Wednesday, October 3, 2012

Caku (gabay)



Caku 
(gabay)


Caku geeri saa laba Cabdaan, geedka ka hadlayne
Caku geesi waa taan galbiyay, Xuudi gacal-kiiye
Caku goor xun waa tuu qalbigu, gaasir kaa yahaye

Caku gaari waa taan la maqal, guurka ka horow e
Caku giirka shayddaan iyo,  gaabis taladiisa 
Caku giniga lacageed Iyo ninkaan, gacanta kuba haynin
Caku gaajo waa taan u gaday, ina Galool Sulube

Caku golaha beereed iyo ninkaan, gudinta laacaynin
Caku galabta waa tuu habeyn, goorihii yimide
Caku guurti waa taanan arag, goorsan taladoode

Caku guudsan waa taana maqal, goolibbaar adage.
Caku gaballax waa tay gursheen, talo gidaarkeede.
Caku geel halaad haddaan, gaawe laga buuxin

Caku geenyo faras iyo midaan, oradka lagu gaarin
Caku guul rageed haddaan, samaha lagu goobin.
Caku geeljir waa tuu hurdada, gaawahuu culaye

Caku goob madow waa taa, gaafku noo yimide.
Caku gaalka waa tuu na galay, goor xun abidkiise
Caku guure waa taanan arag, good iyo abeese

Caku gardarro iyo kuwa, goor walba u gooja
Caku guriga iyo raggaa, goor walbaba seexda
Caku geedka dheer iyo, Gaanni fulaygaaba

Caku Oday Gar dheer iyo midkaa, diinta guriyeeya
Caku guluf colaad iyo midkaan, garanin sooyaalka
Caku garab madoobiyo kuwaa, talada googooya

Nimankii Gafuur-Adag hammiyay, gooni magacood dheh
Goomey iyo Gacal nimankii lahaa, gooran reeruhu dheh
Ilaah inuu garabkeenna yahay, gu'ga xagaagiis dheh

Namankii garnaqe hakiyay, gocasho yeelkood dheh.
Inaanay naga gaagaxayn, goosan taladood dheh.
Gooray ahaataba faranji, guutadiis maqan dheh.

2 comments:

  1. GABAYGAN WAXAA TIRIYEY Hussein Gendisch waana Qaybtii labaad ee caku geeri. Inaad soo xigato oo aadan xusin cidii tiriday waa qiyaano fool xun.

    ReplyDelete
  2. Qiyaano fool xun kkkkkk. Saaxiib anigu ma ma hubin qofkii tiriyay, waxaan la hubinna qof loo ma nisbayn karo. Suugaan badan oo aan la aqoon baa wax laga hayaan, in la qorana ay ka fiican tahay in la iska daayo, ee inaad I xusuusiso intaadan gaarsiin qiyaano?

    ReplyDelete