Tuesday, October 2, 2012


SOO GOOBBILOW IYO CIYAAR GUGA JAMCAAD MAAHA
IYO
CABDULLAAHI XAASHI WARSAME-JILIB (WARANLE)

Tixdaan hoos ku qoran waxaa tiriyey gabyaa caana oo farshaxan-suugaaneed fiican leh, kuna magac dheer Cabdullaahi-Waranlle oo hadda ku nool dalkaan Maraykanka. Wuxuu gabyaagu ku maseeyay dawladnimo raadinta Soomaaliyeed, cid u hayaamaysa dhul roob ka da’ay oo doog fiican leh. Hase yeeshee, ciddii korommadii geeloodu dhalay oo ah gaadiid ku habboon u ma adeegsan geeddigii loo lallabay. Wuxuu taas uga jeedaa Soomaali dadka ay hormoodka ka dhiganeyso in badan oo iyaga ka mid ahi ma laha waddaniyad iyo garaad xul ah, mana adeegsanayso xubnaheeda leh khibrad maamul, aqoomeed, waddaniyad iyo garaad dabiici ah toona. Waxay ka door bidday xulkii ku habboonaa hawsho kuwo aan haba yaraatee lahayn tilmaamaha kor ku sheeggan oo kaliya u taagan magac qabiil. Wuxuu leeyahay kuwii sidaas wax u jaangooyay taladii qummanayd ma haleelin, waxayna tahay in la ogaado, in dawladnimo lagu nagaan karo ay ka adeegi karaan kaliya kuwa khibradda iyo garaadka suubban leh oo haddii dhab-doon la yahay laga dhex heli karo Soomaalida maanta. Wuxuu kaloo leeyahay, abaabulladii iyo shirarkii badnaa ee loo qoondeeyay in lagu yagleelo maamul dawladeed Soomaaliyeed waa dhicisoobeen ee soo maaha in dib loo goodo shir waxyaqaanka Soomaaliyeed ka adeego oo lagu xulo xubnihii lahaa habboonaanta la rabo. Haddana wuxuu leeyahay; kuwa u firxanaya helitaan xilal oo dhab ahaantii xurquun-doonka ah iyo kuwa gawraca iyo burburinta u qumay waa in xoog loo sheegtaa oo aysan toodu meel marin, sidaasina waa sida kaliya ee ay wax ku fahmi karaan (Gujada iyo qallacu toojo soo, gaday taqaan maaha).
Dadkii goba ama dhaqan wanaagsan leh waa inuu ka caroodaa gadaha geyigiisa lagu maamulay. Waxaa dhici karta buu yiri; in qaar sokeeyahaaga kamid ah ay dani ku baddo inaad u muuqiniso ama u disho danta guud awgeed. Waxaa dhaqan gumeed ah inaad laba jeer yeesho guddoon-xumida iyo marin-habaabinta arrimaha qarankaaga. Waxaa dullinnimo ah inaad garawshiiyo iyo soodhaweyn isugu darto qarandumis tiisa ka dhex goobaya tan Qaranka Soomaaliyeed, sida hashu goojada isula taagtana, raynrayn la xafladeyso. Intii lagu luggo’i lahaa hadoodillada daacadnimada ka maran oo maangaabyadu ka adeegayaan, waxaa ka roon iyadoo la iskaba daayo dawladnimadaas horseedka xun, lana fisho maalinta farax awgiis lala ciyaari doono Goobbilaha oo idan alle noqon doonta Sannad Jimcaad oo soo beegan ( waxaan hadda galnay Sano Talaadaad):      

Cidda guurtay aan Max’dow, rarannin gaadiidka
Ee korommadii gaamurtay ee, geeluu dhalay joogto
Ee roob galbeed iyo hillaac, galacle raacaysa

Ee geedo doogliyo caleen, gamashtay doonaysa
Garaad fooraaraa u taliyayiyo, gaban aan weynaane
Nin gaboobay baa reer ku fura, guri barqwaaqo ahe

Soo inay gabnawdaye mar kale, loo guddiyo maaha
Soo ganafka oo laga toliyo, tuurin gelin maaha
Gujada iyo qallacu toojo soo, gaday taqaan maaha

Soo godolku naasaha candhada, gaax ku maqan maaha
Gob la maagay waa inay sidii, gool u carootaaye
Mar bay gacantu kuu qaban kartaa, gacal sokeeye ahe

Gaashaanka waa lagu dhuftaa, gun is biirsadaye
Laba-gooshi-qaad soo mar kale, nabar gumeed maaha
Soo inaad garawdaa ciyoon, goojo dayid maaha

Gudcurka iyo caddada soo midkood, gocasho reeb maaha
Soo geeddigoo laga noqdiyo,  guraguree maaha
Soo goobbilow iyo ciyaar, guga jamcaad maaha?

Erayada:
1-     Maxammad = wuxuu u jeedaa saaxiibkiis Max’d Carab Falaxfalax (AUN).
2-     Gaamur  = itaal yeeshay, xoogeystay
3-     Gamashtay = wuxuu u jeedaa caleen si fiican u baxday.
4-     Gabnawday = wuxuu u jeedaa; dhicisay.
5-     Ganaf = gafuurka, sanka.
6-     Tuurin =  qori la dhuubay oo sanka hasha la qallacayo la geliyo.
7-     Qallac = waa falka neefta loogu celiyo neef irmaanaantiisa la rabo oo ilmo kale lagu tolaayo.
8-     Toojo = neef aan si fiican loo tababarin oo dhib lagu liso.
9-     Gujo = candhada neefka irmaan oo si fudud loo garaaco si caanuhu u kordhaan.
10- Guun = da’ weyn, wax badan jiray.
11- Laba-goosh-qaad = yeela labo jeer ama xammila.
12- Ciyoon = markiiba, durba.
13- Goojo = waa marka hasha rintay saynta taagto.
14- Guraguree = wax meel laga qaadayo oo lagu soo noqnoqdo.
15- Goobbilow = hees-ciyaareed uu Gobolka Gedo caan ku yahay.


No comments:

Post a Comment