Tuesday, September 23, 2014

Gabowga (labo gabay)

  • Toddobaatan iyo toban miyaan, tiriyay waageyga
  • Sida wiil tarrada ceel marshay oo, timaha deebeeyay
  • Tin madow miyaan laga dayeyn, aniga tuurkayga
  • Ma tallaabadaan la qarqaroo, tiigsin luga mooday
  • Maw tukubay sidii habar tu kale, tuugmo ugu jeedda
  • Bowdada miyaan tuujiyay iyo, araxda tiirkeeda
  • Taf-madow haddaan qaadan jiray, maro tilmaan dheer le
  • Tartarrada miyaan qeyd ku xidhay, taako labadeeda
  • Barkin luqunta kuma tiirsho iyo, tolone baarkiise
  • Ma dhagtaan tagoogada gashaday, sidii aniga oo tuuga
  • Wax martidu tammadisaa ninkay, toos u hoyataaye
  • Tuluggiis miyaan laygu arag, tuludi waa geele
  • Naaguhu ninkaan tuujinhayn, waa timlahayaane
  • Taf miyaanan rogi heyn sidii, cudurku ii taamay
  • Torog maalintaan fuuli jiray, tahartu weynaatay
  • Col tirtirihii anigaa lahaa, tabayo duullaane
  • Guuraha anays taagi jiray, Idil tilmaanteede
  • Haddaan weerarkeedii tognay oon, toon ka soo didinnay
  • Iba-toosan leeyeey hadday, na hor tislaynaysay
  • Tog biyo le haddaan keennay oon, koron ku taysaynnay
  • Sidaan wax u tabayn jiray miyaan, taabi kari waayay

  • Allahayoow tahliishii jannaan, adiga kaa tuugay
         Aden-Gurey Maxammad Cabdille 
    *****************************************
  • Waxaan khayli dhuugyaha madow iyo, dheeg wiyila qaatay
  • Ee dhalanka aadmigu u baxo, sidatan lay dhawray
  • kolkii horaba dhererkii miyaa, dhabarku soo gaabtay

  • Ma ka dhaxay dhawaaq uubatiyo, dheelmitaan gibina
  • Dhabbe reero guureen miyaa, laygu wada dhaafay
  • Ushaan dhaabbin mooyee hubkii, mayska wada dhiibay

  • Raggaan dhalay ragguu dhalay miyaa, dhamamax ii diiday
  • Kuwii aniga ii dhaxay miyaa, dhimasahaday dooni
  • Dhuuniga i siiyaay miyaan, sidii dhallaan ooyay

  • Waxaan dhawrsanaan jiray ceeb miyaa, igu dharaarowday?

Thursday, September 18, 2014

Joog iyo Hurdaba Nacay (hees)

Adaa i jabiyay goortaad
Jeegaanta fuushoo
Jibaadkiyo taahana
Markaasaannu jaarnee
Sidaa u ma jalaadeen
Haddaan nabad u jiifee

Joog iyo fadhiba nacay
Halkaan maanta joogee

Sida jiniqda hawdkoo
Jirku uu biyaha dhigay
Oy xareeddu jabadkiyo
Galac leeday jeexyada
Jeedaalis bay dilay
La-jalbeebtan-keedee

Joog iyo fadhiba nacay
Halkaan maanta joogee

Jaceyl maaha dheeldheel
Haddaad jimicsi mooddeen
Jalleecadiyo muuqaa
Jaahaaga deeqee
Sida jawharad nuurkeed
Halacsigaa i jiitee

Joog iyo hurdaba nacay
Halkaan maanta joogee

Tuesday, September 16, 2014

Ku Googooyay Gablada (hees)

Hoobeey hiddiyo dhaqanku
Waa hubintideenniiye
Adiguna hablaha manta
Waad ugu horreysaaye
Halbowlaha wadnaha iyo
Boggaad Deeqa huruddaaye
Halse iga dardaarana
Ayaan kugu hollinayaye

Ogoow gacmahaan is haysan
Ogoow isu hiillin waayay
Ogoow guul ma haybsadaane
Ku googooyay Gablada
Ku gooyoo gam uga sii

Hoobeey waxaa lagu hirtaa
Haybta aad tahaye
Hoobeey hummaagga iyo
Larkani way ku hodayaane
Ciiddiyo dhulkii hooyo
Waa la ma huraantiiye
Cindigiyo laabteenna
Waa inaan ku haynnaaye

Ogoow gacmahaan is haysan
Ogoow isu hiillin waayay
Ogoow guul ma haybsadaane

Ku googooyay Gablada
Ku gooyoo gam uga sii



Thursday, September 11, 2014

Waa Qaali Noloshuye (hees)

Gabadha:
Waa qaali malabkuye
Qiimaha la siistiyo
Inta xiiso loo qabo
Haddii aan qaraar jirin
Miyaad qiri lahaydeen
Waa qodob su'aaloo
Qof waliba sida tahay
Haw qaato leeyee
Qawadaa-yow
Marka qeyrkaa
Qoorta xiiraba
Adna qoyso..

Wiilka:
Waa qaali nabadduye
Nin qummaati ugu laday
Qushigii u meelmaray
Idinkuba qiyaasoo
Haddii aan qallooc jirin
Miyaad qiri lahaydeen?
Waa qodob su'aaloo
Qof waliba siday tahay
Haw qaato leeyee

Nin qab weyn iyo
Nimaanba u qabin
Is qaniinaye
Ha is qaddariyeen

Gabadha:
Waa qaali caashaqa
Qalbigaaga joogee
Qays lagu xusuustee
Indinkuba qiyaasoo
Haddaan qaar u go'ay jirin
Miyaad qiri lahaydeen
Waa qodob su'aaloo
Qof waliba siday tahay
Haw qaato leeyee

Kan qoslaayiyo
kan ku qoonsaday
Is qardoofee
Ha is qaateen leeyee

Wiilka:
Waa qaali noloshuye
Qalinkiyo tacliintuye
Ninka qoray juqraafiga
Idinkuba qiyaasoo
Haddaan qiil-yaruhu jirin
Miyaad qiri lahaydeen
Waa qodob su'aaloo
Qof waliba siday tahay
Haw qaato leeyee

Ninka quud jecel
Kaan u quurayn
Ha la qaybsado leeyee

Thursday, September 4, 2014

Miyaan Dibad Ka Hoydaa (hees)

Dad haddaad is qabataan 
Illeyn waad la dooddaa 
Dugaaggoo ku weerara 
Yur baa lagu dabbaalaa 
Duufaanka xoogga le 
Waa laga ducaystaa 
Shay kastoo nafta u daran 
Wax baa lagu la daalaa 
Belo waxa u digo kulul 
Damci-xume jacaylkaa 
Daandaansi badanaa 
Waa diradiraalee 
Ninkuu maalintaa dago 
Ama uu la helo dabar 
Ayaa diifta abadkii 
Dusha aad ka garataa 
Darane inuu helay 
Uu dakharro kaga tagay 


Anna doorkan waayuhu 
Daraygiisa may suray 
Midaan digigixoonayn 
Naftu may dulgaysaa  
Oo may isku duubtaa
Iyana maygu digataa 
Inaan doono mooyee 
Miyaan dibad ka hoydaa? 


Dab ku hura jalleecada 
Oo ka beerma daymada 
Dunqulaasho shayddaan 
Deddo iyo xanuun iyo 
Dabkay huriso barashadu 
Inuu cudur da' weyn yahay 
Ninkuu helo dawoobayn 
Wuxuu yahay daliilkii 
Intuu hore u dabar jaray; 
Duqii Qays ahaa kow 
Ku daroo Cilmina Labo 
Afartuu deldelay iyo 
Ma Ceeblaan dib loo arag 
dubkii Layla kala jaray 
Intuu daarta aakhiro 
Ku daboolay caashaqu 
Hodan haw danbaysee 
Ma cid bay ka dedan tahay 


Anna doorkan waayuhu 
Daraygiisa may Suray 
Midaan digigixoonayn 
Naftu may dulgeysaa 
Oo may isku duubtaa
Iyana maygu digataa 
Inaan doono mooyee 
Miyaan dibad ka hoydaa?