Thursday, April 17, 2014

Makaroobiyiin (taariikh)


Makaroobiyiin

Makaroobiyiintu waxay ahaayeen dad waayo hore ku noolaa Dhulka Soomaalida ama boqortooyo ka jirtay dalka hadda Soomaaliya loo yaqaan, waxayna dadkaasi dhaqnaayeen ama boqortooyadoodu jirtay intii lagu dhex jiray kunkii sanoo ka horreeyay Dhalashada Masiixiga (MD). Wax badan laga ma oga dadkaas, inta kaliya ee laga yaqaan waxaa laga helay qoraallo uu ka tagay waayo-yahankii Herodotus ee dhalasho ahaan Giriig ahaa.

Wuxuu Herodotus ku sheegay inay Makaroobiyiintu ahaayeen dad ku xeel dheer sida guga qofka loo kordhiyo waxayna da’da dhexdhexaadka ah ee dadkaasi gaari jirtay 120 gu’ ama sano. Wuxuu kaloo ku sheegay inay ahaayeen dadka ugu quruxda badan uguna dhaadheer dadyowga oo idil.

Imbaraadoorkii Beershiya ee la oran jiray Cambyses II baa ergo u soo diray Makaroobiyiintii kadib markii uu qabsaday Masartii hore. Wuxuu ugu sii dhiibay ergadii hadiyado qaali ahaa boqorkii Makaroobiyiinta, kuwaas oo uu ula dan lahaa soojiidasho ama sabitaan, wuxuuse boqorkii Makaroobiyiintu ku soo jawaabay inuu diyaar u yahay loollan kadhan ahaa Imabaraadoorkii Beershiya, wuxuuna u sii dhiibay qaanso aan xarig lahayn, wuxuuna sii faray ergadii; haddii Beershiyiintu karaan inay xarig ku xiraan qaansadaan waxay jid u yeelan doonaan inay dalkayga ku soo duulaan, haddiise ay kari waayaan, Eebbahood ha u mahad naqaan waayo xoogaggii Makaroobiyiintay ka badbaadeen oo aan iyaga ku soo duulin.

Sida uu sheegay Herodotus, markii ergadii u tageen boqorkii Makaroobiyiinta, waxaa la weyddiiyay cunnada ay dheefsadaan Beershiyiintu iyo inta cimrigoodu gaaro. Waxay ergadii boqorkii u sheegtay marmar da’ahoodu inay gaaraan ilaa 80 sano, cunnadooduna tahay miro la shiiday oo la isku dhafay (rooti). Markaas kadib wuxuu boqorkuu ugu jawaabay ergadii; layaab ma leh inaad hore u dhimataan, waayo buu yiri; waxaa idiin ku wacan cunnada qashinka ah ee aad dheefsataan,waxaadse ku sii warraaqdaan xoogaga waynka ah ee aad cabtaan. Wuxuu kaloo boqorkii yiri; annaga cimrigayaga dhexdhexaadka ah waa ilaa 120 sano, waxaana quudannaa cad iyo caano.

Sababta uu Imbaraadoorkii Beershiya uu ugu diray ergada Makaroobiyiinta waxay ahayd baa la yiri; Makaroobiyiintu waxay si tahan dhaafa hodan ugu ahaayeen dahabka, wuxuuna ergadaas u diray si ay u soo dhuhleeyaan oo xogo uga keenaan. Waxaa ergadaas laga diray Elephantis oo ahaan jirtay walina ah magaalo Nuubiyiintu deggan yihiin, ergadaas la dirayna waxay taqaannay afka Makaroobiyiinta (waxaa si weyn u cad in dadkii Masartii Hore, Nuubiya iyo Soomaaliya ay isku isir ahaayeen, ahaayeenna Reer Kuush).

Hadiyadihii uu sii dhiibay Cambyses waxaa ka mid ahaa baa la yiri; maryo maroon ahaa, qoolal dahab ahaa, sindiyo, cadarro iyo fuustooyin wayn ahaa.
Boqorkii Marakoobiyiintu wuu quursaday hadiyadihii lagu soo dabaayay wuuna celiyay, wuxuuna gartay inay hadiyaduhu yihiin dabin loo qoolaayo. Wuxuu kaliya ka qaatay hadiyadihii waynkii.

Sida ay sheegtay ergadii Cambyses, waxay Makaroobiyiintu ahaayeen dad aad u dhaadheer oo lahaa xeerar iyaga u gooniya waxaana ka mid ahaa siyaalihii ay ku dooran jireen boqorkooda jooggiisa ama dherarkiisa. Waxaa loo waday ergadii xabbiskii Marakoobiyiinta, halkaas oo lagu tusay maxaabbiis ku jeebbaysnaa qoolal dahab ka samaysnaa. Markii dambana waxaa la geeyay miis loo yaqaannay Miiskii Qorraxda, halkaas oo ahayd goob fidsan oo doog leh., waxaana dhaqan ahayd in maalin walba miiskaas laga buuxiyo hilbo si dadka socotada ama baahan wax uga cunaan, sidaas bay Marakoobiyiintu u ahaayeen dad aad hodon u ahaa, aadna deeqsi u ahaa. Dhammaadkii waxaa la tusay qafis ama santuuq ka samaysnaa dhalo oo ay Makaroobiyiintu intii sannad ah ku hayn jireen qofka ka dhinta.



 

No comments:

Post a Comment