Thursday, April 24, 2014

Degmadii Seeraha Waqooyi (NFD)




                                             Image result for wagalla massacre                               Image result for nfd
Degmadii Seeraha Waqooyi (NFD)

Degmadii Seeraha Waqooyi waxaa lagu qiyaasaa 127, 358 km2. Dhulkaas waxaa magaca loo bixiyay sannadkii 1925-kii kadib markii laga soo jaray Dhulkii Soomaaliyeed ee Jubaland ama Trans-Juba oo xilligaas kahor qeyb ka ahaa Dhulalkii Bariga Afrika ee Ingiriisku gumaysanaayay. Dhulkii Jubaland ee la googooyay waxaa qeyb lagu wareejiyay Talyaaniga isla sannadkii 1925-kii. Qeybtii soo hartay waa NFD e, waxaa la hoos geeyay Maamulkii Ingiriiska ee Kenya. Bishii Juun 26-keedii 1960 markii Ingiriisku ku dhawaaqay xorriyad-siintii Dhulkii Ingiriiska ee Soomaaliyeed,  waxay ahayd in NFD kamid noqoto dhulkaas xoroobaya, wuuse gees maray siduu Ingiriisku hore u ballanqaaday. In kastoo dadkii Soomaaliyeed si kasta oo ay  kari kareen ugu dadaaleen in dhulkaas iyo dadkiisa la raaciyo dalweynihii Soomaaliyeed, haddana nasiib-darro wuxuu gumeystihii ku daray qeybtaas Soomaaliyeed dalka Kenya bishii Ogas, 1963-dii.

Dalkii Kenya ee boolida loo siiyay dadkii iyo dhulkii Soomaaliyeed wuxuu bilaabay dagaallo iyo cadaadisyo ba’an oo uu u bixiyay Dagaalladii Shuftada (Shifta Wars). Geesiyaashii gunnimada diiday bay u baxsheen Shifta ama burcad. Xornimodoonkii bay ka dhigeen sidii tuug hubaysan oo dadka dhacda. Madaxdii iyo waxyaqaankii dhulka waa la xirxiray, in badanna waxay u fakadeen Soomaalidii xorta ahayd. NFD oo markaan ay u la baxeen Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya waxaa lagu soo rogay xeerar culus oo lagu dhaqaayo, waxaana laga go’doomiyay gobolladii kale ee Kenya. Waxaa dadkii ku noolaa dhulkaas lagu ooday xero, waxaana gudaha xeradaas lagu warjeefay dadkii, waxaana jiray dhacdooyin xanuun badnaa sida tii Wagalla ee Wajeer 1984-tii, halkaas oo ilaa 5000 oo dumar, carruur iyo waayeelba leh lagu xareeyay gegida diyaaradaha ee Wagalla loona diiday biyo iyo cunnaba muddo 5 maalmood ah, markaas kadibna dhammaantood lagu xasuuqay goobtaas.
Tan iyo maalintii lagu callaalay dhulkii NFD Kenya waxaa maskaxaha dadweynaha reer Kenya lagu beeraayay in dadka Soomaaliyeed yahay Shifta, wuxuuna eraygaasi noqday marmansiiyaha lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed. Waxaa sidaas ku hirgalay colaad dhex taalla labada ummadood ee Afrikaanka ah ee la isku ibtileeyay.
Kadib qalalaasihii weynaa ee ka dhacay Soomaaliya sannadkii 1991-dii iyo soo- if -bixii ururrada diiniga, waxaa loo dallaciyay eraygii Shifta argagixiso, waxaana si ka daran sidii hore loo bannaystay dhibaataynta dadweynaha Soomaaliyeed, waxayna ladagaallanka argagaxisada cusub waa Soomaalida cusube, Kenya u heshay hiillada Reer Galbeedka ama dalalka Masiixiga ah ee maanta dunida ugu itaal roon, wana taas siday rabto ka yeelaysa maatidii iyo reer gurigii Soomaaliyeed ee asalka ahaa.
Markaad dhinac kasta ka eegto, waxaa kuu muuqanaysa, inuusan qaranka Soomaaliyeed ehel iyo saaxiib toona lahayn, waayo tan iyo xilliyo fog wuxuu shisheeyihii ku soo faalalay arlada Soomaalida maleegaayay dhibaatooyin lagu wax yeelleynaayay ummadda Soomaaliyeed. Waxaa kaloo kuu muuqanaysa in kastoo colaadaha kadhanka ah Soomaaliya inta badan loo makaansado islaanimadeeda, haddana dalalkii islaamku u ma muujin in yar oo hiillo ah ama damqasho ah, balse qaarkood iyagaaba uga darnaaday cololka gabagabeeyay.

Sheekooyinka maaweelinta ah ee la leeyahay maamul dawladeed baa loo dhisaayaa oo dalalkii dumintii qaranka Soomaaliyeed horyaalka ka ahaa ay wadaan waa marin-habaabis doqonta kaligeed loo sheego. Sidoo kale ururrada sheegta diiniga sida al-Shabaab oo kale waa aalado loo soo abaabulay loona soofeeyay si loogu waxyeeyo qarankii Soomaaliyeed ee la aafeeyay. Waxaa loola jeedaa ururradaas in la is nacsiiyo ummadda Soomaaliyeed iyo diinteeda, waayo mar walba waxay Soomaali ku midoobi jirtay diinteeda islaamka, badi xoogaggii waddaniga ahaa ee u halgamay qaranka Soomaaliyeed-na waxay ku midaysnaayeen caqiidada islaamiga ah. Ummaddii sidaas ahaan jirtay waxaa u fakaray nacab raba in uu kala diro oo kala dhantaalo si aysan waligeed u noqon cudud midaysan oo xooggan oo iska caabbisa cadawgeeda.

Waxaa caddaatay in kastoo siyaaso ahaan la kala qoqobay, inuu wali yahay shacabka Soomaaliyeed hal xubin ah oo haddii qeyb kamid ah xubintaas wax gaaraan ay inta kalana la xanuunsanayso. Qaranka Soomaaliyeed waa sida geed laameeya, haddana leh hal fadhi ah ama saldhig.

Gunaanadku waa; Soomaali waxyeelladeeda waxaa horseed iyo cudud u ahaa dawladaha itaalka leh ee reer galbeedka, isla dalalkaas baa maantana horseed ka ah kala dirkeeda. Arrinkaas mid damman mooyaane qof walba wuu garan karaa. Sidaas darteed, waxaa habboon, in dadweynaha Soomaaliyeed ee qurbaha joogaa uu abaabulo gole ay ku midaysan yihiin dhammaan qeybaha Soomaaliyeed, halkaasna lagu dhiso gole (congress) mideeya qaranka ama qawmiyadda Soomaaliyeed idilkeed. Markaas kadibna loo hawl galo sidii dawladaha itaalka ee mar walba hagardaameeya Soomaali loola fal gali lahaa. Arrinkaan dambe, kaliya waxaa ka adeegi kara kooxo u heellan wanaagga guud ee qaranka Soomaaliyeed ee is-maqiiqaha damaystaha ah marna wax ka ma tari karo. Waa in la helaa dhallinyaro han weyn leh oo waxgarad miiran ah, si loo helo tabihii lagu xoojin lahaa jiritaanka qaranka Soomaaliyeed guud ahaantiis.  

No comments:

Post a Comment