Wednesday, October 31, 2012

Yaa Kismaayo Leh?


Yaa Kismaayo Leh?

Tan iyo waagii la uumay aadanaha, waxaa jiray xeerar dhaqameed iyo xeerar dhigaaleed. Kan hore waa xeerar aan qornayn, laakiinse la qaayibay oo bulshooyinku ku dhaqmaan. Kan dambe, waa xeerar qodobaysan oo la diiwaan geliyay. Xeerar dhaqameedka waxaa ka mid ah Xeerka Xoogga oo la oran karo waa kii ugu horreeyay ee aadanahu ku dhaqmo. Waxaa tusaale muuqda u ah; qabsashadii kooxihii ka soo hayaamay Yurub qarnigii 15aad iyo waayihii ka dambeeyay oo ku hubsaday Qaaradaha Ameerika. Kooxahaasi waxay muquuniyeen ilaa 500 oo qaran ama qowmiyadood oo loogu wada yeero Hindida Cas. Waxaa kaloo tusaale wacan u ah, sidaan ku soo xusnay maqaalkii kan ka horreeyay, qabshadii qarnigii 17aad ee Ajigu ku qabsaday gobollada waayahaan Jubba loogu yeero, kuwaas oo ujeeddada maqaalkiini daaran tahay.

Marka la cuskanaayo xeerarka dhigaalka ama sharciga, waxay dunidoo dhan ka soo xigatay sharciga lahaanshaha dhulka kan islaamiga ah. Islaamku wuxuu qabaa, in marka hore dhulku yahay hanti Eebbe, dadkana loo asteeyay inuu ku dhaqmo kaliya, markaas qofku sidiisaba wuxuu dhulka ku leeyahay inta uu intifaacsado oo qura. Waxaan arrinkaan dambe tusaale uga dhigi karnaa; qof baa dhismo ku leh jid ka mid ah magaalo weyn oo dal leeyahay. Haddii dhawr sano gudahood qofkaasi u rogi waayo meel lagu nool yahay ama manaafacaad kale u leh naftiisa iyo tan bulshada uu la nool yahay, waxaa kala wareegaya maamulka magaaladaas waana la muraaddaynayaa. Sidaas darteed, qofku inta meel calaamadsado ama waabto iskama yeelan karo meeshaas waligiis, hadduusan waxtar u yeelin.

Haddii aan milicsanno xeer dhaqameedka bulshoweynta Soomaaliyeed, waxaan arkaynnaa in degaannadu u badan yihiin dhul-daaqsimeed. Waxaa dhulalka raacatadu daaqsato, aag walba sheegata qolo tolalka ka mid ah. Ogaalkay dawladihii dalku soo maray ma maarayn arrinkaas oo sharciyo kala haga dadweynaha daaqsada uma samayn. Sidaas darteed, ilaa waqtigaan la joogo dhiig badan baa u daata arrinkaan dambe. Reerka guuraa oo mar walba geeddiga u yeellan, wuxuu dhulkii aabbihiis ama awoogii daaqsan jiray u yahay inuu isagu leeyahay xitaa hadduusan waligiis dagaamaysan. Waayihii xasiloonidu ka jirtay dalka, magaalooyinka laguma sheegi jirin magaalo reer hebel leeyahay ee waxaa lagu dhex ariki jiray qolooyin isku dhafan oo qaarkood tolkoodu uusan dagaamaysan dhulalka miyiga ah ee magaaladaas ku xeeran. Markiise burburkii weynaa dhacay ayaa magaalooyinkiina loo rogay meelo qolooyin leeyihiin. Waxaaba dhacday in la kale boolyado guryihii iyo meelihii ganacsiga.

Marka la tixgelinaayo dalnimada iyo xuquuqda waddaniga, ma jiri karto magaalo qolo leedahay ee qofku wuxuu xaq u leeyahay inuu dego meeshii u dan moodo oo dalkiisa ka mid ah. Sidaas waxaa qiraaya sharciga guud (distuurka) ee dalka. Dhanka kale, intii Soomaali dawladaha lahayd, waxaa kaabayaasha adeegyada bulshada laga yagleelay meelo kale duwan. Kaabayaashaas waxaa ka mid ah dekado iyo garoonno diyaaradeed, waxaana lagu dhisay canshuurihii laga soo aruurshay dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan ama waxaa lagu dhisay deeqo lagu keenay magaca isla dadweynahaas. Sidaas darteed ma jiri karo sharci jaaduu yahayba ka reebayaa qof dalka uu u dhashay inuu dego ama wax ka dheefsado magaaladii waxtarkeeda hantidiisa amaba magaciisa lagu dhisay. Sidoo kale wuxuu xaq u yeelanayaa inuu ka shaqeeyo ama mansab madaxnimo u istaago. Markii wax lagu eego maanka fayow, waxaa la arki karaa in magaalo si ay wax-ku-ool u noqoto u baahan tahay dadweyne cammira, kuwaas oo dhaqaalaha magalaadaas kor u qaadi kara.

Waxaa yaab leh qof og in dalka Soomaaliyeed ka dhaxeeyo dadweynaha S/liyeed oo idil oo haddana ku doodaya meel hebel reer hebel baa leh. Fikirka sidaan ahi waa kan abuuraya midnimo-la’aanta, xasalooni-la’aanta iyo xiisadaha joogtada ah.

Dhanka kale, waa arrin jirta in degaannada dalka qolooyinku ku kale badan yihiin miyi iyo magaalaba. Waxaa kale oo dhab ah in degallada dadweynaha dagaamaystaa uusan ku sugnaanayn tan iyo abuurriin ee waxaa dhici karta in markii waayo la joogaba ay isla degalkii qole cusub soo degi karto oo riixi karto tii hore ugu dhaqmi jirtay amaba la degi karto. Waxaa markaas aan suurtogal ahayn in qolo tiraahdo mar haddaan waa degi jirnay meesha annagaa iska leh oo inta kale ka guulguusho. Arrinkaan dambe, waa mid murankiisu ku xooggan yahay dadweynaha Soomaaliyeed dhexdiisa waana mid marar badan horseedda dagaallo wax-dhimaal badan.

Si kastaba ha ahaatee, degmo, gobol ama qeyb walba oo lagu dhaqan yahay waxay u baahan tahay maamul si horumarinteeda iyo xasiloonideeda looga shaqeeyo, waxaana xilku fuulayaa inta markaas ku dhaqanta. Iyadoo dalnimada ama qarnimada guud la ilaalinaayo ayaa haddana waxaa loo baahan yahay in bulshada qeybaheedu degaannadooda maamulaan. Nuxur fiican ma leh, in la yiraahdo reer hebel baa meel hebel u badan ee iyagaa ka talinaaya ee waa in qaab doorasho loo wada siman yahay maamulku ku yimaadaa. Waa inaan koox noqon tan ku amar ku taaglaysa inta kale ee waa in jifo ama reer walba dareemaa inuu la siman yahay inta kale. Sidaasi waa sida horseedi karta caddaalad loo siman yahay iyo samaan ka dhex dhalata dadweynaha guud ahaan. Waa in qofka Soomaaliyeed meeshuu tago ee dalkiisa ka mid ah ka dareemaa caddaalada loo siman yahay. Waa inuu u tartami karaa madaxnimada qeyb kasta oo dalkiisa ka mid ah, isagoon dareemin tunjileecsi ama laan-gaabnimo. Waxaa aad u suurtogal ah in qof ka soo jeedaa reer tiro yar uu ka karti badan yahay xubnaha reerka miraha roon. Markaas oo kale, ma jid baa in la yiraahdo laangaab baad tahaye waxba laguu dirsan maayo? Ma jid baa in qof wanaag iyo waxtar leh lagu gudbo laandheernimo aan tayo lahayn?

Markaan u soo dhaadhacno su’aashii ahayd; Yaa Kismaayo Leh? Jawaabtu waxay tahay; waxaa Kismaayo leh qof kasta oo ku abtirsada Beelweynta Soomaaliyeed dhinac kasta ha ka soo jeedee. Waxaa leh Ajigii waagii hore qabsaday iyo walaalahoodii waayihii dambe la soo degay. Waxaase maamulkeeda iyo mas’uuliyaddeeda leh inta deggan oo dhan oo aan la kale soocin. Waa ogahay in erayadaas dad badan ka gunuunacayo, waxaanse oran lahaa; runtu dadka kama wada qosliso eqofkii og intaan soo sheegay wax ka geddisan, waxaan jeclaan lahaa inaan wax ka barto!

Sunday, October 28, 2012

Taariikhda Dhulka Jubba oo Kooban


Taariikhda Dhulka Jubba oo Kooban

Qeexitaan:
Seddexda Gobol ee Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo baa la isku yiraahdaa Dhulka Jubba. Magacu wuxuu cuskanayaa Wabiga Jubba oo seddexda gobolba mara, isagoo ka soo bilawda Degmada Doolow ee Gedo, wuxuuna ku dhammaadaa Goobweyn oo duleedka Kismaayo ah. Wabiga Jubba wuxuu dhan yahay ilaa 1000 mayl. Magaca Dhulka Jubba maahan mid dhawaan la baxshay ee waa taariikhi sidaan hoos ka dheehan doonno.

Ragaalkii qarnigii 17aad baa koox sahan aheyd oo laga soo diray dhanka Mooyaale oo ay ka jiri jirtay saldanad la oran jiray Saldanadii Ajiga soo gaareen degaanka meesha hadda la yiraahdo Kismaayo. Magaca Ajigu wuxuu ka soo jeeday is-bahaysigii lagu dhererin jiray Saldanadii Ajuuraanka oo sida dad badan og yahay la oran jiray Aji iyo Ajuuraan.  Ajigii Mooyaale waxaa dagaallo culus ku soo qaadday Boqortooyadii Xabashida oo ka cabsi qabtay xoogaggii muslimiinta ahaa ee agaggaarka. Dagaalladaas kadib xoogaggii Ajigu waxay u kale jabeen seddex qeybood. Qeybtii soo aadday dhanka Waamo, waxay ku soo guurtay warbixinnadii sahankii soo noqday. Kooxahaas soo guuray waxaa ugu badnaa qolooyin Daarood ah, waxaana weheliyay qolooyin kale sida Dir iyo Shiikaal iyo waliba qolooyin kale sida reero Oromada ku abtirsada oo muslimay.

Kismaayada maanta iyo agaggaarkeeda waxaa xilliyadaas degganaa qolooyin Gaallo ah ama ku abtirsada Bahweynta Kuushta Bari. Isirkaan degganaa dhulka iyo qolooyinkii hayaanka ku yimid waxaa ka dhex bilawday dagaallo ba’an oo socday muddo hal qarni ku dhow. Madaama laga tiro badnaa qolooyinkii geeddiga ku yimid, waxay qeylodhaan u direen dhammaan qolooyinkii Soomaaliyeed ee u ogog lahaa meelahay ku dagaallamayeen. Badi reerihii Soomaaliyeed ee qeylodhaantu gaartay way soo gurmadeen sida Absame iyo Marreexaan oo ka soo gulfay dhanka Gedada maanta. Waxaa kaloo awood xooggan soo diray Biyomaalkii Marka iyo Tunnidii aagga Baraawe.  Sidaas darteed baa waxaa intii muddo ah ka jiray dhulka aan ka hadlaynno dagaallo jihaada oo kadhan ahaa qawmiyaddii aan muslinka ahayn ee meesha degi jirtay, waxaana loo yaqaan dagaalladii Ajiga Koonfureed iyo Gaallaha.
Dhammaadkii, waxaa laga itaal roonaaday reer gurigii dhulka waxaana loo riixay dhanka kenyada maanta. Qolooyinkii Soomaaliyeed ee adkaaday waxay noqdeen labo qeybood; intii awalba xoolo-dhaqato ahaan jirtay waxay noqdeen raacato ku noqota meelahay hore uga soo duuleen ama waxay degeen dhulka Waamo hadda loo yaqaan iyo dhulalka ku xeeran. Qeybihii isla qolooyinka adkaaday ahaa oo xirfadleeyda ahaa waxay xeebaha ka yagleeleen saldhigyo ay ugu caansan tahay Magaalada Kismaayo (Kisi-maayo). Bulshadii degalladaan isku baahisay waxay samaysteen xeerkii caanka noqday waa Xeerkii Ajiga ee Waamo e.
Xeerkii Ajiga waxaa jabisay Qoladii Wardeyda sannadku markuu ahaa 1867dii kadib markay Duqii Sare ee Baajuunta iyo nin Ogaadeen ahaa dileen.  Waxay ku gacan sayreen gogoshii wadahadalka ee la dhigay meesha Howsa la yiraahdo oo Kismaayo u dhow. Arrintaas waxay keentay in dagaal cuslus oo Ajigii u dhammaa lagu qaado Wardey. Markii dagaalkii lagu jabiyay waa la saanyooday waxaana loo qeybshay reerihii uu Isbahaysiga Ajigu ka koobnaa.

Sannadkii 1875-1885tii waxaa ku guuleystay duqnimadii Dhulalka Gosha ee daamanaka Wabiga Jubba nin la oran jiray Nasiib Buunddo, wuxuuna ku dadaalay nabadaynta kooxihii Baantuuga ee Meshunguliga oo waayahaas aagga yimid iyo qolooyinkii sii degganaa agaggaarka Gosha oo ay Tunnidu ka mid ahayd.

Sannadkii 1872dii waxaa Kismaayo soo gaaray Faalli Seyfu-Nuur oo Sansibaar laga soo diray wuxuuna heshiis la galay Ajigii Waamo ka talinaayay. Sannadkii 1893dii ayaa waxaa gaaray Luuq oo aheyd halka uu ku dhammaado dhulkii “Jubbaland” 250 askari oo ay hoggaaminaayeen Ugo Farandi iyo Vittorio Bottero. Sannadkii 1898dii ayaa heshiis wuxuu dhex maray Ingiriiska iyo Jarmalka halkaas oo Ingiriiska loogu oggolaaday inuu ka taliyo Sansibaar, Bemba, Laamu iyo Jubbaland.   

Sannadihii 1896-1901dii ayaa isbahaysigii Ajiga waxaa ka baxay tolal uu hoggaaminaayay Maxammad Subeyr/ ka Ogaadeen, waxayna hoggaamiye u doorteen Suldaan Axmad Magan. Waxaa ka mid ahaa qolooyinkii raacay M. Subeyr/ka; Gaadsan, Wardey, Bartire, Reer Aw-Quddub iyo Asharaaf. Ajigii intiisii kale waxay doorteen isbahaysi cusub wuxuuna ahaa Harti. Sababta sidaan dambe loo yeelay waxay aheyd; waxaa ku badnaa isbahaysiga cusub jifooyin dhalasho ahaan ka soo jeeday Harti Koombe.  Waxaa ka dhex oogmay Ogaadeenkii Ajiga ka baxay iyo Hartigii dhalasho dagaallo ba’an, in muddo ahna shaqaaqaduhu way joogsan waayeen, waxaana ka jiri jirtay Dhulka Waamo oraah tiraahda: Ogaadeen iyo Harti yaa Kismaayo ku adag, iyo jawaabta oo aheyd; hadba kii Sugulle Xirsi la jiro. Sugulle Xirsi Godgod wuxuu horjooge u ahaa Dadbkii Sade ama Marreexaan ee ka midka ahaa Isbahaysigii Harti ee 7da dab ka koobnaa.

Colaadihii iyo qalaalasihii siyaasadeed ee ka aloosmay geyiga Soomaaliya intii ay jirtay xukuumaddii Jaalle M. S. Barre iyo dagaalladii sokeeyaba, waxaa si xooggan loo faafiyay in Marreexaan, jubbooyinka dhawaan soo galay. Haddaba in kasta oo ay run tahay in dhulalka jubbooyinka mar walba kooxo kale duwan u soo guuri jireen, haddana waxaa dhab ah in Marreexaanku ka mid ahaa Ajigii loollanka ku galay Dhulalka Jubbada Hoose kadibna isbahaysiga samaystay. Waxaa kaloo jirtay in kooxo Sade ah oo ka mid ahaa Isbahaysigii Mooyaale ee burburay soo degeen dhulka haatan Gedo loo yaqaan ee jubbooyinka Qarnigii 17aad. Isla xilliyaadaas ku beegan qarnigii 17aad waxaa Gedo soo degay jifooyin Sade ah oo ka soo hayaamay gobollada dhexe ee Soomaaliya. Kuwaas waxaa xooggoodu ahaa laba qeybood; qeyb ka timid dhanka Hiirraan iyo qeyb ka timid dhanka Bakool. Waxaa kaloo jirtay in Qarnigii 20aad horraantiisii ay kooxo cudud lahaa oo aad u hubaysnaa jubbooyinka soo degeen, kuwaas oo loo yiqiin “Furmo-Cad”.     

 Sannadkii 1918kii waxaa shirewyne lagu qabtay Kismaayo oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan tolalkii Soomaaliyeed ee degi jiray dhulka Jubbaland. Waxaa la go’aanshay in ciidan Soomaaliyeed la dhiso oo beddela ciidan hore loo dhisay oo saldhiiggiisu ahaa Yoontooy, in waddo tareen la dhiso taas oo isku xiri laheyd Kismaayo iyo Mooyaale iyo in ragga iyo geela la tiriyo. Arrinkaas waxaa diiday Qolada Sade Daarood oo uu hoggaaminaayay Ugaas Xirsi Ugaas Maxammad, iyagoo u arkay in aarintu daaran tahay tab gumeysigu dhulka ku hantinaayo. Markay sidaas dhacday waxaa Marreexaanka lagu ganaaxay inuu yahay fallaago “Shifta” iyo inaysan dhaafin karin xoolahoodu dhulka Luuq iyo Sarinlley u dhexeeya. Sidoo kale waxaa laga soo jafay dhulalka u ogog leh Harada Taana, iyagoo markii horaba ka mid ahaa Ajigii Mooyaale.

 Sannadkii 1908dii waxaa qarxay dagaalkii Biyomaalka iyo Talyaaniga wuxuuna sababay in qoysas Biyomaal ah u soo qaxaan Margereta oo hadda Jamaame ah. Waxaa markaas qarxay dagaal kale oo dhex maray Biyomaalka iyo Daaroodka. Markii dagaalku dhammaan waayay ayaa Talyaanigu soo jeediyay inay seddex maalmood diriraan oo kale adkaadaan, waxaana dhacay dagaalkii loo yaqaannay La Guerra Di Tire Giorno. Waxaa maalintii kowaadba lagu jabiyay Biyomaalka. Markuu dagaalka maraayo meesha la yiraahdo Garaska Boramo ayaa Talyaanigu kale joojiyay, halkaasna ka dhigay seeraha labada qolo.

Sannadkii 1925kii baa Ingiriisku si rasmi ah ugu wareejiyay Jubbaland Talyaaniga. Sababta ugu weyn ee Ingiriisku u wareejiyay dhulkii Jubbaland waxay aheyd; iyadoo Dhulka Jubba ay xoog ku yimaadeen qolooyin Daarooda oo si aada u hubaysnaa, kana yimid dagaalladii Daraawiishta iyo Ingiriiska ee Gobollada Dhexe ilaa Nugaal. Waxaa ugu caansanaa kooxahaas Furmacad oo Marreexaan aheyd. Wuxuu qiyaasay Ingiriisku hub-ka-dhigista kooxahaasi inay adkaan doonto, iyadoo wali quluubtooda ay ku tiran tahay halgankii Sayid Max’d looyaaminaayay.

  Sannadkii 1919kii waxaa degaankii Waamo ku soo biiray reero Aw-Loobogay (Shiikhaal) ah oo ka soo hayaamay dhanka bari ee Wabiga Shabeelle. Sannadkii 1932dii waxaa degaanka Waamo ku soo biiray qeybo ka mid ah Tolka Gaaljecel oo ka soo guuray dhanka Gobolka Hiiraan. Qolada Cawramaleh ee Warsangeli, jilibkiisa Garlabe wuxuu Waamo soo degay isaguna 1946dii wuxuuna ka soo qaxay dagaalladii iyaga Raxanweynta ee aagga Diinsoor.

Xilliyadii gumaystaashu yimaadeen, waxay soo rogeen siyaasaddii; qeybi aad xukuntide “divide to rule” waxaana bilawday dagaallo sokeeyo iyo kalaqeybsanaan baaxad leh. Markii xornimada la qaatay wixii ka dambeeyay waa yaraadeen colaadihii iyo xiisadihii qolooyinku, waxayse cirka isku shareereen colaaduhu 1991dii markii dagaalkii sokeeye ee ba’naa qarxay. Dagaalkaas awgiis waxaa aad loogu qaxay dhulalka Jubbaland ee aan ka soo sheekaynnay, waxaana cagta la mariyay xeerarkii lagu degganaan jiray. Waxaa mudan in la xuso in tirada ugu badan ee waqtiyadaan u qaxday dhulalkaas ay ka soo jeedeen Daaroodka oo markii horaba sidaan soo sheegnay dagaamaysan jiray dhulkaan aan ka hadlaynno.
Xilligaan hadda la joogo, waxaa ku sugan Dhulka Jubba dad badan oo u qaxay intii dagaallada sokeeye jireen, waxayna qaar badan dageen Magaalada Kismaayo, waxayna sida la garan karo ugu xisheen xagga dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada oo ay uga roon tahay meelaha kale ee Dhulalka Jubba. Qaar badan oo iyaga ka mid ah hanti maguurto ah iyo mid kalaba way ka tabcadeen. Si kastaba ha ahaatee, waxaa wali aloosan muran kadhan ah qolooyinkii waayihii burburka iyo dagaallada u soo guuray Kismaayo iyo meelaha kalaba.
Waxaan maqaalkaan kan xigan, idan Alle, ku faallayn doonnaa, su’aasha ah; Yaa Kismaayo Leh


Tixraac:
1- Jubbaland History ee Aden Boqow; Boston 2005.
2- Taariikh Afeedka Soomaalida.

Tuesday, October 23, 2012

Maxaa Dawlad Goboleedka Jubba Muranka Geliyay


Maxaa Dawlad Goboleedka Jubba Muranka Geliyay?

Marka hore waxaan aad u necbahay ka-faalloodka hab-qoleedka Soomaaliyeed iyo xurgufyada ka dhaxeeya, sababtuna waa anoo ka cabsanahaya inaan ku dhex libdho ama ku dhex habaabo hinaasaha iyo is-xagxagashada joogtada ah ee qolooyinka ee maanyaridu ka adeegto. Markase la tixraaco  maahmaahdii aheyd: “Haddaan xaajo sidii daba riyaad loo feydin ma fayoobaato” waxaa qasab noqonaysa si daw loo helo in runta la bidhaamiyo ama la bikaaciyo.

Waxaa inta badan laga dhigaa in dawladdii S/liyeed ee la burburiyay 1991dii loo aaneeyo jabhado ama ururro mucaarid ahaa oo hab qoleed ku dhisnaa. Iyadoo aan taas aalaa la isku diiddanayn ayaa waxaa inta badan la daboolaa ama la marin habaabiyaa ujeeddooyinkii xoogaggii burburinta. Waxay yiraahdaan kuwa u qiil samaynayaa; waxay rabeen inay dawladdii xumayd ku beddelaan dawlad fiican.  Marka sidaas la leeyahay, waxaa laga leexanayaa in jabhadihii burburintu fikirkoodu ku dhisnaa qolo-nacayb dhab ah, iyagoo u aaneynaayay tolkii madaxweynihii dalka ee waagaas mid dalka maamulkiisa ku adeegta, jawrfal oo dhanna ku sameeya. Sidaas darteed, waxay jabhadahaasi sameeyeen weerarro ka-dhan ahaa kaabayaashii dawladnimo ee dalka iyo tolweynihii madaxweynaha. Balse waxaa la oran karaa colaaddoodu waxay inta badan ku aaddanayd tolkii madaxweynuhu ka dhashay, iyadoo xitaa aan laga reebin jifooyinkii isla tolkaas oo xubno ka tirsanaa caan ku ahaayeen mucaaradnimada xukuumadday la diriraayeen.  Tusaale ahaan, Jabhaddii Burburinta ee USC waxay xaruntii dalka ee Muqdisho ka samaysay xasuuqii ugu weynaa taariikhda Soomaaliya, waxayna la beegsatay xubin kasta oo ku abtirsatay Tolweynaha Daarood. Abaabulladii xoogga badnaa ee qolooyinkii ku midoobay magaca USC uma aabba yeelin gawracii badnaa ee waxay simeen dhallaankii, haweenkii, dadkii gaboobay, aqoonyahankii iyo qof kasta oo magacaas ku summadnaa. USC waxay ku midaysay taageerayaasheedii dabargoynta cadawgoodii soo-jireenka ahaa waa Daaroode. Sidaas darteed, waxay si baaxad leh cagta u mariyeen dad iyo hantiba wixii magacaas loo aaneeyay. Waxay ku dareen hantidii iyo astaamihii qaranka oo uu uga uraayay magacaas la necbaystay. Markii ay ka bogteen Muqdishow oo inta badan dad iyo duunyaba lagu aruursanaa waxay weerarro xooggan ku kala bixiyeen gobolladii iyo degmooyinkii cadawgoodu ku badnaa. Waxaa la wada og yahay gulufyadii afar geesoodka ahaa ee kala qaaday waddooyinka loo maro Kismaayo, Gedo, Galgaduud iyo Mudug.

Gedo oo ahaa gobolkii labaad xagga baaxadda 18kii gobol wuxuu ahaa kan ugu horumarin yaraa. Iyadoo sidaas ah buu Cumar Carte Qaalib oo markaas ahaa Wasiirkii 1aad ee xukuumaddii lagu soo malookeeyay Jibuuti 1991dii ka jeediyay Safaaraddii S/liyeed ee Sacuudiga khudbad uu ku yiri: Gedo ma maqasheen? Hantidiinnii baa si xaqdarro ah loogu dhisay oo maanta qofka jooga Gedo wixii uu rabo badhan buu taabtaa markaasaa caano, cabbitaan kale iyo cunnaba si talantaalli ah ugu yimaadaan. Cumar runta wuu ogaa wuxuuse kicinaayay dadweynihii jalbeebintiisa beenta ah dhegaysanaayay. Markaas kahor wuxuu isaga iyo kooxo la jaal ahaa nagu soo mareen magaalada Dubay waxayna si xoog iyo qaabdarro leh kula wareegeen markabkii casriga ahaa ee weynaa M/V Puntland II (wuxuu ku baxay gacanta kuwii la wareegay). Markaas kadibna waxay kala miireen shaqaalihii markabka oo isku-dhaf ahaa. Waxaa xabsiga la dhigay dhammaan intii ku abtirsatay magaca Daarood oo uu ku jiray naakhuudihii Capt. Dhegocadde  waxaana loo diyaariyay in Muqdishow loo diro halkaas oo markaas masiirkoodu inta badan noqon lahaa gawrac la hubo. Anigaan qoraya erayadaan oo markaas markabkaas ka ahaa korjoogo (supervisor) iyo xubno ka tirsanaa bulshada waxgaradka baa ka badbaadiyay shaqaalihii dhibaatadii loo qorsheeyay, waxaanna ku dadaalnay in loo diro meelo aan lagu jarayn.  

In ka badan labaatan sano baa colaado iyo qalalaaso ka hari la’ yihii dalkii gaar ahaan qeybta koonfureed ee dalka. Marka laga run sheegana waxaa aasaas u ah nacaybkii aan kor ku soo sheegnay. Waxay nasiib u yeesheen xoogaggii ku midaysnaa magaca USC iyo jaallayaashood inay hantiyaan xaruntii dalka, yeesheenna wixii hantiya oo yiillay mid gaara iyo mid guudba. Waxay kaloo nasiib u yeesheen in mar walba lagu maslaxo madaxweynnimada dalka ee qalalabta badan. Sidaas oo ay tahay waxaa wali aad u nool oo hadba magac iyo midab cusub wata nacaybkii dalkoo dhan lagu burburiyay ee ka-dhanka ahaa qolada Daarood. Si kasta oo loo afgobaadsado ama loo maldaho, arrinkaasi meesha kama bixin. Laguma eedayn karo hammigaas necbaanta ku dhisan xubin kasta oo ka mid ah qolooyinka aan ka hadlaynno laakiin waxaa hubaal ah inay jirto awood mar walba u faltamaysa kahortagga qoladii la necbaaday.

Iyadoo distoorkii iyo hannaankii xukuumaddii madaxdeeda dhawaan la magacaabay lugu dhisay habka Fedaraalka ah ayaa waxaan waayahaan aragnaa codad dhawaaq dheer leh oo kadhan ah maaminta Dawlad Goboleedka Jubba (DGJ). Hadba goldaloolo ha loo yeelo ama si ha loo duree, waxaa dhab ah in xoogagga diiddan, yihiin isla kuwii nacaybka dalka ku burburiyay waxay diiddan yihiinna tahay qoloda Daarood oo loo filaayo inay ismaamulkaas awood ku yeelan doonto.

Maxaa Habboon?
Kahor  wax kastoo dhan waa in quluubta la sifeeyo oo naceybka iyo quuriwaaga laga xoroobo, barnaamijyadii wada dhalanteedka ahaa oo madaxa looga shubay bulshada S/liyeedna loo hawlgalaa sidii looga dhaqi lahaa.
2.  Mar haddii laga maarmi waayay habka feedaraalka oo la leeyahay ismaamullo goboleedyo baa dalku ahaanaaya waa in intii isku maamul noqonaysaba aan lagu nicin ama goldoloolo loo samayne loo riyaaqo laguna caawiyaa sida ay danta moodaan.
3.  Waa in la joojiyaa carrabka dalabta leh iyo dicaayadaha lagu dhantaalaayo midnimadii wax-ku-oolka ahayd, waana in la ogaadaa hadallada xanafta leh ee aan laga taxaddarin in ay wax badan bi’in karaan.
4.  Waa in laga koraa u-fiirsiga qolooyinka iyo hawlahooda loona arko qolo kasta S/liyeed sokeeye soodhawayn mudan, dalkana laga difaacaa xudduudaha intii reeraha S/liyeed weerar iyo weerarcelin lagu mashquulin lahaa, laguna tusaale qaataa colaadihii maangaabyadu hoggaansheen ee qaranka S/liyeed silica iyo saxariirta baday.
5.  Waa in la ogaadaa in jiritaanka iyo xoojinta qaranku u baahan yihiin midnimada qeybaha S/liyeed oo dhan hurddanka iyo is-jiidjiidkana lagu waayi karo magaca oo dhan. Haddaan la isu samrin oo la isu caqlicelinna aan la gaari karin yoolka midnimo ee loo baahan yahay in la higsado.
6. Magaalada Muqdishow oo haatan ah xaruntii dalka waa inay ka xorowdaa sheegashada iyo isasiinta qoloda, hantida dadweynaha ee xoogga lagu haystana dadkii lahaa loo ceshaa, lana ogaadaa inuusan qof hantidiisii gaarka uu u lahaa oo booli loo haysto, hortiisana lagu intifaacsanayaa noqon karin muwaaddin fayow oo midnimada daryeela, inta taasi jirtana ay aasan tahay miino qarxi karta goor kasta.
7.  Waa in laga kobcaa ku-foodinta danta qaranka ee guud tan qoloda ee gaarka ah. Haddaan hanka qofka S/liyeed kor uga kicin halka uu maanta yaal ee ku qotonta anaaniyad qofeed iyo qoleed, sow munaafaqad maaha dalnimada iyo qarannimada la yaahinayaa?
8- Sow run maaha maahmaahdii "Duddumo inaad dugsato iyo inaad dareensato iskuma heshide mid u daa"?


Niman yohow muhlikaa dhacdoo, maray raggeenniiye
Malkadaan istaagaba nin baa, meyd ah oo gegane
Madaxdii la laa iyo intii, magaca dheerayde
Malyan baa ku lumay weeradii, laysu maamulaye
Allaylehe macaash lagama helin, amase maamuuse
Mashaqada dhexdeenna ah nin deyay, muusannow dhimaye
                         Cabdi-Galayax Max'd Aw-Magan

Monday, October 22, 2012

Calaf (hees)

Gudcur aan caddaba jirin
Indhahaa cadceedoo
Cidla' kaaga weheloo
Cabsi kaa kaxeeyoo
Bahal kaa la cararee
Labadeenna caynood
Haddii caad ku xiran yahay
Cudud iyo lixaad kale
Illeen lagu ma ciil baxo
Adimadu ma ciidmaan
Culays kaa ma qaadaan!

Ruuxii Curyaamihi 
Carrabka iyo ishaarada
kuma caafimaadee
Haddaan ceebtaan igu taal
Ama cudurka aan qabo
Cilaaqda iyo dhaayaha
Cilmi lagu daweyneyn
Cadkoo la iga jeebiyo
Catir la iga marineyn
Bari la i cabsiiyiyo
Cashar muxuu i tarayaa?

Cirkaan hoorri yimaadiyo

Curashada daruuraha
Calcalyada xareeddee
Dhirta soo ciriiridiyo
Dhulkaan wada cagaarka
Cosobkaan is gaariyo
Caleentiyo barwaaqda
Dhallin lala caweeyiyo
Heestiyo ciyaaraha
Haddaan calafba ii gelin
Miyuu ii cuntamayaa?

Erayada:
1- Caynood: indhood
2- Ishaarada: tilmaanta
3- Cilaaqda (ilaaqad; ilaaqadeen): dul yar ama dalool yar sida tan irbadda.
4- Caad: xayaabo; daruur khafiif ah ama dhumuc yar.
5- Dhaayaha: labada indhood
6- Jeeb: gooyo; jaro
7- Hoorri: soo da'a; soo hoora.
8- Calcalyo: xoorta uu sameeyo biyaha roobku.
8- Catir: calal; maro yar oo wax lagu tirtiro


Friday, October 19, 2012

Hammi (Dhuurcas)


Hammi iyo
Axmad Maxammad-Camarre Shirwac (Dhuurcas)

Waayaha is dhalan roga iyo wacdaraha nolosha waxaa ku lammaansan gado kale duwan oo uu qofku maalin noolba si ku weheshado. Marar badan baa qofku waxaan dan u aheyn ku gooro-seegaa ama la ahaataa in tiisu ku naban tahay. Marar bay qofka la noqotaa in mid kale tiisu ku xiran tahay oo si habi’ la’aan ah u daba joogaa. Marar baad ku deensataa siyaalo aan naftaada dux u laheyn. Marar baad u dagaashaa oo rubadda u goysaa arrin aan adiga dan gaara kuugu jirin. Marar baad mid damiin ah mooddaa door oo aad dunta ku xirataa. Marar baad dalaw ugu dhacdaa daryeelka doqon aan geyin in loo dadaalo. 

Haddaba Gabyaaga lagu bartay haladeygga ee Axmad Maxammad Shirwac ayaa tiriyay gabaygaan isagoo si sogordahan dadka ugu sheegaya in wax walba danta guud lagu qotomiyo, lagana waantoobo habi’ la’aanta, gardarrada, eexada iyo abaal la’aanta:  

   

Wax dhan baan danteydii hakiyay, horukacaygiiye
Wax dhan baan hawada raaciyo, hir iyo duufaane
Wax dhan baan hareer maray tillaab, igu habbooneyde
Wax dhan baan hore fiirinninoo, hoos u fooraraye

Habeyn-guul adduunyow haddaan, kaa isku halleeyo

Haddaan lama huraan aakhiroy, kaa hammiyi waayo
Habili’ dambeetay haddaad, hadimmo ii geyso

Hillaac aanan hubinow haddaan, kugu hayaameeyo

Hanti aanan lahayney haddaad, haylo iga jeexdo
Hal nin kalay haddaad i jabisoo, igu harraatooto
Horannimo aan heyney haddaad, halis i gaarsiiso

Wax la igu hishanayow haddaan, idin ku hawshoodo

Naf harraad ku nooley haddaan, hanfaryo kuu raacsho
Hilfo aanan laheynow haddaan, idin ku haashaaro

Ammaan igu hadoofey haddaan, kula humbaalleeyo

Nimaan hoos i dhiginow haddii aan, haraca kuu jiido 
Hiil nimaan i tarinow haddii aan, kugu hagoognaado

Midaan wax iga haynow haddii, la igu kaa huriyo

Mar ninkii i hodayow haddii aad, dib iga hoollaasho
Hunggo nin igu eegtow haddaan, kaa hamuun bi’iyo

Haanti iga oonshow haddaan, tayda ku hiraabsho

Had-heed nin igu tuurow haddaan, habaqle kaa qaado
Nin ii loogay hororow haddaan, haadda kaa dhiciyo

Abaal nimaan ka helayow haddaan, ku hantisiin waayo

I hantow haddii aan i-hure, kula hareer taago
Haddaan laba isuga kay halow, kiin mid uga hiisho

Gar la i soo hordhigayey haddaan, eexo kugu hoorsho

Haddaan hor-alle i aaminow, kaa khatalo hoosta
Higif nin igu haabtow haddaan, kaaga haro maagga

Nin i soo haweystow haddaan, kaa hortagi waayo

Midaan i hunguriyeynow haddaan, kugu hujuumoodo
Haddaan nimaan dan ii heynow, kugu hameyn seego

Ninka ii hanweynow haddaan, taagtay ku halmaamo

Haddaan tiisa maanta hayow, kula heshiin waayo
Hoos nin iga dayow haddii aan, sare kuu haabto 

Nimaan harag la goynow haddaad, hir la le’ekaato

Haddii sharaf nimaan i huwinow, hibo aan kuu siiyo
Hadalkeyga diidow haddii haah, aan dhaho kaaga

Haddaan hur is ka ma kay xijow, hug is ka kaa saaro

Kiisa u habaabow haddii aan, hagis kaa dhawro
Alleylehe hammiga taladu, waa iga habeynowday

Erayada:
- Habeyn-guul: xoolaha marka ceelka loo kaxeeyo, habeynka ay meel dhexe hoydaan ama marka laga keeno ceelka oo ay meel dhexe ku hoydaan, habeyndhax.
- Habili’: falka aad sameyso adoon ka fiirsan ama wax aad wax ka qaban karto oo aad si dareen la’ u gees marto.
-Hadimmo: wed, dhimasho, geeri.
- Hayaameeyo; marka la guuro oo meel fog loo jeedo, Keynaanin
- Heylo: marka marada la jarjaro jeexyadeeda. Fullaaxyo. Wuxuu u jeedaa hawl darteed dharkaygu ku googo’.
- Harraatooto: neefka geela ah ayaa la dhaca lugahiisa dambbe wixii cabsi geliya. Harraatin
- Horannimo: falkiisu ugu horreeyo falalka kale. wuxuu u jeedaa sarreyn uusan laheyn inuu is moodsiiyo inuu leeyahay.
- Hishanayow: godolsanaayow; bislaysanaayow.
- Hanfaryo: waxaan la siin lagu sheegay in la siiyey ama uu helay.
- Hilfo: gogol aad u duugowday, milifyo. Wuxuu u jeedaa mansabyo ama jagooyin uusan laheyn.
- Haashaaro: kugu xarragoodo, gobannimo kaa doono.
- Hadoofey; aan dhab ahaan laheyn, habowey.
- Humbaalleeyo: si kalsooni leh ula socdo.
- Harac: wax qiro weyn leh sida geedka weyn hooska ay bixiyaan.
- Hagoognaado: maro ama koofiyada madaxa la saaro oo wajiga qaar la qariyo.
- Huriyo: wax la nooleeyo sida dabka iyo fidnada. Wuxuu u jeedaa isku dirka.
- Hodayow: khatalayow, dagayow.
- Hoollaasho: inta aan isku kaa halleeyo wax i tari waaya, i dagto.
- Hunggo: waxla’aan, qadis, faramarnaan.
- Hamuun; gaajada aroortii.
- Hiraabsho: afuriyo, quraaciyo. Wuxuu u jeedaa waxsiin.
- Had-heed: khatar, halis
- Habaqle: si aan nidaamsaneyn u socda. Qaabxun.
- Loogay: martiqaad weyn. Wuxuu u jeedaa si bareer ah iigu riday waxyeello.
- Hantisiin: xoolihiisa wax ka bixiya, xoologoyn.
- Hantow: kii wax i tarow, aan i hagranow
- Hure: ka-maarme, dayriye
- Higif: aan weyneyn, sii-ridneyn
- Haabtow; goobtow, doondoonow
- Hujuumoodo; weerarow
- Hur: waxa la bixiyo iyadoo aan laga maarmin. Wuxuu u jeedaa wuxuu jecelyahay kaan iga dooran.
- Hug; waxa kuleylka iyo qabowga laga xirto. Wuxuu u jeedaa aan dan kaa yeesho.
- Hagis: dhabbaha toosan qaadsiin, toosin, hoggaamin.
- Habeynow; mugdi noqosho, aan ileys laheyn, aan qummaneyn.



















Thursday, October 18, 2012

Naf Dalkaaga Doonaysa (Sayid Max'd)


Maansadaan uu abbaartii 100 sano kahor mariyay Sayid Max'd C/lle Xasan (AUN) sow uma eka mid waayahaan aan joognana ku habboon:

Dooddaan waxaan u leeyahay
Dumarkiyo caruurtoo
Dadkii idin ka waynaa
Hadday idin dulleeyeen
Dambi kama ay yaabine
Cuntay idin ka doorteen
Duunyaa la dhaafsaday
Dugsigaad galayseen
Dameerkuna ma yeelen
Halkay talo ku daysteen

Dab intay shideen bay
Dalaq idin ku siiyeen
Doox intay qodeen bay
Ciid idin ku daadsheen
Nin idiin damqanayaa
Idin kama dambeeyee
 Haddaydaan digtoonaan
Daad bay idin qaadiye
Duleeddada kufaartaa
Dacas idin ku laynoo

Naf dalkaaga doonaysa
Firaash looma daadshee
Dabkaan aan shidaayaa
Daawadiinna weeyee
Dariiqii rasuulkiyo
Dawga ha ka baydhina

Wednesday, October 17, 2012

Hammi (Raage Ugaas)


Wuxuu iigu sheekeeyay oday dhaqan-yaqaan ah oo cimriyay in Raage Ugaas Warfaa oo inan da’ yar ah oo aan markaas gaarin toban sano ayaa walaalkiis ay isku bah ahaayeen geeriyooday. Walaalkiis wuxuu qabay haweeney aan curan, kadib siduu dhaqanku ahaa waxaa dumaashii yeeshay Raage. Waa qof dumar ah oo in badan ka weyn inankii Raage oo sida muuqata la qasbaayay ee rabtay asaaggeed inay guursato. Haddaba gabadhii oo Raage loo guuriyay ayaa ula dhaqantay sidii inan ay dhashay. Habayn walba intay caano siiso bay seexisaa illinka aqalka meel u dhow, kadibna sidii qof guurdoon ah baa iyada xodxodo loogu soo guurayn jiray. Waxay u qabtay in Raage yahay ilmo yar oo aan wax sii riidan ka garan karin sheekooyinka iyada iyo raggga u yimaada dhex mara, wayse male habowdaye Raage isagoo loo moodo wiil yar oo hurda buu caro iyo masayr la dibbiray. Waxaa waayahaas dhaqan ahayd in ragga beeshu aroortii xerada geela wada yimaado oo la isku wareysto hawlahana lagu teeleeyo. Goor ay aroor tahay baa xeradii geela horteeda waxaa la arkay inankii Raage oo himbiriirsanaaya oo indhihii casaadeen.
Markii la wareystay ayuu ku jawaabay gabaygaan daboolan laakiin xogwarranka ah oo uu uga sheekaynaayo dhibabka uu la kulmay. Waxaa la garan karaa sidii raggii hore ay u xishoon jireen oo aysan ugu dhiirran jirin inay dumarka si qayaxan wax uga sheegaan.Waxaa la rumaysan yahay in tixahaani yihiin kuwii ugu horreeyay ee Raage:     

Xalay isniintii waxaa i helay, toban umuuroode
Asal gama'na ways idhi hurddana, uurka kama seexan
Indhahana ma kala qaadahayn, aragna way muuqday

Afka kama dhawaaaqayn haddana, aamus ma aan yeelan
Ogaan u ma qoslayn oo haddana, iligyaday muuqda
Aradkana dad ku ma weheshanayn, ururna waan joogay

Albaabada dibad baan ka iil, aqalna waan jiifay
Istanbuuli cadar lay ma marin, udugna way daaray
Oon baa i dilay oo biyaan ku, ag wareegaayay

Onkod iyo hillaac roobna waa, nagu itaaleeyay
Ufo dhibicdu may wadin haddana, ooduhuu lulaayay
Awaartii ma nabin oo haddana, wuu anfacay kaynta

Anfariir xaluun baan hurddada, oog la soo kacaye
llinkaan tallaabada ku waday, kol abbaarahaye
Meeshaan abbaarada ku tago, aakhir bal aan eego


Erayada:
1-Arad: agaggaar; hareero
2- Istanbuuli: cadar laga keeni jiray Istanbuul (Turkey).
3- Itaaleyn: xoojin; awoodsiin.
4- Ufo: dabaysha xooggan ee roobka la socota.
5- Anfariir: cabsi xooggan oo degdeg ah
6- Awaar: habaas; boor.

Tuesday, October 16, 2012

Ammaankaaga Joog


Tixdaan waxaa tiriyay gabyaa qurbejoog ah oo gabar uu dhalay ku waaninaaya inay ku xasisho oo wax ka qabsato dalkay u soo qaxday. Wuxuu u qeexayaa sababta uu dhulka shisheeye u keenay iyo arrimaha ka jira dalkay u dhalatay.

Ibtiladu dhulkeennay jirtaa, axan la feentaaye
Iyagoo afkoodii qallalay, oonna soconna waayay
Adhaxday ku qaadaan, rasaas kuna adkeeyaane

Aakeyga ay weheshadaan, adhaxda kale gooye
Isirkii walaalaha noqdee, oodda wada yaallay
Ololaha qabiil kama haraan, ab iyo sheegsheeg e

Isu ure agoontii hadhee, aabbahood dilaye
Idijaa haddii lagu akhriyo, Alamtaroo raacda
Adeerow ka joog kuma hakado, awrka qooqaniye

Uurkaan ka ooyaa dadkaani, waa allow sahale
Alhuumada kuwaa lagu salliday, malaha iimaane
Ilxayiigtu way madhanayaan, aayaatiin ma lahe

Eedaadka Soomaalidiyo, urur la’aantooda
Ugaadh bay yihiin meel cidla’, aar ku weeraraye
Ibta qoriga eebada la ganay, oohin galabtiiya

Imtixaanka noloshay beryahan, la alwanayaane
Lama oga ujeeddada waqtiga, ururso mooyaane
Ha irkigin adduunyadu dhammaan, iniba waa cayne 

Meeshaan ugbaad laheyn, uriyo geed laaca
Abaar lama dugsado meel haddaan, ini magoolneyne
Abtirsiino reer hebel markii, iniba meel raacday

Naftu orod bay kugu aammintaa, kuna itaashaaye
Abris halaqa iyo good intuu, oodda miranaayo
Ammaan-duulihii ciidammadu, amarka siinaayo

Araaryaale goodiyo maskii, aburka saydhaayo
Abees guda ukuli soo baxdiyo, uurcadduhu jiifo
Aarkii dabooliyo shabeel, ayda miranaayo

Oo uu ugaas talinayee, ina ayay joogto
Indheer-garatadii laga tagee, adhigu faalloodo
Uf la yiri aqoontii jirtiyo, aragtii tii fiican

Illinkay ka booddoo midnimo, ooho laga waaye
Arooskaa qabiilladu gashee, odayga loo guurshay
Ummushaa la sugayaa waxay, eegga dhali layde

Kol haddii dhulkaagii in yari, eber ka siinayso
Aflagaaddo joogta ah dagaal, arami reebaayo
Amikaarga Ruushkii ka tagay, inan yar loo dhiibay

Ufadiyo colaaddii madfaca, ubadkii socon waayay
Intay kugu adaaduri laheyd, qolo orgooneysa
Ammaankaaga joog meeshaanaa, uunku wada yaale


Monday, October 15, 2012

Gar Eexo


Gar Eexo

Geesi iyo hanad baa 
La gabbaadsadaa
 
Rag ninkii wax garadaa
 
La garwaaqsadaa
 
Waa nin gala abaaloo
 
Gudi kara wanaagoo
 
Samo kugu gargaree
 
Gar eexiyo
 
Adoon godob u malayn
 
Hawsha ila gal
 
Ama gooni noqoo
 
Aan kaa go' ee
 
 
Gallad iyo ayaan baa
 
Lagu guursadaa
 
Talo aad gorfaysaa
 
Geed lala tagaa
 
Runta laga garaabaa
 
Layskuma gayaxo oo
 
Gees lagama eegee
 
 
Gar eexiyo
 
Adoon godob u malayn
 
Hawsha ila gal
 
Ama gooni noqoo
 
Aan kaa go' ee
 
 
Gabban maayo aniguye
 
Adaan kuu go'ee
 
Jacayl baa i gooyee
 
Adna ii garaw
 
Ha igu noqonin
 
Mid geed adag
 
Aan go'i karaynoo
 
Gacmaa daalinaayee
 
Gar eexiyo
 
Adoon godob u malayn
 
Hawsaha ila gal
 
Ama gooni noqoo
 
Aan kaa go' ee
 


Saturday, October 13, 2012

Rag iyo Dumarow Ogow


Rag iyo Dumarow Ogow


Rag iyo dumarow ogow
Riyada reer kuma dhismee
Run buu ku nagaanayaa
Rafiiq buu doonayaa
Haddaan la is raalli gelin
Barwaaqo raarantoo
Cishqiqu wuu ragaadayaa
Jacaylkuna wuu ridbaday
Ra’yigoo la is dhaafsadaa
Rasmiga lagu gaarayaa

Markaasaa raalliya
Ninkuu calaf raaciyaa
Nolosha u riyaaqayaa

Markay tolo raaran tahay
Rabbaa lala kaashadaa
Dantoo la iska raaridaa
Samaha lagu raadiyaa
Rug iyo guri lagu dhisaa
Raxmaad soo da'aa
Ramaasku soo baxaa
Rucubta laga soo gurtaa
Rayrayn lagu waarayaa
Raaxada loo wada jiraa

Markaasaa raalliya
Ninkuu calaf raaciyaa
Nolosha u riyaaqayaa

Friday, October 12, 2012

Gobsanaa Hablahayagu


Gobsanaa Hablahayagu

Marka guudka loo dabo 
Timaha gidifka loo xiro
Tirsadaan gu’-qaangaar 
Geyaankoodu soo baxo 
Ee geedka loo galo
Wada hadasho guurtidu
Gacan qaadku uu dhaco 
Laga keeno guunyada
Gibladiyo ciyaaraha 
La gingimo arooskii
Waa gaari nolol wacan 
Lagu soo gardaadshee
Gobsanaa hablahayagu!

Xubno wada garaaro le 
Itaal gedo lixaad le 
Tima goray haldhaaga 
Af madow gunudku yahay 
Maarriin gun iyo baar 
Ku mannays
tay guull
uhu
Gobannimo asiiliya
Markay guri timaaddee
Xishood aan gaboobayn
Qurux aan gaddoomayn
Maarriin casaan galay
Waa midab u gaaree
 Gobsanaa hablahayagu!