Tuesday, October 9, 2012

Gaal Maxasta Kuu Nabadgashoo Magansataa Dhaama "Bariir"


Gaal Maxasta Kuu Nabadgashoo, Maganstaa Dhaama
                                 (Maxamuud Axmad Cali "Bariir")

  • Badda mootan meydkii Fircoon, baa la moosiyaye
  • Sir mitaminiyo meeqaanba way, kala masoobaane
  • Kolkii ay majaro leexatee,  xaajo marin dhaafto
  • Murti qodob ku miisaaman baa, muranka noo dhaanta
  • Madi cararta maqasheeda-koris, minow san baa dhaanta
  • Marwo hadal xun maangaab ninkeed, maqasha baa dhaanta
  • Magoog been ah talo muuqatoo, marag leh baa dhaanta
  • Hal miirshaw leh maya oo tidhaa, milow horaa dhaanta
  • Mayey aafo miidhan ah abaar, mudhuxsan baa dhaanta
  • Haddaan xididku maamuus lahayn, ma lihi baa dhaanta
  • Mirta weerar dirir maalinoo, rag is madhshaa dhaantaa
  • Mataan midiq ah laas miir ah baa, kuu mitabis dhaama
  • Boqorkii mallay dabi midgaan, xadhig martaa dhaama
  • Masjidkii cibaadada ka madhan, lama mudaa dhaanta
  • Mufti nacab ah Aw kula masoo, macallinaa dhaama
  • Walaalkaan mushaawiro lahayn, maqanahaa dhaama
  • Malab sun ah mariid laga kacaa, muudsashada dhaama
  • Muslinimo nimaan kugu dhaqayn, mu'minimo khaas ah
  • Gaal maxasta kuu nabadgashood, magansataa dhaama



No comments:

Post a Comment