Tuesday, November 6, 2012

Beledweyn iyo Beerlula (hees)


Beledweyn iyo Beerlula 

Bi'i waa jacaylow
Boodhari inuu dilay
Been baan u haystee
Bi'i waa jacaylow
Boogaan la dhayinoo
Cidi baanan karinoo
Beerka iyo wadnaha iyo
Bogga kaaga taaliyo
Inuu yahay bir caashaqu
Been baan u haystee

Webigoo butaacoo
Beeraha waraabshoo
Dhulku baadku jiifoo
Dhirta ubaxu buuxoo
Badarkiyo galleyddii
Laga tuuray baalkoo
Canabkii bislaadoo
Bulladiyo ciyaaraha
Lagu waa bariistoo
Beeluhu gu' joogaan
Sow bari-samaadkii
Beledweyne maan tegin


Dhanka bari magaalada
Sow boqorod joogtoo
Biyo dahab la moodoo
Bilicdii haweenkiyo
Bilic loo dhammeeyoo.
Timo boqonta joogoo
Baal goray la moodoo
Baarkana casaankii
Bidix midig is gaadhoo
Burcad lagu xiddeeyoo
Badh ku seexanaysoo
Barkanaysa qaaroo
Huuwanaysa bar oo
Igu beertay lahashoo
U buseelay maan baran.

Sow goor barqa ahoo
Bishu ay siddeed tahay
Aniga iyo Beerlula
Isku maanan soo bixin.
Sow bariidadaydii iyo 

 Barashadeedii
Buundada ciyaartee
Beledweyn ku taallee
Biyo lulata guudkood
Badhtankeeda maahayn


Sow bixiso weeyee
Ballan maanu dhiganoo
Berri joog imay odhan

Sow bayd go'aygii
Layguma bushaarayn.
Maantaa la baxayaa
Bulshadii i may odhan.
Sow waa bestayoo
Socod beegsan maayee
Ina baaja caawoo
I baxnaansha maan odhan
Sow taliye baasoo
Ba' anoo war moogi
Taydii ma beeneyn
Sow badiba kooxdii
Goortay badheedheen
Baabuurka fuuleen
Anna baal kamaan korin


Boholyow daraaddii

Sow baraq nuglaantii
Balo lagu ducaystiyo
Baryo kuma maqnaynoo
Biri may xumaatoo
Badroolka daadshoo
Ka wadaa bukoodoo
Bogsan waayo maan odhan
Sow beriga waagiyo
Barqa kulul dhexdoodii
Geed baaxad weynoo
Dherer iyo ballaar loo
Baladweyn ku caanoo 
La yiraahdo Baaroo
Bilig dheer hirkiisii
Ma bidhaansanaynoo
Bulxankiisa yeedhiyo
Ma maqlaynin baaqii


Sow baaxad-soorihii

Iyo laba boglayntii

Ma noqon besteeyoo
Bacadkii ma dheelman.

Sow galab-boqoolkii
Annakoo barwaaqiyo
Meel baadle joognoo
Tumanaynna Beerrey
Soo maan baraarugin
Riyo beena weeyee
Sow baalla daymihii
Baabuur lalaayoo
Haad baalle mooddoo 
Bananaaya buur dheer
Is ma odhan ka boodo 
Nafta sow ma biimayn
Nin Banaadir joogoo
Baledweynna haystoo
Waxaan ahay la baabee
Sow baadi-doonkii
Wali baafis maan ihi 

Beledweyn Allahayow 
Ka dhig guri barwaaqee 
Beerlula Allahayow 
Balaayada hareer mari
Beledweyn Allahayow 
Ka dhig xero badhaadee
Beerlula Allahayow
Ka barii waxyeellada 
Beledweyn Allahayow 
Ka dhig beerta raaxada 
Beerlula Allahayow
Guryo-samo ku noolee

No comments:

Post a Comment