Sunday, October 7, 2012

Dhaar May Maraysaa?



Dhaar May Maraysaa?

Wiilka:
Nimuu dhabarku jaban yahay
Dhaqdhaqaaqi maayee
Sidaan dhawr habeyn qaday
Dhafoorradu i jiitee
Waa dhaawacaagii
Waxa aan la dhuubtee
Markii aan ku dhawraba
Dhib baa ii kordheysee

Gabadha:
Markii hore dhitiyo subag
Dhay baan filaayee
Dhiil madhan adoo sida
Dhabta iigu tuurtee
Dharab orodka xoolaha
Dhurwaagaa ku laayee
Ani dhedo iyo ceeryaan
Hay odhan ka dhaansee
Dhalanteedku waa midaan
Iga dhaadhacayn

Wiilka:
Ninkii dhiirranaan jiray
Wakhtigaa dhantaaloo
Dhaxaan itaalkay
Amba dhabar adeygoo
Dhudhun iyo lixaadkii
Wax ku dheefi waayee
Hagar kugu ma dhaafine
Dhadhaab bay i horyaal

Gabadha:
Aqal dhinac bannaan yahay
Dhaxan kaa ma celiyee
Dharaartii aan baahnaa
Igu dhege adeygtee
Dhuub kaa koley tahay
Ka ma helin dhaqaalee
Waa adigii i dhigay meel
Dhamac iyo abaar loo
Dhalanteedku waa midaan
Iga dhaadhacayn

Wiilka:
Sidii dheeha geeloo
Dhamaal hawd ka daaqdoo
Dhanihii Bullaaliyo
Dhoobaale joogtaad
Sida tahay dhir canabaad
Dhaayaha u roontee
Wali waan dhursugayaa
Inaan wada dhammaynnee

Gabadha:
Ninkii dhuumanaayee
Dhabarkiisu muuqdee
Dhakhso loo ogaadaa
Sidiisii ka dhigantoo
Hadalka dhan-saarka ah
Kaa dhageysan maayee
Haddii ay dhab kaa tahay
Dhaar may ii maraysaa
Mise kala dhaqaanaye
Sidaasaan ku dhaafnaa?

No comments:

Post a Comment