Sunday, October 7, 2012

Ha La Yaabin Waayaha


Ha La Yaabin Waayaha

Adduunyadaan yihiinka ah,
Qarniyadaan u-yaalka ah
Tariikhdaan yul-yuladka ah
Waqtiyadaan yuraynta ah
Dharaarahaan yahoonka ah
Habeynnadaan yahoolka ah
Dhacdadaan yaqiinta ah;
Waxaan shaleyto yeelaan
Maantana la yaabaa

Hadduu hilibku yaal yaal;
Oon haadka yowga ah
Laga odhan yaliyo dhaaf
Dugaaggana yur laga dhihin
Yeeshaad ka fara madhan
Yeelmada kabaha go'an
Yalla ulakac wuxuu yidhi
Ha la wada yaxooboo
Hammi yuuqan ha lagu karo;

Yuuq-yaaq maxaa dhalay?
Yaw-yaw maxay tahay?
Maxaa sheekadii yugay?
Yeel-diidday ku ekeyd
Hadalkaan isyeelyeel
Iyo yaabis laga dhigay
Midka aan yagleeshee
Hayabaa Hayabaa Hayabaa 
Hayabaa Hayabaa cayaar dhaha

Waxaad soo yabaashaba,
Ood soo yabyabataba
Ood soo yuhuuntaba
Yididdiilo oloshaba
Markay kaa yaraataba
Yaa waxaad tidhaahdaa
Dhibka aad la yoontee
Ha la yaabin waayaha
Yib baa dambaysee
.

No comments:

Post a Comment