Thursday, October 11, 2012

Ha Noqonin Heeryadiisa Cune


Wax badan baan hogotusaal
Hoos iyo korba wax ugu iroo
Meel kale aanan hillane
Bal taydana aan hinjiyo
Naftayda mar aan la hadlo
Hirarka suugaanta galo
Sidii haan boos ahayd
In badan hoos wax loogu shubin
Dhaaxay waanadu hoddee
Bal aan heesaha ku dayo
Harkiyo labadiisa galin
Habeynku waa is riixayaan
Adduunna hawl kama dhammaan
Intaad higso leedahay
Hohey, mawdkuna ku hareer socdaa
Hadduna ma ogi goorey noqon

Waxaan heedhe aan ku iri
Ama hooy aan ku iri
Hagagga lama daadiyee
Jeceylka hantaqada ka daa
Ha noqon heeryadiisa cune

Hubsiino ayaa la yiri
Hal baa lagu doorsadaa
Waxaadan helayn
Adoo ka haraa habboon
Habaar-qabe ha noqonin
Hanfade sida haadka lala
Hikaaddu u dhaadhacayn
Cidiba aan abaal u hayn
Habluhu waa walaalahaa
Haweenku sida hooyadaa
Horaadka ku jaqsiisaysoo
Iyaga hagar lagama galo
Kalgacal hubuq laguma rido
Dadka ruuxii kuu handada
Amase hagaagga jecel
Iyaga waa lagu hirtaa
Hayeh baa qalbiga u roon

Waxaan heedhe aan ku iri
Amase hooy aan ku iri
Hagagga lama daadiyee
Jecaylka hantaqada ka daa
Ha noqonin heeryadiisa cune

Erayda: 
1- Hillane: godlin; irmaansan.
2-Hinjiyo: kor u xanbaaro; xoog u qaado.
3- Haan boos ah: haan wax badan lagu dhaqmay.
4- Hoddee: gabtee; khatashee.
5- Hadduna: wadkuna; geeriduna.
6- Hagagga: Hadalka, hadal kale laga horkeeno; muran.
7- Heeryo: waxyaalaha awrka la saaro.
8- Hanfade: waxba aan hubsan; fudude.
9- Hubuq/Hantaq: meel lagu dhaco oo lagu waxyeelloobo sida hogga.
10- Handada: weyddiista ama wax ku warsada.

No comments:

Post a Comment