Friday, October 5, 2012

Caqliga Kaasho Baa La Yidhi


Caqliga Kaasho Baa La Yidhi

Cawoy maalin baa la yidhi
Caddoy gudcur baa la yidhi
Cidloy wehel baa la yidhi
Ammaanadu waa culeys
Cirka iyo dhulku diidayoo
Carrana waxaa la yidhi muggeed
Daawada caashaqaan i helay
Cid kale loo dooni maayo
Cilmiga ha laguu dhigee
Caqliga kaasho baaa la yidhi

Cod iyo jiib baa la yidhi
Jaan iyo cidhib baa la yidhi
Cayaar sacab baa la yidhi
Qofuu cudur kuu hayoon
Haddana kaa caawinayn
Cad kaa maqan baa la yidhi
Daawada caashaqaan i helay
Cid kale loo dooni maayo
Cilmiga ha laguu dhigee
Caqliga kaasho baa la yidhi

Carrab ku hadal baa la yidhi
Cagay socod baa la yidhi
Cuntoy dhadhan baa la yidhi
Dunidu waa caynba cayn
Waxaad ceebta u taqaan
Qof bay camal kiisa tahay
Daawada caashaqaan i helay
Cid kale loo doonimaayo
Cilmiga ha laguu dhigee
Caqliga kaasho baa la yidhi



No comments:

Post a Comment