Wednesday, December 23, 2015

Hay Gabine Hay Goyne (hees)

Hurdo kaa ma lado oo
Jaceyl iga ma guuroo
Galiilyada jirkaygana
Qaban waayay gogoshee
Geyigeenna oo weyn
Geyaankeenna oo badan
Nin dartaa u gees maray

Go'e la ma colaadshee
Hay gabine, hay goyne
Anba ku ma guhaadsheene

Inta bahal gurguurtiyo
Guudlow libaaxiyo
Good iyo abeesada
Ninka gogol la seexdee
Nin dartaa u golongolay
Oo uu gubay jaceyl
Gantaal uu ka taagay

Go'e la ma colaadshee
Hay gabine hay goyne
Anba ku ma guhaadshaane



Tuesday, December 15, 2015

Had Maan Dadab galeynnaa? (hees)

Sidii webi durdurayoo
Labadiisa daamood
Dooggii ka soo baxay
Dacallada is dhaafsheen
Laamaha dushiisana
Shinburuhu ku doodaan
Ama dayr samaadkoo
Dadku nabad u wada yaal
Duunyaduna fooftoo
U dareertoo hawdkii

Waan ku doonayayoo
Aniguna daraaddaa
Indhihii i daalee
Naftaa kuu diyaaree
Dadka kaan ka doortoow
Had maan dadab galeynnaa?

Sidii ramad dayr-dhalahoo
Doox rays le joogtoo
Duhurkii markay tahay
Mayaygii ku da'ayoo
Meel didiba maraysoo
Durdurada dhasheedii
Hadba dacal ka dhaafaan
Naxariista daymadaan
Nafta kugu daweeyaa

Waan ku doonayayoo
Aniguna daraaddaa
Indhihii i daalee
Naftaa kuu diyaaree
Dadka kaan ka doortoow
Had maan dadab galeynnaa?



Thursday, November 5, 2015

Aduun baa Gabar Yahay (hees)

Aduun baa gabar yahay
Gedafeeyay timahoo
Gega lagu caweeyiyo
Guur u feeranaayee
Miyuu wiil geyaanihi
Go'dooy maanta joogaa
Geeri weeye caydhuye
Sow tan laysay gaajadu
Nimaad garabka saartiyo
Miyuu geesi nool yahay?

Adigaaba geenyoy
Guluf iyo colaad iyo
Weerar geli karaayoo
Itaalkaagu gaaree
Geestayda miyuu faras
Gaashaanqaada joogaa
Sow kan caato gaabshee
Higsanaaya geeddiga
Haddii guuyo lala tago
Miyaa loo gurmanayaa?

Aduun baa Gargooryow
Webigii Ganaaniyo
Gal durdura ku yaalloon
Abaaruhu ku gaarine
Gabboodkii dhulkaygaba
Miyaad geed ku aragtaa
Gurmogo'ankii mooyee
Aaway laga-ma-guurihii
Galoolkiyo Maraagii 
Sow kan gooyay jiilaal?

Erayada:
1- Gedafeeyay: wareejiyay timaha ama qurxiyay.
2- Gega: goob; meel; iwm.
3- Geyaan: la guursan karo; leh tayo lagu guursan karo.
4- Caydh; Cayr: aan xoolo haysan; sabool. 
5- Geenyo: fardaha kooda dheddig.
6- Guluf: col kooban oo aalaa farasleya.
7- Guuyo: xoolo; maal.
8- Gaashaanqaad: gaaray markuu gaashaanka inta qaado, dagaallada geli lahaa. 
9- Gargoor, Galool, Maraa: geedo magacyadood.
10- Gabbood; Gabbaad: meel lagu gabbado oo dhaxanta, dabaylaha iwm celisa.
11- Gurmogo'an: dhir laamihii laga jaray.

Monday, October 26, 2015

Guur Aan Ka La'aado (Gabay: Xaawo Bulxan Cali)

Indhoweyd murtidii geyfanayd, waa anigaan geline
Waatii aan gees maray naxwihii, Guulle ii qoraye
Maantana wax baa igu gujeeyee, ma aanan goobeene

Ruuxna gaar u may lahayn murtidu, waa qofkii garane
Gabdhihii la caayee xumaha, gurada loo saaray
Haddii aan gar eexaad la naqin, waa gef hadalkaase
Idinkuba wax baad geleleftaan, ka la guraysaane
Maxaa libin ku-geeraarka iyo, guusha idin siiyay?

Guyaal iyo guyaal badan haddii, nala ku soo guuray
Goor iyo ayaanba haddaan, ciil la galawlaynnay
Caro gaamurtaan wada qabnaa, gebi ahaanteene

Gacan bidix ayaad nagu waddeen, tan iyo goortaase
Haddii ay gadoodaan habluhu, la ma guhaadsheene
Gabyayaal inay noo kaceen, geliya laabtiinna
Aqoonyahanno gaamuray oo murtida, wada gorfaynaaya
Inay maanta wada geyfan yiin, geliya laabtiina

Markiise aan garaadsaday iyo haddooy, garashaday buuxdo
Raggu waxay abid guranayeen, godob xumaanteene
Garaadli’i ma haysee gabdhaha, jaaniskaa gabaye

Guriga iyo intaan ubadka iyo, fool la gubanaynnay
Nagu gaadde gabayada xunoo, gubaya jiirkeenna
 Gefkaad naga gasheen inuu ciqaab, idin geyaysiiyo

Rabbina idin gargaarin oo nabsigu, idin ku soo guuro
Guyaal baan sugaynnoo waqtigii, waa la soo galaye
Guryihiyo haddaad naga jafteen, ubad gardaadsiinta
Aan googaalaysannee ina ragow, goobta noo fidiya
Guushuna kuway raacdo aan, wada guddoonsiinno

Afartaa gorfeeyaye mid kale, aan giraangiriyo
Geyriyo ufada soo dhacdiyo, yaare aan geliyo
Gucummaale aar iyo sidii, goosha aan reemo

Aan guul-guulo afarreey-guntaha, guushu waa aniye
Gosha aan la baxo kaan naxwaha, garan ujeedkeede
Xaajadana aan soo gambiyo, way gun weyn tahaye

Aw-yuusuf gabayguu tirshiyo, gedihi uu sheegay
Yamyam wuxuu ka gaaftee u yiri, guur aan ka la’aado
Aniguba gaddaas oo kalaan, qayb ka gaabsadaye
Na ma wada geyaan nimanku oo, qaar ayaa gurane
Kuwa gogosha aan loo dhigayn goyn, aan ka higaadsho

Dabaguraha gooraha xun jecel, gabar ardaa jiifta
Gaatamaha tuugada u guda, goor dhexiyo leylka
Gaajoonahaas aan dhergeyn, guur aan ka la’aado

Midka giniga haystee ku xira, jeebka gudihiisa
Een garanin reerkaaga geli, Guulle wuxuu keenay
Intii aan galluubnaan lahaa rafaad, guur aan ka la’aado

Marti geyre dhaxanliyo ku timid, guure iyo dheelmad
Gogolkaan u soo qaadinoon, sooryo gelinaynnin
Intii gacalki uu hiifi laa, guur aan ka la’aado


Midkaan geedka laga naadin oo, goobta laga sheegin
Oon tirada soo gelin kolleey, saami wuu gabaye
Intuu aniga ii guuxi laa, guur aan ka la’aado

Midkaan ehelka garan oon wanaag, gacan uqaadaynnin
Ilmadowda gaajoon midkaan, gelin qadaa siinnin
 Intay guriga ii ooyi layd, guur aan ka la’aado

Midka gada dharkiisoo rahmada, waa gu’ baaqsadaye
Intuu qaad ku soo gadan laa, go’a sariirtayda
 I ma geyo nin qaawane midkaa, guur aan ka la’aado

Kaan garan salaaddiyo waqtiga, Guulle faral yeelay
Googoyska cibaadada gefee, geesta uga leexday
Oon masaajid soo gelin waqiis, guur aan ka la’aado

Midka guurka diidoo macsida, abidki goobaaya
Een garan samaantee xumaha, daba guclaynaaya
Saanigaa Ilaahay ka go’ay, guur aan ka la’aado

Midka diinta garanaaya ee, gooyay dhaqankeeda
Shareecada midkaa garab maree, gaalo dabaraacay
Garaad-xumaa u geysee dulliga, guur aan ka la’aado

Caasi ganaya hooyadi intuu, gumuc u soo qaato
Ama cay ku gaacinahayoo, nabar ku guulaaya
Gayaan ku ma habboonee midkaa, guur aan ka la’aado

Garruun xaasidnimo loo tabcoon, garasho hoos oollin
Gafuur-jabin midkaa i la rabeen, gacalo ii haynnin
Intuu ii la gaatami laa ul weyn, guur aan ka la’aado

Xilagube gasiin iyo aan bixin, maro is gaarsiisan
Guudkana islaam uga egoo, gogosha ii jiifa
Intii goor xun aan ooyi laa, guur aan ka la’aado

Guullihii abuurtiyo midkaa, nabiga cayda ku la geyfan
Gabood-falaha diintii gudbaye, dhaar aan ka la goynnin
Gaalkaas Ilaahay ka go’ay, guur aan ka la’aado

Gaarida wanaagga le midkaan, garan abaalkeeda
Gafuur-buure aan ruuxna garan, wuxuu gollaynaayo
Gujeeyaha gunuusee guryama, guur aan ka la’aado

Kaan jikada galayn oo ilmaha, gelinna haynaynnin
Oo aan garawshiyo lahayn, saacidee gabadha
gacan kaan siinayn bugtada, guur aan ka la’aado

Waalidkay midkaan gobonnimiyo, sharaf ka goobaynnin
Guuleed walaalkay ninkaan, gaar u magacaabin
 Ee xididka gooyee aan rabin, guur aan ka la’aado

Gabagabo dagaal iyo markii cadaw la guulaayo
Gantaalaha markii lays ku riday ee, geesi diriraayay
Giiryaalaha gadaashayda maray, guur aan ka la’aado

Midka Gaawadii oo dhashay iyo, Goodir dabajooga
Galaxeeda caanaha midkaan, goommanaha siinnin
Bakhayl gurigi loo ma soo hoydee, guur aan ka la’aado

Mooryaanka gaajoon ee waddada, tuugadaw gelaya
Googaradda dumarkiyo midkaan, garanna dhaafeynnin
Jidgooyaha islaamkii gambiyay, guur aan ka la’aado

Qabqablaha gumaadee shacbiga, dhiiggi gadanaaya
Dawlad gaamurtiyo kaan jeclayn, calan shan-geesoodka
Ee gaar kaligi nolol u raba, guur aan ka la’aado

Balwad kay gagabisee fadhiya, cooshka laga guuray
Qaadka iyo garaabada midkaa, guranayee jiifa
Ee qiimihii nolosha gabay, guur aan ka la’aado

Hinaasaha guryama ee shakigu, gebigi buux dhaafshay
Gurigayga kii soo agmara, guullan ka-horgeyska
Guufanayska waardiyaha gala, guur aan ka la’aado

Guurbadane gabadhuu arkaba, meher la gaadaaya
Xannaanada gurboodkana dayaca, gurina aan joogin
Gododlaha cidlada iiga guday, guur aan ka la’aado

Midka deriska guul-guula oo, gawnaxyada buura
Intuu gaarka joogana Cambaro, gaabsatee cararto
Xaawaleyda kaa gabawarana, guur aan ka la’aado

Allow deeqsi geesiya halyey, diinta garanaaya
Garaad badane gobannimiyo sharaf, looga gogol yeelay
Adaan gacanta kuu hoorsadee, calafku ii geeyo

Gabay ku ma idlayn karo raggaan, gacalo loo hayne
Damiirkiisa-gade baa jiriyo, ceebta gurigeede
Dumaroow garwaaqsada raggii, laga gol roonaaye

Thursday, September 17, 2015

QARANKA SOOMAALIYEED IYO DASTUURKA CUSUB


Dal kasta wuxuu u baahan yahay sharci lagu agaasimo arrimihiisa, mana dhici karto in dal yeesho habab siyaasadeed oo aan loo dejin xeerar wax lagu sooro.

Dalalka qaatay habka loo yaqaan fedaaralka ee maantana Soomaaliya loo miihaalayo, waxaa mid walba loo jaangooyay xeerar si gaara loogu tixgeliyay abuurta dhulkeeda iyo dadkeeda. Xeerarka la rabo in Soomaali lagu maamulana waa inay ku qotomaan ka-baaraanddeg xeel dheer oo aad loogu fiirsaday siyaalaha iyo meelaha Soomaaliyeed. 

ka dib markaan dulmaray qeybo ka mid ah dastuurka cusub, gaar ahaan meelo aan is leeyahay waa ubucda ama unugga arrimaha Soomaaliyeed ayaan mooday dan wax-ka-dhahooda;

Cutubka 1aad
Q.5aad-Afka Rasmiga ah

(1) Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Af-Soomaaliga oo ka kooban; Maxaa tiri, Maay-arti iyo Carabi sida ku cad jadwalka.

Sida culummada afafku ku qeexeen Af Soomaaligu waa af madaxbannaan oo ka tirsan afafka Reer Xaam kana sii ah kuwa Kuushta Bari, wuxuuna ka mid yahay afafka ugu da' weyn dunida. Waxaa la qoray sannadkii 1972dii, wuxuuna noqday afkii rasmiga ahaa ee Dawladdii JDS. Waxaa kamid ah lahjadihiisa; Maay, Banaadiri, Gobollada Dhexe, Waqooyi, Galbeed, Reer Bari iyo qaar kale.

Afka Carabigu wuxuu ka mid yahay afafka Reer Saam, waxaana ku hadla dad ka badan 300 oo malyan. Afkaasi wuxuu ka ahaa dhaqankii JDS afka labaad ee dalka. Waxaa maanta ku hadla Afka Carabiga dalal badan oo kala leh lahjado, haddana dal walba afkiisa rasmiga ah waa Af Carabiga qoran oo aan wada naqaan. Marna la is ku ma qaldin afka rasmiga ah iyo lahjadihiisa. 

Haddaba, sidee Carabigu u noqon karaa qeyb ka mid ah Af-Soomaaliga? Sideese la isugu maldihii karaa sidii iyagoo is leh?.
Maxaa keenay in lahjadaha Af Soomaaliga la yiraahdo waa qeybo afka kamid ah, miyeysan aheyn is la afkii?

Waxay u eg tahay in afkii waligii ahaa astaanta midnimada Soomaaliyeed, kali ahaantiisa su'aal la geliyay oo sidii wax kastoo kalaba la isugu qabsaday loo muujiyey mid la isku haysto. Haddii sida qumman wax loo wado waa in la yiraahdaa: " Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Af-Soomaaliga, qoraal ahaanna waa kii la dhaqan geliyay 1972dii", dastuurkana laga daayo mugdiga.

Q. 8aad
Muqdisho oo loo yaqaan Xamar waa magaalo madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maqaamka Magaalo-madaxdu ay ku leedahay qaab-dhismeedka federaalka ee jamhuuriyadda wuxuu ku xusan yahay Cutubka 7-aad ee Dastuurka.

Marka dhinacyo badan laga eego Muqdishow ma noqon karto magaalo-madax. Waxaa habboon in qodobkaan la beddelo oo laga dhigo: " Waxaa xaruntii Dawladda Fedaraalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya loo gartay si ku-meel-gaar ah _____. Markii la dhiso Dawladaha Fedaraalka ayaa waxaa la abuuri doonaa guddi ka kooban dawladihii la dhisay, waxayna soo magacaabi doonaan Xarunta Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, waxaana ansixin doona Golaha Barlamaanka ee Dawladaha Fedaraalka". Marka la tixgelinaayo danaha Soomaaliyeed guud ahaan waa in Xaruntu noqoto magaalo ka madaxbannaan dawladaha fedaraalka ah, balse ay noqoto mid leh maamul gaar u ah.

Cutubka 2aad Jinsiyadda
Q. 10-aad
(1) Jinsiyadda Soomaaliyeed waxaa lagu heli karaa dhalasho ama Soomaaliyeyn

Q. 12-aad
(3) Qofka shan sano oo taxane ah, si sharci ah Soomaaliya u degganaa, buuxiyeyna shuruudaha sharciga jinsiyadda, xaq ayuu leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn.

Waxaa habboon ama tahayba in Q.10-aad sidaan loo qoro: " waxaa jinsiyadda Soomaaliyeed lagu heli karaa dhalasho, waxaana Soomaali ah qof kasta oo ku dhashay Jamhuuriyadda Fedaraalka ee Soomaaliya, qof kastoo ku dhashay qeybihii Soomaaliyeed ee ay tilmaamaysay Xiddigtii Qaranka Soomaaliyeed iyo qof kastoo ku abtirsida qolooyinka Soomaaliyeed ee dega dagallada Soomaalida meeluu yahayba.

Waxaa kaloo habboon in meesha laga saaro Q.12-aad. Xilligaan ma qummana in lagu daro dastuurka qodob ka hadlaya Soomaaliyeyn, waayo maanta la ma joogo heer aan hanannay dalkeennii iyo arrimihiisii, waxaana qodobkaani horseedi karaa cillado aan la maareyn karin. Waxaa Soomaaliyeynta laga hadli karaa mararka dambe ee dastuurka dib loo eegayo. Waxaa la oggolaaan karaa kaliya degganaansho iyo wakaalasho is la socota, iyadoo qofka shisheeyaha ah la siinayo sharci degitaan hadduu yeesho qof u dhashay dalka oo xilkas ah oo wakiisha una qoolnaan doona xaaladaha la-dajiyaha.

Marka la qeexayo u-dhalashada Dalka Soomaaliya waa in la raacaa habkii soo-jireenka ahaa ee uu dadka Soomaaliyeed isku aqoonsan jiray; wuxuu qofku Soomaali yahay, hadduu yahay ina hebel, hebel, hebel oo reer hebel ah. Waa inaan lagu khaldamin siyaalaha ummadaha kale isku aqoonsadaan. Tusaale ahaan, nin ku dhashay Caabudwaaq, hadduu tago Gedo oo isa sheego, waxaan muran laheyn inuu si toosa uga mid noqonaayo degaankaas. Sidoo kale, nin ku dhashay Wardheer wuxuu xujo la'aan degayaa ama ka talin karaa Puntland. Waxaa tusaale kale ah nin ku dhashay Qallaafe oo qolodiisu deggan tahay Hiiraan si toos ah buu u noqonayaa Reer Hiiraan markuu doono. Nin aabbihi iyo asaguba ku dhasheen Saylac baa madax ka noqon kara Jabuuti. Eegey, u dhalashada dalku ku ma xirnaan meel ee waxay ku xirnaatay abtirsiinyo. Baxaaliga hab-bulsheed ee sooyaalkaa iyo qoondaynta Eebbaa sidaas ahe, miyaa la is qasbayaa?

Dadweynaha Soomaaliyeed wuxuu u qeybsamaa qolooyin, waxaana dhammaanti isku xira seddex xarig:
1- Xigaal: xariggaani waa kan abtirsiinyaha dhanka aabbaha, waana xarig dheer.
2- Xasabo: xariggaani waa kan abtirsiinyaha dhanka hooyada, waana xarig dheer.
3- Xidid: xariggaani waa kan guurka, waana xarig xoojiya is-haysashada Bulshada Soomaaliyeed aadna u bila wada noolaanteeda.

Waxaa dadka Soomaaliyeed leeyahay dhaqan isu guurguura oo hadba meeshii nolol ka jirto ayuu isugu tagaa, mana lahaan jirin seerayaal kale qoqoba. Kala-oodkii uu ku sameeyay gumaystahana waxaa loo qaatay xeyndaabyo beena ama dhalanteed ah. Xayndaabyadaas baana saldhig u ah dhibabka tirada badan ee maanta haysta ummadda.

Sidaas darteed, Dadka Soomaaliyeed maahan dad kala noolaan kara ama kala maarma. Seeriyaasha lagu qasbayna ma noqon, mana noqon doonaan kuwo hirgala. Haddii Gidaarkii Baarliin kala hayn waayay Dadkii Jarmalka, waa in la ogaadaa inaan lagu kala qoqobi karin Soomaali diillimo shisheeye xarriiqay. Haddaba si arrinta Soomaaliyeed u cagodhigato waa in dhabta hoos loo eegaa.

Friday, September 11, 2015

CAABUDWAAQ IYO JIDADKA SOO GALA

CAABUDWAAQ IYO JIDADKA SOO GALA

Dagaanka
Degmada C/waaq ee maanta xarunta u ah degallada ku meersan waxaa magaalo ahaan la unkay 1959kii. Waxay ahaan jrtay ceel-biyood ilaa muddo aan la aqoon, lagana yaabee in ciiddeeda dhismayaal hore ku duugan yihiin, waayo magaallada Dhabbad ee agteeda ahba waxaa lagu arkay dhismayaal aasan oo waayo hore ah. Waxay qarka u saaran tahay seeraha Kiilka Shanaad ee Itoobiya ee Soomaalidu degto. In kastoo ay tahay magaalo-xoolaad, haddana waxay tahay goob ay soo galaan dhabbayaal badan. Waxaa soo gala dhabbayaasha ka kala yimaada Gobollada Waqooyi ee Barbara dekadda u tahay, Gobollada Bari ee Boosaaso dekadda u tahay, Gobollada Koonfureed ee Muqdishow dekadda u tahay, Gobollada Galbeed oo ah dagaanno aad u ballaaran oo dad badanina deggan yahay iyo kuwo kale.

Jidadka isku dhaafa C/waaq iyo meesiyada la dhaqdo oo aad ugu badan nawaaxigeeda, waxay ka dhigeen magaaladaas ganacsi ahaan mid istaraatiiji ah, intayse jirtay ma helin hawlihii ka miradhalin lahaa meesha ay dhacdo. Waxaa sababaha loo aaneyn karaa arrimahaan;

-     Intay jirtay magaaladu waxaa colaad ba’ani ka aloosnayd dalalka Itoobiya iyo Soomaalia. Colaaddaasi waxay u keentay Reer C/waaq dhiigbax badan oo la oran karo meel kastoo kale oo S/liyeed waa ugu darrayd. Waxaa tusaale  wacan u ah colaadihii sokeeye ee bilaabmay 70-aadkii; waxay jabhadihii u halgamaayay burburintii Dawladdii S/liyeed ee iskaashiga la lahaa Itoobiya xigteysiiyeen dadweynihii ku noolaa aagga C/waaq Dawladdii Dhexe ee S/liyeed. Sidaas darteedna wuxuu degaankaasi noqday yool la wada toogto. Waxaa ugu darnaa gulufyadii dambe ee soo qaaday dhabbayaashii C/waaq tii uu hoggaaminaayey Gen. Maxammad F. Caydiid, waxayna malleeshiyaadkii uu looyaaminaayey sarkaalkaas sare ku qaadeen daaqsatadii danyarta aheyd oo hore ugu daashay colaadihii badnaa, weerarro ba’an oo isdabajoog ahaa iyagoo kaashanaayay hantidii ummaddii S/liyeed oo xoogaggaasi kula wareegeen Muqdishow. Qorshihii malleeshiyaadkaasi wuxuu u muuqday inay rabeen inay ka sifeeyaan dadkii degganaa aagga aan ka hadlaynno. Weerarradaasi waxay wiiqeen noloshii degaanka oo idil.

-     Dagaallada difaaca waxaa inta badan ku luma xubnaha horyaalka ah ee bulshada. Sidaas darteed, weerarradii baaxadda weynaa ee lagu soo qaaday aagga C/waaq waxay galaafteen rag tiro badan oo wada firfircoonaa. Taasina waxay hoos u dhigtay kartidii waxqabadka guud.

-     Colaadihii dheeraaday waxay geyeysiiyeen dadkii degaanku inuu kansho u waayo horumarinta nolosha iyo xubnihii ku firfircoonaa ganacsiga oo ka qaxay degaanka iyo waliba macaashlayaashii haray oo hantidoodii ku dhammaatay isdifaacii badnaa.

-     Dhiillada ballaarina waxay maanrogtaa dadka. Sidaas darteed, waxaa ku dhacay dadkaan ka hadlayno isbeddel xoog leh oo xagga fikirka. Waxaa laga garan karaa arrintaas xubnaha Reer C/waaq meelay joogaanba. Waxaa laga dareemi karaa taxaddar ama shaki badan oo ay ka qabaan dhinac kasta ama qof walba xitaa isla xubnaha dagaankooda. Waxaadna mooddaa inay ka gadmadeen hal-doorradii ku habboonaa hadba waagii la joogo. 

COLAADDA ITOOBIYA IYO SHACABKA S/LI GALBEED
Waxaa dagaanka C/waaq si aada u saameeyay loollanka Shacabka S/li Galbeed kula jiray Gumeystaha Itoobiya, walina si weyn bay u jirtaa saameyntaasi. Waxaa dadka dagaanka hal mar hareereeyay colaadihii sokeeye ee ba’naa iyo tan Itoobiya oo waligeed aan arxan lahayn.
Waxaa dadkaas la soo gudboonaaday inay la saftaan ururrada S/liyeed ee Itoobiya dagaalka kula jira oo kolkaasna dhinac walba col uga yimaado iyo inay colaadda Itoobiya ka gabbadaan, kolkaasna u muuqdaan kuwo gacansaar la leh nacabka taariikhiga ah. Waxaa intaas u weheliya garawsho la’aanta Beelaha S/liyeed ee waayahakan.

URURRADA MAGACA DIINTA EE S/LIYEED
Waxaa dh/dhaqaaq ka sameeyay C/waaq Ururkii magaca diinta watay ee Al-Itixaad Al-Islaami 1990-aadkii, waxaana dadkii dagaanka iyo xubno ururkaasi ahi isku gacansaareen magaalada gudaheeda. Waxay dadkii dagaanku oo khibrad ku yeeshay colaadihii garteen in ururkaas oo bilaabay la-loollanka Itoobiya u keeni karo iyaga tirtirid dhammeystiran.

Markii ay maxkamadihii Muqdishow midoobeen oo haddana si miyir la’aana dhinac walba guluf u saareen, waxaa Reer C/waaq nasiib u heleen madax ka mid ah colalkii maxkamaduhu soo abaabuleen wayna la wareegeen magaaladii. Waxaa isla markiiba dh/dhaqaaq ka dhan ah bilaabay ciidammada Itoobiya oo aan masaafo ahaan fogeyn.

Reer C/waaq oo ku ilhelay dhiillooyinkii badnaa ku ma dhiirran inay halabsadaan ururradii magacyada kale duwan lahaa ee diinta ku halqabsaday. Sidaasi waxay Reer C/waaq u keentay xoogaa xasillooni ah.

SUNNAH WAL JAMAACA
Culimmada Sunnah Wal Jamaacah ee maalmahaan shirku uga socdo C/waaq waa culimmadii dariiqooyinkii Suufiyadda S/liyeed ee soo jireenka ahaa. Waa culimmada loo nisbeeyo baahintii diinta islaanka ee Geeska Afrika. Waxay ahaayeen kuwo mar walba loo hayn jiray xurmo iyo tixgelinba. Waxay ahaayeen kuwo sumco wanaagsan ku dhex leh bulsha-weynta S/liyeed. Waxay ahaayeen kuwo ula dhaqma shacabka si deggan, waxayna muujiyeen dulqaad dhan walba ah. Waxay si xasilloon ula falgaleen dhaqammadii hore ee Kuushta Bari oo dadka S/liyeed asal u ah. Waxay is abaabuleen kadib, markii kooxo diimeedyadii mayilka adkaa xubnahooda ugaarsadeen, tingureenna. Waxay u istaageen is-difaac, waxayna ku guuleysteen inay cudud kula wareegaan Gobolka Galgaduud. Meelahay ka taliyeenna waxay ku soo dabbaaleen xasillooni.

In kastoo aan dadweynuhu ka qalooneyn dhaqammadooda iyo talooyinkooda, haddana waxaa jira arrimo laga walwali karo;

1-  Ururka Sunnaha Wal Jamaacah waxaa ku bahoobay dhammaan dariiqooyinka Suufiyadda S/liyeed, waxaana ka mid ah; Dariiqadda Qaadiriya, Dariiqadda Axmadiya iyo Dariiqadda Saalixiya. Dariiqooyinkaas oo muddo dheer ka hawlagalaayay Geyiga S/liyeed marna ma yeelan fikir mideysan. Marmar waa islaayeen sida Qaaddiriya iyo Saalixiya. Intaan ognahay maanta waxay ku mideysan yihiin is-difaaca oo qura. Haddaba, hadday u hawlgalaan arrimaha maamulka iyo siyaasadda, waxaa suurtogal ah inay laamo u kala jabaan.

2-  Sidaan ka barannay Ururrada S/liyeed jaaday yihiinba, waxaa gabbaad ka dhigta dad leh ujeeddooyin daahsoon sida; kuwo wata dano-qoleed oo annaani ah iyo jago-doon shakhsi ah ama kooxeed ah. Dariiqooyinka suufiyadduna waa ugu nuglaan karaan ururrada dano gaara lagu dhex wadan karo.

3-  Marka uu urur yeesho hannaan siyaasadeed waxaa abuurma ururro col u ah. Sidaas awgeed, waxaa laga yaabaa inuu Ururka Al-Sunnah Wal Jamaacah geliyo dadka degaanka ay u taliyaan dagaallo lagu hoobto.

4-  Iyo kuwo kale.

Maxaa la gudboon Reer C/waaq?
Marka hore, waxaa Reer C/waaq muteysteen ammaan ku beegan martigelinta walaalahooda S/liyeed ee Shirka maalmahaan socday. Marka xiga waxaa ku habboon inay si qoto dheer u fakaraan, sii arkaanna danahooda iyo danaha ummadda S/liyeed guud ahaan, qodobbadaan iyo kuwo la jaadka ahna tixgelin siiyaan;

1- Waa inay sii wadaan siyaasaddooda ku wajahan Itoobiya, kana fogaadaan iskudhac labada dhinac ah. Sababtuuna waa gacalkaa gacamo u waa.

2-  Waa inay ka fogaadaan ururrada hubeysan ee geyiga ka jira. Ururradaasi waxay u keeni karaan dagallada burbur iyo barakac ballaaran oo ay uga bixi karaan dadka aagga C/waaq degaankoo dhan.

3-  Maamul kastoo oo laga sameynaayo aagga waxaa habboon in lagu qotomiyo hababka dhaqanka iyo kuwa maamullada casriga ah oo wadajira. Marna ma habboona in hab-kooxeed maamul lagu dhiso.

4-  Dadka S/liyeed wuxuu u sameysan yahay hab-beeleed. Marka colaadahana habkaas bay u abaabulmaan. Habka nabadda ee saldhig fiican lehina isla sidaas buu ku fariisan karaa. Sidaas darteed, waxaa dawga toosan ee dabiiciga ahi noqonayaa in Dadka aagga C/waaq, markay tahay maamul maxalli ah ka mid noqdaan Dawladda Buuntu “Puntland State”. Qodobkaan oo dadka qaar ka keeni karo muran aan xujo fiican laheyn, waa mid istaraatiiji ah oo door u noqonaaya mustaqbalka C/waaq gaar ahaan dhanka ganacsiga iyo ammaanka. Horumarka Reer C/waaq wuxuu ku jiraa gobollada dekadaha leh.
 
5-  Waa in Reer C/waaq heshiis nabadgelyo la galaan dhammaan beelaha S/liyeed ee walaalaha ah, si markaas dhulkoodu horumar u sameeyo isla markaasna dalkoo dhan xasillooni u helo.

6-   Waayahan dambe, waxaa aad u muuqday kaladambeyn iyo istixgelin la’aan baahsan oo ka dhex muuqda bulshada Reer C/waaq. Waxaa habboon inay arrintaas ka koraan oo yeeshaan qaab talawadaag ah. Waa inay ka koraan qofka ra’yigiisa, lagu weeraraayo oo ay u gudbaan dulqaad iyo talada toosan oo aan la seegin. Waa inay joojiyaan muranka oo u gudbaan hababka doodda suubban.

7-  Waxaan ka barannay Sooyaalka siyaasadda S/liyeed, in hal qof rabitaankiis, danahiisa, dookhiisa, hinaasihiisa iyo jeclaantiisa loo lumiyo deegaan dhan danihiisa. Arrimahaas waa in lagu baraarugsanaadaa, mar walbana dhankii loo guuraayo lagu foodiyaa danaha dagaankoo dhan.

8-  Waxaa marar badan colaadaha qabiiliga ah saldhig u ah daaqa iyo ceelasha. Maadaama xaaladaha degaannadu isdhalan rogayaan, waxaa habboon in degaankaan ka hadlaynno loo sameeyo soohdimo, si markaas ay u sahlanaato maamulka dadka iyo degaanka. Arrintaan dambe waxay dan ugu jirtaa qeybaha degaannadaan mawduuca.

Ugu dambeyn waxaa ku habboon Reer C/waaq inaysan aayahooda cidna ku hallayn. Hadday ka maqnaadaan jaangoynta arrimahoodana waxay noqon doontaa inay masiirkooda ka sugaan gacamaha asaaggood.



Thursday, August 27, 2015

Samir Aan Lahaanno (hees)

Wiilka:
Sidaad tahay cadceed subax
Waad suurad wacan tee
Maan arag Suleekhee
Sheekadu say tahay
Qurux kaa ma sidatee
Sabannadaan may dhalan
Inan kaa sarraysee
Saynabeey waxaad tahay
Salaaddii iyo faralkii
Midaan uga sahwiyayee

Salaan nabadgelyo loo
Sacabbada ku wado
Yaan kuu sidaaye
Ama sayri khadarkaa
Ama sidaa ku qaado

Gabadha:
Dantu seeto weeyoo
Ninna ka ma siqayoo
Sababtaa ma dhaaftide
Waan ku soo salaamiyo
Sidee tahayda guudnimo
Cudur kaa ma saartee
Silic lagu ma waaroo
Saqayada habeynkii
Lagu siin ma weydide
Waa saadambiyo shalay
Sareedada adduunyadu
Saacad ka la wareegtee

Saaddiyo ishaartii
Lay siiyay xalay baan
Kuu saafin waliye
Siday noqon Allaa oge
Samir aan lahaanno

Wiilka:
Waad i sahayatoo
Kaa seexan waayoo
Dhawr sano iyo googo'e
Cirka sare u dhawroo
Soojeed ku waaroo
Ku safaaday noloshee
Ila lagu su'aaloon 
Kugu seego aakhiro
Waan ku la socdaaye
Ku ma saamaxayoo
Jeeruu suur dhawaaqoo
Natiijada aan saarnee

Salaan nabadgelyo loo
Sacabbada ku wado 
Yaan kuu sidaaye
Ama sayri khadarkaa
Ama sidaa ku qaado

Gabadha:
Sacna weysha uu dhalay
Sanka ka la ma rooroo
Sidig ka ma jeclaadee
Sidaasaan ka dhigannoo
Isa-suran waxaan nahay
Sokeeyoo walaalee
Sannadkaan joognaa
Siddeed-guuro weeyaan
Soddon tahay bishiisuye
Seddex weeye ururtii
Iyo tiro sagaaloo
Sambabada fariistee

Saaddiyo ishaartii
Lay siiyay xalay baan
Kuu saafin waliye
Siday noqon Allaa oge
Samir aan lahaanno

Wiilka:
Inaan kuu silloo nahay
Sirtaydii ogaatoo
Laydhaa i sidatee
Sahal hayga moodine
Qalbigaad dhex-surantoo
Wadnahaa i saranoo
Dhiigga sayrinaayee

Salaan nabadgelyo loo
Sacabbada ku wado
Yaan kuu sidaaye
Ama sayri khadarkaa
Ama sidaa ku qaado

Gabadha:
Sinjigeeda-diid iyo 
Hayga dhigin sagsaag iyo
Soomaalida-ka-roortee
Arrin iga sirgaxantaan
U sahamiyayoo
Wali ka ma salgaarine
Inaan saafi kuu ahay
Aanan sidan xeel badan
Rabbi naga sarreeyee
.....
.....
...........

Saaddiyo ishaartii
Lay siiyay xalay baan
Kuu saafin waliye
Siday noqon Allaa oge
Samir aan lahaanno