Wednesday, October 10, 2012

Basarka Geela loo Dhaqo (Galayax)

Basarka Geela Loo Dhaqo 
(Cabdi-Galayax Maxammad Aw-Magan)  

   Haddaan baawar kama waayayee, bilo dhaqaaleeyo
  Barrimada caleenta leh haddaan, bariba meel geeyo
  Markay balaxsi doontana haddaan, dhanaha boobsiiyo

  Bartuu faran ku yaallana haddaan, baalash kaga jiido
  Middii aan dhukaan bido haddaan, biimo ku ogaado
  Goortii ay bogsootana haddii aan, bari ka fuudsiiyo

  Haddaan baanto xooluhuba way, badan xumaadaane
  Baadida lumaysiyo haddaan, baylah ka ilaalsho
  Bahalkiyo waraabaha haddaan, Baar ka celinaayo

  Haddaan baytimaal kuma gashee, buro xannaaneeyo
  Inay bulanto mooyee haddii, bixinta loo diido
  Haddaan naago kuma baayacee, baali laga dhiibin  

 Barbaarnimiyo doobnimo haddaan, baaqi ku ahaado
 Anigoo basaas qaba haddaan, bawdka hore seexdo
 Boolbaraha ciiddiyo haddaan, boorashka u jiifo

 Waa baxarka gelee haddaan, bire ku haaneedo
 Bakhayl magac ma yeeshee haddaan, bixiyo dheefteeda
 Haddaan labanka Boodey martida, ugu bashaasheeyo

 Bun haddaan u dubo oo wadaad, Baro ku yaasiimo
 Haddaan baraha jiilaal kobtii, baadle ku ekeeyo
 Oon baagamuuddiyo u huro, inaan ka baashaalo

 Bandarrada magaaliyo haddaan, balad u moogaado
 Buugtiyo iskuullada haddaan, barashadood daayo
 Haddaan kabo banbiira ah toshiyo, rabarka baabuurta

 Haddii aanan bashlaynine xarrago, baal isaga tuuro
 Baqoole iyo guuraba haddaan, baadhi la ahaado
 Bilaheeda oo idil haddaan, Baayir daba joogo

 Barigay dhalaysana haddaan, boqon ku seeteeyo
 Barqin horada laba goor haddaan, baaciyoo celiyo
 Goortay cabbaar biliqsatay, meel is babacdaaye

 Bishamaha madow iyo markay, buulka hore keento
 Bisinkiyo haddii aan u maro, baabaddii nabiga
 Haddaan nirigta beydaanka dheer, bogga ka soo jiido
 Bishaaraan iraahdaa intaan, bururo raynrayne

 Basarka geela loo dhaqo haddaan, baab walba idleeyo
 Intaasoon ku baaqtamay haddaaan, been ka dhigi waayo 
 Sow badashadiisu waa wax yare, boqol ma dhaafaayo 

Erayada;
1- Baawar: awood; af-Ingiriis (power).
2-Barrimada: meelaha; goobaha.
3- Balaxsi: milix-qaadasho.
4- Faran: ka-soobax; wax oogada ka soo baxay.
5- Biimo: meel halis ah. Wuxuu u jeeda geela kale laga dhex saaray.
6- Dhukaan: cudur halis ah oo geela ku dhaca.
7- Baylah: dayac; cidlayn.
8- Baar: hal magaceed.
9- Bawd: darbiga xerada xoolaha ama ardaaga; mus; gaso.
10- Boodey: hal magaceed.
11- Bandarrada: Bandar asal ahaan waa Faarisi waana dekad; magaalooyinka xeebaha ku yaal buu ula jeedaa.
12- Baadhi: waa Af-Ingiriis (party); wuxuu ula jeedaa aan mar walba la joogo.
13- Baayir: hal magaceed.
14- Boqon: xarigga seedda xoolaha laga sameeyo.
15- Seeteeyo: xarig lugaha uga xirid; dabrid.
16- Biliqsatay: jeenjeesi; hadba dhinac aadis.  
17- Beydaan: sur; luqun.
18- Basar: hab; sida; qaab.   
  

2 comments:

  1. dhanaha, boorashka,boolbaraha , baytimaal , bulanto buulka hore, waxaas oo dhan wad ka tagtay ma afsomali ayaad u garan wayda

    ReplyDelete
  2. dhanaha = ceelka milixda laga siiyo
    boorashka dabaysha siigada wadata
    boolbaraha bootarka caruurta
    baytimaal
    bulanto korodho badato
    buulka hore horaadada hore madobadaan

    ReplyDelete