Monday, August 26, 2019

DARAJANA ILAAH BAAN, DALLACAAD KA SUGAYAA



Maansadaan oo soo baxday 11/07/2009 waxay u taagan tahay tusaale uu bixiyey qof inta lagu gardarrooday aan haddana dawgiis la marin. Waxay muujineysaa sida qofka qumman u dhaqmo iyo dareenka uu ka qabo gaboodfalayaasha. Magacyadu waa kuwa dhab ah.

Abti doora yeeshoo
Daahigii Dhoorriyo
Diricii Dhagallaabee
Deebaaniga ahaa
Nuur-xaad dirkiisiyo
Waliyada dawaafiyo
Culumida digriyeysee
Diiwaankii nabigii
Deegtooda saaroo
U duceeya uunkaba
Durrayddoodii baan ahay
Waxaan ahay mid daahira
Kibirkana ku dookhoo
Waxaan doono mooyee
Lay ma duufsan karayoo
Dacay lay ma suri karo
Waxaan ahay mid deeqtoon

Danta guud yaqaannoo
Diintana u garaboo
Daacidnimada jeceloo
Iimaanku deeqoo
Dullinnimo ka maagoo
Diifeynin shacabkoo
Xumahana ka doodoo
Danyartana u hiiloo
Ka dagaala maaggoo
Deeleeya samahoo
U darnaanin uunkoo
Aan dullaalin meydkoo
Xaqana u duubmoo
Fahmaduna u duxatoo
Aqoontana ku daabmoo
Beentana ka diidoo
Dibnihiisa furayoo
La dardaarmi ubadkoo
Duluc fiican sheegoo
Taariikhda duuggaa
Iyo daalaadhicii
Xilligii daboolnaa
Xilligii dambeetaba
Ku dabiiba xaalkoo
Waxaan ahay mid diirshoo
Dabajoog ma yeeloo
Daadihis ma raacoo
Daalali sareetaan
Waligay ka daartaa

Daar-dhuuq luggooya
Daandaan wareeriyo
Sawaabkii dabaadiya
Doqon goomoweyn iyo
Dabandeeb aan joogeyn
Dabatada la kaashado
Docdocoo-lihii iyo
Isha dabaha kaa jira
Uurkii daboolnaa
Xumahana ku daa’ima
Odaygii darooriya
Habartii dareen galo
Dubaaqooda waan garan

Dadka waa ciseeyaa
Midkuu doono yeelki
Ninna u ma darraadoo
Ma khiyaamo duuloo
Ma khasaaro doontoo
Ma dacaamo qurunoo
Dadka xoolihiisana
Abidkay ma daamicin
Dar-Allaan ku noolaa

Waxay ciinka daaqdaa
Haadaan ka duushaa
Dabeyluhu is dhaafaan
Cirku roobka diidaa
Dhulku daah madowiyo
Mugdi soo daboolaa
Baddu doonyaheediyo
Agabkeeda duugtaa
Duurjoogtu carartaa
Dugaagguna caroodaa
Dihatana dhanqalantaa
Daacuun halaagiyo
Daaf iyo xuunuuniyo
Dacluustii timaaddaa

Daandaansigii iyo
Weerarkii dabreyntaba
Marka la ila doontee
Kibir la iigu sii daro
Dafiraad la raacshee
Digashana timaaddee
Diinnaheyntu badatee
Xaajadu dellegantee
Dalbajuuco dhigatee
Naxariistu dawrtee
Dannigii xumaadee
Liibaani durugtee
Darandoorri noqotee
Dabarkeed hallaabee
Daqarkeed ballaadhee
Ruux daweeya weydee

Waxaan samir dugaaloo
Dallaalimada dhawroo
Daldaloolka awdoo
Ceebaheeda daahshoo
Ku dahaaro xuuboo
Iska daa iraahdaba
Marka la is dalqamiyoo
Garawshiyo la diidaan
Faraskayga Doollaal
Ma dakaamaheygii
Duhurweerar galinoo
Duufaan sideedii
Daallimiinta marinoo
Daarahooda jabinoo
Dugsigooda duminoo
Darajana ilaah baan
Dallacaad ka sugayaa

ERAYADA:
Daahi: qof caqli badan, garaad dheeriya leh.
Deebaani: xarig xoog badan oo inta badan isku xira doonta iyo farmaanka docdiisa midig.
Deeg: mar waa duudka ama dheegga, marna waa eray fardaha lagu joojiyo.
Durriyad: ka tirsan ama ku abtirsada, nasab ahaan raaco.
Dookh: madaxa xanuujiya, wareer.
Duufsi: qof falkuu rabo ku jeediya qof kale.
Dacay: xarig lagu xiro bishinta neefka oo lagu wado.
Deeqtoon: isku filan, hodan, tanaad.
Diif: raadka diihaalka ama cudurka ku reebo qofka.
Deeleyn: af u yeelid, soofeyn. Qurxin.
Duubmoo: dhanka walax la duubayo loo wado.
Daalaadhac: waqti la soo maray oo hadba si ahaa.
Diirin: qandac ka dhigid, in yar kululeyn.
Daalalli: kob ka mid ah cirka. Xilliga dayrta, waaxda 3aad ee degmooyinka xiddigaha.
Daaradhuuq: dheef ama wax kale oo aan dadka wada deeqeyn oo markaas qof u qarsoon.
Daandaan: tabaryari in lala dhaco lagu sigto, sirinsirqo.
Dabandeeb: noqnoqod badan, sii socda, soo socda.
Dabaadi: marka la soconaayo had iyo jeer gadaal socda, haraa.
Sawaab: aan caqli laheyn, doqon, dabbaal.
Docdocoole: qofka hadba dhaqan muujiya, labowajiile, munaafaq.
Daroori: hadal faro badan oo la isku daba xiro, daldalan.
Dubaaq: dareenka maskaxda ee qofka, maan.
Duul: dad, dooyo, dar, cid, col.
Dacaam: dheef, cunto, quud.
Daamic: dheef ama wax kale raba. Hunguri badni, xad gudba si uu dantiisa u gaaro.
Ciin: geed aan caleemo laheyn oo caano leh, hadduu geelu cunana ku sumooda.
Dihato: naflaha dheddig markay wax dhasho.
Dacluus: xanuun oogada dhan saabta, juucjuuc, tacluus.
Diinnaheyn: falalka ka horreeya marka labo dibi’ ishardinaayaan, dhoollotus.
Liibaan: ladnaan, barwaaqo, sareedo.
Dallaalimo: meel dusha sare maryo looga waray si milicda looga harsado.
dalqamin: sameynta fal si loo hadlo.
Dalbajuuco: waa qofka oo qaab xun u muuqda.