Friday, March 6, 2020

Muxuu Yahay Waddani/Dalyahan (Daljir)?






Erayga Waddani (patriotوطني) wuxuu ka soo jeedaa Af Carabi waxaana loo la jeeda qofka jecel ama daacad u ah dalkii uu u dhashay iyo dadkiisa. Af ahaan erayga waddani wuxuu la-hummaag yahay; waddani-xagjira (jingoist), Qaran-yahan (nationalist), daacad (loyalist), daljecle-aada (chauvinist), go’doonlle (isolationist), dal-kale-nace (xenophobe). Erayadaas dhammaantood waxay tilmaamayaan kalgacalka ama daacadnimada qofku uu u la taagan yahay dalkuu u dhashay iyo heerka uu ka joogo qofkaasi dal-jacaylka.

Dhanka kale, waxaa jira erayo kuwaas kore kadhan ah, waxaana kamida; khaa’in (betrayer), dhabar-doox (back-stabber), labo-marinlle (double-crosser), labo-adeegle (double dealer), caasi (renegade).

Sida dalalku adduunku u dhaqmaan oo ay xeerarkooda ku xusaan, waxaa jira waxyaalo qofka, dalku xaq ugu leeyahay, waxaana ugu horreeya waddaninimo, dalyahannimo ama daacadnimo. Marka qofka laga helo xuquuqdii dalkiisu ku lahaa, baa qofku dalkiisa xaq ugu yeeshaa xuquuq sida, inuu wax dooran karo, isaga la dooran karo, isagoo xil loo magacaabi karo, iwm.

Sidoo kale, haddii qofka laga waayo daacadnimadii dalku xaqa ugu lahaa oo uu tusaale ahaan, dal kale adeege ama daacad u noqdo, waxaa loo aqoonsadaa inuu yahay khaa’in, waxaana baaba’a dhammaan xuquuqihii uu dalkiisa ku lahaa, balse wuxuu lumin karaa aqoonsigii (ID) dalkaas uu godobta ka galay, waxaana marar badan dhacda inuu la kulmo ciqaab culus oo uu ku mutaystay dhagartii uu dalkiisa ka galay.

Markaan ku foodinno waddaninimada Soomaalida siyaalaha kor ku xusan ee ku saabsan waddaniga, waxaan arkaynnaa sidaan:

Sooyaalka dadka Soomaaliyeed, guud ahaan marka la eego waxaa lagu bartay inuu yahay dad is la weyn oo qab sare leh oo ay dhaqan u ahayd iska-fogeynta shisheeyaha oo aan dhihi karno wuxuu ahaa go’doonlle (isolationist).

·      Markii la soo gaaray qarnigii 20-aad oo ay maamullada shisheeye isku fidiyeen dagalladii Soomaaliyeed, waxaa soo baxay qeybo kamida dadweynaha oo gacan-saar la yeeshay gumeystayaashii kalana saftay dh/dhaqaaqyadii gunnimo-diidka ahaa, waxaana waayahaas soo if baxay kooxo lagu tilmaami karo labo-adeeglayaal ama labo-marinllayaal.

·      Gumeystayaashii dalka Soomaaliyeed ku habsaday, waxay adeegsadeen tabo kala duwan, waxaana ugu xoogganaa isku-dirka qabiilladii Soomaaliyeed, iyadoo qaar lagu suntay inay raaciyad fiican yihiin, lalana dhaqmi karo, halka kuwo kale la fogeeyay lagana dhigay kuwo aan laylmi karin. Qeybaha hore ayaa noqday kuwa loo badiyay wixii waxtara iyo iyagoo mar walba dhexdooda ay ka jireen unugyo u diyaarsan inay la falgalaan danihii shisheeyaha dalkooda dhagraayay.

·      Markii uu dh/dhaqaaaqa bilaabay Ururkii SYL waxaa garab socday kooxo gumeysiga la socday oo xitaa dilal u geystay xubnihii SYL ee guunnimo-diidka ahaa. 

·      Markii uu curtay Kacaankii Oktoobar, wuxuu u dhaqaaqay sidii qeybihii maqnaa ee Soomaaliyeed loo xorayn lahaa, qodobkaan oo shacabka Soomaaliyeed waligiis ku hammiyaayay, sidaas darteedna, waa tii dawlad iyo dadweynaaba la galay Dagaalkii 1977.  Is la markii dagaalkii qaraaraa bilawday, waxay Itoobiya oo waligeed ahayd cadawga 1aad ee Soomaaliyeed kaakicisay oo oo hawl gelisay unugyadii hurday ee ay kaashan jirtay, waxaana markaas bilawday ururro qolo-qolo u habaysan oo inta Itoobiya soo hubaysay ku soo jahaysay Dawlad Qarameedkii Soomaaliyeed. 

·      Ururradii qabiilka ku dhisnaa ee ay Itoobiya ku soo hawl gelisay burburintii Soomaaliya, waxay qolooyinkay ka soo jeedeen ku guubaabiyeen inay u istaagaan ka-xorowga Dawladdii Soomaaliyeed, si dadku ugu dhego nuglaadana, waxay dawladdii ka dhigeen mid qabiil gooniya ah (Marreexaan) leeyahay, waxayna tix iyo tiraabba ku sheegeen in qoladaan dawladda Soomaaliyeed haysataa ka cadawsan tahay Itoobiyadii nacaybka Soomaalida qabtay qarniyaal badan. Bal eega garaadka noocaasa, ee leh ha laga xoroobo dawlad Soomaaliyeed oo madax bannaan ha fiicnaato ama ha xumaatee, una halgamaaya in dalku burburo ama cadawgii soojireenka ahaa gacanta u galo.

·      Markii tiro badan oo Soomaaliya loo hiyi kiciyay inay dadkooda iyo dalkooda colaad u qaadaanna lagu beeray, waxaa si hawtul-hamagnimo ah loo xasuuqay dadweyne fara badan oo lagu eedeeyay inay ahaayeen taageerayaashii Dawladdi Soomaaliyeed ama ahaayeen abtiirsiinyo kuwo la wadaaga M/Weynihii Dalka.

·      Haddaba, wadaninimadii Soomaaliyeed waxaa hafiyay khaa’imiintii qaran-dumiska ahaa ee u adeegaayay nacabkii Soomaaliyeed ee soojiraanka ahaa, kaaga darane, dicaayadihii qaran-dumisyada waxaa lagu faafiyay, in xoogaggii u taagnaa difaaca dalku sida, Xooggii Dalka Soomaaliyeed yihiin kuwo mudan in lagu jihaado oo ay tahay in cid kasta lala kaashado. Eegeey, khaa’immadii Soomaaliyeed ee cadawga kalkaalaayay waxay la soo ban baxeen xumahoodii, waxayna waddaniyiintii Soomaaliyeed ka dhigeen kuwo iyagu xun.

·      Maantadaan la joogo waxaa geygia Soomaaliyeed, meelo badan ka muuqda qaran-dumisyadii haddii ay ka tirsanaan lahaayeen dalal sharciyo ku dhaqma xirnaan lahaa, la dili lahaa ama la masaafurin lahaa. Waa yaabe, kuwaas iyaga ah waxay si xor ah uga dhex adeegtaan bulshada Soomaaliyeed, waxayna u muluqleeyaan cadawyada qaranka Soomaaliyeed, iyagoon dhuumanayn ee si muuqata u galaa-baxaya!. 

·      Halkii ay ka ahayd in waddaniga Soomaaliyeed la muuneeyo oo sharaf la huwiyo, waxaa marar badan dhacda in, ina hebel oo tol hebel ka dhashay gefefkiisa lagu muuneeyo, oo la yiraahdo; yaa nin reer hebel ah la hadli kara?
   Halkaan, qabyaaladdii baa ka xoog badatay waddaniyaddii. Sidaas darteed, dantii guud ee Qaranka Soomaaliyeed waxay ka hoos martay dan hal qof oo dhuuni-raaca ama dhaandhaan caraysan oo habow ah oo dan sii ridanba aan lahayne kaliya xintan ama naceyb ku jiro.

Ha yeeshee, si kasta oo ay tahay, waa in geesiga waddaniga aysan warma-warmaynta iyo hadba dhinac ka wareenku wax u dhimin, oo waa inuusan ka weecan waddada badbaadinta qaranka. Qaran-yahanka dhabta, waa inuusan ku jaah wareerin hadallada wada hutaanhutada ee maangaabyada, wada muhanniga la meeraysanayaan.