Wednesday, April 30, 2014

Gam'ayey Hurdada Dheer (hees)

Gam'ayey hurdada dheer
Xalay galalaftaydii
Riyadiyo gudoodiga
Anigiyo go'aygiyo
Gogoshaa cillownee
Geesaha fartaydii
Anigoon is garanayn
Ayaan xubin ka goostee
Ma gilgilay garkaygii
Ma guray timaha badi
Maw gabbaday naftaydii
Soo gocosho-reenkii
Isu maan gar dhigan

Gam'ayey hurdada dheer
Galgashaye hameynnimo
Marar gacalo ii timid
Ooy gacanta laabtiyo
Ku salaaxday gaaddada
In ruunkii aan gaarnoo
Guri kugu aroosaan
Garaadkaygii moodee
Ma ka toosay gego maran
Gogoshaan ku jiifiyo
Ma guhaadshay aqalkii
Soo gelinba waayuhu
go'ayay caashaq i ma raro?

Gam'ayey hurdada dheer
Xalay faalladaan galay
gurxankiyo reenkii
Mar baa lay gurmadayoo
Inaan go'ay la moodee
Gu'yaalkaan qarsanayaa
Anigoon is garanayn
Afkaygii ku goohee
Miyay gudubtay sheekadu
Kuwaan guriga kula jiray
Miyey iga guraayeen
Soo goortii aan kacay
Warkii lays ma gaarsiin?

Hadduu geel arooroo
Galkii laga cabbaayiyo
Gaari waayo ceelkii
Gurxan-ololka reenkiyo
Guuro-socod ma daayee
Intaan geed hameyn riday
Ama gebi ka soo dhacay
Garaad way ka badatee
Miyaad i gaba guurtaa
Gacal iyo xigtiyo ehel
Ma waan gelin xusuustaa?
Gabbalkiyo waagaba
Adaan kuu guntanahee

No comments:

Post a Comment