Monday, October 1, 2012

Dareen-jiitayaasha Maansooyinkii Sayid Max'd



Dareen-jiitayaasha Maansooyinka
Sayid Maxammad Cabdille Xasan 

Afbakayle
Nimankii adduunkaygii dhacay, ariyo geeliiba
Anigoo islaamaba kuwii,  ii arxami waayay
Nimankaan ilaahow lahaa, eyda iga dooro

Abaalkayga nimankii ba’shee, ii istixayn waayay
Ahabtiyo ergayntii kuwii, laga la ayn waayay
Nimankii ijaabada ka tagay, aakhiru sabanka

Nibankii iblays nagu diree, naga ajoon waayay
Nimankii arlada eebbahay, nagu ugaareeyay
Namankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay

Nimankii abaartii Caleed, bari na aadsiiyay
Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu ijbaarayay
Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyay

Nimankii ilmada iga qubee, oohin iga keenay
Nimankaan ku alaladay, markii uunku wada jiifay
Nimankii ujuuradii cunee, iibka ii bixiyay

Nimankii intaas nagu falaan, na asaraareynin
Waxba yay addoomaha ilaah, nooga aargudine
Waxba yaan adduun layga siin, illintaydii

Mar haddaan wadaad aayad diin, i la ekeynaynin
Amaan aniga la oran karayn, tani ahaan mayso
Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubaysta

 Nin u Aqdaama Faranjiga
Nin u aqdaama Faranjiga, maantiyo abuurriin
Ama aaladduu sida ama, uurka kala jira
Ama arigaba u qala ama, laba ugaarsada
Ama uba ilaalaa ama, uurka kala jira
Ashahaado beeniyo, islaanimo ha lagu dhaqo
Ilaahayna nama oran anna, ma oggolaan karo

Sow Maaha?
Nin ilaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaalaaya
Ashahaado loo qoray nimaan, kala illaawaynin
Oo aan inkirahayn xaqa waa, la oggolaadaaye

Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya
Oo dagada oofinayoo, ugubka dhiibaaya
Oo aan afurin soonku waa, bilaha iideede

Adduunyada iyo xoolaha ninkii, aragti dhiibaaya
Oo inuu ohey yiraa, ka ishtixoonaaya
Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaaraynin…..

Nin jahaad ohoominayoo,  ubaxa loo saaray
Ingriiska eygaa ninkii, ugu uneexeeya
Oo libin ajri leh heloo, or iyo geeraar leh..

Nimaan edeb darroonayn xil, waa laga ajoodaaye
Aflagaaddo aan jirin nimaan, kuu la imaanayn
Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya

Ab uu yahayba aadmiga ninkii, same ekaynaaya
Abtirsiinyo kii xigay nimaan, iniq u dheeraynin
Addoomaha ilaahay nimaan, ka la irdhaynaynin

Ninkii aamusoo shib ah haddii, eray xun loo gaysto
Aan kula akeekamin intuu, urur ku soo joojo
Aan xaajo awgeed la gubay, ubucda jeexaynin

Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin
Oo xeeryo soor lagu akhtimay, ibir ka yeelaynin
Oo sida ardaal wax u cunine,  alam ka siinaynin

Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaawaynin
Oo kuu asxaan fali intuu, edeg adduun joogo
Oo aan abaaldhaca aqoon, ikhyaar saw maaha?

Aqal weyn aroos bilic leh, oo ilaxir loo yeelay
Inan quruxsan oo lagu ashbahay, uunsi iyo khayli
Oo qool asliya loo gashoo, jalamtu eedaami….

Ninkii maalintaad iillan tahay, aana kugu qaata
Oo abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin
Itaalxumada aan kaaga tagin, saw ikhwaan maaha?


Ismaaciil Mirow!
Maandhow abaabaan ku wadi, abadankaygiiye
Maandhow dadkaad eriday baan, ururinayaaye
Maandhow ooho baan oran, sidii aaran baadiyahe

Maandhow intay iigu iman, odayadoodiiye
Ililahakan bay, awr ku soo furiye
Maandhow berrey soo ekaan, ari sidiisiiye

Maandhow asxaan lagama tago, eed haddaad faliye
Maandhow ninkaad iniqdo, waa ku oggolaadaaye
Maandhow haddaan inamo raro, way i  aamminiye

Maandhow idday waxaan ku gudan, waa irdha la’aane
Maandhow ninkaan aa’i waw, aamusahayaaye
Aflagaaddadaadaan ka baqi, inay igu ogaadaane

Maandhow sidii aarka dhici, waw ilgalaclayne
Maandhow ilaaq baan ku wadi, aarankaan diliye
Maandhow ku eersaday hadday, iga ufoodaane

Maandhow ugaadhaba xirkaa, laga agloolaaye
Maandhow urtaan mari sidii, adamaddoonkiiye
Maandhow arbaha ha iga didin, oofataan ahaye


Jidka Adari loo Maro
Olalaha colkaan wado haddaan, laga ashaatoobin
Jidka Adari loo maro haddaan, laga ugaaroobin
Meesha iyo Iimey haddaanan, weerar ku ekaynin

Ilka Dheere iyo Luuq haddaan, laga awaaraynin
Ajiga Waamo joogow haddaan, olol ku soo gaarin
Adduunyada haddaanan ka shabin, tan iyo Aw-Dheegle

Nin adduunyada foofsada haddaan, uunka laga waayin
Bullaxaar agteediyo haddaan, Awdal laga yaacin
Ooryaha Amxaaradu haddaanay, Cadan ka awlaynin

Ingriiska eyga hadduusan, baqe ku aynfaadin
Goortaan awaawiyo hadduusan, oogsan oo cararin
Agabtiyo haddii uusan qubin, aaladdiyo seefta

Haddii aan islaaxii Berbera, lagu abaaroobin
Oo aanan albaabada qufulin, ilaxirkii daarta
Oo ayan eber noqon kobtii, la istireexaayay

Igarriyo haddii aanu rag kale, aakhirow hoyannin
Oo aanan sidii aar libaax, wax u unuun goynin
Soomaaliyoo idil haddaan, laga imiil qaadan

Ab uu yahayba aadmigu haddaanu, eerataw diririn
Oo aanan u aargudin raggii, naga afdhowraayay
Allaylahe islaan baan ahiyo, umalku waa beene














No comments:

Post a Comment