qaab ukumeed wuxuuna ku afuufay neeftiisa, sidaas awgeed dhulkii wuxuu hantay noolaan waxaana ka tarmay ukuntii ahaadayaal, noolayaasha ugu waaweyn oo uu abuuray wuxuu ka abuuray ukunta ugu yar.

Aradaygii baa weyddiiyay:
Eebbe aaway? Maxaan u arki weynay sideese u aragnaa ama codkiisa u maqalnaa?

Wadaadkii baa ku jawaabay:
Indhaha isku qabo maankaagana u fur si aad eebbe u aragto. Eebbe wuxuu ku jiraa jire kasta. Wuxuu ku jiraa walax walba oo uunka ka jira noole iyo ma-noolaba. Ubax qurxoon oo ka baxay dhul omos ah wuxuu ku leeyahay anigaa eebbe ah. Shinbir da’ yar oo ka soo baxday ukun waxay ku leedahay anigaa eebbe ah. Haddaad rabto inaad maqasho codka eebbaha dhegahaaga xir qalbigaagana fur waxaad codka eebbe ka dhex maqli doontaa codka jiraha, foorida neecawda, onkadka, heesidda shinbiraha iyo muusigga, waa afka cirarka e. Codka eebbaa siiyay ahaadoo dhan hadal iyo nuuxsasho.

Ardaygii wuxuu weyddiiyay wadaadkii wax baraayay :
Muxuu Eebbe haddana noogu sheegay buugga iftiinka inaan doonno aqoonta iyo sayniska laga bilaabo maalintaan nolol bilawnay ilaa maalinta aan ka jaanqaadaynno? Maxaan nafteenna ugu dhibaynnaa cilmi goobista markaan gabawno iyadoon waxtar noo lahayn oo markaan dhimannana aan luminaynno dhammaan wixii aqoona oo aan gaarnay?

Wadaadkii wuxuu ku jawaabay:
Aqoontu waa furaha cirarka. Nolosha kowaad oo aan nool nahay waa “nolol tijaabeed” noo diyaarinaysa ku-sii-socdka duni waaritaaneedka. Wixii aan ka haleelnay aqoonta iyo sayniska kuma lumaan ama baaba’aan dhimashada, waayo dhimashadu waa sii -socodka nolosha ee maaha dhammaadka. Dhimashadu waa qaab dib-u-soobixitaan iyo sii-socodka nolosha iyo ka-guurka “nolol tijaabeed”-ka si loogu nagaado nolol waaritaaneedka. Dhimashada waxaan ku luminnaa wax kastoo maaddi ah, dib-u-soobaxana waxaan ku kaydsannaa wax kastoo ruuxi ah “spiritual” waxaana ruuxa nafaqo u ah wixii aan ka haleelnay sayniska iyo aqoonta dhawrsan intay jirtay nolol tijaabeedku kuwaas oo nala socda si aan u adeegsanno mirahooda isla iyagaana go’aaminaya heerka iyo meesha aan ku leennahay waaritaanka.  Waa inaan u  halgannaa wadnaana doonitaanka aqoonta iyo sayniska ilaa maalinta ugu dambaysa nolosheenna, noloshaan tijaabeedka ah ee aan hadda noolnahay, waayo aqoontu iyada kaliyaa ah hantida ruuxeenna ku kaydsanaan doonta dhimashaduna ma saameyn doonto.

Ardaygii wuxuu weyddiiyay wadaadkii xikmadda:
Rumeynta ku jirta dhiganaha (buugga) inftiinka waxay leedahay ku-fakarka dambi sameyntu waxay ka dhigan tahay inaad sameysay. Ma kii ku fakaraa ka dhigan kii gala dambiga?

Wadaadkii wuxuu ku jawaabay isagoo gacantiisa midig kor u qaadaya:
Dambigu wuxuu ku jiraa shanta farood ee qofka “Ka” kii ku fakara wuu toosiyaa kaas kiciyayna wuxuu ka dhigan yahay kan gala iyada kan galana waxaa la xisaabtama Eebbe.
Shanta dambi ee ay shanta farood u taagan yihiin waa: xaasidnimmada, naceybka, masayrka, xanta iyo sharka. Ku-fakarka mid kastoo ka mid ah waa dambi, kii ku fakara waxaa loola xisaabtamaa sida kii sameeyay. Marka la nool yahay, maragga beenta ah, iyo waxa uu ku hadlo sharka dhaladka ah eebbaa kaala xisaabtama dhihitaankeeda iyo kadib ku fakarkeeda.
Gacmaha laga taago madaxa korkiisa diintii Masartii hore waxay u taagan yihiin ruuxa. Faraha gacanta midig waxay tilmaamayaan dareemayaasha muuqda halka kuwa gacanta bidix tilmaamayaan dareemayaasha gudaha ah ama daahsoon.

Su’aashii ardayga ee wadaadka:
Hadduu Weynuhu abuuray Wasiir “Osoris” eebbihii wanaagga si dadka loo wanaajiyo uguna horseedo dadka jannooyinka muxuu haddana u abuuray Sid “Set” eebbihii sharka si uu dadka u marin habaabiyo uguna horseedo cadaabta?

Wadaadkii asagoo codkiisa ku dheeraysanaaya buu yiri:
Qofka noloshiisa dhulku waa nolol tijaabo ah-waa uun fursad tijaabeed iyo marxalad tijaabo oo diyaarinaysa u-gudubka dhimasho-la’aanta. Sidaas darteed, Eebbe wuxuu u soo diray Wasiir iyo Sid labadaba dhulka. Wanaagsanaantu waxay deggan tahay ruuxa (soul)- “Ba” waxayna ka buuxisaa aqoomaha cirarka halka sharku deggan yahay duulka (spirit)- “Ka” wuxuuna ka buuxiyaa daacad-la’aan iyo caddaalad-darro. 

Inankii wuxuu weyddiiyay:
Xaggee Eebbe joogaa?

Wadaadkii baa jawaabay:
Waligaa ma aragtay hawo ama dabayl? Ma aragtid haddana waad dareentaa jiritaankooda waadna aragtaa saameyntooda. Ma aragtid udugga, haddana waad ogtahay inuu jiro waxaadna urisaa caraftiisa. Ma aragtid codka laakiin waad ogtahay inuu jiro waxaadna maqashaa yeerkiisa. Wali ma aadan arag kulayl ama qabow, haddana waad dareentaa siday yihiin. Eebbe waligiis halkaan waa joogaa laakiin ma aragno isaga.

Ardaygii wuxuu wax ka weyddiiyay aayaha iyo go’aanka muqaddiska ah:
Hadduu jiro aayo qoran oo qofku wuxuu falaayo waafaqsan yahay isaga haddana maxaa qofka wax looga weyddiiyay falal loo asteeyay inuu sameeyo oo aayaha lagu maamulo, taas oo uusan awoodin inuu wax ka beddelo?

Wadaadkii baa jawaabay:
Buugga cirarku wuxuu sawiray Taxood “Tuhot”, malaggii eebbaha iyo malaggii aqoonta la sarreysiiyay, isagoo hortaagan geed oo ku sida gacantiisa midig looxa aayaha gacantiisa bidixna miisaan; astaanta xisaabtanka iyo garsoorka.
Taxood wuxuu ku dhaqaaqaa inuu dhex dhigo looxa aayaha ruuxa “Ba” kaas oo qofku ku noqdo mid ku maamulan dhanka wanaagga ee isaga loo asteeyay. Taxood wuxuu dhex dhigaa miisaanka ama garsoorka duulka (spirit)- “Ka”. Qofkaasi wuxuu noqdaa mid u madaxbannaan go’aanka falalkiisa iyo aayo ka talintiisa.
Markay noloshu dhammaato jirku waa baaba’aa, ruuxu wuxuu u kacaa cirarka isagoo sita looxii aayaha waxay iyana “Ka”dii u qaaddaa miisankii iyo xisaabihii maxkamadda oo ah maxkamadda xisaabtanka nolosha.  
Waxaana halkaan ah waxyaalaha garsoorayaashu kugu weyddiinayaan maxkamadda xisaabtanka:
1.    Ma u dhawrtay jirkaagii sidii maro aan wasaqaysan oo nadiifa?
2.    Ma noolaatay noloshii eebbe kuugu talagalay gebi ahaan?
3.    Ma u daryeeshay jirkaagii siduu ku daryeelay yaraantaadii?


Gunaanad
Waxay ila tahay inaysan dood badan u baahnayn horumarkii iyo aqoontii sarreysay ee dadkii Hoygu Bataax. Waxaan kaloo dood u baahnayn raadkay uga tageen dhaqanka Soomaalida.

Guurkaan Loo Meeldayin Waa Lagu Hungoobaa

Waayaha hore oo aad hammiga guurka la guuxdo waxaa laga yaabaa inaad aad u daneyso muuqaalka lammaanahaaga oo aad quruxdeeda ama quruxdiisa tixgelin siiso. Waxaa laga yaabaa inaad habka socodkeeda (-kiisa), codkeeda (-isa), eegmada ama jeenjeensiga, hantida iwm. aad ka dhigto halbeegyada doorashada wadeyga noloshaada. Waxaa laga yaabaa inay ku qanciso aqoon-diimeedka xulkaaga ama shahaadooyinka culuunta kale. Markiise gugaagu weynaado oo ay garashadu kuu kororto waxaad ogaaneysaa in qodobbada kore iyo dhiggooduba aysan ku filnayn qotominta qoys ku istaaga dhidibbo adag oo aayahiisu ay wacnaadaan. In kastoo dhinacyada qaar sida dhaqan-diimeedka oo kale yihiin kuwo mudan in lagu hakado haddana waayuhu waxay na bareen in qofku mar walba yahay aadane ahaantiisa gudaha ahi ka xoog badan tahay kaabayaasha muuqda ee nolosha. Waxaa u ah gundhig qiimeynta qofka ee qumman caqliga dabiiciga ee Weynuhu ugu deeqay, ama lab ha ahaado ama dheddig ha ahaatee. Haddii la siiyo qofka caqli wanaagsan markaas waxaa kaloo mudan in la eego caqliga la barto waa aqoontee. Tusaale ahaan, caqliga wanaagsan waxaa lagu gartaa in wixii kor loo tuuro dhulka ku soo dhacaan, caqliga la bartana waxaa lagu fahmaa sababta waxaasi u soo dhacayaan wuuna qeexaa.

Sidaas darteed, waxaa habboon in lammaanaha is doortaa ay caqliga ka dhigaan halbeegga qiimeynta. Ruuxa leh garasho abuurriin ah oo fiican iyo aqoon kaalinaysa wuxuu gafo ama khadlo waxaa ku filan xusuusin, qummanaanta la rabana garaadkii fiicani ma horistaagi karo. Waxaase ayaandarro weyn ah oo si weyn u baahsan in halbeegga laga dhigo doorsamayaal si fudud ku baabi'i kara. Waxaan in badan aragnay gabdho leh wiilka aan nolosha la wadaagaanyo waa inuu diinta ku dhaqmaa ama aqoonteeda leeyahay. Waa dhab in qofkii diin fiican leh yeelanaayo dhaqan fiican, waxaase igala horreysa in qofku si mug leh diinta u fahmay iyo waxa loola jeedo. Wiil ay astaamihii diintu ka muuqdaan baa noqon kara midaysan dhex xulin oo ku xasilin mabaadi'dii caqiidadu ee kaliya si jilitaan ah u haysta ama caado ahaan ugu dhaqma. Waxaan kaloo aragnay rag leh gabadhu waa inay noqotaa raalliyo, waxay u sifeeyaan sidii iyadoo ah qalab isaga u adeegaya. Arrimahaan waxaa sabab u ah baan qabaa garaadka qofka iyo qoto dheeridiisa.
Afadii ama seygii loogu deeqay garaad fiican wuxuu fahmayaa ama ay fahmaysaa in weydeygiisu/wadeygeedu yahay/tahay aadane la mid ah oo xurmo iyo qaddarin mudan. Waa maangaab qofka isa siiya saxnaanta dhinaca kalana gafka u tiriya. Waa maangaab kan lammaanihiisa u arka u-adeege laga rabo kaliya waxqabad iyo daacadnimo.
Qofka caqliga fiican la siiyay waa runlow, hadduu runlow noqdana sifooyin kaloo badan oo wanaagsan buu yeeshaa. Nuxurku wuxuu yahay halbeegga lammaanaha habboon waa inuu noqdaa ahaadayaasha laabtiisa ku duugan, waana in la yareeyaa tixgelinta waxyaalaha ay ishu aragto.