Thursday, October 4, 2012

Qalanjoy Ina Adeer


Gabadha:
Kalgacaylku waa qani 
Caashaqa ka qarad weyn 
Quruxiyo wanaag badan
Waana shay ku qaaliya
Qiimeynta aadmiga
Labada isla qaaddana
Qalbigooda kama go'o
Waxaan igaba kaa qaban
Kuu quudhi maayee


Qummanoow ujeeddada

Waanada adoon qubin
Soo dhaweyn qalbi furanoo
Oon qoonsimaad lahayn
Geestaada ila qabo.

Wiilka
:

Allow yaa habeyn qudha
Uurkeyga qala oo
Qudha oon la iga jarin
Quuruumaha ku loollama
Ku yidhaa garta u qaad
Taladaan qandhoodee
Aan qawda ku hayaa
Qotodeedu dheeraa
Iinsha allaahu waan qaban


Qalanjooy Ina adeer

Haddii la isu keen qorayay
Oo aan quud isku leenahay
Waan isla qosli doonnaa
Adna taa qiraha geli

Gabadha:
Bari baa nin Qaaliya
Qoomkuu la noolaa
Qawlka uu yidhaahdaba
Haddii uu quraan yahay
Ay ka qaadan waayeen
Kol adoon i qadinayn
Quluubtu way ku raacdee
Nafta aan qaboojee
Hadal quruxsan ii sheeg


Quummanoow ujeeddada

Waanada adoon qubin
Soo dhawayn qalbi furanoo
Oon qoonsimaad lahayn
Geestaada ila qabo.

Wiilka:

Adduunyada qorshaa jira
Iyo qaabab waaweyn
Qarar oodan baa badan
Qaxar iyo dhibaatana
Intaa way is dhex qaadaan
Qandoodee sheekada
Waan qaadi doonnaa
Qarqarsiga ku jiidoo
Hawlaha ma qabannaa


Qalanjooy Ina adeer

Haddii la isu keen qorayay
Oo aan quud isku leenahay
Waan isla qosli doonnaa
Adna taa qiraha geli

No comments:

Post a Comment