Thursday, August 27, 2015

Samir Aan Lahaanno (hees)

Wiilka:
Sidaad tahay cadceed subax
Waad suurad wacan tee
Maan arag Suleekhee
Sheekadu say tahay
Qurux kaa ma sidatee
Sabannadaan may dhalan
Inan kaa sarraysee
Saynabeey waxaad tahay
Salaaddii iyo faralkii
Midaan uga sahwiyayee

Salaan nabadgelyo loo
Sacabbada ku wado
Yaan kuu sidaaye
Ama sayri khadarkaa
Ama sidaa ku qaado

Gabadha:
Dantu seeto weeyoo
Ninna ka ma siqayoo
Sababtaa ma dhaaftide
Waan ku soo salaamiyo
Sidee tahayda guudnimo
Cudur kaa ma saartee
Silic lagu ma waaroo
Saqayada habeynkii
Lagu siin ma weydide
Waa saadambiyo shalay
Sareedada adduunyadu
Saacad ka la wareegtee

Saaddiyo ishaartii
Lay siiyay xalay baan
Kuu saafin waliye
Siday noqon Allaa oge
Samir aan lahaanno

Wiilka:
Waad i sahayatoo
Kaa seexan waayoo
Dhawr sano iyo googo'e
Cirka sare u dhawroo
Soojeed ku waaroo
Ku safaaday noloshee
Ila lagu su'aaloon 
Kugu seego aakhiro
Waan ku la socdaaye
Ku ma saamaxayoo
Jeeruu suur dhawaaqoo
Natiijada aan saarnee

Salaan nabadgelyo loo
Sacabbada ku wado 
Yaan kuu sidaaye
Ama sayri khadarkaa
Ama sidaa ku qaado

Gabadha:
Sacna weysha uu dhalay
Sanka ka la ma rooroo
Sidig ka ma jeclaadee
Sidaasaan ka dhigannoo
Isa-suran waxaan nahay
Sokeeyoo walaalee
Sannadkaan joognaa
Siddeed-guuro weeyaan
Soddon tahay bishiisuye
Seddex weeye ururtii
Iyo tiro sagaaloo
Sambabada fariistee

Saaddiyo ishaartii
Lay siiyay xalay baan
Kuu saafin waliye
Siday noqon Allaa oge
Samir aan lahaanno

Wiilka:
Inaan kuu silloo nahay
Sirtaydii ogaatoo
Laydhaa i sidatee
Sahal hayga moodine
Qalbigaad dhex-surantoo
Wadnahaa i saranoo
Dhiigga sayrinaayee

Salaan nabadgelyo loo
Sacabbada ku wado
Yaan kuu sidaaye
Ama sayri khadarkaa
Ama sidaa ku qaado

Gabadha:
Sinjigeeda-diid iyo 
Hayga dhigin sagsaag iyo
Soomaalida-ka-roortee
Arrin iga sirgaxantaan
U sahamiyayoo
Wali ka ma salgaarine
Inaan saafi kuu ahay
Aanan sidan xeel badan
Rabbi naga sarreeyee
.....
.....
...........

Saaddiyo ishaartii
Lay siiyay xalay baan
Kuu saafin waliye
Siday noqon Allaa oge
Samir aan lahaanno




Monday, August 17, 2015

Innaga Goor Iyo Ayaan (hees)

Wiilka:
Wallee gabdho aan arkiyo
Geyaankoodaan heshiin
Mid baan iri; gacalisooy
Aqalka gogoshiisiyo
Gasiin ma karin taqaan
Gurbood ma korin kartaa?
Waxay tiri; waad gaftee
Galaaskaa lay ma dhigin
Aqal-gogol lay ma barin
Gasiin ma karinayoo
Dheriga waan ku gubanayaa
Gurboodkana laga ilbaxyoo
Godolka naaso hooyoo la jaqo
Haweenkay gaboojisaa
Carruurtana waw gurriin
Ged kalaa loo korinayaa
Ma taasaa gaariyoo
Gargaarkii hooyo noqon?

Innaga goor iyo ayaan
Labaan hawshooda gabin
Labaan hiddihii geddiyin
Labaan dhaqankooda gadin
Labaan caadadooda goyn
Labaan garab marin sharciga
Jacayl godladoo aan gurin
Gu' iyo jiilaalba maaloo
Is garabsada aan ahaanno

Gabadha:
Wallee gooshkaan wiilal kacay
Garqabad reer ma hantiyaan
Mid baan iri; gacaliyow
Maxaad guur ka damacsan tahay
Sidee xil u gudan kartaa
Gankaa ma iska celin kartaa
Wuxuu yiri; guur dhibki
Sidii gorgorkii noqo
Gabowgaa iga la wacan
Haddii aanan xil gudan
Maxaa aniga gabiibtaa i dhigay
Gankayga maxaa dagaal
Aniga goroddayda suray
Ninkii gardarro u socdee
Gujo iyo feer i la dhacayow
Boliiskaan dacwada u geyn
Ma kaasaa geesiyoo
Gayi iyo qoys toona dhiqi?

Innaga goor iyo ayaan
Labaan caashaqa gorgorin
Labaan gef dhexdooda imaan
Labaan gaajiyo dhib arag
Labada gallad iyo wanaag
Labada gooro roon hela
Labada kalgacaylku waa gobe
Gartee isu garaaba 
Jacaylku waa gobe


Monday, August 10, 2015

Waan Kuu Warramayaa (hees)

Waan kuu warramayaa 
Kaa waaban maayee naftaydaay
Ma og tahay wixii tagay 
Iyo ruux wadkii dilay 
Waheey soo ma celisee

Wakiyoo tallaabada 
Waa anigaan wahsanayee
Waqalkiyo daruurahaa 
Layga wacay dushoodee
Ina weer cad lay xiray
Warma lay la dhacayaa

Waligii nin liitiyo 
Jacaylkoo wadeeca
Taladiisa waydda
Waxyeellaa ku gaadhee
Adoo igu werwerayaan
Arrintii wareejee
Haddii weer cad lay xiray
Waa nin iyo waagii
Talow yaa waxgaradoo
Ayaa jooga waayeel

Jacayl wali ma leeyahay
Waanada ma qaataa
Ma wanaajiyaa ruux
Waxaan ahay wadeecoo
Waxyeellaa i gaadhee

Waan kuu warramayaa
Kaa waaban maayee naftaydaay
Ma og tahay wixii dhacay 
Iyo weerarkii xalay 
Wigladiyo ciyaartii

Waaxdaydii midig baa
Nala ka la walwaaloo
Waadiyo dhul doogliyo
Wabi bay ku nooshee
Anoo waayo arag baa
Dhulku i la wareegaa
Miyaan soo walhanayayoo 
Oo laygu wiirsaday

Maxaa kugu wacan sidan
Intaad nacas i leedahay
Warma caashaq leeyahay 
Iyo waxaan laguu warin
Walaac igu ma fiicnee
Mar haddaan wareersady
Wadda aan u leexdiyo
Ayna jirin wadiiqaba
Tolow yaan waraystaa 
Oo wehel iraahdaa 

Jacayl wali ma leeyahay
Waanada ma qaataa
Ma wanaajiyaa ruux
Waxaan ahay wadeecoo
Waxyeellaa i gaadhee

Erayada:
1- Waheey: waa eray loo adeegsado gocoshada ama calaacalka.
2- Wakiyoo: wakin waa socod iin leh ama dhutin yar.
3- Wahsanayee: ka caajisay hawshaydii daal iwm awgood.
4- Waqal: daruurta culus ama roobkaba.
5- Weer: waa cad maro ah oo caddaana oo madaxa lagu xirto si murugo weyn loo muujiyo.
6- Wadeeco: halkaan dayacan, baylaha ama aan daryeel haysan.
7-  Werwer: walwal/welwel ama walbahaar.
8- Waayeel: qof taliye ah, fil weyn, ama madaxa.
9- Wiglo: nooc ciyaar-dhaqameedka kamida; Wilgo.
10- Walwaal: wax culus-sidis, dandaamin.
11- Walhanayayoo: gebidhaclayn, duulduul.
12- Wiirsaday: lagu farxay dhibkaygii; digtay.