Wednesday, April 30, 2014

Gam'ayey Hurdada Dheer (hees)

Gam'ayey hurdada dheer
Xalay galalaftaydii
Riyadiyo gudoodiga
Anigiyo go'aygiyo
Gogoshaa cillownee
Geesaha fartaydii
Anigoon is garanayn
Ayaan xubin ka goostee
Ma gilgilay garkaygii
Ma guray timaha badi
Maw gabbaday naftaydii
Soo gocosho-reenkii
Isu maan gar dhigan

Gam'ayey hurdada dheer
Galgashaye hameynnimo
Marar gacalo ii timid
Ooy gacanta laabtiyo
Ku salaaxday gaaddada
In ruunkii aan gaarnoo
Guri kugu aroosaan
Garaadkaygii moodee
Ma ka toosay gego maran
Gogoshaan ku jiifiyo
Ma guhaadshay aqalkii
Soo gelinba waayuhu
go'ayay caashaq i ma raro?

Gam'ayey hurdada dheer
Xalay faalladaan galay
gurxankiyo reenkii
Mar baa lay gurmadayoo
Inaan go'ay la moodee
Gu'yaalkaan qarsanayaa
Anigoon is garanayn
Afkaygii ku goohee
Miyay gudubtay sheekadu
Kuwaan guriga kula jiray
Miyey iga guraayeen
Soo goortii aan kacay
Warkii lays ma gaarsiin?

Hadduu geel arooroo
Galkii laga cabbaayiyo
Gaari waayo ceelkii
Gurxan-ololka reenkiyo
Guuro-socod ma daayee
Intaan geed hameyn riday
Ama gebi ka soo dhacay
Garaad way ka badatee
Miyaad i gaba guurtaa
Gacal iyo xigtiyo ehel
Ma waan gelin xusuustaa?
Gabbalkiyo waagaba
Adaan kuu guntanahee

Monday, April 28, 2014

Iga Daa Qunbacashada (hees)

Bal qof yahow...
Jacayl baa igu kaa qasbaayee
Waad i quursanaysaa
Qeyrkaa ma waayine
Qaxarkiyo dhibaatada
May ila qaybsanaysaa
Illeen way isu qallannaa
Lay ma qorin dhiggaagee
Haddaan go'o qiyaamaha
Adaa lagu qabsanaayaa


Igaa daa qunbacashada
Qoontaad ii yeeshaan
Dadka kala qaloodaa


I ma qabato caynkani
Qaxar iyo luggooyee
Qoodhaa iyo xeradaa
Amba kuu ma quureen
Sow intaan qalaayaad
Adna qaybinaysaa
Haddii aad qab weyn tahay
Nabsi yuu ku qabanine
Qooraansigaagii
Indhahaa igu qalloocdee


Igaa daa qunbacashada
Qoontaad ii yeeshaan
Dadka kala qaloodaa



Thursday, April 24, 2014

Degmadii Seeraha Waqooyi (NFD)




                                             Image result for wagalla massacre                               Image result for nfd
Degmadii Seeraha Waqooyi (NFD)

Degmadii Seeraha Waqooyi waxaa lagu qiyaasaa 127, 358 km2. Dhulkaas waxaa magaca loo bixiyay sannadkii 1925-kii kadib markii laga soo jaray Dhulkii Soomaaliyeed ee Jubaland ama Trans-Juba oo xilligaas kahor qeyb ka ahaa Dhulalkii Bariga Afrika ee Ingiriisku gumaysanaayay. Dhulkii Jubaland ee la googooyay waxaa qeyb lagu wareejiyay Talyaaniga isla sannadkii 1925-kii. Qeybtii soo hartay waa NFD e, waxaa la hoos geeyay Maamulkii Ingiriiska ee Kenya. Bishii Juun 26-keedii 1960 markii Ingiriisku ku dhawaaqay xorriyad-siintii Dhulkii Ingiriiska ee Soomaaliyeed,  waxay ahayd in NFD kamid noqoto dhulkaas xoroobaya, wuuse gees maray siduu Ingiriisku hore u ballanqaaday. In kastoo dadkii Soomaaliyeed si kasta oo ay  kari kareen ugu dadaaleen in dhulkaas iyo dadkiisa la raaciyo dalweynihii Soomaaliyeed, haddana nasiib-darro wuxuu gumeystihii ku daray qeybtaas Soomaaliyeed dalka Kenya bishii Ogas, 1963-dii.

Dalkii Kenya ee boolida loo siiyay dadkii iyo dhulkii Soomaaliyeed wuxuu bilaabay dagaallo iyo cadaadisyo ba’an oo uu u bixiyay Dagaalladii Shuftada (Shifta Wars). Geesiyaashii gunnimada diiday bay u baxsheen Shifta ama burcad. Xornimodoonkii bay ka dhigeen sidii tuug hubaysan oo dadka dhacda. Madaxdii iyo waxyaqaankii dhulka waa la xirxiray, in badanna waxay u fakadeen Soomaalidii xorta ahayd. NFD oo markaan ay u la baxeen Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya waxaa lagu soo rogay xeerar culus oo lagu dhaqaayo, waxaana laga go’doomiyay gobolladii kale ee Kenya. Waxaa dadkii ku noolaa dhulkaas lagu ooday xero, waxaana gudaha xeradaas lagu warjeefay dadkii, waxaana jiray dhacdooyin xanuun badnaa sida tii Wagalla ee Wajeer 1984-tii, halkaas oo ilaa 5000 oo dumar, carruur iyo waayeelba leh lagu xareeyay gegida diyaaradaha ee Wagalla loona diiday biyo iyo cunnaba muddo 5 maalmood ah, markaas kadibna dhammaantood lagu xasuuqay goobtaas.
Tan iyo maalintii lagu callaalay dhulkii NFD Kenya waxaa maskaxaha dadweynaha reer Kenya lagu beeraayay in dadka Soomaaliyeed yahay Shifta, wuxuuna eraygaasi noqday marmansiiyaha lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed. Waxaa sidaas ku hirgalay colaad dhex taalla labada ummadood ee Afrikaanka ah ee la isku ibtileeyay.
Kadib qalalaasihii weynaa ee ka dhacay Soomaaliya sannadkii 1991-dii iyo soo- if -bixii ururrada diiniga, waxaa loo dallaciyay eraygii Shifta argagixiso, waxaana si ka daran sidii hore loo bannaystay dhibaataynta dadweynaha Soomaaliyeed, waxayna ladagaallanka argagaxisada cusub waa Soomaalida cusube, Kenya u heshay hiillada Reer Galbeedka ama dalalka Masiixiga ah ee maanta dunida ugu itaal roon, wana taas siday rabto ka yeelaysa maatidii iyo reer gurigii Soomaaliyeed ee asalka ahaa.
Markaad dhinac kasta ka eegto, waxaa kuu muuqanaysa, inuusan qaranka Soomaaliyeed ehel iyo saaxiib toona lahayn, waayo tan iyo xilliyo fog wuxuu shisheeyihii ku soo faalalay arlada Soomaalida maleegaayay dhibaatooyin lagu wax yeelleynaayay ummadda Soomaaliyeed. Waxaa kaloo kuu muuqanaysa in kastoo colaadaha kadhanka ah Soomaaliya inta badan loo makaansado islaanimadeeda, haddana dalalkii islaamku u ma muujin in yar oo hiillo ah ama damqasho ah, balse qaarkood iyagaaba uga darnaaday cololka gabagabeeyay.

Sheekooyinka maaweelinta ah ee la leeyahay maamul dawladeed baa loo dhisaayaa oo dalalkii dumintii qaranka Soomaaliyeed horyaalka ka ahaa ay wadaan waa marin-habaabis doqonta kaligeed loo sheego. Sidoo kale ururrada sheegta diiniga sida al-Shabaab oo kale waa aalado loo soo abaabulay loona soofeeyay si loogu waxyeeyo qarankii Soomaaliyeed ee la aafeeyay. Waxaa loola jeedaa ururradaas in la is nacsiiyo ummadda Soomaaliyeed iyo diinteeda, waayo mar walba waxay Soomaali ku midoobi jirtay diinteeda islaamka, badi xoogaggii waddaniga ahaa ee u halgamay qaranka Soomaaliyeed-na waxay ku midaysnaayeen caqiidada islaamiga ah. Ummaddii sidaas ahaan jirtay waxaa u fakaray nacab raba in uu kala diro oo kala dhantaalo si aysan waligeed u noqon cudud midaysan oo xooggan oo iska caabbisa cadawgeeda.

Waxaa caddaatay in kastoo siyaaso ahaan la kala qoqobay, inuu wali yahay shacabka Soomaaliyeed hal xubin ah oo haddii qeyb kamid ah xubintaas wax gaaraan ay inta kalana la xanuunsanayso. Qaranka Soomaaliyeed waa sida geed laameeya, haddana leh hal fadhi ah ama saldhig.

Gunaanadku waa; Soomaali waxyeelladeeda waxaa horseed iyo cudud u ahaa dawladaha itaalka leh ee reer galbeedka, isla dalalkaas baa maantana horseed ka ah kala dirkeeda. Arrinkaas mid damman mooyaane qof walba wuu garan karaa. Sidaas darteed, waxaa habboon, in dadweynaha Soomaaliyeed ee qurbaha joogaa uu abaabulo gole ay ku midaysan yihiin dhammaan qeybaha Soomaaliyeed, halkaasna lagu dhiso gole (congress) mideeya qaranka ama qawmiyadda Soomaaliyeed idilkeed. Markaas kadibna loo hawl galo sidii dawladaha itaalka ee mar walba hagardaameeya Soomaali loola fal gali lahaa. Arrinkaan dambe, kaliya waxaa ka adeegi kara kooxo u heellan wanaagga guud ee qaranka Soomaaliyeed ee is-maqiiqaha damaystaha ah marna wax ka ma tari karo. Waa in la helaa dhallinyaro han weyn leh oo waxgarad miiran ah, si loo helo tabihii lagu xoojin lahaa jiritaanka qaranka Soomaaliyeed guud ahaantiis.  

Wednesday, April 23, 2014

Waraar Iyo Jar Dheer (hees)

Wan la qalay sidii saad
Hilibkaygii waratoo
Waaxyahayga go'an baad
Waraabaha ugu baaqdoo
Wadar habar-dugaag baad
Wacdayoo u yeedhoo
Ku wiirsaad lahayd
Noloshaba ha weydee
Aniga un baan wadkaygiyo
Waqtigaygu geline
Waxba ila maad harin

Wabiga i sitaa
I walwaalayaa
Xaggee igu wadaa
Weyddiiya oo
Wad waa loo dhashee
Wax-ka-daran miyuu
Miyay warinayaan
Waraar iyo jar dheer
Waadiga xargaga
Ha iga weecinoo
Ha iga waabin kolna

Imisaan Walwaal iyo
Ceel Wardheer
Kaga baxay wadaan
Imisaa Waaheen
Iyo Wabi soo rogmaday
Igu dareen bad-weyn
Waxna aanan noqon

Adoo walacsanoo
Waabay cabbaa
Waa kuu beryaa
Wiriiriga haddii
Wad lagaaga dhigo
Ma og tahay waqtiga
Lama waabin karo
Waceen jiriyo
Wehel baynnu nahay
Wanaaggaan qabana
Waad ka weyraxdaa

Waan ku waaniyaa
Wacdigaad dhegaha
Weydaarisaa
Wanaag baan sidaa
Jacayl baan wadaa
Anoo waafiyaad
Weyddiin kartaa

Monday, April 21, 2014

Hoheey Dumarku (hees)

Hirtaanyiyo dhibaatiyo
Waa hawl adduunyadu
Huqda kuu horseedee
Hagar-daamo weeyaan
Hoosaasin weeyaan
Lagu kala habaabee


Hoheey dumarku
Waa har-qaboobe damaloo
Hanfi iyo dabayl lee
Hur intii le un baa
Intay kuu hagaagaan
Samo laga helaaye
Inta kale huf weeyaan
Hadba gees u kacayee


Hoheey dumarku
Waa adoo harraaddan
Biyo kuu hiraayee


Hoheey dumarku
Waa had iyo laayaan
Raggu ka hari waayee


Hoheey dumarku
Waa hawlaha adduunyada
Hilin loo maraaye
Waa kuwa halyey nina
Nacas ka hormariyee
Hanti kugu jeclaadee
Huqda iyo dhibaatada 
Kugu soo hagaajee


Hoheey dumarku
Waa adoo harraaddan
Biyo kuu hiraayee


Hoheey dumarku
Waa had iyo laayaan
Raggu ka hari waayee




Hoheey dumarku
Waa hurgun iyo xanuun
Kugu hoos jiroo
Booraamo hadimiyo
Hogog lagu dhacaayoo
Hal-adaygga waa duul
Hameyn lagu tallaalee


Hoheey dumarku
Waa adoo harraaddan
Biyo kuu hiraayee


Hoheey dumarku
Waa had iyo laayaan
Raggu ka hari waayee



Thursday, April 17, 2014

Makaroobiyiin (taariikh)


Makaroobiyiin

Makaroobiyiintu waxay ahaayeen dad waayo hore ku noolaa Dhulka Soomaalida ama boqortooyo ka jirtay dalka hadda Soomaaliya loo yaqaan, waxayna dadkaasi dhaqnaayeen ama boqortooyadoodu jirtay intii lagu dhex jiray kunkii sanoo ka horreeyay Dhalashada Masiixiga (MD). Wax badan laga ma oga dadkaas, inta kaliya ee laga yaqaan waxaa laga helay qoraallo uu ka tagay waayo-yahankii Herodotus ee dhalasho ahaan Giriig ahaa.

Wuxuu Herodotus ku sheegay inay Makaroobiyiintu ahaayeen dad ku xeel dheer sida guga qofka loo kordhiyo waxayna da’da dhexdhexaadka ah ee dadkaasi gaari jirtay 120 gu’ ama sano. Wuxuu kaloo ku sheegay inay ahaayeen dadka ugu quruxda badan uguna dhaadheer dadyowga oo idil.

Imbaraadoorkii Beershiya ee la oran jiray Cambyses II baa ergo u soo diray Makaroobiyiintii kadib markii uu qabsaday Masartii hore. Wuxuu ugu sii dhiibay ergadii hadiyado qaali ahaa boqorkii Makaroobiyiinta, kuwaas oo uu ula dan lahaa soojiidasho ama sabitaan, wuxuuse boqorkii Makaroobiyiintu ku soo jawaabay inuu diyaar u yahay loollan kadhan ahaa Imabaraadoorkii Beershiya, wuxuuna u sii dhiibay qaanso aan xarig lahayn, wuxuuna sii faray ergadii; haddii Beershiyiintu karaan inay xarig ku xiraan qaansadaan waxay jid u yeelan doonaan inay dalkayga ku soo duulaan, haddiise ay kari waayaan, Eebbahood ha u mahad naqaan waayo xoogaggii Makaroobiyiintay ka badbaadeen oo aan iyaga ku soo duulin.

Sida uu sheegay Herodotus, markii ergadii u tageen boqorkii Makaroobiyiinta, waxaa la weyddiiyay cunnada ay dheefsadaan Beershiyiintu iyo inta cimrigoodu gaaro. Waxay ergadii boqorkii u sheegtay marmar da’ahoodu inay gaaraan ilaa 80 sano, cunnadooduna tahay miro la shiiday oo la isku dhafay (rooti). Markaas kadib wuxuu boqorkuu ugu jawaabay ergadii; layaab ma leh inaad hore u dhimataan, waayo buu yiri; waxaa idiin ku wacan cunnada qashinka ah ee aad dheefsataan,waxaadse ku sii warraaqdaan xoogaga waynka ah ee aad cabtaan. Wuxuu kaloo boqorkii yiri; annaga cimrigayaga dhexdhexaadka ah waa ilaa 120 sano, waxaana quudannaa cad iyo caano.

Sababta uu Imbaraadoorkii Beershiya uu ugu diray ergada Makaroobiyiinta waxay ahayd baa la yiri; Makaroobiyiintu waxay si tahan dhaafa hodan ugu ahaayeen dahabka, wuxuuna ergadaas u diray si ay u soo dhuhleeyaan oo xogo uga keenaan. Waxaa ergadaas laga diray Elephantis oo ahaan jirtay walina ah magaalo Nuubiyiintu deggan yihiin, ergadaas la dirayna waxay taqaannay afka Makaroobiyiinta (waxaa si weyn u cad in dadkii Masartii Hore, Nuubiya iyo Soomaaliya ay isku isir ahaayeen, ahaayeenna Reer Kuush).

Hadiyadihii uu sii dhiibay Cambyses waxaa ka mid ahaa baa la yiri; maryo maroon ahaa, qoolal dahab ahaa, sindiyo, cadarro iyo fuustooyin wayn ahaa.
Boqorkii Marakoobiyiintu wuu quursaday hadiyadihii lagu soo dabaayay wuuna celiyay, wuxuuna gartay inay hadiyaduhu yihiin dabin loo qoolaayo. Wuxuu kaliya ka qaatay hadiyadihii waynkii.

Sida ay sheegtay ergadii Cambyses, waxay Makaroobiyiintu ahaayeen dad aad u dhaadheer oo lahaa xeerar iyaga u gooniya waxaana ka mid ahaa siyaalihii ay ku dooran jireen boqorkooda jooggiisa ama dherarkiisa. Waxaa loo waday ergadii xabbiskii Marakoobiyiinta, halkaas oo lagu tusay maxaabbiis ku jeebbaysnaa qoolal dahab ka samaysnaa. Markii dambana waxaa la geeyay miis loo yaqaannay Miiskii Qorraxda, halkaas oo ahayd goob fidsan oo doog leh., waxaana dhaqan ahayd in maalin walba miiskaas laga buuxiyo hilbo si dadka socotada ama baahan wax uga cunaan, sidaas bay Marakoobiyiintu u ahaayeen dad aad hodon u ahaa, aadna deeqsi u ahaa. Dhammaadkii waxaa la tusay qafis ama santuuq ka samaysnaa dhalo oo ay Makaroobiyiintu intii sannad ah ku hayn jireen qofka ka dhinta.



 

Monday, April 7, 2014

Wa Muctasimaa!(War Muctasimoow!)



Wa Muctasimaa!(War Muctasimoow!)

Sida lagu xusay buugga la yiraahdo al-Kaamil ee uu qoray nin la oran Ibnu Asiir, wuxuu ahaa al-Muctasim boqor ama amiir muslin ahaa oo ka soo jeeday Reer Banu Cabbaas.

Al-Muctasim-Billaah (Kii Xarigga Eebba Qabsaday) wuxuu ahaa wiil uu dhalay Khaliif-kii Muslinka ee Haaruun al-Rashiid ee Khilafaddii Cabbaasiyada. Al-Muctasim-Billaah oo ahaan jiray dagaal-yahan, ammaanduule ah wuxuu taladii khilaafadda ka dhaxlay walaalki al-Ma’muun. Al-Muctasim wuxuu taliyay intii u dhexaysay 833-842dii MD wuxuuna ku caan baxay soo-qoritaankii ciidammadii Turkiga ahaa ee la magac baxay al-Mamaaliik ee markii dambe hareeyay  Khilaafaddii Cabbaasiyiinta.

Waxaa la yiri; ciidammo ka tirsanaa boqortooyadii itaalka weynayd ee Room baa qabtay haweeneey muslin ahayd waxayna ku tureen xabsiga. Markaas kadib baa waxaa la sheegay in boqorkii Roomaanku laf ahaantiisu uu haweeneydaas si kajana ugu yiri: “waligaa halkaan ka ma tagi doontid ilaa boqorka muslimiintu isaga laf ahaantiisu kaa furo silsiladahaan kugu xiran.” Wuxuu kaloo ku daray; “Waligi kuu ma imaan doono si uu kuu badbaadiyo, inuu soo fuulo ablaq (waa faras leh midab madow iyo caddaan isku dhafan) mooyee, isaga oo warkaas ula jeeday inaysan marna dhici doonin inuu badbaadiyo boqorkii muslimiinta ee waagaasi. Markaas kadib bay tiri haweeneydii: “Wa Muctimaa oo macnuhu yahay; War Muctasimoow”

Nin muslin ahaa oo qayladii iyo habar-wacadkii haweeneyda maqlaayay baa inta orday u sheegay dadkii muslinka ahaa arrintii haweeneydii la xumeeyay iyo siday u calaacashay.

Waxaa markaas kadib maqlay dhacdadii boqorkii muslimiinta ee ahaa al-Muctasim, wuxuuna abaabulay ciidan lixaad leh oo dhammaanti fuushan fardihii ablaq ee lahaa midabbada isku dhafan ee caddaanka iyo madowga. Isaga laf ahaantiisii wuxuu soo fuulay faras ablaq ah, wuxuu ku dhawaaqay oraahdii caanka noqotay: “Marka askariga ugu horreeya ciidankayga uu gaaro dhulka Roomanka, waa marka askarigii ugu dambeeyay uu naga ambabaxay (wuxuu ula jeeday ka tagay bartii taliskayaga).

Sida la wariyay wuxuu ciidankii baaxadda lahaa ee muslimiintu gaaray dhulkii Roomaanka wuuna qabasaday. Boqorkii al-Muctasim baa inta galay xabsigii ay ku xirnayd qoftii dumarka ahayd ka gooyay silsiladihii. Markii xargihii lagu qoofalay laga jaray bay tiri muslimaddii; War ku maad tahay? Isna wuxuu yiri: “Waxaan ahay al-Muctasim”

In al-Muctasim la wareego dhulkii Roomaanka waxaa boorriyay dhacdadii muslimaddii la bah dilay, la xiray oo catawday.

Dumarka Soomaaliyeed ee maanta lagu bah dilaayo Kenya ayaa mudan in lala xiriiriyo dhacdadii iyo sheekadii “Wa Muctasimaa”. Waxaan aragnaa maalin noolba dumar Soomaaliyeed oo ku saynsaaban astaamihii islaanimada oo askarta Kenya ee muhanniga ahi ay ku rarayaan baabuurta ciidammadooda oo inta dumarkii tahli waayeen fuulitaanka baabuurtaas ay askartii qaararkooda dambe maraaciyayaan, iyagoo isu muujinaaya inay fuulinayaan dumarkaas. Muuqalladaas argagaxa iyo uurkutaallada leh waxaa u horseeday maxasta Soomaaliyeed kuwii dabka galiyay guryahoodii ee dumiyay dawladdii balagga u ahayd qaranka Soomaaliyeed idilkiis. Ma-naxdada ku habsatay xaruntii qaranka ee dhawrka iyo labaatanka Sano ku maran hantidii iyo taladii qaranka baa saldhig u ah hoogga hoysta ummadda Soomaaliyed. Cid ay gabadha Soomaaliyeed u catawdo ama u habar wacato oo sidii al-Muctasim galiilyooda oo guntiga u giijiya babaadinta sharafteeda ma muuqato maanta. Hase yeeshee  wali ka ma idlaan Soomaali geesi u kaca danteeda iyo dawgeeda.

Waxaa u xil saaran badbaadinta gabadha Soomaaliyeed ee gunta madow fagaarayaasha Nayroobi ku bah dilayso dhammaanteen ama inteenna damiirka fayow leh. Qofka ka dambqan waaya sawirrada qalbi-xanuunka badan ee la soo tabinaayo waa gargarki-gabe dayuus ah. Waa dayuus oo waa kaan ka damqan ama ka dhiidhiyin wax-xun-kufalka walaashiis, hooyadiis iyo marwadii isaga u dhaxday.

Kuwa u qaba in ciidammada shisheeye ee dalkii iyaga laga difaaci jiri maanta dhex mardaadinaaya inay badbaado u wadaan ha xusuustaan oraahdii: “Ninkii qorraxda kugu hoos gawray, hoos kuu ma jiido.”

Tuesday, April 1, 2014

Maahmaah


  • Gari laba nin, ka ma wada qosliso
  • Labo garrantay iyo laba gantantay, galladi ka ma dhexayso
  • Gar waa loo, wada islaan
  • Nin gar yiri, ma gefin
  • Gar eexo, gacan laaban iyo go'aan jilicsan, waa lagu guddoon seegaa
  • Garta sheeg baa laygu yiri, ee ku dirir laygu ma oran
  • Garawshiinyo waa, geel-siin
  • Hashaada waa laga tagaa, halkaagse laga ma tago
  • Nin markhaati beena kuu furay, isna meekhaan ogaatay
  • Awr ximilki waa qaadaa, xarig qalloocanse ma qaado
  • Nimaan garoow baran, garna ma baran
  • Gartu soddog iyo seeddi midna ma taqaan, ee Allay taqaan
  • Madax aadan lahayn, miyirkiisa la is ma saaro
  • Intaadan geedka tagin, soo gar qaado
  • Garba garteedaa lagu doonaa, mandheerna garkeeda
  • Waayeel ha gurinee, wax-yaqaan gura
  • Xargo, geel ma wada xiraan
  • Marka indho aan gar lahayn ooyaan, kuwo gar leh maxaad mooddaa?
  • Marqaati waa dhaar, nin lihi diiday
  • Hadduu kuu soo ergoodo nin caloosha laga soo riday, ha garsiin intaad ka arkayso kii kale waa intaas oo uu go’aye
  • Rag waxaa u ayaan-daran, nin doqonkiis dacweeyay
  • Ergo wixii la farayna way geysaa, wixii loo dhiibana way qaaddaa
  • Xarig hameynnimo iyo xaajo guntan, midba ninkii xiraa fura
  • Tolkaa dhiig waa loo soo duwaa, dhaarse loo ma soo duwo
  • Waayeelku hadalkiisa, kaftan buu ku dhammaystaa
  • Balaayo hor la qabtay leedahaye, gadaal la qabto ma leh
  • Hubsiino, hal baa la siistaa
  • Guddi’ raagtay ama hal meesha ku jiray ka saaraysaa, ama midaan ku jirin bay soo gelinaysaa
  • Hadal nin kaa xiga iyo hawl nin kaa xiga, midna lama hororsado
  • Meeshii aad nin ku qaadato, nin baad uga tagtaa
  • Meeshii xoolo mareen baa, xeer maray
  • Farasoow kadlahaaga iyo kudladaada isla sug
  • Tolkaa eex lagu ma dilo
  • Hadal xigaal iyo hilib idaadba, qabowgaa lagaga dhergaa
  • Lafahana gur, xarragana ha ka tagin
  • Saaddambe ayaad garan
  • Colaad wiil bay dishaa, ee wiil ma dhasho
  • Waxay kuugu daran tahay; marka qofkaad wax la doonayso kula garan waayo, ee kii aad wax ka doonaysay kula garto.
  • Hadal kun isla og tahay, kow ma oran waayo
  • Rag in loo abaal gudo iyo in laga aarsado ka faro badan
    * Rag ballan baa xira, naagana meher baa xira