Tuesday, November 17, 2020

 


Tuesday, November 10, 2020

 




Minilikhii 1-aad (Qar.10-aad BC) baa loo tiriyaa inuu gundhig u ahaa boqortooyo jirtay 27 da'ood (jiil), waxaana ugu dambeeyay Boqor Xayle Salaasihii 1970-aadkii la afgambiyay. Hase yeeshee, waxaa boqortooyadii taxanaha ahayd ee burburtay taladii ka la wareegay Mingiste Xayle Maryam iyo Mallees Sinaw oo iyaguba ka soo jeeday is la isirkii boqorradii taxanaha ahaa. Isirku waa Xabashi ama Abasiiniya oo ah Amxaaro iyo Tigrey. Labadaan qolo iyagu ha is inqilaabaan ama ha is laayaane, waxay wada rumaysan yihii inay sida Yuhuudda yihiin Dad Iyaga Eebbe Doortay (شعب الله االمختار/God's Chosen People).

Maadaama la yiri Minilikhii-1aad waxaa dhalay Nebi Sulaymaan (CS), Diinta Masiixiguna markii hore ka soo faaftay Madashii Boqor Ezana, waxay labadaan qolo ee wada Xabashida u arkeen boqorradooda awliyo xagga Eebbe ka amran. Sidaas darteed, waxay daw isu siiyeen inay dadyowga aagagga ku nool xukumaan sidaas-na tahay rabitaanka Eebbe.

Waxay Xabashidu rumaysan tahay; in maadaama ay xag Eebbe ka idman yihiin ay xaq tahay inay dilaan qofkii ama qoladii ka hortimaadda. Waxay ka loo rumaysan yihiin inay jid u leeyihii qaadashada hantida ama xoolaha dadka aan iyaga ahayn.

Sidaas darteed, waxaa mar walba ka marnaa hababkoodii siyaasadeed, in qofka la mariyo garsoor loo siman yahay, waxayna dhaqan joogta ka dhigteen inaan lagu mashquulin caddaaladee dadka la laayo, waana kuwii waligood xasuuq daran ku hayay, dadyowgii nasiibka darnaa ee iyaga hoos joogay. 

Qawmiyadda Orommada oo ah tan ugu badan Itoobiya, waxay u yiqiinneen dad ka hooseeya duurjoogta, waana tii Minilikh IIaad mar yiri; 'ha dilina ugaarta, xitaa Orommada ha dilina.

Soomaalida oo waligeed ahayd awoodda iska-caabbinta u taagnayd, waxay mar oran jireen; waa xoolo-dhaqato jaahila oo dhulka ay sheegtaan Itoobiya leedahay, iyaguna daaqsi u yimid. Mar waxay oran jireen; "Soomaalidu waxay kamid yihiin dadyowga goonyaha Itoobiya dega" oo ay u la jeedeen; waa dad aan talada dalka wax ku lahayn, maadaama ay yihiin dad aagga daaqsi ku yimid.

 Markii Soomaaliya xornimada qaadanaysay, wuxuu Xayle Salaase u ololeeyay inaan Soomaaliya xornimo la siin ee ay hoos tagto boqortooyadiisa, markay xornimada Soomaaliya qaadatayna waa kii mar yiri; 'ka ma duwana calankoodu, kii Shiikh Jeylaani ee goobaha siyaarada la suri jiray.'   

Iyadoo waxyaalaha aan kor ku sheegnay ay yihiin sooyaallo dhab ah, ayaa kooxo Soomaali ah taageeraan isirkaas baas-abuurka. Dagaalka maanta socda oo sababtiisa asalka ah ay tahay; sidee Abiy Axmad oo ka soo jeeda Orommadii duurjoogta ka hoosaysay noogu talin karaa, bay kooxaha Soomaalida ee kor ku xusan, laxaw u hayaan Tigreegii bi'iyay ummaddooda. 

Qaar baa uu nacay Abiy Axmad afgaradka dhex maray isaga iyo M C Farmaajo. Waxay diiddan yihiin Farmaajo oo qolo ahaan u diiddan yihiin, waxayna ka doorbideen iskirkii waligiis Reer Kuush oo dhan gumaynaayay. 

Quluubtaas waa bugtaa, sidaas darteedna qof bukaan ah latacaalid mooyee, eedayn ma mudna.


Friday, November 6, 2020

 

Soomaali Ma Sidii Doqon Aan Danteed Garan Baa?


                                                             

Aabbaraha waxay ahayd horraantii 1988. Waxaa maalin kamida sannadkaas Dekedda Muqdishow ku soo xirtay markabkii M/V Puntlan-II oo ahaa haamo-qaad (container), nooca loo yaqaan 'Ro/Ro and Lo/Lo'; oo macnuhu yahay isagaa haamaha isa saara oo iska roga. Markabkaas oo casri ahaa waxaa lahaa Dawladdii Soomaaliyeed, waxaana maamuli jirtay Wakaaladdii Hawlaha Maraakiibta ee Soomaaliya oo anigu markaas aan ka ahaa Maareeyaha Waaxdii Farsamada, isla markaasna si gaara u qaabbilsanaa hawlgelintii Maraakiibtii Xammuulka Soomaaliyeed.

Markabkaas aan kor ku sheegay wuxuu maalintaas siday hub tiro badan oo loo waday EPLF-tii Erratariya iyo TPLF-tii Tigreega. Maalmo kadib M/V Puntland-II wuxuu ku xirtay Dekedda Ummu Durmaan, Suudaan. 

Hubkaas wuxuu kamid ahaa, taageeridii xoogganayd ee ay Dawladdii Soomaaliyeed la garab taagnayd xoogaggii la dagaallamaayay Taliskii Dergiga ee Abasiiniya, waxaana la oran karaa xorowgii Erratariya iyo hanashadii TPLF awooddii Itoobiya waxaa saldhig u ahaa taageeradii badnayd ee Soomaaliya. 

Haddaba, waa tii hore loo yiri; "abaal nin galaa waa la arkaa ee nin guda la ma arkee" TPLF waxay Soomaali abaal uga dhigtay inay dadweynaha Soomaaliyeed meel walba ku xasuuqdo. Waxay abaal uga dhigtay in dad nool-nool ay xabaal wadareed ku samayso. Waxay abaal uga dhigtay in taangiyadeedu hadba dhinac u xamaartaan Muqdishow oo ay meel walba waraan dadkii Soomaaliyeed, ilaa ay ku dhex damaashaadeen Madaxtooyadii Qaranka Soomaaliyeed. Waxay gaartay inay nagu salliddo hunufkii Gebre oo siduu doono ugu falaaday maammulladii dulleysnaa ee Soomaaliya.

Nabsigu waa ma-baaqdee, maanta waxay xabbaddu ku hooraysaa goonayaha Maqalle iyo Aqsum. Haddaba, waxaa Soomaali dhammaanteed la gudboon inay fursadda hor timid ka faa'iideysato oo ay ka qeyb gasho burburinta nacabkii sida ba'an u la dhaqmay Ummadda Soomaaliyeed. Waa in Xabbadda Soomaaliyeed ku dhex bifleysaa xarumaha Cadawga Tigreega. Waa abaalkoodee, waa in cudud iyo calafba la isugu geeyaa sidii hanaddadii Soomaaliyeed ee ay meel walba ku xasuuqeen loogu aari lahaa, is la markaasna awoodda Siyaasadeed ee Itoobiya, Soomaali door weyn ku yeelato oo ay noqoto 1-aad ama 2-aad.

Haddii Soomaali baylihiso fursaddaan dahabka, ha ogaato inaysan fursaddu soo noq-noqon, lagana yaabo in cadawgii Abasiiniya ee hoogga iyo ba'a baday soo rogaal celiyo. 

Ileen doqoni calaf ma leh, dulbaax maxaa
ka baylahay....
  Sayid Max'd