Sunday, October 9, 2022

Dakanahay Ma Dhaafee



DAKANAHAY MA DHAAFEE

Doqonkii habaabee
Caqligiisu daahnaa
Daandaami jirayee
Dawarsiga badnaayee
Beenlowgii daarnaa
Deelqaafkiisii baa
Kugu duxay mallaallow
Kaa dagay majaafow
Waa adigii dareershee
Ciyaallada u duubee
Meel walbaba ku daadshee
Dhalashaday duraayee
Aflagaaddo daabacay
Aan kuu dabeebshoo
Dalqadaada saxo e

Diricii Dhegolaabee
Deebaaniga ahaa
Daahigii Dhoorre iyo
Waliyada dawaafiyo
Culimmada digriyaysee
Diiwaankii nabigii
Deegtooda saaree
U duceeya uunkaba
Dunjigoodii baan ahay
Waxaan ahay mid daahira
Kibirkana ku dookhoo
Waxaan doono mooyee
Layma duufsan karayoo
Dacay layma suri karo
Waxaan ahay mid deeqtoon

Adna Daaman-Baqallow
Waxaad tahay dayuuskii
Waxaad tahay dullaalkii
Dagi jiray haweenkoo
Siqiirkana aan dayneyn
Habartii duqowdaba
Caarkiisa darayee
Dadkoo dhami ha wariyeen

Diin-laawihiiyow
Doofaaar-qalkiiyow
Isku daabac maahine
Reerahaannu darisnoo
Waa hore duddeynnaa
Doolkoodii noo yimid
Waa adigii dambaaboo
Deyn waayay xumahee
Dakanahay ma dhaafee
Mid kalaan ku darayaa
Waa kaaga sii dari
Dalaw kaala sii dhici....

Erayda;
1- Mallaal: kaaliyaha dullaalka.
2- Majaaf: aan ahayn nin hore; dambeeye.
3- Dabeeb: hadal baaxad leh ama toox leh; dood.
4- Dux; dufan.
4- Deeg: garbaha; dusha.
5- Deeqtoon: aan cidna u baahnayn; iskufilan.
6- Dunji: dhammays; dhan.
7- Duddo: qoysas wada yaal; deris.
8- Dakano: aar; asaaye; utun; godob.