Thursday, March 15, 2012

AADISTII DHULKII EEBBE

                                         AADISTII DHULKII EEBBE

 Markii la tixraaco dadkii reer Kemet (Masartii Hore), dabaqaddii labaad ee Kemet xukuntay waxay dhulkoodii hooyo ku sheegeen Buuntu (Soomaaliya). Waxay dhulkaan ku sheegeen "Ta Nteru" (Dhulkii Ilaahyada). Si ay u adkeeyaan isirkooda waxay kala mid dhigeen muuqaalladooda kuwii reer Buuntu. Dabaqaddii reer Buuntu ee xukunka qabsatay waxaa loogu yeeri jiray "Mesnitu" (tumaallo). Waxaa kaloo loogu yeeri jiray "Shemsu Hor" (Rumaysnayaashii Xuur...waa shinbirka xuurka). Tumaalladu waxay taladii ka afgambiyeen dabaqaddii hore ee xukunka ee la oran jiray Anu (oo ka soo jeeda kooxihii rumaysnaa Wasiir...waa magac weyne). Kooxahaan weynaha Wasiir rumaysnaa waxay hore ugu fidiyeen taladooda dhulalkii Kemet oo idil iyagoo xoog ku qabsaday kuna mideeyay dalka. Waxay isir ahaan ka soo jeedeen dhulkii "Ta-Seti" (Dhulkii Qaansada) oo hadda Suudaan ah. Haddaba jawaabaha su'aalaha "Xaggii dadkii Masartii Hore ka yimaadeen waxaa bixiyay qarniyaal badan kahor dhaladkii Kemet/Masartii Hore. Waxaase yaab leh aalaa laguma xuso jawaabahaas buugta ku saabsan Masartii Hore. Waxay fircoonaddii Xadshibsuud oo talada haysay 1503 ilaa 1480 CKH dhiirragelisay meelmarisayna ganacsiga. Waxay sannadkii 1493 CKH u dirtay raxan maraakiiba oo shan ka kooban Dhulkii Buuntu ama Dhulkii Eebbaha, safarkaas oo ka anbabaxay Kosseir oo ku tiil Badda Cas waxaa looga dan lahaa goobitaanka malmalka, maydiga iyo carafta oo Dhulkii Kemet laga weynayn jiray. Sida ka muuqaata siyaalaha la xardhay ee socdaalkaas, waxay socotadii ku talagashay isdifaac, hase yeeshee Boqorkii Buuntu iyo afadiisii waxay soo dhaweeyeen socotadii ka timid Kemet (Masartii Hore) iyagoo ku leh... "Sidee ku timaaddeen dhulkaan uusan aqoon dadka Kemet? Ma waxaad soo qaaddeen dawyada cirarka? Mise waxaad ku soo gooshteen badda Ta-nutre? Waxaa dhab ah inaad soo raacdeen dhabbihii qorraxda. Illeyn ma jirto waddo boqorka Kemet ka xirane; waxaan ku nool nahay neecawda uu Sarreeyuhu na siiyay." Duqii Sare ee Buuntu (Baraxow) iyo afadiisi (Caddey, oo hummaaggeeda la xardhay ay ka muuqato buurnaan tahan dhaaf ah) waxay la kulmeen hoggaamiyihii socotadii Kemet waxayna wada booqdeen magaaladii reer Buuntu waxayna muuqallada guryahu u eg yihiin kuwo laga duldhisay meelo korreeya oo kakan. Ergadii Kemet waxay reer Buuntu u sameeyeen balashi (sooryayn weyn), kadibna reer Buuntu waxay ku abaalmariyeen socotadii foox, dahab iyo dhagxaanta qaaliga ah. Markaas kadib waxay socotadii Kemet ku noqdeen doonyahoodii iyagoo xanbaarsan dhammaan waxyaalaha qaaliga oo la jecel yahay kuwaas oo qoraalladii xogwarranka lagu tilmaamay sida; "dhammaan qoryaha carafta wanaagsan leh, hilal xabagta-malmalka ah, oo ay weheliyaan geedo qoyan oo malmal ah, qoryaha geedaha dhuux-madowga ah, fool-maroodi asli ah, dahabka cagaaran ee Amu, qorfe, qoryaha geedka khiisti, maydiga jaadadkiisa, indhokuul, daanyeerro, dameerro, eey, hargaha haramcadka koonfureed, dad reer gurigii Buuntu ka socda iyo carruurtoodii.