Wuxuu iigu
sheekeeyay oday dhaqan-yaqaan ah oo cimriyay in Raage Ugaas Warfaa oo inan da’ yar ah oo aan markaas gaarin
toban sano ayaa walaalkiis ay isku bah ahaayeen geeriyooday. Walaalkiis wuxuu
qabay haweeney aan curan, kadib siduu dhaqanku ahaa waxaa dumaashii yeeshay
Raage. Waa qof dumar ah oo in badan ka weyn inankii Raage oo sida muuqata la
qasbaayay ee rabtay asaaggeed inay guursato. Haddaba
gabadhii oo Raage loo guuriyay ayaa ula dhaqantay
sidii inan ay dhashay. Habayn walba intay caano siiso bay seexisaa illinka aqal ka
meel u dhow, kadibna sidii qof guurdoon ah baa iyada xodxodo loogu soo guurayn
jiray. Waxay u qabtay in Raage yahay ilmo yar oo aan wax sii riidan ka garan
karin sheekooyinka iyada iyo raggga u yimaada dhex mara, wayse male
habowdaye Raage isagoo loo moodo wiil yar oo hurda buu caro iyo masayr la dibbiray. Waxaa waayahaas dhaqan ahayd in ragga beeshu aroortii
xerada geela wada yimaado oo la isku wareysto hawlahana lagu teeleeyo. Goor ay aroor
tahay baa xeradii geela horteeda waxaa la arkay inankii Raage oo himbiriirsanaaya
oo indhihii
casaadeen.
Markii la wareystay ayuu ku jawaabay gabaygaan daboolan laakiin
xogwarranka ah oo uu uga sheekaynaayo dhibabka uu la
kulmay. Waxaa la garan karaa sidii raggii hore ay u xishoon jireen oo aysan
ugu dhiirran jirin inay dumarka si qayaxan wax uga sheegaan.Waxaa la rumaysan yahay in
tixahaani yihiin kuwii ugu horreeyay ee Raage:
Markii la wareystay ayuu ku jawaabay gabaygaan daboolan laakiin
Xalay isniintii waxaa
i helay, toban umuuroode
Asal gama'na ways idhi
hurddana, uurka kama seexan
Indhahana ma kala
qaadahayn, aragna way muuqday
Afka kama dhawaaaqayn
haddana, aamus ma aan yeelan
Ogaan u ma qoslayn oo
haddana, iligyaday muuqda
Aradkana dad ku ma
weheshanayn, ururna waan joogay
Albaabada dibad baan
ka iil, aqalna waan jiifay
Istanbuuli cadar lay ma
marin, udugna way daaray
Oon baa i dilay oo biyaan
ku, ag wareegaayay
Onkod iyo hillaac
roobna waa, nagu itaaleeyay
Ufo dhibicdu may wadin
haddana, ooduhuu lulaayay
Awaartii ma nabin oo
haddana, wuu anfacay kaynta
Anfariir xaluun baan
hurddada, oog la soo kacaye
llinkaan tallaabada
ku waday, kol abbaarahaye
Meeshaan abbaarada ku
tago, aakhir bal aan eego
Erayada:
1-Arad: agaggaar; hareero
2- Istanbuuli: cadar laga keeni jiray Istanbuul
(Turkey).
3-
Itaaleyn: xoojin;
awoodsiin.
4-
Ufo: dabaysha
xooggan ee roobka la socota.
5-
Anfariir: cabsi
xooggan oo degdeg ah
6-
Awaar: habaas;
boor.
No comments:
Post a Comment