Monday, October 8, 2012

Miyaan Xalayto Jiifsaday?


Jiidhku muu dubaaxsheen 
Nafta oon ku jirine
Cirku jabaq ma keeneen
Hadday jirin daruurtuye
Ifka la maba joogeen
Dhulka oon la jiifine
Ogoobeey jacaylkuna
Waxaan jirin hadduu yahay
Jalleecadaan ku eegaba
Jirro i ma haleesheen 
Mana jiriricoodeen
Intaan jaah wareeree

Miyaan xalayto jiifsaday
Jirjirkaba miyaan dhigay
Riyaad igu la joogtee


Micidii dhul jiiftiyo
Jillab qodax leh waa halis
Haddaad guuro jiidhee
Jiic iyo Cadaad le
Jiir waad ku xirantaa

Jeerin uu ku yaallee

Jidiin wuxuu caddaadaa
Ama oon ku jabiyaa
Markaad jeex abaariyo
Jid cidla ah lugaysee
Jabka kaa ka sii daran
Hayay waa jacaylkee

Miyaaan xalayto jiifsaday
Jirjirkaba miyaan dhigay
Harkaagay i la joogee 

No comments:

Post a Comment