Wednesday, October 31, 2012

Yaa Kismaayo Leh?


Yaa Kismaayo Leh?

Tan iyo waagii la uumay aadanaha, waxaa jiray xeerar dhaqameed iyo xeerar dhigaaleed. Kan hore waa xeerar aan qornayn, laakiinse la qaayibay oo bulshooyinku ku dhaqmaan. Kan dambe, waa xeerar qodobaysan oo la diiwaan geliyay. Xeerar dhaqameedka waxaa ka mid ah Xeerka Xoogga oo la oran karo waa kii ugu horreeyay ee aadanahu ku dhaqmo. Waxaa tusaale muuqda u ah; qabsashadii kooxihii ka soo hayaamay Yurub qarnigii 15aad iyo waayihii ka dambeeyay oo ku hubsaday Qaaradaha Ameerika. Kooxahaasi waxay muquuniyeen ilaa 500 oo qaran ama qowmiyadood oo loogu wada yeero Hindida Cas. Waxaa kaloo tusaale wacan u ah, sidaan ku soo xusnay maqaalkii kan ka horreeyay, qabshadii qarnigii 17aad ee Ajigu ku qabsaday gobollada waayahaan Jubba loogu yeero, kuwaas oo ujeeddada maqaalkiini daaran tahay.

Marka la cuskanaayo xeerarka dhigaalka ama sharciga, waxay dunidoo dhan ka soo xigatay sharciga lahaanshaha dhulka kan islaamiga ah. Islaamku wuxuu qabaa, in marka hore dhulku yahay hanti Eebbe, dadkana loo asteeyay inuu ku dhaqmo kaliya, markaas qofku sidiisaba wuxuu dhulka ku leeyahay inta uu intifaacsado oo qura. Waxaan arrinkaan dambe tusaale uga dhigi karnaa; qof baa dhismo ku leh jid ka mid ah magaalo weyn oo dal leeyahay. Haddii dhawr sano gudahood qofkaasi u rogi waayo meel lagu nool yahay ama manaafacaad kale u leh naftiisa iyo tan bulshada uu la nool yahay, waxaa kala wareegaya maamulka magaaladaas waana la muraaddaynayaa. Sidaas darteed, qofku inta meel calaamadsado ama waabto iskama yeelan karo meeshaas waligiis, hadduusan waxtar u yeelin.

Haddii aan milicsanno xeer dhaqameedka bulshoweynta Soomaaliyeed, waxaan arkaynnaa in degaannadu u badan yihiin dhul-daaqsimeed. Waxaa dhulalka raacatadu daaqsato, aag walba sheegata qolo tolalka ka mid ah. Ogaalkay dawladihii dalku soo maray ma maarayn arrinkaas oo sharciyo kala haga dadweynaha daaqsada uma samayn. Sidaas darteed, ilaa waqtigaan la joogo dhiig badan baa u daata arrinkaan dambe. Reerka guuraa oo mar walba geeddiga u yeellan, wuxuu dhulkii aabbihiis ama awoogii daaqsan jiray u yahay inuu isagu leeyahay xitaa hadduusan waligiis dagaamaysan. Waayihii xasiloonidu ka jirtay dalka, magaalooyinka laguma sheegi jirin magaalo reer hebel leeyahay ee waxaa lagu dhex ariki jiray qolooyin isku dhafan oo qaarkood tolkoodu uusan dagaamaysan dhulalka miyiga ah ee magaaladaas ku xeeran. Markiise burburkii weynaa dhacay ayaa magaalooyinkiina loo rogay meelo qolooyin leeyihiin. Waxaaba dhacday in la kale boolyado guryihii iyo meelihii ganacsiga.

Marka la tixgelinaayo dalnimada iyo xuquuqda waddaniga, ma jiri karto magaalo qolo leedahay ee qofku wuxuu xaq u leeyahay inuu dego meeshii u dan moodo oo dalkiisa ka mid ah. Sidaas waxaa qiraaya sharciga guud (distuurka) ee dalka. Dhanka kale, intii Soomaali dawladaha lahayd, waxaa kaabayaasha adeegyada bulshada laga yagleelay meelo kale duwan. Kaabayaashaas waxaa ka mid ah dekado iyo garoonno diyaaradeed, waxaana lagu dhisay canshuurihii laga soo aruurshay dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan ama waxaa lagu dhisay deeqo lagu keenay magaca isla dadweynahaas. Sidaas darteed ma jiri karo sharci jaaduu yahayba ka reebayaa qof dalka uu u dhashay inuu dego ama wax ka dheefsado magaaladii waxtarkeeda hantidiisa amaba magaciisa lagu dhisay. Sidoo kale wuxuu xaq u yeelanayaa inuu ka shaqeeyo ama mansab madaxnimo u istaago. Markii wax lagu eego maanka fayow, waxaa la arki karaa in magaalo si ay wax-ku-ool u noqoto u baahan tahay dadweyne cammira, kuwaas oo dhaqaalaha magalaadaas kor u qaadi kara.

Waxaa yaab leh qof og in dalka Soomaaliyeed ka dhaxeeyo dadweynaha S/liyeed oo idil oo haddana ku doodaya meel hebel reer hebel baa leh. Fikirka sidaan ahi waa kan abuuraya midnimo-la’aanta, xasalooni-la’aanta iyo xiisadaha joogtada ah.

Dhanka kale, waa arrin jirta in degaannada dalka qolooyinku ku kale badan yihiin miyi iyo magaalaba. Waxaa kale oo dhab ah in degallada dadweynaha dagaamaystaa uusan ku sugnaanayn tan iyo abuurriin ee waxaa dhici karta in markii waayo la joogaba ay isla degalkii qole cusub soo degi karto oo riixi karto tii hore ugu dhaqmi jirtay amaba la degi karto. Waxaa markaas aan suurtogal ahayn in qolo tiraahdo mar haddaan waa degi jirnay meesha annagaa iska leh oo inta kale ka guulguusho. Arrinkaan dambe, waa mid murankiisu ku xooggan yahay dadweynaha Soomaaliyeed dhexdiisa waana mid marar badan horseedda dagaallo wax-dhimaal badan.

Si kastaba ha ahaatee, degmo, gobol ama qeyb walba oo lagu dhaqan yahay waxay u baahan tahay maamul si horumarinteeda iyo xasiloonideeda looga shaqeeyo, waxaana xilku fuulayaa inta markaas ku dhaqanta. Iyadoo dalnimada ama qarnimada guud la ilaalinaayo ayaa haddana waxaa loo baahan yahay in bulshada qeybaheedu degaannadooda maamulaan. Nuxur fiican ma leh, in la yiraahdo reer hebel baa meel hebel u badan ee iyagaa ka talinaaya ee waa in qaab doorasho loo wada siman yahay maamulku ku yimaadaa. Waa inaan koox noqon tan ku amar ku taaglaysa inta kale ee waa in jifo ama reer walba dareemaa inuu la siman yahay inta kale. Sidaasi waa sida horseedi karta caddaalad loo siman yahay iyo samaan ka dhex dhalata dadweynaha guud ahaan. Waa in qofka Soomaaliyeed meeshuu tago ee dalkiisa ka mid ah ka dareemaa caddaalada loo siman yahay. Waa inuu u tartami karaa madaxnimada qeyb kasta oo dalkiisa ka mid ah, isagoon dareemin tunjileecsi ama laan-gaabnimo. Waxaa aad u suurtogal ah in qof ka soo jeedaa reer tiro yar uu ka karti badan yahay xubnaha reerka miraha roon. Markaas oo kale, ma jid baa in la yiraahdo laangaab baad tahaye waxba laguu dirsan maayo? Ma jid baa in qof wanaag iyo waxtar leh lagu gudbo laandheernimo aan tayo lahayn?

Markaan u soo dhaadhacno su’aashii ahayd; Yaa Kismaayo Leh? Jawaabtu waxay tahay; waxaa Kismaayo leh qof kasta oo ku abtirsada Beelweynta Soomaaliyeed dhinac kasta ha ka soo jeedee. Waxaa leh Ajigii waagii hore qabsaday iyo walaalahoodii waayihii dambe la soo degay. Waxaase maamulkeeda iyo mas’uuliyaddeeda leh inta deggan oo dhan oo aan la kale soocin. Waa ogahay in erayadaas dad badan ka gunuunacayo, waxaanse oran lahaa; runtu dadka kama wada qosliso eqofkii og intaan soo sheegay wax ka geddisan, waxaan jeclaan lahaa inaan wax ka barto!

No comments:

Post a Comment