Friday, October 19, 2012

Hammi (Dhuurcas)


Hammi iyo
Axmad Maxammad-Camarre Shirwac (Dhuurcas)

Waayaha is dhalan roga iyo wacdaraha nolosha waxaa ku lammaansan gado kale duwan oo uu qofku maalin noolba si ku weheshado. Marar badan baa qofku waxaan dan u aheyn ku gooro-seegaa ama la ahaataa in tiisu ku naban tahay. Marar bay qofka la noqotaa in mid kale tiisu ku xiran tahay oo si habi’ la’aan ah u daba joogaa. Marar baad ku deensataa siyaalo aan naftaada dux u laheyn. Marar baad u dagaashaa oo rubadda u goysaa arrin aan adiga dan gaara kuugu jirin. Marar baad mid damiin ah mooddaa door oo aad dunta ku xirataa. Marar baad dalaw ugu dhacdaa daryeelka doqon aan geyin in loo dadaalo. 

Haddaba Gabyaaga lagu bartay haladeygga ee Axmad Maxammad Shirwac ayaa tiriyay gabaygaan isagoo si sogordahan dadka ugu sheegaya in wax walba danta guud lagu qotomiyo, lagana waantoobo habi’ la’aanta, gardarrada, eexada iyo abaal la’aanta:  

   

Wax dhan baan danteydii hakiyay, horukacaygiiye
Wax dhan baan hawada raaciyo, hir iyo duufaane
Wax dhan baan hareer maray tillaab, igu habbooneyde
Wax dhan baan hore fiirinninoo, hoos u fooraraye

Habeyn-guul adduunyow haddaan, kaa isku halleeyo

Haddaan lama huraan aakhiroy, kaa hammiyi waayo
Habili’ dambeetay haddaad, hadimmo ii geyso

Hillaac aanan hubinow haddaan, kugu hayaameeyo

Hanti aanan lahayney haddaad, haylo iga jeexdo
Hal nin kalay haddaad i jabisoo, igu harraatooto
Horannimo aan heyney haddaad, halis i gaarsiiso

Wax la igu hishanayow haddaan, idin ku hawshoodo

Naf harraad ku nooley haddaan, hanfaryo kuu raacsho
Hilfo aanan laheynow haddaan, idin ku haashaaro

Ammaan igu hadoofey haddaan, kula humbaalleeyo

Nimaan hoos i dhiginow haddii aan, haraca kuu jiido 
Hiil nimaan i tarinow haddii aan, kugu hagoognaado

Midaan wax iga haynow haddii, la igu kaa huriyo

Mar ninkii i hodayow haddii aad, dib iga hoollaasho
Hunggo nin igu eegtow haddaan, kaa hamuun bi’iyo

Haanti iga oonshow haddaan, tayda ku hiraabsho

Had-heed nin igu tuurow haddaan, habaqle kaa qaado
Nin ii loogay hororow haddaan, haadda kaa dhiciyo

Abaal nimaan ka helayow haddaan, ku hantisiin waayo

I hantow haddii aan i-hure, kula hareer taago
Haddaan laba isuga kay halow, kiin mid uga hiisho

Gar la i soo hordhigayey haddaan, eexo kugu hoorsho

Haddaan hor-alle i aaminow, kaa khatalo hoosta
Higif nin igu haabtow haddaan, kaaga haro maagga

Nin i soo haweystow haddaan, kaa hortagi waayo

Midaan i hunguriyeynow haddaan, kugu hujuumoodo
Haddaan nimaan dan ii heynow, kugu hameyn seego

Ninka ii hanweynow haddaan, taagtay ku halmaamo

Haddaan tiisa maanta hayow, kula heshiin waayo
Hoos nin iga dayow haddii aan, sare kuu haabto 

Nimaan harag la goynow haddaad, hir la le’ekaato

Haddii sharaf nimaan i huwinow, hibo aan kuu siiyo
Hadalkeyga diidow haddii haah, aan dhaho kaaga

Haddaan hur is ka ma kay xijow, hug is ka kaa saaro

Kiisa u habaabow haddii aan, hagis kaa dhawro
Alleylehe hammiga taladu, waa iga habeynowday

Erayada:
- Habeyn-guul: xoolaha marka ceelka loo kaxeeyo, habeynka ay meel dhexe hoydaan ama marka laga keeno ceelka oo ay meel dhexe ku hoydaan, habeyndhax.
- Habili’: falka aad sameyso adoon ka fiirsan ama wax aad wax ka qaban karto oo aad si dareen la’ u gees marto.
-Hadimmo: wed, dhimasho, geeri.
- Hayaameeyo; marka la guuro oo meel fog loo jeedo, Keynaanin
- Heylo: marka marada la jarjaro jeexyadeeda. Fullaaxyo. Wuxuu u jeedaa hawl darteed dharkaygu ku googo’.
- Harraatooto: neefka geela ah ayaa la dhaca lugahiisa dambbe wixii cabsi geliya. Harraatin
- Horannimo: falkiisu ugu horreeyo falalka kale. wuxuu u jeedaa sarreyn uusan laheyn inuu is moodsiiyo inuu leeyahay.
- Hishanayow: godolsanaayow; bislaysanaayow.
- Hanfaryo: waxaan la siin lagu sheegay in la siiyey ama uu helay.
- Hilfo: gogol aad u duugowday, milifyo. Wuxuu u jeedaa mansabyo ama jagooyin uusan laheyn.
- Haashaaro: kugu xarragoodo, gobannimo kaa doono.
- Hadoofey; aan dhab ahaan laheyn, habowey.
- Humbaalleeyo: si kalsooni leh ula socdo.
- Harac: wax qiro weyn leh sida geedka weyn hooska ay bixiyaan.
- Hagoognaado: maro ama koofiyada madaxa la saaro oo wajiga qaar la qariyo.
- Huriyo: wax la nooleeyo sida dabka iyo fidnada. Wuxuu u jeedaa isku dirka.
- Hodayow: khatalayow, dagayow.
- Hoollaasho: inta aan isku kaa halleeyo wax i tari waaya, i dagto.
- Hunggo: waxla’aan, qadis, faramarnaan.
- Hamuun; gaajada aroortii.
- Hiraabsho: afuriyo, quraaciyo. Wuxuu u jeedaa waxsiin.
- Had-heed: khatar, halis
- Habaqle: si aan nidaamsaneyn u socda. Qaabxun.
- Loogay: martiqaad weyn. Wuxuu u jeedaa si bareer ah iigu riday waxyeello.
- Hantisiin: xoolihiisa wax ka bixiya, xoologoyn.
- Hantow: kii wax i tarow, aan i hagranow
- Hure: ka-maarme, dayriye
- Higif: aan weyneyn, sii-ridneyn
- Haabtow; goobtow, doondoonow
- Hujuumoodo; weerarow
- Hur: waxa la bixiyo iyadoo aan laga maarmin. Wuxuu u jeedaa wuxuu jecelyahay kaan iga dooran.
- Hug; waxa kuleylka iyo qabowga laga xirto. Wuxuu u jeedaa aan dan kaa yeesho.
- Hagis: dhabbaha toosan qaadsiin, toosin, hoggaamin.
- Habeynow; mugdi noqosho, aan ileys laheyn, aan qummaneyn.



















No comments:

Post a Comment