Friday, July 17, 2020

SAAMILEY

Geel kadina (100 halaad) baa waxaa soo dhacay col wuuna la soo cid galay. Geelii baa la soo dhoobay goob si loo qeybsado, dadka meesha jooga wuxuu ka koobmaa raggii geela soo dhacay ‘Saamiley’ iyo rag kale oo aan waxba ka soo dhacin geela, hase yeeshee quud darraynayaa in saamiga geela laga qeyb gasho ‘Saamidoon’.

Haddaan u adeegsanno erayga ‘saamiley’ siyaasadda, waxaa saamiley siyaasadeed noqon kara qof kasta oo dalka u dhashay oo daw u leh inuu codeeyo ama wax doorto. Haddii la yiraahdo dadka taladiisa ha la aruuriyo ama matalaad ha yeesho, waxaa noqonaya saamileyda siyaasadda xubnaha ay qeybaha dadweynuhu ama gobolladu soo doortaan oo aan maanta u naqaan; golaha shacabka. Haddii uusan jirin gole shacab oo dadweynaha matala, waxaa saamileyda siyaasadda matalaaya golaha guurtida ama isimmada qolooyinka ama qeybaha dadka, kuwaas oo kalsoonida shacabka haysta.

Horjoogayaasha gobolladu marna ma noqon karaan, saamileyda siyaasadda dalka, waayo iyaga waxaa loo idmaday inay agaasimaan hawlaha adeegga bulshada ee aaggaas ay horjoogayaasha ka yihiin, waxaana iyaga loogu yeeri karaa ‘agaasinley’ ama ‘aqoolley’.

Xisbiyada dalka ee aan wali helin kalsoonida dadweynaha ama aan gaarin heer inta la doortay ay xubno xooggan ku yeeshaan golaha shacabka, iyaguna marna ma noqon karaan, saamileyda siyaasadda dalka, laakiin waxaan ugu yeeri karnaa ‘saamidoonno’.

Golaha xukuumadda sida, wasiirka 1aad iyo wasiirrada kale, iyaguna kamid maaha saamileyda siyaasadda ee waxay noqonayaan, agaasinley ama aqoolley oo kaliya waxaa loo idmaday inay go’aammada saamileyda siyaasadeed ee dalka meel mariyaan.

Madaxweynuhu, wuxuu u taagan yahay ammaanduulihii saamileyda ee aan kor ku soo tilmaannay, dhanka siyaasadda markay noqotana wuxuu u taagan yahay hoggaamiyaha saamileyda siyaasadda. Sidii ammaanduuluhu colka uu u hagi jiray ayaa maantana M/weynuhu u yahay hagihii golaha saamileyda.

Aqalka Sare muxuu u taagan Yahay? Hadduu u taagan yahay guurtida Qabiillada Soomaaliyeed ama xubno iyaga matala, waa arrin la fahmi karo loo qaateenna ah, haddii kale buro dheeri ku ah hannaanka.  

Haddii la qalaabo geddiyo oo minjaheeda madaxeeda laga dhigo, haddii arrinkeeda meel aan habboonayn lagu magmakeeyo, haddii taladeeda laga duwo toobiyaheeda, soo noqon mayso ha is la salaq dhabato oo silic ku nooshu sideedii haw saxariirto?

                                                                                                                                 

Friday, July 3, 2020

Ha La Qalay Raqdeecdii

Hal la qalay raqdeedii 
Lagu soo qamaamyoo
Dadku qeybtinteedii
Quullay u doorteen
Asagoon qorshaba gelin
Qaar baa wareeroo
Buuraha qotoda dheer
Iska sii qubaayoo
Qacdaad maqlaysaa 
Waa qammadahoodoo
Qarka sii jafaayee
Qosol wuxuu ka joogaa
Af qashuushle dhurwaagii
Quusna garan waa 
Wali waa qayliyaa
Oo qurubna loo waa
***
Quulle waa qabkiisee
Intaan ani qaadan laa
Xuurtaa qalka dheer iyo 
Qarandidu ha liqduu yiri