- Gari laba nin, ka ma wada qosliso
- Labo garrantay iyo laba gantantay, galladi ka ma dhexayso
- Gar waa loo, wada islaan
- Nin gar yiri, ma gefin
- Gar eexo, gacan laaban iyo go'aan jilicsan, waa lagu guddoon seegaa
- Garta sheeg baa laygu yiri, ee ku dirir laygu ma oran
- Garawshiinyo waa, geel-siin
- Hashaada waa laga tagaa, halkaagse laga ma tago
- Nin markhaati beena kuu furay, isna meekhaan ogaatay
- Awr ximilki waa qaadaa, xarig qalloocanse ma qaado
- Nimaan garoow baran, garna ma baran
- Gartu soddog iyo seeddi midna ma taqaan, ee Allay taqaan
- Madax aadan lahayn, miyirkiisa la is ma saaro
- Intaadan geedka tagin, soo gar qaado
- Garba garteedaa lagu doonaa, mandheerna garkeeda
- Waayeel ha gurinee, wax-yaqaan gura
- Xargo, geel ma wada xiraan
- Marka indho aan gar lahayn ooyaan, kuwo gar leh maxaad mooddaa?
- Marqaati waa dhaar, nin lihi diiday
- Hadduu kuu soo ergoodo nin caloosha laga soo riday, ha garsiin intaad ka arkayso kii kale waa intaas oo uu go’aye
- Rag waxaa u ayaan-daran, nin doqonkiis dacweeyay
- Ergo wixii la farayna way geysaa, wixii loo dhiibana way qaaddaa
- Xarig hameynnimo iyo xaajo guntan, midba ninkii xiraa fura
- Tolkaa dhiig waa loo soo duwaa, dhaarse loo ma soo duwo
- Waayeelku hadalkiisa, kaftan buu ku dhammaystaa
- Balaayo hor la qabtay leedahaye, gadaal la qabto ma leh
- Hubsiino, hal baa la siistaa
- Guddi’ raagtay ama hal meesha ku jiray ka saaraysaa, ama midaan ku jirin bay soo gelinaysaa
- Hadal nin kaa xiga iyo hawl nin kaa xiga, midna lama hororsado
- Meeshii aad nin ku qaadato, nin baad uga tagtaa
- Meeshii xoolo mareen baa, xeer maray
- Farasoow kadlahaaga iyo kudladaada isla sug
- Tolkaa eex lagu ma dilo
- Hadal xigaal iyo hilib idaadba, qabowgaa lagaga dhergaa
- Lafahana gur, xarragana ha ka tagin
- Saaddambe ayaad garan
- Colaad wiil bay dishaa, ee wiil ma dhasho
- Waxay kuugu daran tahay; marka qofkaad wax la doonayso kula garan waayo, ee kii aad wax ka doonaysay kula garto.
- Hadal kun isla og tahay, kow ma oran waayo
- Rag in loo abaal gudo iyo in laga aarsado ka faro badan
Taariikhdu wax bay hagtaa, dadkuna wuu haybsadaa, adduunkuna waa hayaan, hir doog laa lagu socdaa, hoggaankuna waa cilmiga, naftaada lama hagrado, qeyrkaa ka har waa habaar...(War Helaa, Talo Hela)
Tuesday, April 1, 2014
Maahmaah
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment