Monday, November 5, 2012

Col iyo Nabad


COL IYO NABAD


Waxaa geyiga S/liya lagu fidneeyay colaado daba dheeraaday.
Waagii hore ee hab qoleedku ahaa hannaanka dhaqan-siyaasadeed ee bulshada way jireen colaaduhu, waxayse baaxaddoodu ku ekayd aag kooban.

Haddaba, madaama taariikhda meel lagu fahmi karo xaaladaha waayaha la joogo, waxaan halkaan ku faaqidaynnaa sida colaadaha hab qoleedku u bilaabmi jireen ama sida dagaal la isku gaag beelaa u unkami jiray.

Dhacdooyinkii ka dhex oogmay qolooyinka S/liyeed inta badan ma qornayn, waxaase nasiib wanaaga in ay ummaddu lahayd sugaan qiro leh oo laga dheehan karo dhacdooyinkaas, ugu yaraanna ku filan in laga barto siday arrimuhu waaye ahaayeen.

 jifo ka mid ahayd qolooyinkii degi jiray dhulka S/li Galbeed ama Ogaadeen ayaa waxay is ku ibtiloobeen jifo kale oo dhalasho ahaan dad isu xigeen. Sida lagu wariyey sheekadii Mataan-Ciideed ee Axmad Faarax Cali (Idaaja) ka sii daayay Idaacaddii Muqdishow 80aad/kii, gabaygaan waxaa uu Nuur-Jiir Ibraahim tiriyay markii inta la dilay Mataan-Ciideed mag nin ka badan laga qaatay, haddana qoladii Mataan u dishay Cali-Dhan. Markii qoladii Cali u gar dhigatay arrintana garawshihii ay filayeen ka waayeen. Waxaa kolkaas gabaygaan nuxurkiisu yahay dhaar iyo wacad uu maraayo, tiriyay  Nuur_jiir Ibraahim, oo ka tirsanaa qoladii Cali-Dhan. Waxaana mudan in la xuso in gabayaaga qolo, uu ahaa afhayeenkeeda.

Haddaan Caynaboow col iyo guluf, caato kugu raagin
Waxaad cooddi weynayd haddaadan, caday ku dhuubnaanin
Casar galay sidiisii haddaadan, dhidid ku caaraysan

Caynab: magaca faraskiisa
Cooddi: waa hilib ama baruur

Wuxuu la hadlay faraskiisii Caynab oo uu u sheegay inuu ku caatoobi doono weerarka iyo difaaca soo aaddan, wuxuu kaloo uu sheegay inuusan nasan doonin ee dhidid oogadiisa saaban doono.Tixdu waa sarbeeb ee Nuur wuxuu la hadlaya naftiisa oo uu ku qancinayo in arrintu joogto meel col mooyee aysan nabidi toolmoonayn, sidoo kale wacadka uu marayo wuxuu u leeyahay xubnaha qoladiisa oo iyagaba dhiillo mooyee aan dhababaqo u muuqan.

Haddaan cududohoodu isku jabin, cuurka Bah Xawaadle
Oon maydku cagahaagan noqon, sida cagaar seexday
Geeddiga cadceedsaday haddaan, cagajab loo guurin
Cad la quuto mooyee haddaan, caano laga dhaaran

Wuxuu ku dhaartay in awoodda Bah Xawaadle ee ay labada qoloba ka tirsanaayeen ay isku baabi’ doonto. Maadaama gardarro iyo gafba la isu raaciyay. Waxay la ahayd Nuur in mar haddii wanaaggii ku habboonaa la waayay ay jid tahay in la galo dagaal baaxad leh, geerida labada dhinac ee timaaddaana ay noqon doonto sida cagaarka dhulka oo is qabsaday. Colaaddani waxay keeni doontaa in la qaxo oo bogox loo hayaamo, geeddiguna uu noqon doono mid lagu cago jabo ee uusan lahaan doonin fursad lagu nasto. Nin nabad haystaa xoolihiisa maalee, dhiilladani waxay noqon doontaa neef la qasho ama ugaar la disho mooyee mid aan kasho loo heli doonin caano la soo maalo.

Sida laga calool qabo haddaan, Cali ka weynaanin
Haddaan nabadda ceelkaan ku rido, cidi ka soo saarto
Caallaan ahoo caallay dhalay haddaan, dunidu ciiryaamin

Sida qoladii dishay Cali-Dhan ay dhiiggiisa ku qiimaysay inuu ka culus yahay baan dhaar ku marayaa waana wacad in si qaraar loo dareemo. Waxaan kaloo dhaar ku maray in aan nabadda ceel dheer ku ridi doono. Waa sarbeebe, wuxuu ula jeedaa in dhibka na kale gaaraa uu ahaan doono mid qoto dheer.
Ugu dambaynna wuxuu Nuur ku dhaartay inuu sawir yahay ina sawirna yahay, hadday arrintaan uu ku dhaaranayo dhaboobi weydo oo xiisaddu cirka isku shareeri weydo.

Waxaa la is weyddiin karaa sababta Nuur_Jiir sida daran ugu dhaaranayo iyadoo nin la dilay iyo mid loogu aaray ahaayeen dhacdooyin joogto u ahaa raacatadii S/liyeed. Sida la sheegay waxaa utunta Nuur ku fogeeyay waa iyadoo jifadiisa tan kale ka miro roonayd, taasna ay dhalisay dareen tunjilicsi ah ama qab dhanka kale ah, waana kuwaan dambe, kuwa marar badan u ahaa colaadaha la isku fogaado saldhig. Ninka maalintaas laga itaal roon yahay haddii gartiisa ama xaqiisa lagu gadaamo kibir iyo anaa tiro badan ama awood leh waxay horseeddaa colaad la soo afjari waayo.

Dareenka qofka loo geystay hagardaamo, gef iyo  gardarro dhayalsi weheliyana loogu sii daray qof caadiyihi ma qiyaasi karo, waxayna ka dhigan tahay xanuunka nafbaxa ruux nafta laga qaaday mooyee, ruux kale ma qiyaasi karo, waxaana tusaale inoogu filan tixdaan kale ee uu Nuur-Jiir kaga warramayo burbur-nafsiyeedka loo geystay iyo xaaladdii naftiisa la mariyay sida ay u mudan tahay in laga ficil qaato.

Tawaawacayey toban jeer miyaan, xalayto soo toosay?
Tiiraanyo iyo ciil miyaan, timo madoobaaday?.
Sidii ari tigaad cunay miyaan, taaha ku caweeyay?

Tigaad: meel doogatay oo naq badan ka baxay

Kurbada aan ka qaaday sidii loo maamulay dilkii Cali-Dhan miyaan hurdada la ladi waayay? Ciilka iyo murugadaan qabo miyaa timahaygii cirroobay la madoobaadeen? Ma sida ari naq ka soo dhargay oo calooshii buuxday awgeed ku cawaynaya taah baan la mid ahoo tiiraanyaan la taahayaa?

Ma tunkaa i buuxsamay sidii, toban jir awr-geel ah?
Ma tallaabadaydaan haldhaa, orod wax tuugaynin?
Laba saanac ii tumay miyaa,  tiirsan garabkayga?

 Ma xoogga jirkaygaa gaamuray oo tunkaygaa la moodaa sida kan awr-geel oo toban jir ah, waa guga awrku itaal buuxsadee?
Ma xawaarahaygaa, haddaan orddo  ka yarayn kan haldhaaga gorayo? Ma qalabka dagaal ee ii yaal baa dhammaystiran waa waran iyo abley e ama waran iyo gaashaane?

Meerisyadaan dambe Nuur waa ku tallamay oo waxaad moodda inuu naftiisa ku amba bixinayo inuu fal geysto, madaama ay  awooddii dagaal u dhan tahay.

Miyay tabaraday laba qabiil, taws dhex dhigi weyday?
Balaayadaan i taabo le, miyaan toosin kari waayay?

Xitaa haddii aan itaal kale waayo miyaan kari waayey inaan labadaan reer isku ibtileeyo ama mashaqo dhex dhigo?
Miyayna aabigaan iyo gafkaani ahayn kuwa diyaarshay in gacan-ka-hadal looga jawaabo?

Sida la wariyay markii Nuur ku maansooday tixahaan soo sheegnay oo laga garan karo inuu markaas ahaa nin u diyaar garoobay in dhiig la daadsho, una ah jawaab dilkii Cali iyo gefafkii daba yiillay, waxaa xigay in Cali-Dhan loogu aaro barbaar loo hanweynaa, gaashaan-qaad dhiggiisa ka horreeya oo aan markaas wiil loo dhigo reerkaas ku jirin, magaciisuna ahaa Cabdi.

Cakuye colaad, yaan iyada ahayn oo keena in ciidda lagu rogo caaqil aan la quuri karin iyo caalim aan cilmigiisa mid kale lahayn.

Dhacdadii Cabdi lagu dilay markay dhacday baa Nuur-Jiir dhammaystiray tixdiisii ta’da ku socotay oo wuxuu yiri:

Ma Cabddaa turaabta isku rogay, waa tabtaan rabaye?
Markii aan ku taagsaday, miyuu talalay oo reemay?.
Ma tummaatidii baan wadanaha, tahan wax weydaarshay?
Ma tawaawicii buu yiri, taa ha ii celine?

Turaab: ciid
Tummaati: nabar waran oo gacanqabsi ah
Tawaawac: cabasho ama calaacal
Tahan: in door ah; aad iyo aad

Ma inankii Cabdi baan dilnay oo naf la caarigii miyuu ciidda ku galimaystay? Ma markii aan nabarka si wacan ula helay buu balaanbalay oo taahay?. Ma tummaatidii warankayga baa wadnaha sii dhaaftay? Ma calaacal buu ku yiri, mid kale ha ii celinin.

Tunka xil iga saarraa miyaan, tuuray galabtiiba?

Libaaxuba dhurwaa toban kunuu, tulud ka qaataaye

Ma rag baa la tiriyaa hadduu, toban kol weydaarto?

Tulud: neef geela

Ma xilkii ahaa inaan Cali-Dhan u aaro baa iga haray? Libaaxuba neef geela oo ay dhurwaayo badan disheen buu kaligi ka qaadaaye, ma rag baa tiradooda awgeed xitaa hadday toban qof yihiin in hagardaamo loo geysto wax lagu jaangooyaa?

Ninkii farayaraan igu tuhmay, talo ka hoostaaye

Wallee aniga waa lay tixgelin, tiirinnimadeyda

Tiirri: dad laga sheekooyo oo xoog badnaa, dilaana ahaa

Kii wax ku cabbirta badnaan qoladiisu naga badan tahay oo dhib noo geystaa  talo xumaaday, anigana sida aan uga jawaabay falkii talo-xumaha waxay noqon doontaa tusaale wax lagu beego.

Sida ku cad dhammaadka gabaygii Nuur-Jiir waxaa colaaddaas lagu rogmaday saldhig u ahaa quursi iyo tiro yaraan dhinac la biday, Iyo qab iyo itaal dhinicii kale is biday.

Cibrada aan ka barannay casharkaan taariikh-dhaqameedka ah waa in dadka aan la iska weyneyn, maamulka dhacdooyinkana aan lagu cabbirin itaal ama tirada qolo leedahay.
Waa in si siman ama caddaalad ah xaajada dhex marta dadka lagu dhaqaa. Haddii kale waxaa imaan doonta fidno hurisa dagalladoo idil, lumisana nin dooroo idil, khasaaraheeduna noqdo mid kabayo loo waayo.

Cibaaro waa ku hilan tahay taariikhda oo idil, warsidaheeduna ma yaree, waxaa kooban wax-ku-qaataheeda, waana muqafalka ka maran garaadka kan horseeda aafooyinka dadku abuuro.

Colaadi waa tan uurada kicisa, qeeqaabisana degmooyin dhan. Waa tan keenta gambi iyo gambalaali gees walba ah. Waa tan barakicisa bulshada oo gayeysiisa falal gunnimo ku idishahay. Waa tan galaafata maxasta oo aan u turin gambooley, gabar iyo gaban yar toona. Waa tan reebta guuldarro qoomamo weheliso iyo gocasho aan harin.

Nabadi waa neecow qabow, nasasho  iyo naxariis baahsan. Waa nolol lagu naaloodo oo nin ragi garan karo nimcadeeda, nacaskuna ka diimmoonaado. Nabadi waa tan keenta dhacdiid-u-seexad iyo aashaa-u-socod. Nabadi waa nuur iftiimaya iyo nawriiska barwaaqada.   



Afeef: dadka S/liyeed oo ku dhisan hab-qoleed waxay sooyaalladooduna u badan yihiin kuwa dhexmara qolooyin. Sidoo kale sugaantana waxaa ku badan sheegidda qolada. Si loo darso dhaqan taariikheedkana waxaa qasaba in loo barto casharka siduu u ahaa. Haddaba, waxaan ka cududaaranayaa haddii qormadaydani yeelato xasaasiyad qolo. Aniguna waxaan ula jeedaa in aan baranno taariikhdeenna iyo inaan ku cibro qaadanno waayaheeda..




 







No comments:

Post a Comment