Wednesday, October 3, 2012

Caku Didib Cagaag Lehe!


Caku Didib Cagaag Lehe!
Anna taan calmadayee 
Ka caashaqay haween
Caato weyda maahoo
Hilibna muu cuslaynine
Oo culay madowiyo
Casaan diiran maahoo
Dherer lagu ma caayo
Cilin gaaban maahee
Ciriiri iyo bannaan kulul
Dani ku ma cillaaline
Ciidaan ilqabad lahayn
Cawo qura u may hoyane

Caku didib cagaag lehe
Waxay Canab ku nooshahay
Cagaar-Weyne iyo hawd
Shaxda cirifyadeedee

Ciiddeennaan hooyoo
Cir ku hooray galabtii
Calcalyada xareedda
Cosobkii ka soo baxay
Dhulku wada cagaar yahay
Daran iyo caleentii
Oo cadceeddu qabataad
Caynkeeda leedahay
Waxay cidhib ku leedahay
Amba canab ku faantaa
Hiddaheenna caanka ah
Calankeenna buluugga ah

Caku didib cagaag lehe
Waxay Canab ku nooshahay
Cagaar-Weyne iyo hawd
Shaxda cirifyadeedee

No comments:

Post a Comment