Friday, April 26, 2013

Dawlad Goboleedka Jubba Waa Dastuuri



Waayahaan waxaa oognaa xiisado ka dhashay maamul-u-samayntii Dawlad Goboleedka Jubba ee lagu tiraabay. Mar walba iyo meel walba aadanuhu waa ku kala tagsanaa curinta iyo maamintaba, waana abuurriin in ra’yiyo kala duwan la soo ban dhigo. Hase yeeshee, haddii ay dhacdo in qof ama koox soo ban dhigto dood waa in kuwaasi muujiyaan tixraacooda. Haddaan la helin tixraac, wixii la sheegaaba waa hadaltiro iyo hawraaro aan qabad lahayn.

Waxaan maalmahaan arkaynnay doodo iyo muranno kadhan ah yagleelka DGJ. Qaar waxay leeyihiin:
1-     Looma dhamma ee dad gooniyaa wata.
2-     Dad aan u dhalan baa gobollada laga hadlaayo arrimahooda hor boodaya.
3-     Dawladdaa iska leh qotominta maamulka Fedaraalka ah.

Haddaba, waxaan halkaan ku falanqeynaynnaa doodahaas, waana sidaan:

Q. 1aad: tan iyo waagii dadku halganka jiritaankiisa bilaabay, mar walba iyo meel walba oo bulsho joogto waxaa hal-abuurka iyo horseedka arrimaha maamulka, fikradaha iwm keeni jiray hal qof ama koox ee marna lama arag iyadoo dadkii oo dhan wada fakaray. Waxaase jiri jirtay walina jirta, kooxda horseedka ahi, inay arrimaha ummaddeeda u hadoodilaan hab-maamuleed loo wada aayo. Marka si kale loo yiraahdo; waxay inta badan, ka faa’iiddaa wax, in yari ku hawshootay.  Maamul ummadi leedahay waxaa looga gol leeyahay inuu waxtar ballaaran u yeesho bulshadaas. Maamulka hagaagsan ee sida qumman loo maareeyo, wuxuu waxtarkiisu saabtaa dhammaan xubnaha ama qoysaska bulshadaas. Marna maahan sida dad badani u qaatay oo ah; in madaxnimada maamulka loo tartamo si nacfigiisa loo kala badsado. Waxaa iyana gef weyn ah, in madaxnimada maamulka loo tiriyo qolo ama iyadu isa siiso, illeen madaxu wuxuu ka dhexeeyaa noolaha ku dhaqan aaggaas uu ka jiro maamulkuye. Waxaa foolxumo weyn ah; in la yiraahdo golaha shacabka intaas oo xubnood baa reer hebel ka helay ama la yiraahdo intaas oo wasiir baa tol hebel ka helay. Sidaas darteed, khalad maahan in kooxi curiso arrin wanaaggeedu saabanayo dadka oo dhan, xitaa haddii ay hal qolo ku abtirsadaan. Haddaba dadka leh fikradda Dhulka Jubba qolo gooniyaa wadata waa gabood falayaal gardarro badan.

Q.2aad: tan iyo waagii la yagleelay Dawlad Qarameedkii Soomaaliya, labo arrimood lama xasilin ama lama meelayn. Tan kowaad waa seerayaal la wada okobban yahay, tan labaadna waa qofka u dhashay Jamhuuriyadda Soomaaliya (Somali State Citizen). Waxay xukuumadihii Soomaalidu ula dhaqmeen qof kasta oo ku abtirsada qaranka (nation) Soomaaliyeed mid u dhashay JDS. Hadduu qofka Soomaaliga ahi ku dhashay gobollada Soomaalida ee Itoobiya, kuwa Kenya ama gobolladii JDS, maamulladii Soomaalidu isku mid bay u arkeen. In kastoo gumaystayaashii shan qeybood u kala qoqobeen ummadda Soomaaliyeed, haddana qalbiga Soomaaliyeed ma qaayibin kala-qoqobkaas. Sidaas darteed, meesha qofku ku dhashay muhim maaha ee waxaa muhim ah in qofku Soomaali dhab ah yahay. Waxaa Soomaali dhab ah qofkii ku abtirsada tol Soomaaliyeed oo la hubiyay. Sidaas darteed, dadka deggan gobollada Jubba iyagoon kala sooc lahayn waa u siman yihiin talada gobolladaas, qof inuu dool yahay loo arki karanaa ma jiro.
Dadka meel walba la taagan annagoo gobolladaas u dhalannay, waa lana muquuninayaa iwm waa gabood falayaal aysan ka dhaadhicin dhidibbada Qaranka S/liyeed ku taagan yahay, iyadoo koobanna waxay tahay oraahda ku habboon kuwaas; Soomaali dhul ma kala laha waase kala dagaanno duwan tahay, Soomaaliguna hadba meeshuu deggan yahay buu xuquuq buuxda ku leeyahay.

Q.3aad:  marka hore aan yare xusno qodobbo ka mid ah kuwa dastuurka DFS;
Qodobka 3aad ee dastuurka, qeybtiisa 1aad waxaa lagu sheegay: Dastuurka Soomaaliya oo ku salaysan mabaadi’da shareecada islaamka waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayay xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa siyaasadaha iyo qeybaha xukuumadda oo dhan. Qodobka 4aad ee isla dastuurka, qeybtiisa kowaad waxaa lagu sheegay: Soomaaliya waa jamhuuriyad fedaraala oo gob ah, kuna dhisan matilaad dadweyne loo dhan yahay oo dimuqraaddi ah. Qodobka 69aad qeybtiisa seddexaad; xudduudaha gobolladu waxay ku salaynaan doonaan xuduudihii gobollada ee jiray 1990kii ka hor dagaalkii ahliga ahaa. Qodobka 70aad, qeybta kowaad; labo gobol iyo ka badan oo isugu tagay si xor ah baa samaysan kara dawlad goboleed. Qeybta labaad; dawlad goboleed cusub waxaa samaysan kara dawlad goboleedyo horoo jiray haddii tiro macquul ah oo dhan hal iyo ka badan ay ka mid yihiin dawlad goboleedyadaas...

Marka, way caddahay in sharciga dalka ugu sarreeyaa uu okobban yahay yagleelidda Dawladda Goboleedka Jubba, dhinacayada bulaanka badan ee ka soo horjeedana arrintoodu waa: "Baroortu orgiga ka weyn". Malaha qofka aan fahamsanayn qablanka tirada badan ee diiddan DGJ biyodhaciisa, waa qof markii horaba damiin ahaa oo aan loogu dhibcin garashada.

Waxa dadweynaha DGJ deeqaa waa maamul ku dhaqma sharciga oo si weyn u difaaca sharcigaas, kadibna kobciya kaabayaasha nolosha oo markaas dadku si siman uga faa'iideysto. Ninka madaxa sare noqonaya iyo madaxda kalaba waxtarkooda waxaa sugaaya dadweynaha oo dhan. sidaas darteed, in madaxnimada la kala xigsado macne ma leh. dhaqanka jifaysiga madaxnimada waa inaan ka kornaa oo hilaadinna waxtarka ballaaran ee maamulka sinnaanta wax ku sooraa u yeelan karo dadkoo dhan. 

DGJ oo qotonsataa kuna dhaqanta sharciga waxay hal-tusaaleed u noqon doontaa qeybaha kale oo Soomaaliya, waxayna idin alle bili doontaa qaranka Soomaaliyeed dhammaanti.

Thursday, April 25, 2013

Gabdhuhu Waxay Ku Faanaan (hees)

Geedaha waxaa jira 
Gaxandhaale baasoo
Lugo kaa gulaaloo
Gacmo nabar u yeelee
Haddaad tahay mid gaariya
Ha igu dayn galgalashada

Goob taan fariistaba
Meel roob ku gayllamay
Ama aar gondaha dhigay
Ama goodir xarig galay
Geed waliba ahaadee

Gabdhuhu waxay ku faanaan
Guri iyo ninee
Waxa guurka ku diray
Garan maayo aniguye

Garta ruux yaqaannoo
Gardarrada ka jeceloo
Anigoo garawsho le
Waxaad tahay ka gudayee
Axdigaynnu gorfaynnay
Goor muu kula xumaaday?

Goob taan fariistaba
Meel geel ka dheelmaday
Ama goray ilmaha dhigay
Ama geesi ku cartamay
Geed waliba ahaadee

Gabdhuhu waxay ku faanaan 
Guri iyo ninee
Waxa guurka kugu diray
Garan maayo aniguye?

Haddii godob aan kaa galay
Inaad golaha aad keento
Guddi aan u saarnoo
Is galaasha weeyee
Guraabaaska hoosiyo
Iga daa gilgilashada

Gurxanka iga baxayaa
Wiyil garab ka jabaniyo
Golihii maroodiga
Shinbirkii guuguulaha
Geed waliba ahaadee

Gabdhuhu waxay ku faanaan
Guri iyo ninee
Waxa guurka kugu diray
Garan maayo aniguye?

Erayada:
1- Gaxandhaale: waa geed yar oo qodax ama cagaag leh.
2- Gulaal: asal ahaan doobbi la'aan ama aan codkar ahayn, halkaanse curyaamin baa loo jeedaa. 
3- Gayllamay: diriray; dagaallamay; halgamay.
4- Gondaha: jeenyaha; lugaha hore.
5- Cartamay: carooday; xanaaqay; dhirfay.
6- Is Galaasha: kala adkaata; kala raysa.
7- Guraabaas:Guryan; hadal aan nuxur lahayn oo la wado.

Saturday, April 20, 2013

Umalka Iga Daa (hees)

Ma og tahay in badan baan
Kaa aamusnaayoon
Afka kaala baqayee
Ma og tahay indhaha iyo
Uurkuba daraaddaa
Inay kuu ilmeeyaan
Kalgacayl la ooyaan
Ugub kula midaanee
Sidaan aabbahaa dilay
Oodda ha iga rogane
Umalka iga daa

Ajo kaama dhoobayn
Igar kaama gaagixin
Kaamana ag tagayee
Anigu adigaan ku jecelee
Kaalay araxda igu qaad

Ma og tahay ibtiladiyo 

Aramida jacaylkaba
Adigay igu beeroo
Ma og tahay asaaggiyo
Inaan aynigaagaba
Aawadaa u diidoon
Kaa eegto dunidaba
Sida geed adaahiya
Ama jeerka awdalan
Ha isku kay afuufine
Umalka iga daa

Ajo kaama dhoobayn
Igar kaama gaagixin
Kaamana ag tagayee
Anigu adigaan ku jecelee
Kaalay adhaxda igu qaad

Erayada:
1- Umal: caro, dhirif, dabciga kulul ee qofka xanaaqa ka muuqda.
2- Ajo: biyo fadhiya
3- Adaahi: geed sal weyn oo biyo ku jiraan oo caleemo yaryar leh.
4- Jeerka: labka naflayda jeerta la yiraahdo.
5- Awdalan: aawdan, meel walba ka xiran.

Thursday, April 18, 2013

Noloshii La Dhaqan Rogay (maqaal)



NOLOSHII LA DHAQAN ROGAY OO AAN LA DHEELLITIRIN

Bulshada S/liyeed badideed waxaa dhaqan-nololeedkeeda lagu tiriyaa mid reer guuraa ah. Nolosha bulshadaas waxay muddo dheer ku tiirsanayd meesiyada la dhaqdo oo ah; ari, geel, lo’ iyo gamaan.

Markay tahay xilli-roobaad waa marka guuyadu ugu nacfi roon tahaye, wuxuu qoyska reer guuraaga ahi ka dhitayn jiray xoolihiisa waxtarkii uu uga bixi lahaa xilliga kulul ee jiilaalka ah .  Neefaf ahmi ah sida orgi, wanan, awr koromo ah iyo dibiduba waxay ahaayeen kuwa la dhawro oo cadkooda ama beddelkooda la nacfisido xilliga kulul  oo biyo iyo baadba qoysku aad ugu baahan yahay. Waxaa kale oo xilliga san  la dhitayn jiray qumbayaal subag ah iyo tebbedo oodkaca (muqmad) oo iyagana uu qoysku nacfisado xilliga duunyadu caano yarayso. Kolay ku tahay Maqaarkii neef dhintay ama la qashayna wuxuu ahaa mid  la kaydsho oo lagu tashado. Intaan hab-nololeedka magaalo aad ugu fidin bulshada S/liyeed dhexdeeda waxay nolosha reerka guuraa ahayd mid dheellitiran oo baahidiisu ku miisaaman tahay wax-soo-saarkiisa. Reerka duunyo dhaqda waxaa dhuuni maalmeed u ahaa cad iyo caano oo uu goor walba si xallad leh ugu noolaa.

Intii nus qarni ah baa waxaa ku dhacay hab-nololeedkii daaqsatadii S/liyeed dhaqanrog baaxad leh. Iyadoo wali ay u tahay noloshu xoolo la soofsho iyo xero loo dhigo, iyadoo wali ay u tahay sahan la diro iyo cosob la goobo, iyadoo wali ay u tahay habeyn-guul iyo ceel lagu aroorsho….ayaa reerkii guuri jiray qaayibay canjeelo ama laxoox lagu quraacdo, bariis ama baasto lagu qadeeyo iyo cashada oo hadba cayn laga dhigo, kirliga shaahuna wuxuu ahaaday midaan dabkaba laga qaadin.

Barbaarkii beri inta hal soo xigta, golaha geelooda jilba geel jirayn jiray oo ka geeraari jiray, wuxuu maanta u baahday baakad sigaara, booc tubaaka iyo mijin qaada. Gabadhii beri inta arigooda soo mayracda, habeynkiina ku soo jeedi jirtay sooha geeddiga iyo marriinka raarka, aroortiina ku dhaashan jirtay labeenta caanahii ay xalay listay, waxay u baahatay diricii ugu dambeeyay, cadar iyo uunsi. Qumbayaashii ginginnaan jiray la illow oo koombadii subagaba waxaa loola cararaa tuulada si aan reerka sonkortu uga go’in…..sangihii beri loo tammadin jiray xilliga daran looma sugee horaa laga faasaxaa si aan reerka calashigu uga go’in. jiilaal soo barraahsadayna tabar looma hayee qaylo dhaan baa loo diraa dhan walbaba. 

Reerkii soofsan jiray isagoo xeryihiisu buuxaan buu noqday midaan isku fillayn. Cilladduna mid kale maahee magaaladii la bartay baa la eeday. Garaad wax lagu la soo baxo laga ma barane, waxaa laga kororsaday baahida nafta iyo balwaddeeda oo batay. Haddii noloshii reerka guura oo ahaa unugga bulshada S/liyeed labantayna waxaa labmay guud ahaan noloshii mujtamaca S/liyeed, waana sababta asaasiga u ah baan qabaa, in badan oo ka mid ah qas-nololeedka maanta ka jira S/liya. Waxaan qabaa horumarinta dalka iyo kobcinta dhaqaalihiisa, inay tahay in laga bilaabo unugga bulshada waa qoyska guuree, waana in la gaarsiiyo ama la tuso iskufillaan dhammaystiran. Taas waxay ku imaan kartaa:

- In la helo biyo jaban oo aysan xooluhu u qadin. Haddii laga dhawro meelaha godan oo biyuhu ku aruuraan in dhulku liqo ama la joojiyo biyaha ku qulqula togagga oo la sameeyo biyo-xireenno ama harooyin, waxaa loo heli karaa xoolahaa biyo jaban.

- In loo abuuro xoolaha calaf sida; cawska naaxinta iyo kan caanaha kordhiya, xooluhuna ka koraana isku halleyntan tigaadda dhibicda roobka oo marar badan la waayi karo.

- In qoyska raacatada ahi ku miisaamo tirada iyo tayada xoolaha uu dhaqdo awooddiisa dhaqasho, iskuna jaangooyo dakhliga duunyadiisa iyo kharashka ku baxa. Waxaa ka faa’iido roon xoolo badan oo kharash badan, kuwa kooban oo dakhli fiican leh.

- Dugsiyada dalka waa in aan ku jihaynnaa waxbarashada daaweynta iyo tayo kordhinta xoolaha. Waa inaan yaraynno waxbarashada bay’addeenna aan wax ka soo saarayn ama hormarinnayn, sida barashada afafka qalaad.

- Digada xoolaheenna waa in aan u rogno tamarta aan wax ku karsanno. Waxaa maanta hawlgala, ka-soo-saarka digada, neefta la shito ama wax lagu karsho. Waxaa kale oo dhabawday in isla digada laga nuugi karo shidaalka gaadiidka oo haddeerba meelo dunida ka mida laga taagay warshado hawshaas fuliya.
Neef-ka-nuugidda digada oo ah mid  sahlan waa yool si dhoqso ah loo gaari karo, waana hawl ku toolmoon ganacasatada S/liyeed ee bagaashka iyo bambiirada dalka soo dhoobta. 
Hadday digada xoolaheennu noqoto tamarta aan shiddanno sow dhirteennu ka badbaadi mayso goynta xaalufisay geyigeenna oo sow duunyada aan dhaqanno noqon mayso mid waxtar sare leh oo sow raacatadu gaari mayso iskufillaan, illeyn xoolahoodaa door dhalaya waa noolba e……

Marka la hanto qodobbada aan soo marnay, waxaa sahlanaan doonta nagaynta reerkii geeddiga joogtada ah u yeelnaa. Markaas waxaa suurtoobi karta in dadku wax barto, kor-u-qaadista hab-nololeedkana loo ambaqaado. Waxaa kaloo dhici doonta (idin eebbe) in beelaha S/liyeed oo nagaaday ka koraan colaadaha iyo dhiillooyinka hari waayay.

Aqoonyahanka S/liyeed ee goor walba ku hawlan hammiga madaxnimo iyo laactanka siyaasadda sow kuma habboona inuu shahaadoonyinkiisa tuujiyo oo bulshadiisa uga miiro waxtar nolosheeda kor u qaadi kara?

Daab gudimmo weli sooma jarin, wiilashaan diray e
Halka dunida lagu geeddi yahay, dayiba maysaane
Ummaddii daryeel weli ma helin, daacadda ahayd e

Sidii bay u dooyaysan tahay, damashii weynayde
Sidii bay duleeddada dhar la’i, ugu dab jeexaane
Sidii baa dugaag uga gurtaa, daaqa xoolaha e

Sidii baa duddada aar dhiciyo, dacaw u joogaane
Sidii baa dagaalow biyaha, loo dawariyaaye
Sidii bay degmadu ceelashii, ugu dar leeftaaye
Sidii bay u dabagoosi tahay, haradii Doolloode
Oo waliba dibindaabyo iyo, diriri joogtaaye
     Axmad Ismaaciil Diiriye (Qaasin)

Friday, April 12, 2013

Waxay Soomaalidu Rumaysnayd Diinta Islaamka Kahor


Waxay Soomaalidu Rumaysnayd Diinta Islaamka Kahor

Dadka rumaysan, in Soomaalidii ka horreysay xilliyadii diimihii ku aroorey Nebi Ibraahim (Tawreed, Injiil iyo Islaam) ay ahayd mid diinlaawe ah way malo habaabeen. Soomaalidii ka horreysay diimahaas waxay si weyn u rumaysnayd Weynihii uunkoo dhan abuuray. Waxay rumaysnaayeen Eebbe qura oo uusan wehelin mid kale, kaas oo ku sugan cirarka sare. Soomaalidii hore iyo xigtadoodii ku abtirsan jirtay odeygii weynaa ee Kuush, waxay u yaqaanneen Weynaha magacyo abbaaraha kor u dhaafay 100 magac, waxaana ka mid ahaa: Bare, Barbaariye, Shar-ma-arke, Guulle, Ma-dhinte, Samadoone, Hoobal, Hooyal, Baal, Nidar, Weyne, Eebbe, Waaq iyo kuwo kale.  Waxaa si weyn loo adeegsaday magaca Baal, kaasoo si weyn wali ugu dheehan afka Soomaaliga sida: “uur-ku-Baal-le” iyo magacyada ku xusan shaxda hoose.  Magaca Eebbe ee sida weyn loo adeegsaday, Qur’aankana lagu xusay, walina laga rumaysan yahay qeybo ka mid ah Bahweynta Kuush waa Waaq. Waaq waa ahaadaha sarreeya oo uumay noole iyo manooloo dhan, wax walbana isagay u iishaan. Waa kan laga baryo roob-di’itaan kadibna inta yeela baryootanka barwaaqeeya nolosha. Dhaqankii roob-doonta ee xagga Waaq laga tuugaayay wali wuxuu ka dhex jiraa daaqsatada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa wali nool u-mahad-celintii Waaq kadib markuu keenay roobkii laga tuugay. Waxaa loo asteeyay meelo lagu caabudo weynaha Waaq, waxaana loo yaqaannay taallo. Taallada waxaa laga dhigay goob ka sarreysa agaggaarkeeda, waana dhaqan waayo badan soo jiray oo meelo badan oo dunida ah laga yiqiin. 

Diintii Waaq waxaa loogu yeeri jiray Ged, sharciyada diintaasina waa xeerar ama Seerayaashii Waaq. Maahmaahda Soomaalidu waxaa la og yahay inay tahay dhab-ka-hadal aad u xooggan waana tii mid ka mid ahi ahayd; "Soomaalidu been waa sheegtaa, beense ma maahdo". Haddaba maadaama aadane iyo beeni isku lifaaqnaayeen, waxaa aad u suurtogal ah badi maahmaaha Soomaalidu inay ka mid yihiin haraadigii Xeerarkii Waaq. Waxaa kaloo wali si weyn u muuqda magacyadii kaloo Waaq, sida,  Hooyal kaas oo bilawga gabayga (maansada ugu sarreysa) lagu bilaabo: Hooyaalayeey, Hooyaalayeey, Hooyee oo u dhigmi karta; Ilaahayow, Ilaahayow, Ilaah ama Eebbahayow, Eebbahayow Eebbe ama Allahayow, Allahayow, Alle..... 

Waxaa kaloo la rumaysnaa kuwaan:
Duulal (spirits):  duulashu waa labo jaad, mid dhib wadda iyo mid samo wadda; tan hore waxaa ka mid ah mingiska iyo duulasha aalaa laga cuudiyo dumarka oo wali ku sii dhex nool bulshada Soomaalida. Tan dambe waa tan sidda dhambaalladii Gedo Waaq, waayahaan dambana isla magacaas waxaa loogu yeeraa culimada ku talax tagtay aqoonta diinta.
- Ayaan: waa duulka samaha ka soo walwaala xagga Waaq kadibna soo gaarsiiya dadka. Ilaa maantadaaan la joogo waxaa Soomaalidu ula baxdaa Ayaan ama Ayaanle gabdha iyo wiilkaba, macnuhuna waa gabadhii ama wiilkii uu weheliyay duulka wanaagsan. Ayaanlayaashii waayihii hore waxaan hadda u naqaan malaa'ig.
- Gurrac, Sharwade, Shaanbiye, Shuqube: waa duul ku hawllan oo aan marna ka daalin ka-jeedinta dadka dawyadii suubbanaa ee weynaha Waaq faray isla dadkaas. Midkaan dambe waxaan hadda u naqaan Shayddaan

Waxaa kaloo jirtay sheeko diimeed (mythelogy) Reer Kuush rumaysnaayeen oo ay qabeen in dhulku ku qotomo; Gacalo iyo Gacaliye , inta labadaasi jiraanna ay dunidu dheelli tiran tahay ama xasillooni jirto. Waxaa lagu maseeyay arrinkaas dhulkoo kor saaran geesaha dibi ku dhaygagsan sac ku xiran geed hortiisa oo haddii indhaha gacaltooyo ee sacu ka jeestaan dibiga, dunidu qas iyo jaahwareer galayso.

Sidaas darteed, mar haddii dadkii ku noola geyiga Soomaaliyeed muddo dheer rumaysnaa Eebbe qura iyo xeerar qumman, markii islaamku soo cago dhigtay dhulalka Soomaaliyeed dadkii kuma qaloon, balse waxay u arkeen dhambaallo ka soo fulay isla weynihii ay waligood rumaysnaayeen. 

Shaxda Magacyadii Uu Ku Lammanaa Weyne Waaq Ama Baal   


Magaca Qofka ee Eebbuhu Ku Lammaan Yahay

Wuxuu Af-S/liga Ku Yahay

Abtirsiinyaha Qolada S/liyeed ee Magacu Ku Jiro

Baal-le/leh

Kii Weynaha Baal la jiray

Ciise Muuse Habar Awal (Isaaq)


Reer Axmed Xuseen (Mareexaan, Daarood)

Baal-yeeri

Kii Weyne Baal uu faray ama amray

Awesame (Mareexaan, Daarood)

Ya-Baal

Kii Weyne Baal sharfay



Reer Maxamed (Ogaadeen, Daarood)


Baahale (Ogaadeen,, Daarood)

Reer Siyaad Xuseen (Mareexaan, Daarood)

Ciise Muuse, Habar Awal (Isaaq)

Agoon-dige, Xawaadle (Hawiye)

Xasanley Mucle (Habargidir, Hawiye)

Hoos-Baal-le

Kii uu weheliyay hooskii Weyne Baal

  Maqdaan Tanade (Daarood)

Aar-Waaq

Libaaxii labka ahaa ee Waaq

                     Abgaal, Hawiye

Amarti-Waaq

Amarkii ama fartiintii Weyne Waaq

                     Majeerteen (Daarood)

Aad-Waaq

Kii u iishay xagga Weyne Waaq

                      Abgaal (Hawiye)

Bar-Waaq

Astaantii Weyne Waaq

 Abgaal (Hawiye) iyo Absame (Daarood) 

Bidde-Waaq

Addoonkii Waaq

                     Jidle (Hawiye)

Caabud-Waaq

Caabudkii Waaq

                     Ogaadeen (Daarood)

Ci'-Waaq

Dhawaaqii Weyne Waaq

                      Abgaal (Hawiye)

Dal-Waaq

Dhulkii Weyne Waaq

                     Geledi (Digil)

Diin-Waaq

Rumeyntii Weyne Waaq

                     Xawaadle (Hawiye)

Guddoon-Waaq

Xukunkii Weyne Waaq

                      Majeerteen (Daarood)

Gumar-Waaq

Geedkki Weyne Waaq

                      Mareexaan (Daarood)

Guud-Waaq

Dushii ama madaxii Weyne Waaq

Ogaadeen (Daarood) iyo Xawaadle (Hawiye)

Waaq-Maashe

Kiii uu Saameeyay Weyne Waaq

             Reer Xasan (Mareexaan, Daarood)

Jid-Waaq

Dawgii Weyne Waaq

                    Absame (Daarood)

Lixda-Waaqle

Lixda Waaq u iilata

                   Hadamo (Raxanweyn)

Magan-Waaq

Kii gabbaadsaday Weynaha Waaq

                  Jid-Waaq (Daarood)

Miyir-Waaq

Xiskii Weyne Waaq

                                 Mudulood (Hawiye)

Naxariis-Waaq

Naxariistii Weynaha Waaq

                                 Murusade (Hawiye)

Siin-Waaq

Siintii xagga Waaq ka timid

                                Ogaadeen (Daarood)

Si-Waaq-Roon (Siin-Waaq-Roon)

Siintii wanaagsanayd ee xagga Waaq ka timid

                                Majeerteen, Daarood

Tagaal-Waaq

Buruudkii, ayaankii Waaq

                              Ogaadeen, Daarood

Tala-Waaq

Soojeedintii Waaq

                             Mudulood (Hawiye)

Waaq-bari

Baryadii Weyne Waaq

                            Dabarre (Raxanweyn)

Waaq-Biyo

Biyihii Weyne Waaq

               Garwaale (Raxanweyn) iyo Shiidle

Waaq-Dhaacin

Wax-u-gawracii Weyne Waaq dartiis

               Abgaal iyo Murusade (Hawiye)

Waaq-Dhoow

Tuugmadii Weyne Waaq

                             Dabarre (Digil iyo Mirifle)

Waaq-Doore

Khiyaarkii ama dooristii Weyne Waaq

  Hadama, Eelaay iyo Geledi (Digil iyo Mirifle)

Waaq-Jire

Kan Waaq dhawro

                       Sacad Habar-Gidir (Hawiye)

Waaq-Le

Kii Waaq lahaa

                         Ajuuraan iyo Shiidle

Waaq-Maade

Kan Waaq badbaadiyo

                         Dabarre (Digil iyo Mirifle)

Waaq-Mahad-le

Kan u mahad celiya Waaq

                        Jidle (Hawiye)

Waaq-Mahadshe

Kan Waaq mahadiya

                        Mareexaan (Daarood)

Waaq-Nuur-Qabe

Kan uu weheliyo nuurkii Waaq

                        Majeerteen (Daarood)

Waaq-Roone

Kii Waaq la jiray ama u roonaa

                         Tanade (Daarood)

Waaq-Sheen

Kii Waaq wax siiyay

                        Tunni (Digil iyo Mirifle)

War-Waaq

Warkii Weynaha Waaq

                         Habar-Gidir, Hawiye

War-Waaq-Jecle

Kii ka heli jiray warka Weyne Waaq

                         Mareexaan, Daarood

War-Waaq-Same

Warkii wanaagsanaa ee Weyne Waaq

                              Majeerteen (Daarood)