Friday, November 2, 2012

Maqalkii Weynaa (Cabdi-Galayax)



Macne gabay masalo toosan iyo, marinka loo doodo
Rag badan baan maniistar u ahaa, moogaggii hora e
Anigase lay muday intii, Raage mawd helaye


Beryahaanse hadalkii manciyay, miigganaan jiraye
Waataan miftaaxyada ku xiray, maqalkii weynaaye
Xalay baa mirtii dhexe hurdada, wax igu maaxdeene


Kolkaan anigu maansada damcoo, murugo ii hayso

Meekhaan la’aan uma tirshee, waan mitamiyaaye
Sidii shiikh mufti ah oo cilmiga, laga mihiibaayo
Ama roob intuu milaygi galay, mayaygu hooraayo
Goortii maqsuud laga yahaan, madal la eegtaaye
Muddadaan la rabay haatanuu, miilaheed galaye


Medka iyo shedkeediyo haddaan, miinka ka habowsho
Goortii maqdarad loo dhigtoo, laysu marinaayo
Maraado iyo xaal baan ka bixin, miiqii leexsama’e
Niman yohow muhlikaa dhacdoo, maray raggeenniiye
Malkadaan istaagaba nin baa, meyd ah oo gegane
Madaxdii la laa iyo intii, magaca dheerayde


Malyan baa ku lumay weeradii, laysu maamulaye
Allaylehe macaash lagama helin, amase maamuuse
Mashaqada dhexdeenna ah nin deyay, muusannow dhimaye
Magtii laysu diidyoo xaqii, muuqan kari waaye
Marindhaafka iyo aabigii, laysku wada maagye
Miyi iyo magaalaba arlada, loo mushtari waaye


Mucsur
weeye nimankii lahaa, maalka xoogga lehe
Moorooyinkii buuxi jiray, maray adduunkiiye
Makastiyo ninkii maan yar baa, moog wixii dhacaye


In aan wada madoobaannay baan, marag u haystaaye
Intaan labada meelood colaad, kala marshaynaynnay
Rag kaloo dagaal iga mudnaa, yaygu maadsadaye


Macnahaan raggeennu isku wado, mahadin maysaane
War Daaroodka malaggiisu galay, yaa maslixi doona?


Erayayo:

1- Maniistar: wasiir (minister).
2- Moogaggii: waqtiyadii; mararkii.
3- Miigganaan: toosnaan; wanaagsanaan; adadkaan.
4- Mitaminaayay: tashiilaayay; beekhaaminaayay.
5-Mihiibaayo: hantinaayo; helaayo.
6- Milaygi: waqtigi; xilligi; goorti.
7- Mayaygii: Baariisadii; Jirkii; roobka da'a gelinka hore ee maalinta.
8- Maqdarad: xaflad; madal la isugu yimaado oo lacag lagu uruursho.
9- Maraado: muraaddeyn; xaraash; wax sicirka suuqa ka-hoos lagu gado.
10- Miiqii: duntii; miiq waa xarigga dhuuban ee dunta ah oo wax lagu tolo; hal sadar oo gabayga ama maansada kale ka mid ah.
11- Muhlika: halligto; baabi'iso; wixii sababa dhibaato culus.
12- Malkadaan; kobtaan; meeshaan.
13- Gegane: gorofsan; koksane.
14- Weeradii: weerarkii; gulufkii.
15- Mucsur: cayr; aan xoolo lahayn.

No comments:

Post a Comment