Sunday, October 28, 2012

Taariikhda Dhulka Jubba oo Kooban


Taariikhda Dhulka Jubba oo Kooban

Qeexitaan:
Seddexda Gobol ee Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo baa la isku yiraahdaa Dhulka Jubba. Magacu wuxuu cuskanayaa Wabiga Jubba oo seddexda gobolba mara, isagoo ka soo bilawda Degmada Doolow ee Gedo, wuxuuna ku dhammaadaa Goobweyn oo duleedka Kismaayo ah. Wabiga Jubba wuxuu dhan yahay ilaa 1000 mayl. Magaca Dhulka Jubba maahan mid dhawaan la baxshay ee waa taariikhi sidaan hoos ka dheehan doonno.

Ragaalkii qarnigii 17aad baa koox sahan aheyd oo laga soo diray dhanka Mooyaale oo ay ka jiri jirtay saldanad la oran jiray Saldanadii Ajiga soo gaareen degaanka meesha hadda la yiraahdo Kismaayo. Magaca Ajigu wuxuu ka soo jeeday is-bahaysigii lagu dhererin jiray Saldanadii Ajuuraanka oo sida dad badan og yahay la oran jiray Aji iyo Ajuuraan.  Ajigii Mooyaale waxaa dagaallo culus ku soo qaadday Boqortooyadii Xabashida oo ka cabsi qabtay xoogaggii muslimiinta ahaa ee agaggaarka. Dagaalladaas kadib xoogaggii Ajigu waxay u kale jabeen seddex qeybood. Qeybtii soo aadday dhanka Waamo, waxay ku soo guurtay warbixinnadii sahankii soo noqday. Kooxahaas soo guuray waxaa ugu badnaa qolooyin Daarood ah, waxaana weheliyay qolooyin kale sida Dir iyo Shiikaal iyo waliba qolooyin kale sida reero Oromada ku abtirsada oo muslimay.

Kismaayada maanta iyo agaggaarkeeda waxaa xilliyadaas degganaa qolooyin Gaallo ah ama ku abtirsada Bahweynta Kuushta Bari. Isirkaan degganaa dhulka iyo qolooyinkii hayaanka ku yimid waxaa ka dhex bilawday dagaallo ba’an oo socday muddo hal qarni ku dhow. Madaama laga tiro badnaa qolooyinkii geeddiga ku yimid, waxay qeylodhaan u direen dhammaan qolooyinkii Soomaaliyeed ee u ogog lahaa meelahay ku dagaallamayeen. Badi reerihii Soomaaliyeed ee qeylodhaantu gaartay way soo gurmadeen sida Absame iyo Marreexaan oo ka soo gulfay dhanka Gedada maanta. Waxaa kaloo awood xooggan soo diray Biyomaalkii Marka iyo Tunnidii aagga Baraawe.  Sidaas darteed baa waxaa intii muddo ah ka jiray dhulka aan ka hadlaynno dagaallo jihaada oo kadhan ahaa qawmiyaddii aan muslinka ahayn ee meesha degi jirtay, waxaana loo yaqaan dagaalladii Ajiga Koonfureed iyo Gaallaha.
Dhammaadkii, waxaa laga itaal roonaaday reer gurigii dhulka waxaana loo riixay dhanka kenyada maanta. Qolooyinkii Soomaaliyeed ee adkaaday waxay noqdeen labo qeybood; intii awalba xoolo-dhaqato ahaan jirtay waxay noqdeen raacato ku noqota meelahay hore uga soo duuleen ama waxay degeen dhulka Waamo hadda loo yaqaan iyo dhulalka ku xeeran. Qeybihii isla qolooyinka adkaaday ahaa oo xirfadleeyda ahaa waxay xeebaha ka yagleeleen saldhigyo ay ugu caansan tahay Magaalada Kismaayo (Kisi-maayo). Bulshadii degalladaan isku baahisay waxay samaysteen xeerkii caanka noqday waa Xeerkii Ajiga ee Waamo e.
Xeerkii Ajiga waxaa jabisay Qoladii Wardeyda sannadku markuu ahaa 1867dii kadib markay Duqii Sare ee Baajuunta iyo nin Ogaadeen ahaa dileen.  Waxay ku gacan sayreen gogoshii wadahadalka ee la dhigay meesha Howsa la yiraahdo oo Kismaayo u dhow. Arrintaas waxay keentay in dagaal cuslus oo Ajigii u dhammaa lagu qaado Wardey. Markii dagaalkii lagu jabiyay waa la saanyooday waxaana loo qeybshay reerihii uu Isbahaysiga Ajigu ka koobnaa.

Sannadkii 1875-1885tii waxaa ku guuleystay duqnimadii Dhulalka Gosha ee daamanaka Wabiga Jubba nin la oran jiray Nasiib Buunddo, wuxuuna ku dadaalay nabadaynta kooxihii Baantuuga ee Meshunguliga oo waayahaas aagga yimid iyo qolooyinkii sii degganaa agaggaarka Gosha oo ay Tunnidu ka mid ahayd.

Sannadkii 1872dii waxaa Kismaayo soo gaaray Faalli Seyfu-Nuur oo Sansibaar laga soo diray wuxuuna heshiis la galay Ajigii Waamo ka talinaayay. Sannadkii 1893dii ayaa waxaa gaaray Luuq oo aheyd halka uu ku dhammaado dhulkii “Jubbaland” 250 askari oo ay hoggaaminaayeen Ugo Farandi iyo Vittorio Bottero. Sannadkii 1898dii ayaa heshiis wuxuu dhex maray Ingiriiska iyo Jarmalka halkaas oo Ingiriiska loogu oggolaaday inuu ka taliyo Sansibaar, Bemba, Laamu iyo Jubbaland.   

Sannadihii 1896-1901dii ayaa isbahaysigii Ajiga waxaa ka baxay tolal uu hoggaaminaayay Maxammad Subeyr/ ka Ogaadeen, waxayna hoggaamiye u doorteen Suldaan Axmad Magan. Waxaa ka mid ahaa qolooyinkii raacay M. Subeyr/ka; Gaadsan, Wardey, Bartire, Reer Aw-Quddub iyo Asharaaf. Ajigii intiisii kale waxay doorteen isbahaysi cusub wuxuuna ahaa Harti. Sababta sidaan dambe loo yeelay waxay aheyd; waxaa ku badnaa isbahaysiga cusub jifooyin dhalasho ahaan ka soo jeeday Harti Koombe.  Waxaa ka dhex oogmay Ogaadeenkii Ajiga ka baxay iyo Hartigii dhalasho dagaallo ba’an, in muddo ahna shaqaaqaduhu way joogsan waayeen, waxaana ka jiri jirtay Dhulka Waamo oraah tiraahda: Ogaadeen iyo Harti yaa Kismaayo ku adag, iyo jawaabta oo aheyd; hadba kii Sugulle Xirsi la jiro. Sugulle Xirsi Godgod wuxuu horjooge u ahaa Dadbkii Sade ama Marreexaan ee ka midka ahaa Isbahaysigii Harti ee 7da dab ka koobnaa.

Colaadihii iyo qalaalasihii siyaasadeed ee ka aloosmay geyiga Soomaaliya intii ay jirtay xukuumaddii Jaalle M. S. Barre iyo dagaalladii sokeeyaba, waxaa si xooggan loo faafiyay in Marreexaan, jubbooyinka dhawaan soo galay. Haddaba in kasta oo ay run tahay in dhulalka jubbooyinka mar walba kooxo kale duwan u soo guuri jireen, haddana waxaa dhab ah in Marreexaanku ka mid ahaa Ajigii loollanka ku galay Dhulalka Jubbada Hoose kadibna isbahaysiga samaystay. Waxaa kaloo jirtay in kooxo Sade ah oo ka mid ahaa Isbahaysigii Mooyaale ee burburay soo degeen dhulka haatan Gedo loo yaqaan ee jubbooyinka Qarnigii 17aad. Isla xilliyaadaas ku beegan qarnigii 17aad waxaa Gedo soo degay jifooyin Sade ah oo ka soo hayaamay gobollada dhexe ee Soomaaliya. Kuwaas waxaa xooggoodu ahaa laba qeybood; qeyb ka timid dhanka Hiirraan iyo qeyb ka timid dhanka Bakool. Waxaa kaloo jirtay in Qarnigii 20aad horraantiisii ay kooxo cudud lahaa oo aad u hubaysnaa jubbooyinka soo degeen, kuwaas oo loo yiqiin “Furmo-Cad”.     

 Sannadkii 1918kii waxaa shirewyne lagu qabtay Kismaayo oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan tolalkii Soomaaliyeed ee degi jiray dhulka Jubbaland. Waxaa la go’aanshay in ciidan Soomaaliyeed la dhiso oo beddela ciidan hore loo dhisay oo saldhiiggiisu ahaa Yoontooy, in waddo tareen la dhiso taas oo isku xiri laheyd Kismaayo iyo Mooyaale iyo in ragga iyo geela la tiriyo. Arrinkaas waxaa diiday Qolada Sade Daarood oo uu hoggaaminaayay Ugaas Xirsi Ugaas Maxammad, iyagoo u arkay in aarintu daaran tahay tab gumeysigu dhulka ku hantinaayo. Markay sidaas dhacday waxaa Marreexaanka lagu ganaaxay inuu yahay fallaago “Shifta” iyo inaysan dhaafin karin xoolahoodu dhulka Luuq iyo Sarinlley u dhexeeya. Sidoo kale waxaa laga soo jafay dhulalka u ogog leh Harada Taana, iyagoo markii horaba ka mid ahaa Ajigii Mooyaale.

 Sannadkii 1908dii waxaa qarxay dagaalkii Biyomaalka iyo Talyaaniga wuxuuna sababay in qoysas Biyomaal ah u soo qaxaan Margereta oo hadda Jamaame ah. Waxaa markaas qarxay dagaal kale oo dhex maray Biyomaalka iyo Daaroodka. Markii dagaalku dhammaan waayay ayaa Talyaanigu soo jeediyay inay seddex maalmood diriraan oo kale adkaadaan, waxaana dhacay dagaalkii loo yaqaannay La Guerra Di Tire Giorno. Waxaa maalintii kowaadba lagu jabiyay Biyomaalka. Markuu dagaalka maraayo meesha la yiraahdo Garaska Boramo ayaa Talyaanigu kale joojiyay, halkaasna ka dhigay seeraha labada qolo.

Sannadkii 1925kii baa Ingiriisku si rasmi ah ugu wareejiyay Jubbaland Talyaaniga. Sababta ugu weyn ee Ingiriisku u wareejiyay dhulkii Jubbaland waxay aheyd; iyadoo Dhulka Jubba ay xoog ku yimaadeen qolooyin Daarooda oo si aada u hubaysnaa, kana yimid dagaalladii Daraawiishta iyo Ingiriiska ee Gobollada Dhexe ilaa Nugaal. Waxaa ugu caansanaa kooxahaas Furmacad oo Marreexaan aheyd. Wuxuu qiyaasay Ingiriisku hub-ka-dhigista kooxahaasi inay adkaan doonto, iyadoo wali quluubtooda ay ku tiran tahay halgankii Sayid Max’d looyaaminaayay.

  Sannadkii 1919kii waxaa degaankii Waamo ku soo biiray reero Aw-Loobogay (Shiikhaal) ah oo ka soo hayaamay dhanka bari ee Wabiga Shabeelle. Sannadkii 1932dii waxaa degaanka Waamo ku soo biiray qeybo ka mid ah Tolka Gaaljecel oo ka soo guuray dhanka Gobolka Hiiraan. Qolada Cawramaleh ee Warsangeli, jilibkiisa Garlabe wuxuu Waamo soo degay isaguna 1946dii wuxuuna ka soo qaxay dagaalladii iyaga Raxanweynta ee aagga Diinsoor.

Xilliyadii gumaystaashu yimaadeen, waxay soo rogeen siyaasaddii; qeybi aad xukuntide “divide to rule” waxaana bilawday dagaallo sokeeyo iyo kalaqeybsanaan baaxad leh. Markii xornimada la qaatay wixii ka dambeeyay waa yaraadeen colaadihii iyo xiisadihii qolooyinku, waxayse cirka isku shareereen colaaduhu 1991dii markii dagaalkii sokeeye ee ba’naa qarxay. Dagaalkaas awgiis waxaa aad loogu qaxay dhulalka Jubbaland ee aan ka soo sheekaynnay, waxaana cagta la mariyay xeerarkii lagu degganaan jiray. Waxaa mudan in la xuso in tirada ugu badan ee waqtiyadaan u qaxday dhulalkaas ay ka soo jeedeen Daaroodka oo markii horaba sidaan soo sheegnay dagaamaysan jiray dhulkaan aan ka hadlaynno.
Xilligaan hadda la joogo, waxaa ku sugan Dhulka Jubba dad badan oo u qaxay intii dagaallada sokeeye jireen, waxayna qaar badan dageen Magaalada Kismaayo, waxayna sida la garan karo ugu xisheen xagga dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada oo ay uga roon tahay meelaha kale ee Dhulalka Jubba. Qaar badan oo iyaga ka mid ah hanti maguurto ah iyo mid kalaba way ka tabcadeen. Si kastaba ha ahaatee, waxaa wali aloosan muran kadhan ah qolooyinkii waayihii burburka iyo dagaallada u soo guuray Kismaayo iyo meelaha kalaba.
Waxaan maqaalkaan kan xigan, idan Alle, ku faallayn doonnaa, su’aasha ah; Yaa Kismaayo Leh


Tixraac:
1- Jubbaland History ee Aden Boqow; Boston 2005.
2- Taariikh Afeedka Soomaalida.

No comments:

Post a Comment