Tixdaan waxaa tiriyay gabyaa qurbejoog ah oo gabar uu dhalay ku waaninaaya inay ku xasisho oo wax ka qabsato dalkay u soo qaxday. Wuxuu u qeexayaa sababta uu dhulka shisheeye u keenay iyo arrimaha ka jira dalkay u dhalatay.
Ibtiladu
dhulkeennay jirtaa, axan la feentaaye
Iyagoo
afkoodii qallalay, oonna soconna waayay
Adhaxday
ku qaadaan, rasaas kuna adkeeyaane
Aakeyga
ay weheshadaan, adhaxda kale gooye
Isirkii
walaalaha noqdee, oodda wada yaallay
Ololaha
qabiil kama haraan, ab iyo sheegsheeg e
Isu
ure agoontii hadhee, aabbahood dilaye
Idijaa
haddii lagu akhriyo, Alamtaroo raacda
Adeerow
ka joog kuma hakado, awrka qooqaniye
Uurkaan
ka ooyaa dadkaani, waa allow sahale
Alhuumada
kuwaa lagu salliday, malaha iimaane
Ilxayiigtu
way madhanayaan, aayaatiin ma lahe
Eedaadka
Soomaalidiyo, urur la’aantooda
Ugaadh
bay yihiin meel cidla’, aar ku weeraraye
Ibta
qoriga eebada la ganay, oohin galabtiiya
Imtixaanka
noloshay beryahan, la alwanayaane
Lama
oga ujeeddada waqtiga, ururso mooyaane
Ha
irkigin adduunyadu dhammaan, iniba waa cayne
Meeshaan
ugbaad laheyn, uriyo geed laaca
Abaar
lama dugsado meel haddaan, ini magoolneyne
Abtirsiino
reer hebel markii, iniba meel raacday
Naftu
orod bay kugu aammintaa, kuna itaashaaye
Abris
halaqa iyo good intuu, oodda miranaayo
Ammaan-duulihii
ciidammadu, amarka siinaayo
Araaryaale
goodiyo maskii, aburka saydhaayo
Abees
guda ukuli soo baxdiyo, uurcadduhu jiifo
Aarkii
dabooliyo shabeel, ayda miranaayo
Oo
uu ugaas talinayee, ina ayay joogto
Indheer-garatadii
laga tagee, adhigu faalloodo
Uf
la yiri aqoontii jirtiyo, aragtii tii fiican
Illinkay
ka booddoo midnimo, ooho laga waaye
Arooskaa
qabiilladu gashee, odayga loo guurshay
Ummushaa
la sugayaa waxay, eegga dhali layde
Kol
haddii dhulkaagii in yari, eber ka siinayso
Aflagaaddo
joogta ah dagaal, arami reebaayo
Amikaarga
Ruushkii ka tagay, inan yar loo dhiibay
Ufadiyo
colaaddii madfaca, ubadkii socon waayay
Intay
kugu adaaduri laheyd, qolo orgooneysa
Ammaankaaga
joog meeshaanaa, uunku wada yaale
No comments:
Post a Comment