Monday, October 22, 2012

Calaf (hees)

Gudcur aan caddaba jirin
Indhahaa cadceedoo
Cidla' kaaga weheloo
Cabsi kaa kaxeeyoo
Bahal kaa la cararee
Labadeenna caynood
Haddii caad ku xiran yahay
Cudud iyo lixaad kale
Illeen lagu ma ciil baxo
Adimadu ma ciidmaan
Culays kaa ma qaadaan!

Ruuxii Curyaamihi 
Carrabka iyo ishaarada
kuma caafimaadee
Haddaan ceebtaan igu taal
Ama cudurka aan qabo
Cilaaqda iyo dhaayaha
Cilmi lagu daweyneyn
Cadkoo la iga jeebiyo
Catir la iga marineyn
Bari la i cabsiiyiyo
Cashar muxuu i tarayaa?

Cirkaan hoorri yimaadiyo

Curashada daruuraha
Calcalyada xareeddee
Dhirta soo ciriiridiyo
Dhulkaan wada cagaarka
Cosobkaan is gaariyo
Caleentiyo barwaaqda
Dhallin lala caweeyiyo
Heestiyo ciyaaraha
Haddaan calafba ii gelin
Miyuu ii cuntamayaa?

Erayada:
1- Caynood: indhood
2- Ishaarada: tilmaanta
3- Cilaaqda (ilaaqad; ilaaqadeen): dul yar ama dalool yar sida tan irbadda.
4- Caad: xayaabo; daruur khafiif ah ama dhumuc yar.
5- Dhaayaha: labada indhood
6- Jeeb: gooyo; jaro
7- Hoorri: soo da'a; soo hoora.
8- Calcalyo: xoorta uu sameeyo biyaha roobku.
8- Catir: calal; maro yar oo wax lagu tirtiro


2 comments:

  1. cumar lay cabsiiyiyo maahe ee waa cashar lay cabsiiyiyo

    ReplyDelete
  2. waan khaldamay iga raali noqda
    waa badhilay cabsiiyiyo cashar muxuu itarayaa

    ReplyDelete